7 Saacadood ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed Ku Lumiyaan Internetka Maalin kasta

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 6, 2019 | 12 Jawaabood

« | »

Dadka ilaa hadda ka qayb qaatay codbixinta ku saabsan waqtiga ku luma internetka ayaa tibaaxay in ay maalin waqti badan kaga lumo dhex-mushaaxa internetka.

Codbixinta oo weli furan (halkan riix) waxay muujineysaa in dadka badankoodu ay internetka ku lumiyaan celeclis ahaan 7 saac, 4 saac, iyo 2 saac.

Codbixiyaasha badankooda da’doodu waxay u dhexaysaa 18-jir ilaa 58-jir, waxaase ugu badan da’da ka yar 35-jirka.

Waxaana badankoodu joogaan Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Gaalkacyo, Garoowe, Buurtinle, Baydhabo, Godey, Jigjiga, Turkiga, Dubai, Qadar, Kenya, iyo Yurub magaalooyin badan oo kamida.

Waxayna sheegeen websiteyada ay waqtiga ugu badan ku bixiyaan inay yihiin Facebook, Youtube, iyo WattsApp.

Shaxda hoose waxay muujineysaa boqolkiiba inta saacadood ee ku luma Internetka.

9.8%— 1 saac ama ka yar
24.4%— 2 saac
9.8%— 3 saac
19.5%— 4 saac
7.3%— 5 saac
29.3%— 7 saac ama ka badan

Fadlan ka qayb qaado codbixinta adigoo sheegaya waqtiga kaaga luma Interenetka: Riix linkigan: https://goo.gl/forms/2pUSYq8QSkOVXcND2

Faafin: AqoonKaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

12 Jawaabood

  1. Hussein says:

    Waxaa iiga lunta 3-4 hours, laakiin hadda waxaa jirta si aad ku xadayn kartid. Tusaale ahaan Facebook ga waa la waqtiyeyn karaa oo marka waqtiga aad qabsatay la gaaro fbgu wuu ku xasuusinayaa, inkastoo ay ka fiicnayd inuu iska kaa xiro oo illaa la gaaro maalinta kale aan la awoodi karin in la furo.

  2. بسم الله الرحمن الرحيم
    Aslkm
    Run ahaanti marka hore waan salaamayaa, qodobkan dhanka wakhtiga khuseeyo waa muhiim
    Sababto ah waxa uu ka mid yahaywaxa la is waydiin doono maalinta aakhira
    (Facebook,whatsap, kaliya xiliga aan firaaqa haayo baan wax ku qora ama wax i anfaca ka faaiidaystaa waase balwad aad u khatar badan
    Waa muujado midba mida kale kuu dhiibayso)
    I

  3. Axmad Carab says:

    Aniga inta badan waxaan daalacdaa website-yada wararka iyo google iyo weliba youtube, lkn WhatsApp iyo Imo waxaan isticmaalaa keliya markaan dad kula hadlaayo.
    Ma isticmaalo: facebook, Snap chat iyo twitter.
    Celcelis ahaan inta aanka isticmaalo mid weliba, waxaan isleeyahay waa sida tan isticmaalkeyga:
    Website: 20%
    Google: 30%
    Youtube: 40%
    WhatsApp iyo Imo: 10%.

    Lkn ilaa iyo hada iima xadidna inta saac aan maalintii isticmaalo.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Mahadsanid walaal. Mar haddii aad qiyaastay inta boqoliiba aad isticmaasho sida youtube, saacada fiiri marka aad computerka hor fariisato ilaa marka aad iska xirto inta u dhaxaysa. sidaas samee asbuuc, waxaa markaas kuu soo baxaya celcelis ahaan inta aad internetka waqti geliso, dabacan waxaad markaas qiyaasi kartaa intaas saacadood waxaad faa’iidey iyo waqtiga maalaayacniga kaaga lumay.

  4. Abdulkadir Sooyaal says:

    Waqti badan ayaa igasoo lumay Lkn hada Alxmadulilaah waxaa jirta maalmaha qaar oo aan jaanis u waayo maalmana isugeeyn saacad kabadan ilama dhaafo waxaana isaga daweeyay go’aan aan ka gaaray Facebook oo aan iska xirey tirtireyna qoondadi aan ku lahaan jiray.

  5. Se Supone says:

    Waxaa iiga lunta 3-4 hours, laakiin hadda waxaa jirta si aad ku xadayn kartid. Tusaale ahaan Facebook ga waa la waqtiyeyn karaa oo marka waqtiga aad qabsatay la gaaro fbgu wuu ku xasuusinayaa, inkastoo ay ka fiicnayd inuu iska kaa xiro oo illaa la gaaro maalinta kale aan la awoodi karin in la furo.

  6. Waxa luntanta malintii wax ka badan Hal saac

  7. Maxamed cumar Kabisaawi says:

    Wallaahi wax jira weeya in waqti badan lagu bixiyo dhex mushaaxa magaalooyinka waaweeyn ee internet-ka inkastoo la awoodo in layareeyo hadana wuxuu umuuqdaa mid khatar ku ah ama dib udhac kukeeni kara riyooyin awalba tabar darnaa
    Intaas ka dib celcelis ahaan ani waxaa iiga baxo 3 – 4 saacadood

  8. Waxuu wakhti igaga baxa malinti ugu badnaan 4saac

  9. maxed says:

    Waqtiga had la ilaashado dhalinyarooy

  10. Khadar says:

    Wakhti badan ba igaga luma runtii waxanan dareemay dibu dhac xagga nolosha ah sida inaan imtaxaanadka hooseeyo

  11. Aniga ahaan hadal ka aniga oo soo koobaya haddaan qiyaaso waqtiga iiga baxa isticmaalka Internet ka waa sideed iyo toban saacadood(18) oo toos ah afar iyo la baatan kii saac kasta(24).

Qor Jawaabtaada