Sidee Website-ka Loogu Xulan karaa Marti-geliye (Web Host) Wanaagsan

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, September 24, 2012 | 32 Jawaabood

« | »

Casharkii hore waxaan ku soo baranay muhiimada ay leedahay doorashada magaca website-ka (Domain) iyo sida loo diiwaan gashado (Akhri: Sidee Loo Diiwaan Gashadaa Magaca Website (Domain))

Casharkana waxaan ku baran doonaa sida loo doorto marti-geliyaha (Web Host) iyo guud ahaan macluumaadka la xiriira.

Waa Maxay Host?

Host ama Web Hosting oo aan ku qeexay “Marti-geliye”, waa meesha ama server-ka lagu xereeyo dhammaan akhbaarta website-ka (faylasha, sawirrada, codka iwm). Akhbaarta laga daalacdo website meesha ay ku jiraan waa server marti-geliye ah oo ku xiriirsan khadka Internetka.

Maxaad ugu Talo Gashay Website-ka?

Ugu horayn inta aynaan ka hadlin xulashada marti-geliyaha, waxaa muhiim ah in aad ogtahay waxa aad website ugu talo gashay iyo hawsha uu kuu qaban doono: Website shirkadeed, ganacsi, dugsi , waxbarasho, warar iwm.

Sidoo kale waa in aad ogtahay baaxadda akhbaarta aad ku xerayn doontid iyo qiyaas ahaan tirada dadka soo booqan doona website-ka marka uu caan noqodo: Ma waxaad ugu talo gashay qoraallo caadi ah, mase waxaad ku xerayn doontaa cod (codku wuxuu u baahan yahay mug ama baaxad weyn).

Arrimahaasi in aad ogaatid waxay kaa caawinayaan xulashada marti-geliye leh tayo wanaagsan oo aad u dooratid website-ka. Waxayna taasi  ka qayb qaadataa guusha iyo horumarka uu website-ku gaari karo.

Haddii marti-geliyaha (Web Hosting) uu kugu xumaado waxaa  khasab kugu noqon doonta in aad ka guurtid, taas oo  hawl badan u bahan – waayo waa in laga raro dhammaan akhbaartii ku jirtey marti-geliyaha oo lagu wareejiyo marti-geliye cusub.

Sidaas daradeed aad ayey muhiim u tahay in laga fiirsado shirkadda marti-geliysa website-ka.

Waxaa muhiim ah shirkadda aad ka kiraysaneysid marti-geliyaha in ay tahay shirkad sumacad wanaagsan, islamarkaasna  hawsheedu khaas u tahay marti-gelinta website-yada. Casharkan ayaanakaga bogan doonaa guud ahaan marti-geliyaasha (Web hosting).

Noocyada Marti Geliyaasha (Web Hosting)

Marti-geliyaasha website-ka (Host) waxaa loo kala qaybiyaa dhawr nooc, taas oo ku xiran adeegga ay qabtaan, baaxadda xogta ay xamili karaan, barnaamijyada ay ku shaqeeyaan iyo qiimahooda, waxayna kala yihiin:

Shared Hosting: Waa server wadaag ah, oo ka dhexeeya websiteyo badan ama koox website-yo ah, waana kan ugu riqiisisan marti-geliyaasha, waayo kooxda websiteyada ah ayaa qaybsanaya kharashka adeegga. In kasta oo websiteyadu ay ku kala qaysan yihiin khaanado, hadana maadaama ay isku server ku jiraan waxaa suurto-gal ah uu noqdo gaabis ama website-ku si degdeg ah shashadda uga soo bixi waayo. Marti-geliyaha wadaagga ah qiimaha lagu kiraysan karo waxa uu noqon karaa $4 ilaa $10 bishiiba.

Dedicated Hosting: Waa server gaar u ah website-kaaga oo aan cid kale kula wadaagin, ma jiro website kale oo kula qaysanaya awoodda computerkaas (sida xawaaraha ama xawliga aallada uu ku shaqeeyo sever-ka ee CPU iyo RAM), adiga ayaana maamulanaya. Habkani waa kan ugu qaalisan marka laga hadlayo marti-geliyaha. Waxaana lagu kiraysan karaa $150 ilaa $200 bishiiba iyo ka badan.

VPS Hosting: (oo laga soo gaabiyey Virtual Private Server) – Waa nidaam u dhexeeya labada hab ee sare, wanaa hab serverka marti-geliyaha ee wadaagga ah laga samaynayo qayb gaar u ah websitekaaga (Virtual), laakiin awooddii serverka (sida CPU iyo RAM) waa lagula wadaagaa. Qiimaha VPS lagu kiraysan karo waxa uu noqon karaa $20 ilaa $140 bishiiba, wuuna ka badan karaa.

Cloud Hosting: Waa nidaam cusub oo website-ka ay marti gellinayaan koox server-ro ah oo isku xiriirisan, waxaana sida badan qiimaha la bixineyaa ku xiran yahay inta xogta ah ee website-kaagu adeegsado, habkaas oo loo yaqaaan “bixi lacag u dhiganta hawsha uu qabtay website-kaaga”.  Qiimaha waxaa lagu xisaabiya inta website-kaagu adeegsadey oo noqon kara $100/bishiiba ama ka badan.

Waxaa jira marti-geliyaal qiimaha lagu kiraystaa uu aad uga badan yahay lacagta kor ku xusan. Tusaale ahaan waxaa jira marti-geliye qiimahiisu yahay $150,000 ilaa $250,000 sannadkiiba. HAA waa RUBUC-MALYUUN Doolar sannadkiiba,waxayna marti-geliyaan WordPress-ka.

rubuc malyuun

Martigeliye Rubuc-Malyan ah ($250,000 doolar) ka eeg halkan.

Qaybaha Laga Hubiyo Marti-geliyaha

Mar haddii aan isla fahamney noocyada marti-geliyaha, tallaabada xigtaa waa in aan wax ka ogaano waxyaalaha aad ka fiirineysid marka aad xulanaysid marti-geliye, waxaa ka mid ah:

Disk Space iyo Bandwidth: oo ah  mugga server-ka ee marti-geliyuhu u qorsheeyey website-kaaga iyo baaxadda faylasha ee laga daalacan karo website-ka. Qaybtani waa tan ugu muhiimsan marka la xulanayo marti-geliyaha website-ka. (Faahfaahin dheeraad ah hoos ayaan ku arki doonaa.)

FTP access: oo ah habka ugu sahlan ee faylasha lagaga qaado computer-ka si loogu xawilo server-ka marti geliyahay. Sidaas daraadeed xaqiiji in marti-geliyaha uu aqbalayo FTP iyo inta akoon ee FTP oo ay ogol yihiin. FTP waxay muhiim noqotaa marka faylasha culus, sida codka, lagu xawilayo website-ka.

PHP: oo ah nidaam ay ku shaqeeyaan barnaamijyo badan oo lagu dhiso website-ka, sida WordPress, Drupal, Joomla iwm. Marti-geliyaasha casriga ah waxaa qayb ka ah PHP, laakiin waxaa muhiim ah in aad hubisid ka hor inta aadan kiraysan. Gaar ahaan in uu ku jiro PHP 5 ama ka sii casrisan.

MYSQL Databse: oo ah qaybta laga maareeyo xogta (database), isla markaasna ah ubucda agaasimeysa xogta ay adeegsadaan website-yada ku dhisan barnaamij-yada ay mid yihiin PHP, sida WordPress-ka. Waxaa muhiim ah in  marti-geliyuhu ogol yahay in laga samayn karo qaybo badan oo laga agaasimo xogta MySQL.

Email: Waa muhiim in aad sii ogaatid inta email ee marti-geliyaha aad ka samaysan kartid. Emailka laga hadlayaa waa wixii-ladoono@website-kaaga.com.

cPanel: (oo laga soo gaabiyey Control Panel): Waa in marti-geliyuhu leeyahay shaashad si fudud loogaga hagi karo qaybaha kala duwan website-ka, sida: in aad ku dari kartid email ama masaxi kartid, bedeli kartid furaha (password), maarayn kartid xogta MySQL, ka samayn kartid akoonno FTP iwm.

Waa muhiim in marigeliyuhu lahaado qayb websiteka laga hago.

Multiple Domain iyo Subdomains:  oo ah in server-ku marti-gelinayo dhawr website oo aad leedahay sida: webkaaga2.com, webkaaga3.net iwm. Isla markaasna aqbalayo in website kastasta laga sii samayn karo boggag hoos yimaada, sida: kalluun.webkaaga2.com, foox.webkaaga2.com iwm. (Ufiirso: Hal server ayaa kuu marti gelinaya websiteyo badan).

Linux: Nooca server-ka ama barnaamijka uu ku shaqeeyo wuxuu noqon karaa Linux/Unix ama Windows. Waxaa jira barnaamijyo badan oo ah Open-Sources (ama dad-u-dhexeeye oo lacag la’aan ah)  oo ku shaqeeya barnaamijka Linux, sida barnaamijyada loo adeegsado ganacsiga – eCommerce, shopping carts (selleda) iwm – sidaas oo ay tahayna Linux ayaa qiime ahaan riqiisisan marka la barbar dhigo Windows.

SSL (https://): Waa nidaam la xiriirta ammaanka server-ka, gaar ahaan haddii aad qorshaynaysid in website-kaaga noqdo mid ganacsi oo si toos ah loogu iibsan karo aaabo ganacsi.

Uptime: oo ah inta uu marti geliyuhu kujiro khadka, waana meesha looga qiyaas qaato inta server-ku (ama website-kaagu) uu hawada ka maqan karo. Tusaale ahaan marti geliyaashu marka ay yiraahdaan ama ku faanaan:

  • Waxaan khadka ku jirnaa 99%, macnaheedu waxa tahay waxaan markaas khadka ka maqan yihiin 3.6 maalmood sannadkiiba, taas oo ah inta maalmood oo website-kaagu hawada ka maqnaan karo.
  • Waxaan khadka ku jirnaa 99.9%, waxay markaas khadka ka maqan yihiin 6.91 saacadood sannadkiiba,
  • Waxaan khadka ku jirnaa 99.99%, waxay markaas khadka ka maqan yihiin 54.84 daqiiqo sannadkiiba.

Support: oo ah adeeg wanaagga marti-geliyaha. Waxaana in aad ogaatid in shaqaalahoodu ay yihiin kuwo kuugu soo jawaabaya dhaqso haddii aad u baahatid adeeg website-kaaga, 24/7 ku jawaaba telefoon, email ama live chat. Ma yihiin adeegoodu mid lagu kalsoonana karo.

  • Tijaabo ahaan, inta aadan go’aansan marti-geliye, email u dir shirkadda aad dooneysid inaad ka kiraysatid. Markaas eeg jawaabta ay soo bixiyaan iyo degdega ay kuugu soo jawaabaan iyo in adeegoodu wanaagsan yahay. Adigoo aan weli dooran hadday si aan wanaagsanayn kuula dhaqmaan halkaas bustahaaga haku aaminin.

Qiimaha: Waxaad is bar-bar dhigeysaysaa adeegga marti-geliyaha iyo hawsha website-ku kuu qaban doono iyo inta kharash ah ee aad u qoondaysay, waana mid ku xiran muhiimadda website-ku uu kuu leeyahay – taas oo muhiim ah in aad isu miisaantid.

Marti geliye

Waxaa muhiim ah inaad ogtahay waxaad uga baahan tahay martigeliyaha.

Sida kor ku xusan, waxaa muhiimad gaar ah la siiyaa mugga server-ku (Disk Space) u qoondaynayo website-kaaga iyo baaxadda faylasha ee laga soo rogan karo (Bandwidth), arrintaas ayaana qaybtan hoose ku faahfaahinaynaa:

Disk Space

Sidaan kor kusoo xusnay, “Disk Space” ama “Storage” waa mugga server-ka (ama Hard Disk) ee marti-geliyuhu u qoondaynayo website-kaaga. Waana meesha lagu xeraynayo dhammaan faylasha website-ka, ha noqoto qoraallo, sawiro, cod iwm.

Haddaba sidee ku ogaan kartaa mugga aad u baahan tahay ee deeqi-doona website-ka?

Taas si aad uga jawaabtid, qaacidada ama habka ugu fudud ee aad ka qiyaas qaadan kartid waa computer-kaaga (Hard Disk), adigoo eegaya mugga faylasha ku jira khaanad (folder) kamid ah.

  • Marka la adeegsado “Windows Explorer”, kaddibna dhanka midig ee hagaha (mouse – right click) lagu riixo khaanad ama folder, waxaad arki kartaa mugga faylasha ku jira khaanadaas.

Faylasha aad ku xerayn doontid server-ka waxay mug ahaan la mid yihiin faylasha ku jira computer-ka, sidaas daraadeed marka aad xulanaysid marti-geliye waa in aad ku xisaabtantid xaddiga faylasha ama akhbaarta ah ee aad ku xerayn doontid website-ka.

Ha isku khaldin “Disk Space” oo ah mugga iyo “Bandwidth” oo hoos ku sharraxan:

Bandwidth

“Bandwidth” waa xaddiga ama baaxadda xogta ee website-ka ay ka soo rogan karaan ama ka daalacan karaan dadka soo booqanaya. Waxaana arrintaas looga qiyaas qaataa baaxadda faylasha ee aad kuxerayn doontid website iyo tirada dadka ah ee aad u malayneysid in ay website-kaaga soo booqan doonaan maalin kasta ama bil kasta.

Marti-geliyaasha qaar marka ay ka hadlayaan “Bandwidth”, waxay adeedsadaan kelmedaha sida “Bandwidth”, “Data Transfer” ama “Traffic”, taas oo qeexeysa in ay tahay meesha laga xaddidi doona dadka soo booqanaya website-ka.

Waxaana marar badan laga cawdaa ama dhacda marka website-ku caan noqdo in ay soo baxdo xaqiiqo ahaan in aysan jirin wax aan xad-lahayn, oo markaas laguu soo diri doono dhambaal xambaarsan erayo la micne ah sidan: “website-kaagu waxa uu culas badan saaray server-ka marti-geliyaha, sidas daraadeed waa in aad dhintid culayska ama marti-geliye kale raadso”,  markaas oo ay khasab noqoto in aad ka guurtid ama aad bixisid lacag siyaado ah oo aadan hore ugu talo gelin.

Sidaas daraaded, yaan laguu hoos gelin faan dhalan-teed ah iyo faataa-dhuglayn iyo ka bad badis adeegga marti-geliyaha, ayagoo ku andacoonaya in ay website-kaaga u qoondaynayaan mug iyo baaxad “bandwidth” aan xad lahayn. Gaar ahaan waxaa jira marti-geliyaal wadaag ah oo dhehayawaxaan bixinaa:

  • UNLIMITED web hosting
  • UNLIMTED bandwidth
  • UNLIMITED disk space

Sidee ku dhici kartaa marti-geliye wadaag ah in ay websiteyada oo dhan ku marti geliyo xad la’aan. Taasi suurtagal ma aha. Sida xaqiiqada ah waxay ku qoraan far yaryar oo ah “Terms of Service” ama “Terms of Use” ama “Terms”.

  • FG: Ka taxadar ammaanta ka bad-badiska ah ee laga qoro marti- geliyaasha, waayo waxaa dhici karta in ammaantaas ay qoreen dad xiriir dhaw la leh martigeliyaha ama ka tirsan shaqaalahiisa. Muhiimadu waa inaad feejigan tahay, oo fahamsan tahay habka la isu tabceeyo internetka dhexdiisa (Waxaa dhici karta in aad xusuusan tahay legdintii geel-jirayaasha iyo sida tabcada la isugu dhigi jirey. Tii mid la mid ah ayaa ka jirta Internetka ee ku baraarug-sanaw.)

Shuruudaha Adeegsiga (Terms of Service)

Si aad u ogaatid shuruudaha rasmiga ah ee adeegsiga marti-geliyaha, waxaad eegtaa (ama riix) dhanka hoose ee website-ka  marti-geliyaha, meesha ay ku qoran taahy “Terms Of Service” ama TOS ama “Terms”. Waxaad halkaas ku arki kartaa shuruudaha oo faahfaahsan.

Qaybtaas ka eeg meel ay kaga qoran yihiin RESOURCE USAGE ama “UNLIMITED” USAGE POLICIES, iwm. Halkaas oo ay ku qeexaan shuruudahooda ay ka mid yihiin oraahdan hoose:

  • Adeegga marti-geliyaha aan xadka lahayn (unlimited) macnahiisu ma aha in aan ogol nahay in hal website ama  dhawr website ay culays saaraan marti-geliyaha, oo markaas websiteyada kale gaabis noqdaan. Sidaad daraadeed marti-geliyaha waxa uu xaq u leeyahay in uu website-ka noocas xannibo.

Hadalkaasi waxa uu muujinayaa in aysan xaqiiqo ahaan jirin wax aan xad lahayn.

Waxaa kale oo muhiim ah in aad ku baraarugsanaatid in sidoo kale ay marti-geliyaashu xannibaad saaraan website-ka haddii xogta (MySQL) ay u arkaan in ay adeegsanayso qayb badan oo ka mid ah server-ka. Sidaan kor ku soo xusnay MySQL waxaa loog abaahan yahay website-yada ku dhisan barnaamijyada PHP sida WordPress.

Dhanka kale, waxaa muhiim ah in aad ka taxadartid marti-geliyaasha aqbala filimada anshaxa xun. Sababtoo ah waxay server-ka ka dhigaan gaabis. Sidoo kale hadii website-kaagu wadaag la yahay website-yada anshaxa xun markaas waxaad wadaageysaan IP address, taas oo sababaysa in aaladaha qaarkood ay xanibaad saaraan website-kaaga iyo emailka website-kaaga ayagoo ku khaldaya website-ka anshaxa xun ee marti-geliyahay kula wadaagga.

Inta aadan kiraysan akhri qaybta “Terms of Service” ee marti-geliyahay halkaas oo ay ku qeexan tahay waxyaabaha mamnuuca ka ah. Waa in ay si QAYAXAN ugu qoran tahay in ay mamnuuc (prohibited) yihiin websiteyada anshaxa xun, haddii kale ha kiraysan, mid kale raadso.

Haddii aad dood ka  keentid xannibaada, waxay ku xusuusinayaan in aad heshiis la saxiixatay. Waayo markaaad lacagta bixineysid waxaa si qayaxan aad calaamadinaysaa meel ay ku qoran tahay “Waa aqbalay heshiiska adeegsiga”, sida ka muuqata sawirka hoose.

Waxaan mar kale ku celinayaa muhiimadda ay leedahay in la iska hubiyo shuruudaha ku xiran adeegsiga marti-geliyaha, si aan hadhow cabasho arrintaas uga imaan.

Waxyaabaha kale oo marti-geliyaha (Host) lagaga cawdo waxaa ka mid ah in:

  • Website-ka oo marar badan si lama filaan ama kedis ah hawada uga baxo, muddo dheerna ka maqnaado khadka internetka,
  • Adeegga marti-geliyaha oo liita iyo shaqaalaha oo tayadoodu hoosayso, oo aan waqtiga ku haboon kuugu soo jawaabayn,
  • Lacago yaryar oo qarsoon ama meel ay ka  socdaan aan la aqoon, oo lagugu soo dallacayo,
  • Wixii marti-geliyhu ballan qaaday oo ay ka soo bixi waayaan,
  • Markii aad la doodidna ay farta si tartiib ah kuugu fiiqayaan “Terms of Service”

Marti-geliye WordPress

WordPress waxa uu kamid yahay barnaamijyada ugu caansan ee loo adeegsado dhismaha website-ka. Sidaas daraadeed haddii aad qorshaynaysid inaad adeegsatid WordPress, waxaa muhiim ah in marti-geliyhu uu aqbalayo. Waxaa marti-geliyaha laga eegaa shuruudo dhawr ah oo WordPress u baahan yahay, oo ayugu muhiimsan yihiin:

  • PHP 5.2.4 ama ka casrisan
  • MySQL 5.0 ama ka casrisan,
  • Mod_rewrite (Apache) – tan oo la xiriirta qaabka WordPress u maareeyo linkiyada (URL)
Haddii website-kaaga aad ku dhisi doontid WordPress, oo markaas marti-geliyuhu uusan aqbalayn PHP iyo mod_rewrite, markaas raadso marti-geliye kale oo aqbalaya.

Shirkadaha Marti-geliyaasha (Web Hosting)

Shirkadaha marti-geliya websiteyada waxay garaayaan kumaan, waxana muhiim ah inaad fahamsan tahay waxa adigu aad rabtid in website-kaagu kuu qabto, markaasna barbar dhigtid adeegyada ay bixiyaan marti geliyaashu , sidaasna ku xulatid marti geliye kuu qalma.

Casharkana waxaan rajaynyaa in uu kaa caawiyey waxyaabaha ay tahay inaad ka fiirisid marti geliyaha ka hor inta aadan kiraysan.

Shirkadahan hoose waxay ka mid yihiin marti-geliyaasha website-yada:

Macluumaad dheeraad ah:

  • Figradda Akhriyaasha: Haddii ay jiraan marti-geliye aad si gaara ugu talin lahayd oo adeeg wanaagsan, falan ku qor qaybta jawaabaha ee hoose si akhristayasha kale uga faa’iidaan.

Meelaha laga diiwaan gelin karo Websiteyada ka akhri casharka Sidee Loo Diiwaan Gashadaa Magaca Website (Domain).

Gabagabadii, marka aad diiwaan gashatid magaca website-ka, isla markaasna kiraysatid meeshii kuu marti-gelin lahayd, waxaa markaas dhidibada u taagtey nidaamka loo Yagleelo Website-ka (dhismihii, naqshadayntii iyo macluumaad ku xerayn ayaa markaas kuu bilaaban doonta, si markaas websiteku kuugu qabto hawshii aad u yagleeshay..)

Aqoonkaal

FG: Qoraalladani waa talo bixin oo keliya.

Kalluun ha i-siin

ee waxaad i-bartaa

sida loo kalluumaysto.”

Qore: Maxamed Cali Aaden

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

32 Jawaabood

  1. C/kariim says:

    Mashaa Allaah aad baad ugu mahadsan tahay aqoontaada aad uga faa,iideyneyso inta ku hadasga Af-Soomaaliga waad mahadsan tahay, jasa,aka allaahu ma qeyrag, si fiican weli uma guda gali webbsiteyada marka ra,yi kama qori karo walaal.

  2. khadar says:

    aad ayaan ugu bogaadinayna dhamaan hawlaheenada aqoonkaal oo dhalinyaradda u suurageliya inay si fududu u bartan barashadda computer-ka aad ayaad ugu mahadsantihiin cilmiga aad noo dhigaysaan

  3. Ganay says:

    Maashaa ALLAAH … si fiican baan ugu riyaaqay ALLOW barakee

  4. cali xuseen xasan says:

    asww
    waad ku mahadsantihiin maamulka aqoon kaal.
    sida wanaagsan oo aad ugu faa ideynaysaan walaalihiina
    soomaaliyeed/ jazaakumulaahu khayral jazaa.
    guuleysta

  5. burhan says:

    asc
    wlal waad mahad santahay aqoonta aad noofa idaysay jisakalah khayr wlal su aashaydu waxay tahay waxan akhri yay sidee looga xanibi karaa caruurta computetka marka anigoo samayn aconkaygii ayaan waxan sameeyay kii caruurta kadib waxan damcay in aan sameesto kaygii waana sameen wayay mar walba waxuu leeyahay basweer gali marka see usamaystaa aconkayga wad mahad santay wlal, seattle washington

  6. yusuf says:

    waaaaad ku mahadad santahay aqoon kaaal aada iyo aad ayaaan ufahmay

  7. C/salam says:

    Ilaah ha kaa abaal mariyo aqoontan aad nala wadaagtay.

    Ma kudari kartaa Marti-geliyaha aad adigu ku talin lahayd,
    Maraka larabo web Ganacsi oo wax laga iibsankaro lana isticmaalo credit cards iyo debit cards (online payments system)

    Mahadsanid

    • ABDULLAHI MOHAMED says:

      as cl wr
      Maanshaa allaah walaal casharo aad iyo aad muhiim u ah, aniguma waa ku mamney sida aan ugu baahnaa darteed,
      laakiim waxaan ku xumaadey marba dhinac ayaan ka akhriyey waayo webkaaga ma heysan oowaxaan ka fiiriyey marar badan youtube ka.
      hamigeygu waa in aan website furto oo bulshada siiya khabaaraadka cusub,ee isoo xag meesha aan casharada ka bilaabi doono iyo inta muhiimka ii ah,waxaan horer usoo daalacday A+ iyo Network+.
      aad baad mar labaad kuugu boorinayaa shaqada aad noo qabatey ama aad hadda noo heyso.
      waxaan kuu rajeynayaa wanaag badan ws cl wr.
      Wabilaahi Towfiiq

  8. abdirahman says:

    salaan kaddib, ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo, cilmigaagana ha kuu siyaadiyo.

    • aad ayaan uga mahad celinayaa aqoonkaal.com waa website somaliyeed oo wadani ah jecelna in ay dadkiisa umada caalamka kale la jaanqaadaan ilaahna waxaan uga baryayaa in uu ka dhigo kuwii taaba gala cadowgoodana u noolaada webka aqoonkaal waa u riyaaqay allaha khayr siiyo .

      salaatu laylka ayaan ilaah idin baryaa waa balan .

    • assalamu calaykum
      maxamed waanu kaaga mahad celinayna casharadan faa,idada leh ee aad ku turjuntay afkeena hooyo waxaan ku oran lahaa halkaa dadaalka ka wad khayr ayaan ku rajayn teacher

  9. abader says:

    salaamu aleykum

  10. Maxamed Salaad says:

    Salaan kaddib, walaal ilaahey hakaa abaal mariyo qormadan macluumaadka badan xanbaarsan ee aad soo diyaarisay, cilmigaagana ilaahey hakuu barakeeyo.

  11. Mubashir says:

    ASC. Salaan ka dib. Jazaa kallahu kheyran.

    Walaal waad mahadsan tahay sida wanaagsan aad u sharaxday, wax yaalo badan baa naga jaahil jixisay, alle hakuu xifdiyo. asc.

  12. nuur says:

    asc
    magacayga waa nnuur waxaan jooga puntland Garowe waxan aad uGu fakari jiray inan smaysto web site lkin ma isuura galin casharkana wali sifiican uma fahmin lkin waxaan rabaa in arimahaas oo dhan la iga caawiya sida uGu mac quulsan ama faah faahin dheerad ah oo klae la siiyo
    thnks ilaahayna haka abaal mariyo
    maxamed ali

  13. Zaki says:

    walal sc thanks marka hore sida fiican ee aad noogu sharaxaday marka xigta aqoon intee leeg ayaad u leeday Marti Galiyaha One.com Amaan aad Ubadan ayay sheegtaan Somaliduna way Wada Aamaantaa Basle Ma Adeegsadaan Cpannel oo waxa ay Leeyiin Cpannl ugaara oo Shirdakada Desinga Sameeyaan ay aad uga Cawdaan

    mahadsanidin wall

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      One.com waxaa xaruntoodu tahay yurub waxayna aqbalaan lacagta yurub sidaas ayaan qiyaasayaa in soomaali badan oo yurub degan ay u adeegsadaan. Wax uu khaas ku yahay ma garanayo.

  14. macalin maxamad waa mahadsantahay casharada qiimaha badan ee aad noo soo gudbisay marka waxaan la socday casharadan ilaa barashada html & css
    ilaa ku wii ka danbeeyay ee webdisng laaakiin casharkii 8aaad markaan soo gaadhay waxaan arkay ardaydii oo webkay sameeyeen laga daalacan karaayo internetka laakiin anuu casharkaa ma hayo markaa adoo raaliya macalin waxan kaa codsanayaa inaad intaa ii faa iidayso
    FG:waxaan ka wadaa markaan leeyahay internetka laga daalacan karryo ardayda khayr ilaahay ha siiyee ku soo qoraysay macalin naga eeg kadibna linkiga kuu dhigaysay meeesha

  15. Asad gaaciye says:

    macallin maxamed aad baad u mahadsan tahay,su’aashaydu waxay tahay “waxaan joogaa Galkacyo somalia waxaan rabaa inaan website samaysto laakiin hadda waxaan isticmaalaa blog oo kaliya. macallin hadafka aan ka lahaa wuxuu ahaa inaan ganacsi ka sameeyo laakiin weli waxbaa iga dhimman.waxaan damcay inaan google adsense samaysto laakiin list-gii waddama somalia waan ka waayey marka maxaan falaa. waxaan kaloo fahmi waayey ZIP code-ka waxa uu ka wado.”

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal Asad Gaaciye ma hubo sababta adsense looga waayey soomaaliya. Tan kale ZIP code waa lambar lagu lifaaqo cinwaanka guryaha si boostadu waraaqaha si fudud ugu kala soocdo oo intii isku Zip code ah gooni ugu soocdo si markaas ay qofka boostada guryaha geynaya ugu fududaato. Waad garatay ayaan filayaa.

  16. Asad gaaciye says:

    ilaahay khayr ha ku siiyee macallin waxaan kaloo rabay inaan ku weydiiyo ma u isticmaali karaa webkayga master card waddan kale ka diiwaan gashan anoo somalia jooga.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal credit card haddaad leedahay meeshii aad doontid ayaad ka isticmaali kartaa ama dalka aad joogtid

  17. Abdullahi ahmed nor says:

    Asc ustaat maxamed Ali aad iyo aad ayaad umahadsan tahay aqoontaada aad si hagar la’aan ah noogu soogud bisay
    Intaa kadib waxan rabaa in aan kuwaydiyo
    Waxan bartay HTML,CSS&JAVASCRIPT
    ookaliya marka ma ii suurta galaysaa in aan dhiso website kudhisan intaa ookaliya oo aduunka oodhan laga daala can karo
    Teedakale shardi miyaa in aan website geyka kudhiso PHP,WORDPRESS iwm
    Ustaat waxan filaa in aad garatay su aashayda
    Mahad sanid

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc, haa HTML IYO CSS waad ku samayn kartaa website, laakiin waxaa ka sahlan WordPress.

  18. Ikraam Abdisalam Said says:

    Masha Allah wll Maxamed Cali wll ani maisticmaalo website lkn waa aamaysan waayo casharo badan baan kafaaiday qormadaada allaha kusharfo

  19. hashim says:

    mahadsanidin Allaah ha idinka baal siiyo dadaaliina takale aniga waxaan ahey ardey dhigta cilmigan casriga ah (Technolog)
    walaal talo ahan waxan idiin siin lahaa in ereyo badan oo ku qoran luuqadaha shisheeye aan loo heli karin Afkeena hooyo hadaba in aan inaga si cusub uabuurano erey bixin ku ah munaasab tusaale ahaan waxaad dhahdeen:(Marti-geliye) idinkoo macneynaaya (Webhost) malaha hal inaan labad erer ee marti iyo galiye intaan isfangalin laheyn ama is dabo galin laheyn waxaa habooneyd inaan ku badhaxno(mergin) si loo helo erey yar kana muuqdaan labada ereyba sada tusaale inaad dhahdo (martigli) halkii aan ka dhihi laheyd marti-galiye
    waxaaan saas uleeyahay luuqada way kortaa waxayn ku kortaa marka luuqada nolosha dhex gasho laakiin waxaad moodaa in luuqadeena laga dhex saaraayo habnololeedka taas ayaa sababtey in turjumaad loo day dayo
    wax yaabaha haboon inaan fahano waxaa kamida technology maha sida ay dadk intiisa badan u fahmeen mana ah qalad fahankaa mid ku kooban soomaalida ee waa mid ku baahsan dhammaan ummadaha caalaamka gaar ahaan kuwa an wali garin masiirkooda ee daba socoda ummadaha kale
    technology fahanka aan ka qaatey wuxuu yahay sidan
    1.waa hab loo xaliyo baahi/dhibaato/ama looga gudbo caqabad kuna saleysan iyo tab xeelad sugan
    2.technology waa xalinta ugu fudud uguna faa iidada badan ee xalisa dhib/caqabad haysata bulsho ama qof
    taas waxaan ku xoojinayaa qofka maanta keena qaab looga maarmo adeegsiga qalab shisheeya ka soo dhoofey ama sameeya wa isaga ugaara oo ku xalinaayo nolol maalmeedkiisa ama qaab dhaqanka bulshada isagoo/iyadoon dadka u rareyn dhaqan shisheeye ama mid uu meelo kale kasoo naqliyey aheyn

  20. kaynaan says:

    Asc, macalin maxamed ilaahay ha kaa abaal mariyo qaabka aad noogu soo tabinayso cilmiga. waxan ku waydiiyay macalin waxa aan rabaa inaan ku xidho website google adsense, laakiin google adsense uma diiwaan gashano somalia. iyadoo ay sidaa tahay waxaa jira websites ka jira wadanka gudihiisa oo isticmaala google adsense, ma waxay kula tahay macalin in ay isticmaalaan credit card iyo zip code uu leeyahay qof jooga wadanka dibadiisa.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      walaal waxaa adsense shardi u ah inuu qofka adeegsanayaa raaco xeerka ay degsadeen sida credit card. Webka aad xustay waxaa suurto gal ah in shuruudaas buuxiyeen.

  21. Maxamed cali says:

    Good teacher , Mahadsanid macalin
    Intaa oa dib waxaan kaa codsanaayaa inaad i caawiso , waxaan leeyahay Youtube channel waxaan rabaa in muuqaalada ku jira kanaalkayga aan u sameeyo website aand geliyo oo Embedding ku sameeyo.

    Markaa martigeliye fiican oo websiteka noocaas ah ii suuragelinaaya ayaan kaa codsanaayaa inaad ii sheegto

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc, walaal martigeliyha marka aad dooraneso ka fikir tirada dadka booqda websiteka, inta badan marka websiteku cusub yahay waxaa dhicic karta inaan dadbadani booqan ila laga baranayo, marka eeg martigeliyaasha aan websiteka ku qoray kii kaa anfacaya.

Jawaab u qor maxamad dayib oo joogaa hargaisa