Ma Jiraa Buug Af-Soomaali Ku Qoran oo Saamayn Wanaagsan Ku Yeeshay Noloshaada?

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, April 22, 2018 | 11 Jawaabood

« |

Akhriska iyo qoraalku muhiimad aad u sareysa ayey u leeyihiin bini’aadamka. Buugaagtana waxaa la isugu gudbiyaa cilmiga, taariikhda, ama dhacdooyinka la doonayo in la diiwaan geliyo si ay ogaadaan jiilasha dambe.

Sidoo kale waxaa jira buugaag xambaarsan xigmad, waayo-aragnimo, iyo aqoon kororsi uu akhristahu ka faa’iidayo.

Qoritaankii far Soomaaliga inkasta oo aysan ka soo wareegin nus-qarni, haddana waa luuqad meel sare gaartey, laguna qoran manhajyo lagu barto dugsiyada, isla markaasna lagu qoray buugaag badan oo wax ku ool ah. Waa luuqad ay Soomaalidu ku faanto oo danahooda ku sheegan karaan, taas oo hiigsaneysa in ay la tartanto luqado qarniyaal qornaa.

Haddaba, ma jiraa buug adiga si gaar ah kuu saameeyey, kaas oo noloshaada wax ku soo siyaadiyey, oo aad ka kororsatay xigmad, buugaas oo ku qoran af-Soomaali?

Haddii aan anigu iska bilaabo: Xilligii aan dhigan jirey dugsiga sare waxaa muhiimad weyn ii lahaan jirtey maadada xisaabta, anigoo baadi goob ugu jirey in aan kor u qaado xirfadayda xisaabeed ayaa waxaa gacantayda soo galay buug xisaab ah oo si faahfaahsan Af-Soomaali ugu sharxaya xisaabta.

Buuggaas waxaa ardaydu u aqoon jireen “Buugga Xisaabta ee Dhakaloow”.

Buuggaasi saamayn wanaagsan ayuu ku yeeshay noloshayda, waayo waxa aan ka kororsaday habka-xallinta xisaabta, iyo farsamada ugu sahlan ee loo maro xeerarka xisaabta. Waxaan fahmey waddooyinka loo maro qaacidooyinka xisaabta – waxaan ka xumahay in aanan hadda nuqul ka hayn buuggaas, iyo in aanan xasuusan qoraagii buuggaas.

Hadda waa markaagii: Fadlan qaybta jawaabaha ee hoose ku qor haddii uu jiro buug Af-Soomaali ku qoran oo raad wanaagsan ku yeeshay noloshaada iyo sababta aad u xulatay buuggaas. Waa in uu yahay buug Af-Soomaali ku qoran.

Qore: Maxamed Cali Aaden
Minneapolis, MN
AqoonKaal.com

« |

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

11 Jawaabood

  1. cabdimajiid mustafe caantaynle says:

    waxa aan aqoon ballaadhan ka korodhsaday buugga loo yiqaanno koorodadab

  2. C/salaan Faarax ''Gurmad'' says:

    Horta, wax afkeennaa ku qoran, waxa ay iiga badan tahay, xiisahaygaba ha iskaga salaysnaato e, in aan wax badan ka korodhsaday maqaallada Qoraa Ibraahin Yuusuf Axmad ”Hawd”. Ugu yaraan waxa uu igu baraarujay oo aan farshaxanka qoraalkiisa dartii ku caashaqay ukuurgalka qaabaadhigga iyo xeer-raaca qoraalka. Dadaal xiise-gelintiisaa ka dhashay ka dibna, waxaan qabaa: hadda wax badan waan ka aqaan ummuurahaa—adu dee weli waan sii ardayaynayaa e. Marka se buug mahadh’dho kugu reebay la yidhaa, waxa aanan illaawin oo aan wax badan sii hadal hayaa oo aan taagga uga dhacay buugga ”Hadhkii Madoobaa”. Asal ahaan, waxa qoray Najiib Alkiilaani, qoraa Carab ah. Waxa se Soomaaliyeeyay, Allaha ka abaasho e, Aadan Xasan Aadan ”Beleloo”. Hadda waa safiirka Jabuuti ee u fadh’dhiya Soomaaliya. Sawirrada nolosha wada rumaad ee ku jira baa buuggaa iga daba riday.

  3. yahye Ahmed sahal says:

    Thanks teacher
    HAA
    Wuu jiraaa waa buug lagu magacaabo wax kabaro dalkaaaga oo aan ka bartay dhanqanka soomaalida iyo deegaanadooda

  4. Muxammad Cali Hilowle says:

    waqtigaan la joogo, oo aan aniga ahay jiilkiisi, baahi i qabatay oo la igu tilmaamay in uu buug af soomaali ku qoran xal u yahay ma jirto. hadii aan ka soo qaado waxbarashadeyda waqtigi iskuulka aan dhiganaayay dhamaan maadooyinka aan qaadano waxa ay kuwada qornaayeen luqada Englishka marka laga reebo 3 maado – tarbiyo, carabi iyo soomaali – xiligaas maadada soomaaliga macno iiguma fadhiyin barashadeeda. hadda oo aan arday jaamacadeed ahay, dhamaan waxan ku bartaa luqada English-ka.
    marki laga soo tago maadooyinka cilmiga aan barto, ma arkin buug aan la dhacay oo fan kale ku saabsan oo af soomaali ku qoran.
    waxa aanse rabaa in aan dafirin in aan dhageystay sheekooyin la qoray xilligi dowladi, walow aan dhameestiranin dhageysigooda, kuwaas oo aan ka helay qaabka loo qoray oo aan aaminsanahay in uu yahay hab cadeynaayo quruxda luqada soomaaliga iyo fusaaxadeeda. waxaa ka mida sheekooyinkaas sheeko la yiraahdo maanafaay iyo sheeko kale oo aan hada magaceeda xasuusanin.

    Alcumuum waxan hadal ku soo gaabshay Luqada Soomaaligu waa luqad weyd ah, naf weyd ahna caano iyo cadna midna lagama rajeeyo ilaa uu muuqiisa ka qurxaanaado, waxan ulajeedaa marki aan arkay dhowr buug oo af-soomaali lagu qoray marar dhexdaana, waxa ii soo baxday in aan raaxo iyo macaansi iga raaceynin Buug af-soomaaliba ku qoran, ilaa qoraayaasha wax ku qora afka soomaaliga ay ku soo biiraan dad luqada naaxiyo.

  5. Alisalad Hussein says:

    Haa waa “Himiladaada Hano”

  6. abdirisaaq says:

    laba buug oo ilaa yaraantaydii ilaa hadda aan akhriyeye ilaa 10 jeer oo raad ku yeeshay noloshayda;
    1. Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa
    2. Taariikhdii Daraawiishta

  7. Maxamed Bashiir Cismaan says:

    Buugga aan dhiirigelinta wanaagsan ka helay, iiguna xiiso badnaa buugta soomaaliga ah ee aan akhriyey waxaa la yidhaahdaa

    “Himiladaada Hano”
    Waxaana qoray:
    Maxamed Ismaacil Maxamed (Siibed)
    Sweden

  8. C/ruxmaan Siciid Khalaf says:

    buug; Sabibihii Burburka Soomaaliya
    qoraa: Cabdulqaadir Aroma;

    waxaan oran karaa buuggan wuxuu iga kaafiyey taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo xilligii daakhiliga ilaa ay burbirtey wuxuuuna si faahfaahsan uga sheekaynayaa dhacdooyin bada n oo aan kutirikuteen ku maqlay

  9. abdinasir says:

    asc macalin waan kusalaamay waxaan ka mid ahay ardeyda ka faaideesaty website kan iyo caharada aad ku so ban dhigtay 100% waan kaaga mahad celinayaa waxaan rajeynayaa cashiro cub inaad noo soowwado.
    hadaan uso noqdo jawaabtayda may ka kama faidesan buug afsomali ku qoran inkastoo aan aad uxiiseeyo psychology ga iyo cilmiga IT ga hadana nasiib wanaag mahelin ayago somali ku qoran.

  10. yacqub cabdi ismacil says:

    buuga aan wax badan ka biirsadey gaar ahan xeer dhaqameedka soomaliyeed ee soo jirey qardhiyaal

    buugaas waxa la dhaha,
    “”” XEER DHAQMEED, XEER CISSE””””
    qoraaka
    “””” CABDALLA XAAJI””””” OO KA QOREY ODAYO DHAQMEED

    waxana ka boogtey habka bulsho dhaqmeedka soomaaliyeed ay uso nooleed iyada oo coolado dhinac kaste leh ay ka soo guudbeen

  11. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته..

    Ustaad aan u jeelay qalinkiisa, una darsaday duruustiisa, wax badanna aan ka bartay, isla markaasna u heelan horumarinta dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa ba, Eng. Maxamed Cali Aadan bariido san iyo Ramadaan Barakeysan Macallin.

    Intaas ka dib, qoraalka afkeennu in kasta oo la moodo in uu maalmahan soo kobcayo, korayo, oo kaalin qaadayo, ilaa hadda na wali waxa ay ila muuqataa in jiro gaabis ah xagga xawaarihiisa falkineed iyo midkiisa fahaneedba—sida aan u arko. Hase ahaato e, wali rajo badan ayaan ka qabaa in uu Afkeennu maalin un wada gaadhi doono bulsho-weynta qalaad ee kale. Inshalaah.

    Sayid ahaan, waxa aan jeclahay in aan akhriyo buugaag kala duwan oo ka hadleysay qaybaha kala duwan ee culuumta nolosha, sida suugaanta, taariikhda, falsafadda, dhaqanka, sheekofanneedda, iyo waliba cilmiyada kala duwan ee leh mid maaddi iyo diini ba. Waxa se aan gaar u la sii baxa — jeerka ay noqoto kala doorasho— buugta ka hadasha cilmiga horumarinta Aadamaha (H.D), taasna Idamka Alle ka sokow waxa sabab u ahaa qoraagii cabriga ahaa ee Reer Masar, Dr. Ibraahim Alfiqi (AHN), Runtii Ibraahimkaasi wax badan ayuu noloshayda ka beddelay gaar ahaan, habfikirkayga qofeed.

    Buugta Afsoomaaliga ku qoran ee saameynta togan noloshayda ku yeeshay waxaa ka mid ahaa:

    1. Toban Fure ee Guusha
    2. La Hadal Naftaada
    3. Rajadaada Barbaari
    4. Fakamka Nafteennu Waa Furaha Nolosheenna
    5. Suugaanta Soomaalida: Nabadda & Colaadda
    6. Dhaxal-reeb: Labaad
    7. Beebalku Muxuu ka yidhi Muxammad
    8. Boqol Tallaabo Horu-u-qaad
    9. Mahadho: Abwaan Gaariye
    10. Aqoonjire Iyo Geeljire…

    Walow ayna afkeenna ku qornayn buugaagta aad ka fikirkayga u sameysay hadda na midhadhkani waa kuwo aan saameyntaas ka madhnayn.

    Ustaad, fadlan buuggii aad soo wadday warkiisa na sii beryahan ba waanu u dhegtaageynaye.

    Mahadsanid.

Qor Jawaabtaada