Sida Loo Xannibo Xayeysiiska aan wax laga akhrisan karin ee ku jira Website-yada, Youtube iyo Facebook

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, August 13, 2014 | 50 Jawaabood

« | »

#AQOONKAAL – Akhriste ka mid ah AqoonKaal.com ayaa isoo weydiiyey su’aashan “Walaal waxaa idhibay markaan aqrisanayo aqbaaraha xayeysiin ee sideen isaga xanibaa?”

Waxa kale oo aan marar badan arkay ayadoo laga cabanayo xayaysiiska faraha badan ee websiteyada laga buuxiyo, oo qoraallada gees kasta lagaga lingaxo, oo ah indho-sarcaad aan wax laga akhrisan karin, ayadoo mararka qaarkoodna ay xayaysiisyada ka soo dhex muqdaan sawiro anshax xun.

Haddaba, jawaabta si akhristayaasha oo dhammi uga faa’iidaystaan waxaan qoraalkan ku baran doonaa barnaamijka “Adblock Plus” oo lagu xannibo (badanaa) xayaysiiska website-yada, xayaysiiska la socda Youtube iyo xayaysiiska Facebook.

Waa maxay “Adblock Plus”, sidee u shaqeeyaa?

“Adblock Plus” – oo loo soo gaabiyo ABP –  waa lacag la’aan, waana mid u furan dadweynaha (oo ah open source), adeegsigiisu aad ayuu u sahlan yahay, waxaana lagu rakibaa barnaamijyada lagu daalacdo websiteyada ee loo yaqaan “Browser-ka”, sida Chrome, Firefox, Opera, Internet Explorer ama Safari. Sidoo kale waxaa lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee nooca Android (sida Galaxy S__, iwm).

Sida ku cad websiteka Adblock Plus (https://adblockplus.org/) waa barnaamij ka mid ah kuwa loogu adeegsiga badan yahay, waxaa la soo rogtey in ka badan 300 million (saddex boqol oo million oo jeer).

Haddaba, marka Browser uu ku rakiban yahay  “Adblock Plus” lagu booqdo website, badanaa wixii xayaysiis oo ku jira websiteka waxaa xannibaya barnaamijkaas, waxaana shaashadda computer-kaaga ka soo baxaya websiteka oo aan xayaysiis la socon, ama badnaa xayaysiiskii laga xayuubiyey.

xayaysiis_xannib8

Xayaysiiska badan kiisa ayuu xannibaa barnaamijkaas Adblock Plus si uu u soo baxo websiteka aan lahayn xayaysiis soo mutuxan.

xayaysiis_xannib7

Sida “Adblock Plus” loogu rakibo Browser-ka

1. Soo diyaari browser-ka aad adeegsanaysid. Tusaale ahaan Google Chrome ayaan adeegsadey, laakiin isku hab ayaa la raacayaa browserada oo dhan.

2. Booqo websiteka https://adblockplus.org/ ama toos u booqo bogga u gaarka ah Chrome oo ah https://adblockplus.org/en/chrome (Haddii aad adeegsanaysid Firefox booqo https://adblockplus.org/en/firefox).

3. Riix batoonka “Install for Chrome” (FG: Haddii aad adeegsanaysid Firefox waxaa batoonkaasi noqonayaa “Install for Firefox”)

  • FIIRO GAAR AH (FG): Marka aad booqatid websiteka ABP oo ah https://adblockplus.org/ waxaa batoonka laga soo roganayo yeelanayaa magaca Browserka lagu booqday sida Firefox, IE, Opera, Chrome iwm.

xayaysiis_xannib1

4. Riix batoonka “Add” ee shaashadda yar ee soo baxday.

xayaysiis_xannib2

5. Markaas “Adblock Plus” waxa uu ku rakibmayaa Browserka. Si taas loo hubiyo waxaa browserka dhankiisa sare ee xigta midig ka muuqanaya calaamadda barnaamijka oo ah ABP (eeg sawirka hoose).

xayaysiis_xannib13

6. Sida ka muuqata sawirka sare, maadaama barnaamijka aan hadda ku rakibay browserka, waxaa ka muuqda inaan wax xayaysiis ah weli la xannibin. Eeg barta ay ku qoran tahay (Ads blocked: 0 in total).

7. Haddaba eeg sawirka hoose – waa markii aan booqday ilaa shan website, waxaana barnaamijku xannibay isku darka ilaa 41 xayaysiis ah (Ads blocked: 41 in total).

Halkaas waxaa kaaga muuqda sida uu cawaandi u yahay barnaamijka ‘Adblock Plus’ oo muddo kooban uu durbadiiba u xannibay xayaysiis badan.

  • FG: Si aad u aragtid inta xayaysiis ee barnaamijku xannibay, riix barta ABP ee dhanka midig ee Browserka (eeg sawirka hoose).

xayaysiis_xannib4

FG: Meesha ay ku qoran tahay “Options” ee shaashadda sare waa barta laga agaasimi karo qaabka loo xannibayo xayaysiiska, waa haddii loo baahdo in wax laga bedelo qaabka caadiga ah ee barnaamijka ‘Adblock Plus’ uu u xannibayo xayaysiiska.

Marka aad “Adblock Plus” ku rakibtid browerka aad ku daalacatid websiteyada, wixii ka dambeeya waxaad dhex mushaaxi kartaa Internetka ayadoo uu xannibayo badanaa xayaysiiska, marka laga reebo xayaysiisyo kooban oo ah kuwo aan soo mutuxnayn oo barnaamijku u arko in aysan ku indha sarcaadinayn.

Waxaan rajaynayaa in aad casharkan aqoon kororsi ka faa’iidey. Waxa kale oo aan rajaynayaa in akhristahii i-soo weydiiyey su’aashii sababta u ahayd in aan qoraalkan qoro ee ahayd “waxaa idhibay markaan akhrisanayo akhbaaraha xayeysiin ee sideen isaga xanibaa?” in marka uu browserkiisa ku rakibo Adblock Plus in xayaysiis dambe uusan dhibi doonin.

Fadlan hoos ku qor inta xayaysiis ee barnaamijka Adblock Plus kaa xannibay maalintii koowaad ee aad ku rakibtay browserkaaga.

Qore: Maxamed Cali – AqoonKaal.com

 XIGMADDA MAANTA:

Kalluun ha i-siin, ee waxaad i-bartaa sida loo kalluumaysto

Qoraallo la xiriira:

– Sidee Loo Xaddidi karaa Saacadaha aysan Carruurtu Geli Karin Computerka

– Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun

– Sidee Facebook iyo Twitter Looga Xannibi Karaa Aflaanta Anshaxa Xun

– Sidee Youtube Looga xannibi karaa Aflaanta Anshaxa xun

 

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

50 Jawaabood

  1. Mohamed Al-azhari says:

    Mahadsanid macalin, aad iyo aad baan uga faaiiday xaqiiqdii , dadka ay xayaysiisyadaas wareeriyeen baan kamid ahaa
    hadda waan kurakibtay daqiiqadoo gudahood waanfiirshay wuxuu iga xanibay ilaa 4 xayaysiis in total.

    • adnan says:

      aad iyo aad aayad u mahasan tahy maclin becuase aad iyo aad ayuu ii caawiyey Xaysiisadii aadka kuu wareerinaya thank u

  2. cabdi cabdillahi yonis says:

    waad ku mahadsan tahay macalin maxamed aqoonkaal casharkan aad noo soo gudbisey durba waaan iska xanibney waan isticmaalney ilaahay ha kugu anfaco wanaaga aad macalin noo sameyneysid aakhiro iyo aduunba insha allah .

  3. Timacade says:

    Mahad Sanid Engineere meeshu waa meeshaa Riyii reer Adoogay kamaali waayey.

  4. hassan says:

    Mahadsanid macalinkeena weyn , aad iyo aad baan uga faaiiday xaqiiqdii , dadka ay xayaysiisyadaas wareeriyeen baan kamid ahaa
    hadda waan kurakibtay daqiiqadoo gudahood waanfiirshay wuxuu iga xanibay xayeeysiino badan oon la soo koobi kari oo aan la gara neynin luuqada ay wax ku xayeeysiinayaan

    macalin wixii sidaas oo kale wax tar leh noo soo gudbii

    MAHADSANID MACALIM

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc mahadsanidin, waana ku farxay in aad ka faa,iideen barnaamijka casharku ku saasan yahay.

  5. C/KARIIM says:

    Asc waad mahadsan tahay macalin inuu barnaamij badan xanibi doono waan filayaa. waa i dhibay aadna waan ugu baahnaa. Midkii anshax xumada ayaan aad ugu faa,iidey kal hore ee caruurta laga xanibayey filimadda anshax xumada kanina waa la mid oo mar mar ayaa naag qaawan caruurtu isha ku dhufaneysaa aabbe day aabbe day ayey ugu waaleen. Markii horena waa iga baxay waa inaan casharadii hore fiiriyaa si aan ugu kifaaxo mar kale waad mahadsan tahay macalinkeena allow kaal. Maxamed Cali ah.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal mahadsanid waana ku mahadsantahay in aad nala wadaagtey waxaad kala kulantay barnaamijkan.

  6. zakaria abdi says:

    macalin aniga ayaaba ka mid ah dadka ay dhibka ku heysay xayeysiiskaas waana ka faaiideystay cashirkaan ee ajir alle hakaa siiyo.

  7. faisal says:

    Waa ku mahadsan tahay Macallin Mohamed Ali alle ha kaa abaal mariyo , waxaan ka mid ahay ardayda sida weyn ugu xidhan webka oo aan ka faa’iiday casharo badan o aad so galisay aad baanan kugu hambalyeynayaa sida fiican ee aad casharada noogu soo gudbiso .

  8. mohamed ahmed says:

    salaan kadib,,,,,,

    walaal waxaa jiray website aan kala soo dego cashar badan, laakiin webka waxaa uu xayeeysiin jiray muuqaalo/sawiro qaab daran mana awoodin in aan ku galo meel public ah hadii kale si qalad ah ayaa la ii fahmayaa…laakiin maanta kadib maya,,,,,,,,,,mahadsanid

  9. Abdishakur Abdullaahi says:

    salaan kadib
    waad ayaad u mahasan tahiin sida sharafta leh ee aad noogu faaiidayseen , sida lahayskaga xanimo xayiisiinta.Run ahaantii waxay xayiisiintu igu haysay dhib badan, kadib markii aan soo rogtay borogaraamkii waan ka nifisay.
    Aad & aad ayaad u mahadsan tahiin haddii aad tahiin bahda aqoonkaal

  10. Cabdikariin Xasan says:

    Allaha hakaa raalli noqdo soomaali waxba kama aad hagran xayeysiisku waana dhibay hadda waan xannibay

  11. awaleh says:

    waad ku mahasantahay mohamed ali casharkan waan ka faaiideey wax badan aniga totalkaaygu muddo maalin ah waa 292

  12. Maasha allah Ustaad Mohamed Ali, ilaahay hakaa ajar siiyo casharrada aad aalaaba noo soo bandhigto

  13. c/raxmaan says:

    macalin mohamed illaahey kheyr hakugu abaal maryo
    faaiidada aad noosoo gudbisey

  14. BASHIR says:

    Asc,aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay macalim Mohamed Ali qiyaastii toban kun oo xayeysii ah ayuu iga xanibey,markaad soo gelisey ayaan ku rakibtey

  15. Mohamed Jama says:

    waad mahadsan tahay aad ayaan uga faa’iiday

    thanks

  16. Mohamed Hassan says:

    asalaam alaykum.
    walaal adblock ayaan soo dajistay mudo ayuu ii shaqaynayay laakiin hada iima shaqaynayo aad ayayna u fara bateen xayaysiiskii iisoo galayay page ka aan furo maxaan sameeyaa.
    marar badan ayaan soo dajiyay ama aan qabtay download laakiin wax is badal ah kuma hayo.

  17. abdi says:

    ilaa intii aan soo degsaday oo laba saac ah qiyaastii ah wuxuu iga xanibay
    154 oo laba kamid ahi yihiin bogan waad mahadsantihiin

  18. khaliif Yusuf says:

    Thank u ,thank u. macalinkeen si aan lasoo koobi karin ayaan kaaga mahadinaa casharkaan faaiidada badan, runtii maanta ayaa iigu horeysay webkaan faaiidada badan insha allahna ardada ku tixan ayaan ka mid noqon doonaa. allah SWT ha kaa abaalmariyo waayo waa sadaqo fiican oo cilmigaaga naga siisay. Thank u again. waan isticmaalay casharkaan si sharaf leh ayuu iigu shaqeeyey

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Khaliif Yusuf waad mahadsan tahay, waana ku faraxsanahay in qoraalkaasi faa’iido kuu yeeshay, kuna soo dhawaw AqoonKaal.com, gambar soo qaado, minanka minankaaga weeye… LOL..

  19. sheikh mohamed ahmed says:

    asc sxb ama walaal marka hore waxaan ku leeyahay aaqiro iyo aduunba ilaahay hakaa ajarsiiyo waxa wanaagsan oo aad dadka barayso,,,,
    waligayna umaan haysan website soomali ah oo naacaan oo kale ah inuu jiro,,, sababtaas awgeeed ayaay boqolaal kun oo somali ah ooga caageen inay booqdaan website somali ah. maadaamo aysan qoron wax mushtamaca faa,iido u leh lkn ilaahay idinkiis waxaan isku dayi doonaa inaan inta karaankayga ah aan webkaan dadka gaarsiiyo sifo walbo oo aan ku gaarsiin karo si ay ooga faa,idaystaaan aqoonta lacag la,aanta ah, markale ayaan kuleeyahay, mahadsanid…..

  20. mohamed says:

    walaal allaah ha kaa abaal mariyo waan iska xiray xayeysiintii ee waxaan xiri la ahay enternet explorka kaas ayaan aad u isticmaalnaa google waa iishaqeyey lakiin kaas mashaqaynaayo macalim

  21. abdirisak says:

    walaal alah hakaa abaal mariyo computer ayaa turis iga ahaa alyacni xayaysn lee waan wareeray marka thanks waa sidaan ugu soo xidhmay insha webkan thanks

  22. khayr ale haku siiyo ilaahna aqoonta hakuu barakeeyo waad mahadsatahay macalin aad ayaan uGu baahnaa arinkaa waanad iga caawisay

  23. siciid black says:

    waad salaamantahay macalin salaan qaali ah iyo dhamaan bulshada ku xidhan web aqoonkaal waad mahadsantahay thank you

  24. Jamal H: Hasan says:

    ASCW aad baad u mahad santahay macalin, imukuunbaa iigu horaysay inaan Aqoonkaal is barano oon soo booqdo isla markiibana waxaan ka helay faa,iidoo yin badan..durbaba waxaan xanibay 13 xayaysiis.
    waxaan tilmaami doonaa dad badan oo halkan faa,iido badan iyo caawimo bilaasha ka heli lahaa hadii ALLAAH idmo.
    Jamal

  25. asc aadbaa u mahadsantahay macalin imikaa iigu horaysay oo aan soo booqdo webkan waxaanan ka helay faaidooyin badan ilaahayna wxan kaaga baryayaa inuu xasanaad kaasiiyo sida wacan ee aad noogu dhigtay balse aniga laftaydasuaalo badan ayaa ku waydiin lahaa markaa ma halkan ayaan kuugu soo diraa ok aadbaa u mahasantihiin

  26. asc macalimiin ta sharafta leh waxa igu horaysay maan waxa aan kabartay ad block plus xayaysiiska ashaxa xun oodhan layskaga kaxeeyo.
    waad mahadsantihiin

  27. Ahmed says:

    asc waad mahadsan tahay macalin 8 xayaysiis ayuu iga xiray mudo daqiiqado ah.

  28. abdikader yusuf says:

    MAN SHA ALLAH.
    aad iyo aad ayaad mahadsantahay ustaad Mohamed Ali.
    aad iyo aad ayaan uga dhab ahaantii uga faaiiday..
    hadda blocked ads waxay wadar ahaan marayaan: 11,160

  29. Ikraam Cali-kaar says:

    Asalaama caleeykum,
    Bacda salaan aad baan kaaga mahadcelinayaa ka shasiyan. Aaad buu ii anfacay barnaamijka ABP. Jazaakalah walaal Maxamed Cali.

    Ikraam Cali-kaar

  30. ibraahin says:

    waa mahadsantahay walal
    barnaamijkaan aad buu ii anfacay

    jazakalaahu kheyr

  31. dalmar abdi says:

    macalin aad ayaan kuu gu mahad celinayaa waan ka faa’iiday barnaamijkaa iyo kuwa kaleba waana helay faa’idadiisa xayeysiis danbena maan arag illaahna abaalkaaga hakaa siiyo jazaakala khayr mahadsanid

  32. abdish ali says:

    asxaabta aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin wax aniba idhibi jiray waaye xayasiimahaaan …thanks all aqoonkaaal

  33. Mahad says:

    Asc,
    Macalin waad mahadsantahay, ajar alla ha kaa siiyo

  34. saalim aadan mohamed says:

    aad ayad u mahad san tahay maclimuuu ajar aan la soo koobi karin alla haku siiyo aaamin aamin

  35. mohamed shire says:

    shukran ustaad allaah yubaarik fiik

  36. Abdirizak Ali Hussein says:

    masha allah mahadsanid sxp

  37. ali says:

    wan idinka mahad celinaya waxa la dhahay faafi aqoontada si an u siyadsato waa cawin fican wana ka faidey runti

    thanks all

  38. yaxye maxamed says:

    utaadiii aad ayaad u mahadsan tahay thanks

  39. aaad iyo aadaaa umahdsbtihin

  40. cusmaan says:

    Scw. Macalin. jazaakallaahu kheyr. Runtii waabarnaamij aad usahlan, uu wax qabadkiisuna aad ubalaaran yahay, runtii culees badan. oo ihor fadhiyay, oo aan dartoodaba inaan udhaafo (intarnetka) kudhawaa ayuu iga horqaadey, marka aad ayaad umahadsan tahay. Ajir Allah kaasiyo, scw

  41. Gobaa tahay, Alaylee waan ka faaidnay casharkan aadbaan ugu mahad celin qoraaga Ogow oo gobina waa tii abaal guda . mahadsan samaana ku waar

  42. kabare says:

    walaal maxamed aad iyo aad baan kaaga mahadcelinayaa sida dhiirranida leh ee aad ugu tabarucayso walaalahaaga soomaaliyeed, aqoontaada durugsan eed u leedahay xallinta waxyaabaha ku taxaluqa (IT-GA) ,waxaanan allaha awoodda leh kaaga rajaynayaa inuu cilmigaaga kaaga dhigo mid aad ku naajaxdo, ummaddaada soomaaliyeedna wax ku soo biiriya.
    aad iyo aad baan kuu salaamayaa,

Jawaab u qor abdirisak