Scan Halal: Waa Aalad Lagu Ogaado Cuntada Xalaasha ah

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, July 30, 2019 | 6 Jawaabood

« | »

#AqoonKaal : Waxaa dhacda marka laga adeeganayo dukaamada waaweyn in loo baahdo in la hubiyo waxyaabaha laga sameeyey cuntada in ay xalaal yihiin.

Haddaba, taas xalkeeda waa barnaamijka “Scan Halal” oo ah aalad lagu ogaado waxyaabaha cuntada laga sameeyey haddii ay yihiin Xalaal iyo in kale.

Barnaamijkaas waxaad ku soo rogan kartaa telefoonka gacanta (Android iyo iPhone).

Marka aad dukaan tagto waxaad aaladdaas ku akhrineysaa calaamadda loo yaqaan Barcode oo ah astaan xambaartan lambar u khaas ah shey kasta oo dukaanka yaal, astaantaas oo ah hayb-sooc ah oo ay ku qoran yihiin waxyaabaha laga sameeyey cuntada.

Waxaana inta badan uu barnaamijkaasi kuu tilmaamayaa cuntada aad iska ilaalineyso ee aan xalaasha ahayn, iyo cuntada xalaasha ah. Waxaase dhacda qayb cuntada ah inuu kuu kala cadayn, waayo waa cunto aan weli lagu kaydin diiwaanka barnaamijka.

Barnaamijkaas waxaad ka soo rogan kartaa halkan: https://www.scanhalal.org/download

FG: Haddii aad adeegsato barnaamij kaas ka casrisan fadlan ku qor qaybta hoose ee jawaabaha si akhristayaashu uga faa’iideystaan.

@AqoonKaal

https://www.youtube.com/watch?v=hXdmFPMT0WU

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

6 Jawaabood

  1. Zakariye says:

    waan layabay wllhi waa cajiib

  2. Daahir Abdullahi says:

    Barnaamijka Scan xalal kuma shaqaynayo Somalia maxaa dhacay mase la heli karaa mid ku shaqaynaya Andriod ka

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      walaal waxa uu u baahan yahay in yelefoonku uu khadka internetka ku xiriirsan yahay, waa shardi, haddii kale ma shaqaynayo

  3. Abdullahimaktal says:

    Asc mclin wxaan ahay array cusup
    Marka barnaamijka scan halal
    Wan soo dajiyey Lkn madhaqeynayo
    Mida kale mclin
    Wxaan codsanlahaa
    Casharada Networking in,lagu soo daro
    Iyo sida viruska looga hortago
    Waa iga codsi all the best tutor

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc, walaal barnaamijka scan halal si uu u shaqeeyo waxa uu u baahan yahay inetrnet, marka tijaabi isaga oo telefoonku internet ku xiran yahay.

Qor Jawaabtaada