Sidee Loo Sameystaa Blog ama Website

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 29, 2017 | 26 Jawaabood

« | »

Ugu horayn inta aynaan dhex gelin sida loo sameeyo blog, waxaan marka hore isla meel dhigeynaa macnaha guud iyo qeexidda blog iyo waxyaabaha asaaska u ah.

Waa maxay Blog?

Blog waxaa laga soo gaabiyey Weblog, oo ah qoraallo taxane ah oo lagu daabaco Website, qoraalladaas oo noqon kara kuwo mowduuc gaar ah ku saabsan, sida noocyada cilmiga oo kala duwan, waxbarashada, caafimaadka, taariikh, joqoraafi, maqaallo aqoon-kororsi, iwm.

Maxaad u xiisaynaysaa in aad bilowdid Blog?

Ka hor inta aadan bilaabin Blog, waa in ay kuu caddahay ujeedada aad u rabtid blog, waana in aad jawaab u heshid su’aalahan:

  • Maxaad u danayneysaa in aad samaysatid blog ama website?
  • Waa maxay mowduuca uu ku saabsan yahay blog-ga?
  • Waqti ma u haysaa qorista mowduuca uu ku saabsan yahay?
  • Si joogto ah miyaad u qori doontaa mase waa dhif-iyo-naadir markii bil ka caana shubato?
  • Muxuu blog-gaagu faa’iido ku soo kordhinayaa bini-aadamka, aayatiinse ma yeelanayaa?
  • Ma hiwaayad ayuu kuu yahay blogga, mase waa mid aad ugu talo gashay lacag in aad ka samaysid, mise waxaad ku gudbineysaa aqoonta iyo cilmiga Allah ku baray?
  • Ma yahay blog u fiican adduun-kaaga intaad nooshay iyo aakhira-daada?

Marka aad bilaabeysid blog waa in aad xisaabta ku darsatid in uu kaaga baahan yahay waqti badan iyo maskax, iyo weliba in kharash kaa geli karo, gaar ahaan joogtaynta blogga.

Xirfadda looga baahan yahay maaraynta blogga

Si aad u maaraysid blogga waxaa muhiim ah in aad xirfad u leedahay habka wax loo qoro oo loo agaasimo qoraallada. Sidoo kale waa in aad aqoon u leedahay adeegsiga computerka maadama waxa aad isticmaaleysaa uu yahay computer.

Aaladaha farsamo ee aad u baahan tahay

Website ama blog si aad u samaysatid waxaad u baahan tahay dhawr waxyaalood oo saldhig u ah aaladaha farsamo ee looga baahan yahay hirgelinta blogga, waxaana ka mid ah:

  • Domain – magaca website-ka in aad diiwaan gelisid,
  • Host – oo ah meesha kuu marti-gelin lahayd website-ka,
  • Go’aan in aad ka gaartid barnaamijka aad adeegsan doontid, sida WordPress mase barnaamij kale,
  • Naqshadda iyo muuqaalka uu yeelan doono website-ka

Qaybahaas loo baahan yahay waxaan u eegeynaa mid mid, si aan sharraxaad kooban uga bixinno.

Domain – Magaca Websiteka

Waxa ugu horreeya ee go’aanka laga gaaro waa magaca website-ka (Domain), kaas oo ah cinwaanka rasmiga ah ee loogu soo hagaagayo blogga. Tusaale ahaan aqoonkaal.com waa cinwaanka ama domain-ka ama rugta loogu soo hagaago website-ka AqoonKaal.

Magaca aad u xulaneysid blogga waa in uu noqdo mid kooban oo si fudud loo xasuusan karo.

Waxaana jira shirkado badan oo laga diiwaan geliyo magaca website-ka. Adiga diiwaan gashaday ayaa yeelanaya mulkiyadda website-ka. Haddii qofkale magaciisa ku diiwaan geliyo qofkaas ayaa yeelanaya mulkiyadda website-ka, qofkaas ayaana mas’uul ka ah waxkasta oo website-kaas lagu daabaco. Sababtaas la xiriirta masuuliyadda ayaa keenta in qofkale uusan magaciisa iyo credit card kiisa kuugu diiwaan gelin, waayo waa masuuliyad aan si sahal ah loo qaadi karin.

Haddaba goobaha magaca website-ka laga diiwaan gelin karo waxaa ka mid ah:

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan diiwaan gelin website ka eeg halkan https://aqoonkaal.com/diiwaan-gelin-domain/

Host – Martigelin

Marka aad meel ku hubsatid magaca website-ka, tallaabada xigta waa in aad go’aansatid meeshii kuu martigelin lahayd website-ka, taas oo ah weelka ama rugta aad ku xerayn doontid macluumaadka laga daalacan doono website-ka.

Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan martigeliyaha websiteka iyo waxyaalaha lagu xusho ka akhri halkan https://aqoonkaal.com/web-hosting/

Barnaamijka WordPress

Waxaa jira barnaamiyo badan oo loo adeegsado agaasimidda, maaraynta, iyo wax ku qorista blogga. Waxaana ka mid ah WordPress, Joomla, Drupal, iyo kuwo kale. Waxaana ugu caansan, oo loogu adeegsiga badan yahay, waa WordPress.

Waxaana jira WordPress.org iyo WordPress.com. Maxay ku kala duwan yihiin?

WordPress.com

Waa qayb si toos ah looga samaysan karo Blog cinwaankiisu hoos imanayo wordpress.com, halkaas oo kuu noqon doonta martigeliyaha blogga. Waadna lacag la’aan ka diiwaan gashan kartaa blog. Tusaale ahaan haddii aad ka diiwaan gelisid magaca Xijigure, markaa websitekaagu wuxuu noqonayaa https://xijigure.wordpress.com.

WordPress.org

Si aad u adeegsatid Barnaamijka WordPress.org waa in aad marka hore leedahay domain, sida AqoonKaal.com, islamarkaasna aad kiraysatid martgeliye/host. Markaas ayaa lagu rakibaa Barnaamijkaas oo laga soo rogto WordPress.org, kaas oo websiteka u noqonaya matoorkii uu ku shaqaynayey. Waxaadna xor u tahay in aad u samaysid muuqaalka aad doontid adigoo adeegsanaya naqshadda (Theme) aad rabtid, ha noqoto naqshado lacag la’aan laga soo rogan karo WordPress.org, ama kuwo lacag ah oo si gaar ah laguugu sameeyo ama aad u samaysatid.

Naqshadda – muuqaalka guud

Muuqaalka uu yeelanayo blogga waxay ku xiran tahay barnaamijka aad dooratay, sida WordPress.org, nooca farsamo, xirfadda, iyo dookhaaga.

Ayadoo naqshaddu ay muhiim tahay, oo ay ka qayb qaadato soo jiidashada indhaha akhristaha, waxaase kasii muhiimsan xogta iyo macluumaadka aad ku qori doontid in ay noqdaan kuwo faa’iido leh, oo anfacaya ummadda.

Wixii Internetka lagu daabaco ka noqod maleh

Waa in aad ku baraarug-sanaatid in wax kasta oo aad ku daabacdid website ay yihiin rasmi oo aadan si fudud uga laaban karin. Waxaadna ogaataa in Internetku leeyahay KAYD ama Archive, halkaas oo ah khaanad ay si toos ah ugu xeroodaan in badan oo kamid ah wixii la daabaco, halkaas oo aadan ka tirtiri karin wixii ku xerooda. Eeg internet archive https://archive.org/web/

Tan kale, waxaa dhacda in websiteyo kale kaa xigtaan qoraalkaaga ayagoo ku daabacaya website aadan adigu xakumin, taas oo qoraal aad daabacday haduu kula xumaado haddii aad bloggaaga ka tirtid in aadan ka masaxi karayn websiteyada sii xigtey ama dadka print ahaan u daabacday. Taas oo noqonaysa arrin ama qoraal taariikhda kuu gala.

Dabcan waad daabaci kartaa raali gelin, laakii maxaad u daabacaysaa qoraal kugu sababaya in aad cudurdaar ka bixisid. Xigmad ayaa ahayd “KAFIIRSO INTA AADAN FALIN” waxaan hadda taas dhehi karnaa “KAFIIRSO INTA AADAN DAABACIN”.

Talo Guud

Magaca website aadan adigu lahayn ha u diiwaan gelin qofkale, magacaaga ama credit card kaaga yuusan isticmaalin qofkale si uu ugu diiwaan gashado Domain ama Host. Waayo, sida kor ku xusan, mulkiyadda websiteka waxaa leh qofka credit card ka leh. Qofkaas ayaana leh masuuliyadda wax kasta oo lagu daabaco – ha noqoto samo ama xumaan – qofka uu magaciisa iyo cinwaankiisa lagu diiwaan geliyey ayaa loo raacayaa wixii xad gudub ama fal-dembiyeed ee ka dhaca websitekaas.

Tan kale – Waqtigaaga qaaliga ah ku bixi in aad qortid qoraallo wax laga faa’iidayo, ka talinaya horumar, kobcinaya garaadka, taageeraya aqoonta.

Waqtigaaga haku lumin qoraallo Xaraabo ah, nin-tooxsi, ama aan micno lahayn ama tororog ah. Meelna ha uga dhicin cirdiga iyo shakhsiyadda qof bini’aadam ah. Ha dhiiri gelin xad gudub, eex, ama taageerid gardarro. U hiili xaqa, u istaag taageerid iyo xuquuq u raadin cidda dulman, runta ka sheeg wixii xaq ah. Marna yeysan caadifad ku qaadin taas oo kugu xambaarta in adigoo xuquuq dad dulman u raadinaya in aad dadkale ku gabood fashid ama qudhaadu aad dulmi kale ku kacdid.

Gabagabo

Wixii aad doontid ayuu ku saabsanaan karaa blogga aad samaynaysid, ujeedadii aad rabtid ayaad ka lahaan kartaa, waxaase muhiim ah in uu noqdo blog xambaarsan mowduucyo ka qayb qaadanaya dhismaha bulsha-weynta. Waana in uu noqdo blog ku salaysan anshaxa wanaagsan, iyo luuqad asluub suuban.

Waagii hore marka dadka looga digayo xatooyo waxaa la dhehi jirey “ha is oran cid ku arkimeysee camanka buuxso.” Hadda xilligan internetka waxaa la dhehi karaa “ha is oran cid ku arkimeysee isku qani shaashadda computerka.” Halkaas waxaan uga gol leeyahay sida ay muhiim u tahay dhawridda xuquuqda qoraallada, haddaba:

  • Haddii aad qoraal meelkale ka soo qaadatid waa in aad sheegtid barta aad kasoo xigatey,
  • Qormo aadan asalkeeda adigu qorin ama kasoo maaxan maskaxdaada, hasheegan lahaanshadeeda,
  • Sawirradana sidoo kale meesha aad kasoo xigatey ku qor.
  • Ha duudsiin xuquuqda qoraal ee qofkale.

Ku dadaal in aad si wanaagsan u turxaan bixisid qoraalka, eeg https://aqoonkaal.com/sida-loo-qoro-qoraallada/

Waxaana rajaynayaa in qormadani tahay mid laga faa’iido.

Aqoonkaal facebook – https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom/

Qore Maxamed Cali – Aqoonkaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

26 Jawaabood

  1. Abdalla Mohamed says:

    Aaad ayad u mahadsantahy waxbadan Ayan ka faaiday qormadaaan

  2. masha allaaah macalin waa mid lagafaa iday in badan , qeeyr allaah hakuugu badalo qoraaladaada muhiimka u ah bulshaweynta soomaliyed, runtii aqoonkaal waa aas aaska wax barashadeeyda waa meel aan indhaha kukala qaaday, shugran macalin MOHAMED ALI.

  3. aways axmad sabriye says:

    Maclin aad iyo aad ayaad u mahad San tahay

  4. mubarak says:

    waad ku mahadsantihiin sidaad nooga caawiseen wxii aanu rajaynay inaanu ka hali doono halkani

    wan idinku hambalyaynaynaa arrinkan aad samayseen

  5. Abdirahim Muse Abshir says:

    ASC, Waa qormo ama cashar aad u faa’iido badan Si weyn ayaan wax uga kororsaday . aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, waana ku texnaandoona qoraalada aqoonkaal.
    Waxaan idinka codsanayaa in aad mar kasta waxii cashar cusub aad emailkan iigu soo dirtaan ( ….@hotmail.com ).

  6. Aaad iyo aad ayaad ugu mahadsan thy macalin sida wanaagsan aad noogu soo gudbisay casharkan aadna nooga faaiidaysay mahadsanid Aqoonkaal.com

  7. mubarak says:

    wad ku mahadasantihiin sida wacan ee aad wax noogu sheegteen

    shukran.

  8. Ciid Yare says:

    Waa wax ay ka faidaysan Karan bulshadu
    MacAlin aad baad umahadsan tahy
    Ugu horayn
    Waxan an leyahy ilahay
    Khayr hakugu bedelo

  9. Abdiaziz Ali says:

    Waad Mahadsantihiin Bahda aqoonkaal, wax badan ayaan ka faa’iiday

  10. Maxamed Somali says:

    Wad Mahadsanatahay macalin Maxamed Cali (Aqoonkaal) sidoo kale macalin waxaan kaa codsaneynaa inaad casharada taxanaha ah aad inoo biloowdo.

  11. xamse says:

    Asc macalin runti aad ayaan uga faa idaysanay casharada muhiimka ah ee ku badacan webkeena aqoonkaal ,

    macalin su aal ayaan rabay inan ku waydiyo .

    Waxaan dhisay template html5 ah, sidee ayaan ugu badalaa joomla ama kuwa lamidka ah si aan usaaro website template aan dhisay.
    Mise sidaas ayaan ku saari karaa anoon joomla iyo kuwa lamidka ah na ubadalin.

    Mahadsanid macalin

  12. Cabdikafi Cumar says:

    Asc macalinkena wad mahadsantahay aad ba durustan uga faaiidnay.

    Suaal waxay kataagantahay macalin maxay kalayihin website iyo blog- yacni farqiga?

  13. zakariye says:

    wad ku mahadsan tahay
    runti haddan su’al qabo
    wad wada sheegtay baa
    wana ku mahadsan tahay
    mohamed ali waxan ka fa’iday wax badan xita waxan dhihi kara
    waxa noqotay asaaskayga cilmiga computerka

  14. moha salaad says:

    Masha Allah Waad ku mahadsatahay Sida wacan aad noogu sharaxday

  15. Abdulahi Hassan Adem says:

    Waad Mahadsantahay Ustaad Maxamed Cali, waxan Alle kaaga baryayaa inoo cilmigaaga kusii kordhiyo.

  16. waa mhdsanthy soda wngsan ee noogu faa’iideysay

  17. samiir said says:

    waw caadi mahan waxaasaaaa is taada kabax aqooon inta uuu alle kugu manesty eebe hakaa dhowro isha xaasidka dogtr

  18. Khadar says:

    ASC DHAMAAN AQQONKAAL WAN IDIN SALAMAY WADNA KU MAHADSANTIHIIN QORALADA WAX TARKA LEH AD USO GUDBISAN SHACABKA
    waxan rabaa sual ina iga jawabtaan blog-ga sida som.wordpress.com oo kale google adense malagu xiri karaa si lacag looga sameeyo mise websiteka domainka leh ba samen kara o kaliya

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc, walaal google xayaysiiskiisa waa lagu xiriirin karaa Website kasta oo aqbalaya xeerka google

  19. haybe faarax says:

    mahadsanid macalin maxamed cali sida wanaagsan ee aad nongu sharaxday casharkan.

  20. ABDIQANI says:

    Waad Ku Mahad santihiin casharada qiimaha badan ee aad noo soo gudbisaan
    Su,aa sheeydu waxeeey tahy ,kaligeey miyaa sameeysan karo website

  21. Mashallah waa qormo macluumaad badan xanbaarsan waa aan wax badan ka faaiday.

  22. Maa shaa allah waa sificn in wax la isku so kordhiyo

  23. Samir xidig says:

    Masha allh qoraalka sifiican ayaan uga Helay

    Mahadsanid macalin

    Su,aal sedee ayaan casharada cusub uula socon karaa?

  24. Waad mahadsantahiiin dhamaaan dadka wax noo Soo kordhiya

Qor Jawaabtaada