Muqdisho oo Markii Koowaad Noqotay Magaalada Akhristayaasha ugu badani ka soo Booqdaan AqoonKaal.com

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 1, 2017 | 10 Jawaabood

« | »

iyo Hargeysa notay magaalada labaad…. Hargeysa waxay kaalinta koowaad haysatey 2013 ilaa 2015, waxaase hadda xiin ku dhaaftay Muqdisho.

Website-ka AqoonKaal.com waxaa la asaasay March 17, 2006, ilaa xilligaas waxaan ku daabacay qoraallo la xiriirta aqoonta farsamada Teknoolojiyada, gaar ahaan cilmiga la xiriira computerka si ay uga faa’iidaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Haddaba markii aan dib u jalleecay sannadkii la soo dhaafay ee 2016, islamarkaasna xisaabiyey magaalooyinka ay akhristayaasha ugu tirada badani ka soo booqdaan website-ka AqoonKaal.com, eegayna 1968 oo magaalo (130 dal) oo 2016 laga soo booqday AqoonKaal, waxaa iiga soo baxay in Muqdisho tahay magaalada koowaad ee akhristayaasha ugu badani ka soo boqdaan AqoonKaal.com.

Waxaa kaalinta labaad galay Hargeysa. Kaalinta 3aad, 4aad, 5aad iyo 6aad waxaa isku haysta Nairobi, New Delhi, Addis Ababa, iyo London

Waxaa xiiso leh in magaalada Muqdisho ay sannadkii 2013 gashay kaalinta 7aad, halka ay sannadkii 2014 noqotay magaalada 3aad, isla saankii xigey ee 2015 ay noqotay magaalada labaad ee dadka ugu badani ka soo booqdaan AqoonKaal, taas oo muujinaysa xawliga koboca Muqdisho ee akhriska cilmi kororsiga AqoonKaal. Sidaasna ay Muqdisho tirada akhristayaasha ee Aqoonkaal kaga hormartay Hargeysa oo kaalinta koowaad haysatey 2013, 2014, iyo 2015, halka ay sannadka 2016 Muqdisho gashay kaalinta koowaad

Shirkadaha Soomaalida ee khadkooda Internetka loo soo maray booqashada AqoonKaal waxaa ugu horeeya oo kaalinta koowaad gashay waa Hormuud Telecom, waxaa ku xigta SomTel, TeleSom, iyo SomCable.

Muqdisho Magaalada Aqoonta

Maadaama 2016 ay Muqdisho noqotay magaalada ay akhristayaasha ugu badan ka soo booqdaan bogga cilmiga computerka ee AqoonKaal, waxaa markaas Muqdisho noqotay  magaalada cilmiga iyo aqoon kororsiga ee sannadka.

Bahda AqoonKaal.com waxay u mahad celinayaan akhristayaasha website-ka ka soo booqda Muqdisho iyo guud ahaan akhristayaasha meel kasta oo ay ka joogaan adduunka.

Markale waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa akhristayaasha ku sugan Muqdisho siday uga qayb qaateen cilmi ka kororsiga AqoonKaal.com.

Tirakoobkaas waxaan u adeegsadey Google Analytics. (Hoos ka akhri magaalooyinka kale ee akhristayaasha ugu badan ka soo booqdaan AqoonKaal iyo is barbar dhig 2013 ilaa 2016).

Sannadkii 2015 (Janaayo ilaa December)

  1. Hargeysa
  2. Muqdisho
  3. New Delhi
  4. Nairobi
  5. Addis Ababa
  6. London
  7. Minneapolis
  8. Mumbai
  9. Oslo
  10. Stockholm
  11. Jeddah
  12. Gothenburg
  13. iyo tiro kor u dhaaftay 2000 oo magaalo.

Sannadkii 2014 (Janaayo ilaa December)

  1. Hargeisa
  2. London
  3. Mogadishu
  4. Addis Ababa
  5. Oslo
  6. Nairobi
  7. Saint Paul Minnesota
  8. Stockholm
  9. Gothenburg
  10. Dublin
  11. Minneapolis
  12. Jeddah
  13. Magaalooyinka kale ee aan sidaas uga fogeyn waxaa ka mid ah: Birmingham, Mumbai, Sana’a, Helsinki, Khartoum, Dubai, Kampala, Toronto, Kuala Lumpur, Copenhagen, Borlange(Sweden), Vienna, Melbourne, Amsterdam, Zurich, Fort McMurry (Canada), Manchester, Sharjah, Johannesburg, Hyderabad, New Delhi, Cape Town, Istanbul, Chicago, Cairo, Columbus Ohio, Riyadh, New York, Frankfurt.. iyo ilaa 2000 oo magaalo oo dunida dacaladeeda ah…

Akhri warbixintii 2014 ee Hargeysa oo Sannadkii Labaad Noqotay Magaalada Akhristayaasha ugu badani ka soo Booqdaan AqoonKaal.com

Sannadkii 2013 (January  – September )

  1. Hargeisa
  2. Minneapolis
  3. London
  4. Nairobi
  5. Addis Ababa
  6. Goldsboro
  7. Mogadishu
  8. Gothenburg
  9. Stokholm
  10. Dubai
  11. Jeddah
  12. Kampala

Halkan ka akhri warbixintii 2013: https://aqoonkaal.com/hargeysa-kaalinta-koowaad/

Waxaan Allah ugu mahadinayaa in dad aad u farabadani aqoon ka korosadeen websiteka Aqoonkaal, waxa kale oo aan u mahad celinayaa akhristayaasha sida joogtada ah ula socda qoraalada iyo Video-yada aan ku daabaco AqoonKaal.com.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal), Minneapolis, USA.
Wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajin kartaan emailka: aqoonkaal@gmail.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

10 Jawaabood

  1. Darwiish says:

    Inj. Maxamed Cali hadda ayey Muqdisho ku abtirsatay in ay tahay caasimaddii Dalka.

    Reer waqooyiga waxaan leenahay waar ilma adeerayaaloow ma masayrina e’ soo booqda website. Waa iga kaftan uun.
    Kaftanka kadib waxaan aad ugu hambalyeynayaa dhammaan dadka soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan ee ku xidhan bogga Inj. Maxamed Cali oo ah runtii bog ka haqabtiray soomaali badan cilmiga aaladda kaambayuutarka iyo cilmi kale oo badan oo dadban.

    Dhammaan waxaan idin leeyahay hambalyo meeshaad joogtaanba waxaad tihiin mustaqbalkii dalka ee halkaa kasii wada dadaalkiina wanaagsan. Inj. Maxamed Calina waxaan leeyahay cilmigaaga, caqligaaga, cibaadadaada, ciyaalkaaga iyo calafkaagaba ilaahay hakuu barakeeyo korna ahow had iyo jeer.
    Waar Injineerka u duceeya.

  2. Caadil says:

    Masha allah runtii aqoonkaal.com waa website ay bulshada somaliyeed ay ka faa ideen wax yaabo badan oo ka mid ah Technoligyda casriga ah

    Ustaad maxamed cali waxaan ku leeyahay dadaalkaaga meesha kansii wad mahadsanid

  3. marka hore waan idin salaamay akhyaarta webkan
    aniga waxaan jeclahay inaan barto cilmiga computerka
    waxaana joogaa dalka ethiopia gar ahaan jijiga
    cilmiga computerkana aad looma yaqaana anna waan xiiseyaa markaa eng maxamed maxaad igula talinlahayd si aan ugaaro hadafkayga

    mahadsaniddiin

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Magaalada Kismayo xaafadda Farjanno jidka aada dekedda waxaa ku taal daar weyn waxaana ku qoraan jirey DADAALAA WAA GAARAA. Waxaana la sheegaa in ninka daartaas uu ku dhisay Gaari dameer. waxayna ahayd daartii ugu quruxda badnayd . hadda sidey daartaasi tahay iyo in weli qoraalkii ku qoran yahay ma hubi, laakiin insha Allah reer kismayo ayaa hadda sawir kasoo qaadi doona taariikhda daartaasna inoo soo sheegi doona. Waxaanse qisadaas uga gol leeyahay in walaal kay Abdirashid hussen ee reer jigjiga u sheego in uu cilmiga computer ka barashadiisa ku gaari karo dadaal asagoo garabsanaya Allah.

  4. Waxaan salaamayaa Maamulka iyo hawlwadeenada Bartan waxbarash ee Aqoonkaal.com waxaan jooga HARGEYSA Waanu Hambalyeynaynaa Magaalada Muqdiaho waxaanan ku dadaalu Doonaa in aan soo cesheno Kaalintayadii Koowaad.Hargeysa waa magaalada Ugu Wax akhriska Badan Dhulka Somaaliyeed Waa magaalada Dayarta ugu Badan ee Wax qortaa Ku nool yihiin Hambalyo Markale Magaalada MUQDISHO.

    • momamed says:

      asc wr wb s/kadib waxaan ku sugnahay Ethiopia gaar ahaan dhulka soomaalida meel tuulo ah oo udhow magaalada wardheer, ruun ahaantii aad ayaan u jeclahay barashada cilmiga computer-ka inkastoon tuulo joogo hadana waxaan ku rajo waynahay inaan ka faaiidaysto aqoon kaal maadaama ay wax walbaba sahashay tignolojoyadda casriga ah. marka qaabkeen uga faaiidaysan karaa? waad mahadsantihiin.

  5. saacid osman says:

    ugu horeyn waxaan bogaadin u dirayaa bahda aqoonkaal
    oo habtii ah kuwa kacan ii galiyay furaha cilmika ITda .
    waxaan idika rajeynayaa inaad koorsooyin kale inoosoo marsiisaan barihiina internetka sida youtubeka
    MAHADSANIDIIIN

  6. Mohamed Faratoon says:

    Wll aad baan ku jecelnahay Maxamed aqoon kaal waxa tahay Role Model aan aad u jecelahay waxaan dad bad aku so xidhay webka aniguna waan kaa faaiiday wax badan

  7. Adban uga helay website inkasto oo anan hore ila socon manta ayan kusoo biray waxana joga hargaysa

Qor Jawaabtaada