Sidee Lagu Furi Karaa Computerka Windows-ka Haddii uu kaa Xirmo ama aad ilowdid furaha?

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, July 15, 2012 | 67 Jawaabood

« | »

Computerka (Windows 7, Vista ama XP) haddii uu kaa xirmo, ama aad ilowdid furaha (password) aad ku geli lahayd, sidii aad u furi lahayd wayaan ku baran doonaa casharkan AqoonKaal.com:

Soo Koobid:

1. Soo rogo barnaamijka Ophcrack LiveCD: http://ophcrack.sourceforge.net/ waa barnaamij lacag la’aan ah. (Haddii aadan furan karin computerkaaga, adeegso computer kale, faylkaas marka aad soo rogatid kusoo qaado CD ama DVD).

2. Barnaamijka Ophcrack LiveCD si aad ugu xawishid CD/DVD, waxaad u baahan tahay barnaamijka kale oo lacag la’aan aad ka soo rogan kartid http://www.freeisoburner.com/

3. CD/DVD-ga aad kusoo qaaday barnaamijka geli computerka aad furi weydey, markaas daar ama dami-oo-daar computerka si uu uga daarnmo barnaamijka Ophcrack LiveCD oo ku jira CD-ga, waxaa markaas barnaamijku shaashadda ka soo muujin doonaa furayaasha Windows (7, Vista ama XP), markaas furaha meel ku qoro. CD ka saar computerka. Dami-oo-daar markaas furahaas ku furo computerkii.

Faahfaahin:

Waxaa dhacda in aad computerka u samaysid fure guud oo lagu galo ama (furaha maamulaha “Administrator”). Akoonada caadiga ah ee aad ka samaysid computerka waxaad furuhooda ka bedeli kartaa akoonka maamulaha. Laakiin haddii aad ilowdid furahaas ama furayasha aad ku furi lahayd oo dhan sidee u furan kartaa?

Waxaa jira barnaamijyo arrintaas loo adeegsado, kuwo lacag ah iyo kuwo lacag la’aan ah. Casharkan waxaan ku baran doonaa barnaamijka Ophcrack LiveCD oo lacag la’aan ah ahna Open Source ama dad u dhaxeeye, kaas oo suurtagal ka dhiga in furaha Windows (7, Vista ama XP) si fudud lagu heli karo si markaas loo furto Windows-ka.

  • FG: Haddii computerku leeyahay dhawr akoon oo mid kamid ah aad furi kartid, akoonkaas ayaad adeegsan kartaa si aad barnaamijka  CD ugu qaadatid. Haddii kale oo aada gebi ahaanba computerka furi karin, markaas waa in aad adeegsatid computer kale si aad u soo rogatid barnaamijka Ophcrack LiveCD aad kusoo qaadatid CD/DVD.

Soo Rogo Barnaamijka Ophcrack LiveCD

1. Barnaamijka Ophcrack ka soo rogo websitekan: http://ophcrack.sourceforge.net

2. Marka aad booqatid website-kaas, riix batoonka Download ophcrack LiveCD

3. Markaas riix linkiga u dhigma nooca uu yahay computerka kaa xirmay – eeg sawirka hoose (FG: waa nooca computerka furahiisu kaa xirmay, ee ma aha computerka kale ee aad kusoo roganeysid).

  • Windows 7 iyo Vista : RIIX Linkiga ophcrack Vista/7 LiveCD.
  • – Windows XP: GUJI linkiga ophcrack XP LiveCD.
  • – Haka welwelin hana isku mashquulin linkiga ay ku qoran tahay ophcrack LiveCD (without tables)

4. Faylka oo ah Ophcrack LiveCD ISO ayaa ku soo xeroonaya computerka, waxana uu ka soo rogmayaa website Sourceforge.net (Haddii uu ku weydiiyo waxaad tiraahdaa Download ama Save si uu computerka ugu xafidmo)

  • FG: Barnaamijka Ophcrack LiveCD waa hal fayl oo ah nooca ISO, waana fayl culus oo gaaraya 518 MB, sidaas daraadeed in uu soo rogmo wuxuu qaadan karaa daqiiqado ama xitaa saacado, taas oo ku xiran xawaaraha khadka Internetka aad adeegsanaysid. Marka dul qaado.
  • Faylku wuxuu ku xeroon doonaa khaanadda Downloads ee Computerka (waa Documents / Downloads)a

Ku Xawil CD faylka Ophcrack LiveCD ISO

5. Marka barnaamijka Ophcrack LiveCD uu diyaar kuugu noqdo computerka, waxaad u baahan tahay in aad ku xawishid CD FAARUQ AH ama CD/DVD cusub. – Waxaad ku sammaynaya habka loo yaqaan BURN oo ah nidaam faylasha loogu xawilo CD ama DVD.

  • FG: Ophcrack LiveCD waa fayl ah nooca ISO, sidaas daraadeed waxaad u baahan tahay barnaamijyada faylasha nocoaas ah (ISO) ku duubi kara CD (Waa CD Burner xafidi kara faylasha nooca ISO), haddii aadan haysan barnaamij noocas ah waxaad soo rogan kartaa barnaamij lacag la’aan ah oo ah ISO Burner oo laga soo rogan karo linkigan:

FreeISOBurner: http://www.freeisoburner.com

  • Si aad u soo rogatid barnaamijkaas, Eeg dhanka hoose ee websitekaas meesha ay ku qoran tahay “Download Free ISO Burner (SoftSea Mirror)” – Bartaas riix.

6. Marka aad soo rogatid barnaamijka FreeISOBurner, oo uu shaashadda diyaar kuugu yahay, waxaad computerka gelisaa CD ama DVD faaruq ah, kaddib faylkii ku xafid CD-ga. CD/DVD khasab ma aha in uu yahay CD mug weyn waayo waxaad ku duubeysaa hal fayl oo keliya.

  • Faylka si aad ugu duubtid CD, riix barta OPEN, markaas faylkii Ophcrack LiveCD soo dhexgeli shashaddaas,
  • Xaqiiji in barta DRIVE ay ka muuqato CD ama DVD-ga khaanadiisa ee computerka aad adeegsanaysid.
  • Kaddib riix batoonka BURN.  Eeg sawirka hoose.
  • Marka uu dhameeyo waxa uu computerka ka saarayaa CD-ga, Markaas iska xir barnaamijkaas (batoonka CLOSE).
  • Haddii aan faylkaas si sax ah loogu xerayn CD, markaas hadhow computerku kama daarmi doono CD-ga.
FG: Barnaamijka FreeISOBurner hawshiisu waa in uu faylka Ophcrack LiveCD ku xawilayoo CD/DVD. Waxaad CD-ga ku qaadanaysaana waa faylka Ophcrack LiveCD.
  • Faylkaas Ophcrack LiveCD ISO waxa uu ku soo xerooday khaanada Downlaods, halkaas ayaad ka qaadeysaa oo ku xawili doontaa CD adigoo adeegsanaya barnaamijka FreeISOBurner .

CD-ga geli Computerkii Kaa Xirmay

7. Soo qaad CD-ga aad ku soo xeraysay faylka Ophcrack LiveCD ISO, oo waxaad gelisaa Computerkii kaa xirmay, markaas daar (ama dami-oo-daar). Faylkaas Ophcrack LiveCD ayuu ka daarmayaa computerku. Waayo faylkaas ISO waa nooca loo yaqaan “Toos u daarme” ama “bootable“.

8. Waa in markaas uu computerku ka daarmo CD-ga uu ku jiro Ophcrack LiveCD, shaashad arrintaas kuu muujinaysa waa in ay soo baxdo, taas oo uu ka muuqdo barnaamijka Ophcrack LiveCD. Shaashaddaas waxay ku dhaafaysaa waxyar kaddib, halkaas wixii ka dambeeya faraha ka qaad barnaamijka ayaa majaraha u qabanaya.

  • FG: Haddii aad arki weydid shaashadda sare, waxaa cilladu noqon kartaa in computerku uusan ka daarmin CD, taas haddii arrintu tahay waa inaad computerka damisid oo daartid, marka uu soo daarmayona aad riixdid batoon kamid ah teebka sida SPACEBAR, markaas waa in uu ka daarmo CD-ga. Haddii cilladu sii socoto oo gebi ahaanba k adaarmi waayo CD, markaas waxbaa ka khadlan qaabkii aad faylka Ophcrack LiveCD ugu soo xeryasay CD-ga.

9. Shaashadda xigta waxay muujinaysaa in barnamijkii Ophcrack LiveCD uu isagu hawshiisa qabsanayo. In aad waxba samaysid ma aha, ama faraha ka qaad hawshiisa ha watee.

  • Hawsha uu qabanayaa waa in uu diyaarinayo barnaamij loo yaqaan SliTaz, kaas oo la xiriira Linux si uu u daaro barnaamijka Ophcrack LiveCD, si markaas uu u soo helo furaha (pasword-ka) Windows-ka ee ku jira Computerka.

10. Shaashdo dhawr ay aa i sbedelaya, waxana uu barnaamijku raadinayaa furayasha dhammaan akoonada Windows aad ka samaysay.

11. Waxaa markaas barnaamijka Ophcrack LiveCD uu soo saarayaa dhammaan furayaasha (passowrd) inta qof ee computerkaas ku leh magac (username).

12. Shaashaddaas ka eeg magaca akoonka  (user) aad furihiisa radineysey, waxaana furuhu ku hoos qoran yahay barta NT Pwd oo ku beegan magacaas (eeg sawirka hoose). Furahaas meel ku qoro, waa furaha aad u baahan tahay si aad computerka u furatid.

  • Tusaale ahaan shaashadda hoose waxaa ka muuqda magaca (user) oo ah Maxamed waxaana ku hor qoran furaha oo ah Test1 , furahaas weeye kan aan ku furan doono computerka.
  • Waxaa shaashadda ka muuqan karaa xitaa akoono aad hore masaxdey, sidoo kale haddii akoonku uusan fure lahayn waxaa ku hor qormaya EMPTY taas oo muujineysa in uusan fure ku xirnayn akoonkaas ay ku hor qoran tahay Empty.

13. Markaas barnaamijkii Ophcrack hawshiisii waa gutey. Furihii aad u baahnayd shashadda ayuu kaaga soo saaray. Waad iska xiri kartaa barnaamijkaas (riix batoonka EXIT). Markaas CD-ga ka saar computerka.

14. Kaddib dami-oo-daar computerka, waxaadna ku furataa furahii aad ka heshay barnaamijka Ophcrack.

15. Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey inaad furatid computerkii kaa xirmay. Marka aad gudaha u gashid computerka waad ka bedeli kartaa furaha , waa haddii haddii aad rabtid in aad fure cusub u samaysid (Waxaa akoonada computerka Windows laga hagaa qaybta Control Panel, kaddib User Accounts).

  • Ma dooneysaa in lagu dhiso website ku samaysan WordPress, EEG HALKAN.

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

TIXRAAC:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

67 Jawaabood

  1. Mahadcelin aad u Balaaran ayaan Casharkan idinkaga Mahadcelinay … Waayo waa Cashar ilowshaheyga Wax weyn ka tari karaya, mar labaad ayaad ku Mahadsantihiin.

  2. Sugow says:

    Mansha’allah mclm..wa cashar hersare ah. Wale wan sameyni insha’allah wlh waligee uma fikirin in nocas sahlan lasameyni karo

  3. salmaan says:

    Asc macalin maxamed masha alah aad baan oga faaideystey casharkaan muhiim ayu ii aha aaniga ahaan dadka kalena wan fiala inay ayagana ka faaideysteen alle ajar haka asiiyo runtii insha allah thanks

  4. mohamed says:

    ASC: Macalin Kheyr allah haku siiyo, caawinaada siineyso Somali people.

    macalin waxaan kaa codsan lahaa in aad noo bilawdid how to build website as a wordpross : sida aad noogu bartay HTML: illaah ajar hakaa siiyo.

    mahadsanid

  5. khadar says:

    aad ayaa ugu mahadsantihiin sidaa aan noola socodsiisan casharadda computerka

  6. atosh oma says:

    aad ayaad umahadsantahay macalin .waan kahelaa secure tiga gaarahaan crack furaha .. thanks we need more ..

  7. mustafe says:

    ACW-bacda salaan, Ilaahay ha kaa abaaliyo aqoonta waxtarka leh ee aad u faafinayso day-dayga aqoonta (Qofka aqoonta raadinaya). salaan iyo bogaadin aan la koobi karin ayaan kuu soo gudbinayaa.

  8. Sugow says:

    A.s.c maclim maxamed waxan raba in aan so rogto microsoft office 2007. Halke ka boqda mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Sugow, Micorosoft Office 2007 waa lacag waxaana laga iibsan karaa website-ka microsoft. Laakiin waxaa jira barnaamij lacag la’aan ah oo aan waxba ka dhicin oo hawsha kuu qaban kara (Sida qoraalada, excell, Powrpoint iwm), barnaamijkaas waa OpenOffice oo lacag la’aan lagaga soo rogan karo websitekan: http://www.openoffice.org/

  9. Sugow says:

    Mahasanid maclim maxamed cali..qeyr bdn ayan ku rajenaya…thank u.

  10. Jamal says:

    Aad iyo ayan kugu mahadcelinaya maclinka wyne maxamed, wlh wanka faideystey casharkan.adunka raxo aqiro halki roon/janada ayan kubaryaaa…maclim waxan raba in ay typing skills faraha barto marka software lacag la’an ah miya lahela. Faldn egu cawi website laga so rogto mahasnid

  11. kaahiye says:

    macalin aad ayaad ugu mahadsantahay aqoonta aad noo soo gudbisey jasaakallaahu kheyr

  12. Ramadaan Kariim macalim

  13. Ciid mubaarak Macalim Maxamed,kulu caam wa antum bikheyr.

  14. mohamed says:

    CIID MUBARAKA, mahad sanidiin bahda aqoonkaal waa loo bahan yahay hoosha aad wadaan masha allaah
    inaga neh waxaan noqon doona kuwii ka faa’ideysta idinka neh ajir iyo xasanaad alle ha idinka siiyo

  15. Ali Abdallah says:

    ASC..Waad salaaman tihiin marka hore..waxan mahad balaadhan idiin ka soo jeedinayaa casharkan oo wax badan igu soo kordhiyey…

    Waad mahadsan tihiin.

  16. Daud says:

    Jazaka Allaah ha Ka daalin in aad dadka barto aqoontaada, aad baad u mahadsantahay

  17. indha buuur says:

    Asc bcd sln dhamaan ardayda iyo macalinkaba waxaan ku salaamayaa salaalnta islmka asc salaan kadib m.mohamed Ali waxaan doonayaa inaan badalo magac aan horay u adeeg saday markaan computerka. Ku shubaayay Windows 7 marka seen ku badalaa magacaas feel waliba isga Ayaa iiga qormaya mana lihi Aniga oo qofkii I caawinaayay Ayaa ku bora garaamiyaay seen uuga tiraa ???? Mahad sanid qoontaadana rabi hakuu dhooro walaal

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal waxaan filayaa magaca shaashadda hore ka soo baxaya in aad ula jeedid, taas si aad u bedeshid raac habkan:

      Riix: START — CONTROL PANEL — USER ACCOUNTS AND FAMILY SAFETY — USER ACCOUNTS — CHANGE YOUR ACCOUNT NAME — markaas meesha bannaan ku qor magaca cusub, kaddib riix batoonka CHANGE NAME

  18. Muse Abow says:

    A/c walaal ku salaamay salaan ka dib walaal waxaa kaa mahadcelenayaa sid hagar la,anta ah ee aad caabineyso walaalaha somalida ah adigoo fiiriyay baahida loo qabo in aay ku baxdo tiknooljiha ee casriga ah ee aduunka maant ku soo aruuray oo ah computerka walaal waxaa kuu rajeenayaa in uu Alle kaa awaal mariyo amin amin.
    waxaa kale oo kuu sii dhiiri gelenayaa in aad sii wadid inta aad ka awoodo Allena ha kuu fududeeyo.
    Wabilaahi toofiiq.

  19. abdirahman says:

    Salaan kaddib aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, bahda AQOONKAAL ILAAHAY ajar ha idinka siiyo cilmiga mar walba anfacaya ummadda Soomaaliyeed ee aad u soo gudbisaan, waxaan weliba aad idinkaga mahad celinayaa in sida aad qoraalada u soo gudbisaan ay tahay mid qof walba uu fahmi karo si aad ahna u faahfaahsan, Mar kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.

  20. Ahmednur says:

    Asc walaalahayga Bahda Aqoonkaal aad iyo aad ayaad u mahadsantuhiin Illaahay waxaan idiinka rajaynayaa khayr badan e walalayaal khayr ayaan idiin rajaynayaa

  21. abdisamad says:

    ilah haidanka abaal mariyo sida wanagsan ee maclumadka nogu so gudbiseen anago ku fahmeyno afkena hooyo waxana rajayn in qofkasta somalia waxu uubartay in uu sida ragaaaan somaliga ugu so qoren islama markana dadka usharxayo in ey ayaguna sida yelaaan kuna daysadan walalhod

  22. musharaf abdi ahmed says:

    ad iyo aad ayaad u mahadsan tahay macalinka hashaaan isku xil saaray runtii ninkaa garanaayo casharkaa xasuusin ayay u tahay midkii aan aqoona waxay u noqoneysaa tacliin marka kii soo maray iyo kan aan soo marinba waa wada anfacaa ee alle waxaan uga baryeeynaa macaliminta isku xilsaray in alle u sii siyaado aqoontooda si ay noogu soo gudbiyaan waxa ay soo bartaan runtii waxaan dhihi karnaa dadkiina ayaad wax usoo barateen ee wax bara adinkuna thanks

  23. cali says:

    asc ustaad barnaamijkamarkaan galo oo download aan dhaho oo hadana aankala doorto xp ama win7 wuxuu i leeyahay download forbiden, ee maxaan sameeyaaa?

    • Maxamed Cali says:

      Fadlan tallaabooyinka aad qaadan iyo meesha uu kaaga istaagey soo qor si aan isula turxaan bixino cillada,

  24. Saacid Max'ed Haashi says:

    Asc ustaad waad ku mahad santahay progamka aad ku caawisay
    Ardayda meelkasta ay joogaan way kuu ducaynayaan ee Alle ayaa aqbalka leh ee hakaa aqbalo

  25. mukhtar ahmed says:

    Marka hore salaan macalinkan waxnagu bara internetka ee macluumaadkii aanu ubahanayn noogu soo turjumay afka hooyo waxaan kuleeyahay macalin alle khayr hakusiiyo,alle hakaa abaaliyo sidaad noogu hurtay wakhtiga,nooguna soogudbinayso casharada faa iidad uleh bahda afka soo maaliga ku hadasha.
    mahad naqaa kabacdi.
    macalin waxaan rabaa in aan websitte iyo it networka ,,maxaad talo igu siin lahayd.

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal mukhtar mahadsanid ducadaada iyo dhiiri gelinta. Laakiin su’aasha si fiican uma fahmin, ma in aad website samaysatid ayaad rabtaa.

  26. ali maxmed musa says:

    macalin waa mahadsantahay

  27. Maxamed Salaad says:

    Salaan kaddib, macalin ilaahey hakaa abaal mariyo howsha wanaagsan ee aad haysid, adiga iyo waalidkaana eebahay naxariistiisa janno ha idinka waraabiyo. Aamiin Amiin.

  28. SU,AAL ?

    computer_ kayga waxaan ku , arkay adminstrator kaasi oo aan soo sarayn wax passwprd _ box ah , ama meesha passworka lagu qoro . maxaa xala .

    waxaa mahad oo idil iska leh allaha raxmaanka ah . waxaan u mahadnaqayaa macalinka , oo IT WAXBADAN NAGABARAY .

    • Maxamed Cali says:

      Walaal waxaa dhici karta in aanhore computerka loogu samayn password qaybtaas. mar haddii ad gudaha u gashay markaas ayaad fure u samayn kartaa haddii aad sidaas u baahatid.

  29. cabdi cabdillhi yonis says:

    macalin waxaaad tahay macalin qiimo leh , aad ayaan kuugu mahad naqayaa sida hagarla aanta ee aad wax kasta noogu soo gudbiso ilaahay hakaa abaalmariyo .

  30. Abdikadir says:

    Maasha allah macalin alle ha kaa abaalmariyo!

  31. Abdikeni Mohammud says:

    asc macalin khayr allaha ku siiyo abaal wayn baan ku haynaa ee allaha kaa ajarsiiyo faaiidaynta aad noo faiidaysay

  32. Faysal Nuuraani says:

    S/C MCLN Runti macalin qiima badan leh ayad tahay waxana jeclahay in umada soomaaliyed ay si wayn uga faaiidaysan doonaan deqdan eebe siiyay

  33. abdilahi fadxi says:

    asc
    macalin aad iyo aad ayaad ugu mahad santahy waxbarashadan bilaash ka ah ee aad u qabatay dadwaynaha soomaaliyeed
    macali suaal ayaan ku waydiin lahaa
    barnaamijka OPCHCRACK ma ku jabin karaa WINDOWS 8

    THANKS ALOT

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Abdilahi fatxi mahadsanid, arinta ku saabsan Ophcrack, waxaa websitekooda ku cad in uu ku shaqaynayo “Windows 2000, XP, Vista and 7 are supported.” Kuma tijaabin in uu ku shaqaynayo Windows 8.

  34. xasan siciid says:

    asc masha allah waad mahdsantihiin macalimenta waxaan fa idadaleh qory waxana alle uga baryaa in danbe dhaafsiiyo iyo cibaadoo suban .macalin suaal ayaara in aan ku weydiyo suaashu waaa hadii aan iska xero D ama E aan ku xeray(BitLocker Drive Encryption) password ayaan ku xero saan ku furikaraa waana iga lumay password aan ku xeray mana garanayo..

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Xasan Siciid, muhiimada barnaamijka “BitLocker Drive Encryption” waa in aan cid kale computerka ka ajabsan, sidaas daraadeed u malayn maayo in ay jirto hab lagu furi karo haddii aan la xasuusan furaha barnaamijkaas, waayo waxaa taas loo sameeyey in hadii computerka lagaa xado aan cid kale u jabsan karin, sidaas daraadeed ayeysan suurgal u noqon karin in si fudud lagu furo haddii aan passwordka ama Key lagu xiray aan la aqoon.

      Tixraac Websiteka Microsoft http://technet.microsoft.com/en-us/library/dd835565(v=ws.10).aspx

  35. Eng cabdixakiin muxumed askar says:

    macalin waad ku mahadsan tahay sida faahfaahsan ee aad noogu faa iidaysay

  36. xirsi cali says:

    mar ka hore waad salaaman tahay saxb salaam ta islam ka asc
    bacda salaam aad baad umahad san tahay adiga iyo asxaabtaad isu xilsaaray cashardan mu hum ka ah
    waad soo download gareeyaa barnaamijka mar uu dhamado ayuu igu soo saaraya baaaj kan

    aay kuqoran yihiin wizip iso c d
    rom imag
    ma iga khal dan maxaan se uga gud baa
    sxb jawaab waafi
    iyo waliba hadaad kasoo dhigi kartaan vidio

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal marka aad raacidi tallaabooyinka ku qoran casharka waxaad arkeysaa in ISO lagu xawilayo CD, oo aad uu baahan tahay barnaamijka ku qoran casharka oo CD-ga ku xawilaya faylkaas,

  37. XANIIF says:

    asc wr wb macalimuu barakallahu fiika walahi waa arina lagu farxo arinkan camal waba Ubahneyn hada nahay somali Luqadeena Hoyo anba ugu ciil baxaeyna allah haku siyaadiyo aamin Ustad

  38. mahamuud says:

    waa cashar aan oran karno waa loo baahnaa
    macalin waxaan kaa codsanayaa inaad noo samayso qaabka wax loo jabiyo ama hacker loo sameeyo

  39. deeq yare says:

    asc
    macallin

    mansha allaa mansha allaa ilahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo annagana hanagu anfaco, waa cashar muhiim ah oo intii wax faa’iidaysanaysaba wax tar u ah, mar labaad iyo marseddexaad ba waxaan kaaga mahad celinayaa sida faah-faahsan ee aad noogu kala saar-saartay casharka (barakallaah fiik),.

  40. #deeq #cali says:

    asc
    aad iyo aadbaan kaaga mahadcelanayaa casharka aadnoo soobadh dhigtay si’aan uga faa’iidaysanno macaliin, ilahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo, anoo ku hadlaya inta aqoon raadiska ah islamarkaana diyaarka u ah ciddii iyo meeshii ay faa’iido aqoon kororsi kahelayaan inay diyaar uyihiin kafaa’iidaysigeeda waxaan kuleenahay macallin hakadaalin casharrada xiisaha badan ee aad noosoo bandhigto annaguna aanka faa’iidaysanno.
    mahadsanid macallin marlabaad iyo marseddexaadba.

  41. xirsi cali says:

    sidee lagu furi karaa computerka windows-ka haddii uu kaa xirmo ama aad ilowdid furha?
    macalin waad mahad santahay
    1– mashardi baa in uu pc ku horeeyo iso buner?
    2–macalin manoo ga dhigi kartaa vido casharnka kor kuxusan ?
    3–markaan soo download gareeyo ma iii soo saarayo run ama save daaqadii ay ku qoneed marka uu buuxiyo 100ka waxa uu soo saarayaa shortikal 3dex ah ama kabadan maxaa siya pc geyguna waa ok oo progrms ka kalaba wuu i dhameys tiraa ….
    asalamu caleykum

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal markii aad raacday casharka makuu shaqeeyey iso burnnerka, casharka waxaan qoraalka uga dhigay in print laga samaysan karo oo markaas computerkii xirmay lala ag tegi karo si loo raaco. Mahadsanid

  42. xirsi cali says:

    macali waad mahad san tahay cilmiga gaaga iyo waqtiga aad kubixisid faham siinta arday daada casharada itga ama computerka ku saab san waxaan ilaahay kaaga bar yeynaa kheyr aduunyo iyo mid aakhiro macalin waxaan kaa cod saneynaa anagoo ah arday ku xidhin webka aqoonkaal
    in aad video nooga soo dhigtid casharkan hoos ku xusan adooraali ah macalin
    Sidee Lagu Furi Karaa Computerka Windows-ka Haddii uu kaa Xirmo ama aad ilowdid furaha /juey/15/2012

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal xirsi waad mahadsan tahay, waxaan qoraalka uga dhigay si haddii computerku kaa xirmo aad computer kale qoraalak uga soo print garayn kartid oo markaas ula timaadid computerkii kaa xirmay.

  43. aad iyo aad ayaad umahadsantihiin bahda aqoonkaal wana idiin halbalyenaynaa sxbyal

  44. ahmed says:

    asc macalin aad ayaad u mahadsan tahy jazaa kalaah wad inoo faa ideesay waadna ku mahadsan thy

  45. c/salaan says:

    macalin aad ayad u mahd santahay madama aad nabartay waxyaba horay noo dhibay waana kaga mahadcelina macalin .macalin aniga markan canjalka ku shubay barogaramka oo aan damiyey computerka kabacdi waan daray waxana ku daray canjalkii aan ku shubay barogarmka wa shaqeyey lkin halkuu password ka ii soo dhigi lahaa waxa uu leyahay not foud marka macalin adigoo mahd san maxaa iga qaldan ii sheeg

  46. MOHAMOUD says:

    ilaahay khaayr hakaaga abaal mariyo sida hagar la aanta ah ee aad noogu soo gudbinaaysid aqoontan faa iidada leh

  47. MOHAMOUD says:

    SU AAL macalin maraakaan is idhi soo rogo barnaamijka ophacrack aan website ka booqday ee uu bilaabay haawshii downloadka wuxuu ii sheegay dhoowr saac inuu qaadan doono laakiin dhoowr mirir kadib ayuu haawshii dhamaeeyey wuxuuna kudhacay programkii ophacrack khanka downloadska ee pc details kiisu waa 2.44MB
    barnaamijkii open ayaan siiyey wuxuu isoo tuuray daaqad cinwaabnkeedu yahay TOSHIPA disc creator
    waan iska xidhay daaqadii waxaan is idhi kuduub hadaba DVD aan pc galiyey anoo adeegsanayaa barnaamijka aad noo sheegtay ee iso lakiin maay suura galin

    macalin ciladu waa xagee?
    ciladu ma DVDgaa mase waa barnaamijka?
    waxaan filayaa insha alaah inaad isiin doonto jawaab waafi ah hadii aad ifamtay.

  48. MOHAMOUD says:

    suaal 2aad xawaaraha inetnetku hadii uu kaa debecsanyahay majirtaa meel kor looga qaadi karo oo ah pc (TOSHIPA WINDOWS 7)… ilaahay haku xafido macalin insha alaah taariikhdu waay ku xusi doontaa waxaan kugu boorinyaa inaad halkaa aad dada dadaalka kasii wado.

  49. Mohamed Tawane says:

    waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida wacan ee aad inoo caawineysaan
    waxaan idinka codsan lahaa inaad ii sharaxdaan:-
    1. sida program ku jira flash aan ooga dhigan karo CD ama caksi.
    2. waa maxay wordpress? maxaase loo isticmaalaa?

    mahadsanidiin

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      WordPress waa barnaamij loo isticmaalo in lagu dhiso website, si fududna markaas loogu qori karo qoraallada

  50. awaleh says:

    thanks macalin inta dadalka iyo waqtigaga ku bixisay aqoontan aad noo soo gudbisay

  51. Abaadir Maxamed Cali says:

    Asc wwbr Mahadsanid walaal sida aad mar walba inooga hanqal tirid baahida loo qabo cilmiga kumpuyutarka waaliba afka hooyo aad si waafi ah inoogu sharaxdidi waxaan isleeyahay aqoonkaal cilmiga kumputarka kaliiyah laga bartee erayo soomaali ahna waalaga korarsadaa. intaas kadib suaasheeyda waxeey tahay barnaamijka orphacrack malugu soo rogan karaa USP?
    Mahadsanid

  52. aqoonkaal waa ku mahadsantihin . casharkaan aad iyo aad baan ugu baahanyn..

Qor Jawaabtaada