PowerPoint sida Loogu Daabaco Facebook

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, January 18, 2016 | 26 Jawaabood

« | »

Su’aal uu akhriste #AqoonKaal isoo weydiiyey ayaa u qornayd sidan: Waxaan rabaa inaan page-kayga Facebook ku xiro ama ku daabaco PowerPoint ee sidee yeelaa?

Su’aashaas uu isoo weydiiyey akhriste AqoonKaal.com, waxaana uga jawaabayaa si caam ah, si akhristayaasha kale ay ugu noqoto aqoon-kororsi.

Sida caadiga ah Facebook-ga si toos ah looguma daabaci karo PowerPoint. Laakiin nasiib wanaag waxaa jira xirfad sahlan oo marka la adeegsado ay fududahay in lagu daabaco wixii uu xambaarsanaa PowerPoint, taas oo la xiriirta in loo badalo video. Arrintaas si aad u samaysid raac habkan:

  • FG: nidaamkan si aad u raacid waa in aad adeegsatid PowerPoint 2010 iyo wixii ka dambeeyey.

1. Adigoo adeegsanaya barnaamijka PowerPoint, fur faylka aad doonaysid in Facebook ku daabacdid.

powerpoint1

2. Faylku marka uu ku furmo barnaamijka PowerPoint:

  • Riix FILE .. Save As
  • Barta Save as type u badal Windows Media Video (*.wmv) ama MPEG-4 Video (*.mp4)
  • Riix batoonka Save

powerpoint2

3. Markaas waxaa faylkii isu badalayaa video – waxaana qaadanaysaa daqiiqado ama waqti dheer, taas oo ku xiran awoodda computerka iyo culayka faylka aad badalaysid.

apowerpoint1

4. Xaqiiji in video-ga uusan ka weynayn miisaanka loo ogol yahay Facebook oo ah 1,024 MB, taas si aad u hubisid:

  • Dhanka bidix ee hagaha (mouse-ka) ku riix faylka video-ga ee aad samaysay, markaas daaqada soo baxda dhankeeda hoose riix barta Properties.
  • Qayta “General” ka eeg miisaanka faylka video-ga, waxaadna xaqiijisaa in uusan ka badnayn 1,024 MB (oo u dhiganta 1 Gig)

powerpoint4

(FG: Haddii video-gu ka badan yahay miisaanka 1 Gig, waa in lakala jaro oo laga dhigo dhawr qaybood oo qaybtiiba inta ay soconayso aysan ka badnayn 20-daqiiqo)

powerpoint5

5. Marka aad diyaarisid Video-ga, Facebook gal adigoo adeegsanya naanaysta/username iyo furaha aad sida caadiga ah ugu gashid.

powerpoint13

6. Markaas riix linkiga “Photo/Video

apowerpoint

7. Kaddib riix “Upload Photos/Video”. Markaas faylkii video-ga ka raadi meeshii aad kaga xeraysay computerka, markaad heshid riix batoonka “Open”.

apowerpoint11

8. Waxaa markaas furmi doonta daaqad aad ku qori kartid hordhac kooban ee video-ga. Marka aad qortid guji barta “Publish“, markaas ayaa Video-gii ku bilaabmayaa Facebook in uu ku dalacmo. Waxaynaa qaadanaysaa cabbaar ama daqiiqado taas oo ku xiran miisaanka video-ga iyo xawaaraha khadka internetka aad adeegsanaysid.

daabacidaa

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in aad PowerPoint u badashay Video, kaddibna aad ku daabacday Facebook, halkaasna ay asxaabtaadu ka daalacan karaan.

Waxaan rajaynayaa in aad xirfad aqooneed ka faa’idey qormadan AqoonKaal.com.

Qore: Maxamed Cali
@aqoonkaal

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg: ,

Bookmark and Share

26 Jawaabood

  1. Mohamed says:

    Mahadsanid.
    In mudo ahba faaiidooyinkii aad nasiin jirtay website kaaga way yaraadeen. Waxaan rajaynayaa inaad mashquul naga noqotay. Waa meesha kaliya ee aan afka hooyo loogu barto Internet ka. Mar labaad waxaan kugu mahadinayaa faaiidadaa aad nasiisay.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Mahadsanid walaal maxamed, insha Allah waa dadaalayaa in aan sii wado qoraalada.

  2. Abdullahi Ibrahim Isack (Beriyow) says:

    Asc Ustaad Maxamed Cali Runtii waxaad tahay Macalin Dhalinta Jaceyl Barashada Computer ka wax badan u faa’ideeyey aniga markaan iska hadlo wxii aan ka bartey Website kaada wax badan ayay ii qabteen gaar ahaan markaan sameeyey Website Complete ah Jaamacada waxay Abaal marin ii siisey Computer HP Core I7 ah.
    sidaas daradeeda waxaan kaa codsaneyaa inaad dib noogu bilowdo Casharada.
    midda kale waxaa jira inaan kuu soo direy Website aan sameyey mana ii soo jawaabin

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc, walaal Cabdullahi waa ku faraxsanahay in aad ka faa’iidey macluumaadkii aan hore u daabacay, waana kuugu hambalyaynayaa guusha aad ka gaartey jaamacadda.

      Tan websiteka aad samaysay waxaa dhici karta inaad soo dirtay xilli aan mashquul ahaa ee markale ii soo dir si aan u eego insha Allah

  3. Asc Macalin aad ayaad u mahadsan tahay sida wanagsan ee aad noogu sharaxdey ee ay ku dheehan tahay Hagar la’aanta iyo Hufnaantu Jasakallahu khayr

  4. najeeb beehaani says:

    saxiib asago video ah ma inoogu cawin kartaa wad mahadsan tahay

  5. Hamze Qasim says:

    waaan ku salamayaa Maxameg Ali
    aniga dhawaan ayaan ku soo biiray 2016
    waxaan rajaynayaa inaaan aqoon korarsi ka faa iidaysan doodo Aqoonkaal.com

    waad ku mahadsan tahay sida fiican eed noogu dadaalaysid

  6. Kamil Mohamud says:

    5/5

  7. C/qaadir cali says:

    Asc macalin qaali aad ayaad umahadsan tahay Allah hakaa abaal mariyo. Macalin waan kuu xiisnay halsano kudhowaad ayad naga maqneed.

  8. Asc Maclin Maxamed Cali……..
    Ustaad Aad ayaat umahadsantahay Waayo Qofka bani’aadamka Haduu Wax Ku Qabto Waa inaat Abaalkiisa Ugudo Mise U mahadceliso…….
    Waayo Markaan Ku soo Biirey Aqoonkaal.com 2014 Waxaan ka faaidey Wax yaalo badan Aan lasoo koobi karin {Sida 1: web design Oo Aan Is dhihi karo Concept badan ayaat ka heshey, Cashar Sida loo duubo iyo Wax Aan lasoo koobi karin }
    Maclin Waxaan kaa Codsaneyaaa waa hadey macquul tahay Inaad noo bilowdid Sida WordPress website loogu dhiso…….
    ************* Mahadsanid*************

  9. Asc All inta ku xiran Website-ka Waan Cusbahay waxaana ahay qof jcl Aqoonta Computer-ka
    Masha allah Waa cashar faaido Bdn

  10. Xamse Yuusuf says:

    Asc Macalin Maxamed Cali & Dhamaan Ardayda somaliyeed ee ku xidhan Aqoonkaal.com,
    Aad baan kuugu mahad celinayaa macalin, runtii aqoon aan la soo koobi karin ayaan ka dheefay Aqoonkaal.com,
    CODSI :-
    Macalin waxaan kaa codsanayaa inaad noo bilowdo WordPress Hadaad wakhti noo heli karto .
    Mar 2aad & Mar 3aad ba Mahadsanid Macalin , Asc .

  11. mohamed omar dheere says:

    Asc macalin-kayga wayn Mohamed Ali runtii waxaan kaa faaiiday aqoon Aan u dhigmin kuwa lacagta lagu bixiyo
    illahay waxan kaaga baryayaa inoo aqoon taada siyaadiyo waarid kaana udanbi dhaafo macalin

  12. cabdiraxmaan ali says:

    macalin maxamad aad baad umahadsantahay
    waxaan aad ooga faaidaystay HTML iyo CSS ka aad dhigtay
    in mudda ah laguma arag kk waxaan rajeenayaa in aad casharo badan
    noo soo duubdib ama qortid waad mahadsantahay macalin

  13. abirahmn says:

    ustaad ugu horeen waa mahadsantahay aniga hada aa ogaaday webkan waana kafaa iideesanaa insha allaaah
    waxaa rabay makaheli karaaa cashiro faah faahsan oo excel ah

  14. filsan says:

    tnx lkn wxa raba see cod u dulsara aan sharaxyo cashark vedioka aniku

  15. faarax c/laahi faarax says:

    asc macalin maxamed aad ayaad u mahad san tahay waxaan ku soo biray bogada waxan jarenayaa inaa wax badan aan ka faa’ididono insha alh
    waxaa rabaa inaa window 8 unpdare gareyo ee sidee yelaa

  16. Abdirahman mohamed says:

    Aniga waxaan aqoonkaal.com kusoo biiray hada. Aad iyo aad ayaan oga helay,Macalinka waxaan leeyahay mahadsanid kunjeer, aqoontaada Alla hakuu Siyaadsho.

  17. waxan ku soo biray aqoon kaal hada wana ku faraxsanhy inaa ku soo biiro
    waxana raba inaa barto sida losameyo website in layga saacida ubahanahy

  18. mouses says:

    aad baan idiin salaamayaa dhaman maclin ka ardada kuligiin waxan ahay arday cusub waxaana doonaya inaan ku so biiro website kan aqoon kaal.com fadaln hala icaawiyo waxaana aad udaneeya barashada cilmiga IT

  19. Mohamed Abdirahman Mohamed says:

    Mahadsanid macalin runti aad ayaan ugu faa,iiday cashiradaada jazakallah

  20. Caamir muqtaar c/caziiz says:

    Mahasanid aqoon kaal waxaa kafaa iday runtii waxaa kugu mahadcekiyo magaranaayo

  21. A/rizak Osman Warsame qeys says:

    Aqoonkaal:marti mala rabaa kkkkk waad mahadsantihiin waxaan ahay Aqriste Cusub ahna mid jecel inuu wax ka faaiideysto website-kaan Aqoonkaal ana leyga faaideysto Aqoonteyeda gaaban

  22. moha salaad says:

    Mahadsanid aad baan ugu faa idaystay runtii Alle Haku xafido

  23. Cabdalla Mohamed says:

    Macalin aad ayaad umahadsantahy
    Waan ku faraxsanahay inaan
    Luqadeyda hooyo aan ku barto
    Computer-ka midaasna adiga ayaa
    Ii suurta galiyey kumana hilmaami doono
    Insha Allah…

Qor Jawaabtaada