Webdesign Ku Baro Af-Soomaali: Casharka 8aad
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Casharkan waa kii 8aad ee casharro xiriir ah oo ku saabsan naqshadaynta iyo dhismaha muuqaalka guud ee website (Webdesign ku baro Af-Soomaali) oo aad kala socotaan AqoonKaal.com.
Casharadan waxay asaas u yihiin xeerarka suurtagalka ka dhiga in la sameeyo qaabka guud ee uu ku soo baxayo website-ka (ama website layout).
Video-ga hoos ka daawo:
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
La Xiriira: webdesign





maclin waan ku raagsanay casharka waad ladaahday
nooo la soo dheeray
Macalin casharkii 8aad haddaan dhammeeyey ee macalin iiga saxbo http://www.arday.byethost5.com/
sidoo kale ardayda ku xiran casharradaan waxaan dhihi lahaay in ay soo gudbiyaan websitekooda si macalinka uga saxo, haddii ay cilad jirtana aan kawada faa-iidaysano.
tusaaale: aniga wax kasta aan isku dayey sawirka ayagoo image ku jiro iisoo baxaan, nasiib daro waa ii suurta geli waysay inaan filezilla ka muuqdaan.
A/c: Walaal website aad samaysay marka aan galo sawiradu waa ka muuqdaan, si wanaagsan ayaana sawirada loo arkayaa… Xeerka aad isticmaashay fadlan soo qor si aan isula eegno.
Macalin xeerkaan markaan isticmaalo
img src = “”image/ sawir.jpg”" computerkayga gudihiisa waa ka arki karaa, laakiin filezilla maka muuqanaayaan. si walba aan sawirada u upload gareeyo. hadda waxaan isticmaalay habkaan img src = “” sawir.jpg”" si computerkayga iyo filezilla uga wada muuqdaan. dhibaatadaan waxaa laga yaabaa in dad kale ay haystaan.
Ugu horayn hubi: img src=”images/sawir.jpg”
1. Ufiirso khaanadda aad ku xerayneysid sawirada magaceedu wa images, ee ma aha image
2. isla markaasna waxaa dhinacyada ka xiga qoute sidan oo kale “….” ee laba quote kama xigaan, sidan oo kale “”……”" (sidan waa khalad).
3. Waxaa shardi ah in aad khaanadda images oo dhan ku xawishid internetka adigoo adeegsanaya Filezilla… Halkaas u fiirso: Khaanadda “images” oo uu ku jiro faylka sawir.jpg waa in aad khaanadda oo ku jiro sawirku ku xawishid Internetka.
4. Haddii sidaas uu ku shaqayn waayo tijaabi xeerka img src=”/images/sawir.jpg”
Haddii sidaasi kuu shaqayn weydo, mar labaad hubi xeerka img src=”images/sawir.jpg” ama img src=”/images/sawir.jpg” , Isla markaasna waa in KHAANADDA images oo sawiradu ku jiraan aad ku xawishid website-ka adigoo adeegsanaya FTP (FileZilla).
FG. Website aad samaysan ee http://www.arday.byethost5.com/ marka la qooraansado xeerka ku qoran waxa uu muujinayaa in aadan ka tagtay khaanadda images, Laakiin sawirada aad ku qortay waa soo baxayaan sababtoo ah xeer sax ayaad adeeegsatey laakiin aan khaanaddu la socon.
Waxaan rajaynayaa in aad ku guulaystid xeerkaas.
macalin casharada waan sugi waynay
ASC macalin waxaan soo gaaray casharka dhamaadka waana ku guleystay in aan sameeyo website hanaan sare leh lakin sawirada markaan filezilla geeyo masoo baxayaan lakin Pc-gayga waan ka dhex arkaa ciladana wali magaran. mahadsanid
ASC macalin waxaan soo gaaray casharka dhamaadka waana ku guleystay in aan sameeyo website hanaan sare leh http://dirie.byethost24.com/ lakin sawirada markaan filezilla geeyo masoo baxayaan lakin Pc-gayga waan ka dhex arkaa ciladana wali magaran. mahadsanid
walaal sawiradu si ay websiteka uga soo baxaan, waxaa shardi ah in Internetka lagu xawilo, waxaana muhiim ah in khaanada ay ku jiraan sawiradu lagu xawilo internetka, tusaale ahaan images haddii ay ku jiraan waa in khaanadaas lagu xawilo internetka, markaasna sawirkii lagu xiriiriyo HTML, sida caadiga ah ee aad haddaba ugu xiriirisay, laakiin sawirkana internetka ku xawil
masha alaaaaaaaaaaaaaaah
Macalin Maxamed Cali Ugu horeyn ASCWRB salaantaa kadib macalin waan kaaga mahadcelinayaa in badan casharadada sida fudud aad noogu soo gudbisay weligey kuma illoobi doono macalin waan dhisay webka sidii aad inoo bartay waa kan iga fiiri http://jiilaal.byethost22.com/
asalaamu calaykum
waxan ahay arday cusub oo imika arkay website kan
runtii aad iyo aad ayuu u wnaagsan yahay , wanan ku mahad celinayaa , ajarkaga alle ayuun baad ka heli
su\ashaydu waxay tahay
video ga aad ayuu u culus yahay markaa si aanu u dawano macalin bal waxad samaysaa noo soo fududee wayo video gu maba soo baxayo ilaa in badan la sugo
mahadsanid wallao
A/c: Walaal mahadsanid, waana ku faraxsanahay in aad kusoo biirtay akhyaarta casharada kala socota AqoonKaal.com.
Tan Video, walaal waxay ku xiran tahay meesha aad joogtid internetka aad adeegsatid khadkeeda Internetka, haddii uusan xawaare sare lahayn waa dhici kartaa in video cuslaado. Waan ku dadaalayaa in aan yareeyo waqtiga videoyada dambe insha Allah. Mahadsanid
Asc macalin ad ban kaga mahad celinayaa howsha adag ad haayso abaalkedana ale haku kordhiyo, walal casharada xigo ayan sugi la,ahay laso dhaqso wana goorma
As.w. Walalken iyo macalinkena marka hore wankusalamaya, marka labaadna waxan kaaga mahadcelinayaa deeqdan taariikhiga ah oo mujtamaceena ad usameysay. Walal wan qaatay dhaman cashiradi kusabsanaa dhismaha Webka waxana sameeyay websiteki ad nootilmantay http://www.himilo.zxq.net. Sida sxbaday kor kuqoren waxa dhib iga hesta sawirada. Marka sawirka ftp ankudiro mawaxan isticmalaya http… Inu webka kujiro? Thanks….
A/c; Walaal mahadsanid. Sawirada sida aan jawaabaha hore ku xusay waxaa muhiim ah in aad khaanadda sawiradu ku jiraan ku xawishid server-ka, waa khaanadda aad u bixisay “images”, markaas haddii sawiradu kuu soo bixiwaayaan tijaabi in aad magaca khaanadda ka hormarisid calaamaddan /
Sidaas daraadeed linkiga qaybta SRC waxa uu markaas u qormayaa sidan: img src=”/images/calan.jpg”
Ufiirso halkaas: Markii hore waxa uu linkigu u qornaa sidan:
img src=”images/calan.jpg”
Haddana waxa uu u qoran yahay sidan:
img src=”/images/calan.jpg”
Waxaa siyaado ku ah / oo ka horaysa images
FG: Waxaa shardi ah markaas in khaanaddii images aad ku xawishid internetka adigoo adeegsanaya FTP, waa khaanadda ay ku jiraan sawiradu.
Tan kale hubi sida aad u qortay khaanadda sawirada, ma waxaad ka dhigtay image mase images. Waa muhiim sida ay khaanaddu u qorantahay in aan magaceedana u higgaadisid oo u qortid sidaas.
Haddii uu kuu shaqeeyo, fadlan qaabkii aad isticmaashay ku qor halkan si ardayda kale uga faa’iidaystaan jawaabtaada.
Mahadsanid
Asc
Macalin jzkl aad baan kaaga mahad celina yaa aqoontaada aad nooga faideysay, macalin waxaan soo garay cashirka 8aad
iga fiiri.
macalin waad mahadsantahay.
cumar
as/c
asc macalin w2aan dhameeyay iga sax
http://qalimow.byethost22.com/
as/c
A/c: Walaal Cumar, waad ku guulaysatey casharada, website wanaagsan waad samaysay.
Keliya marka aad qoreysid Xuquuqda (c) waxaad qortay xeerka oo u qoran sidan: &coppy; , waxaa ku siyaado ah P, waxaa sax ah sidan: © ;
Mahadsanid
Ciid wanagsan akhunaa Maxmad Cali.
ASC dhamaaan ciid wanaagsan
waa salaamayaa macalim Maxamad Cali iyo dhaman ardayda waxaana usheegayaa inaan kuguulaystay sawir galinta bogayga webka ka fiiri http://nabad.host56.com
waxaan sameeyay inaan masaxo qoraalkii hore oo notebad++ meeshii sawirka isla xeerkii yaana markale ku type gareeyay tani waa taalaabada ugu mihiimsan oo aniga uu sawirku iigu shaqeeyay markii aan xeer meelkale kasoo copiyeeyay ama xeer iiqoraa aan wax ka badbadalay wuu iisoo bixi waayay wuxuu rabaa sawirku si uu ushaqeeyo in se fresh ah aad markaas xeerkiisa utype gareeyso tan labaad waa inaan si wanaagsan uhubsaday inaan sawirka FTP kudiro.
Qoraalkan waxaan uqoray codsigii macalimka ee ahaa inaan ardayda usheego marka / sida sawirku iigushaqeeyo.
thank you all.
macalin salaan ka dib waxaan kaa codsanayaa inaad ii sheegto sida aan u heli karo ama u samey karo foom nuucaan oo kala ah kaas oo comment ah . mahadsanid
Walaal noocee weeyey foomka aad dooneysid?
ASC macalin sidee tahay, waxaan aad ugu xiisnay duruustii tixanaha aheed waxaan jeclaan laheyn in aad duruustii noo sii wado haday macquul tahay, mahadsanid.