Waa maxay “Premium Domain”

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, November 27, 2014 | 7 Jawaabood

« | »

#aqoonkaal Su’aal uu akhriste isoo weydiiyey ayaa u qornayd sidan: Walaal waxaa ii sheegtaa waxa lagala jeedo Premium Domain. Ma domain la iibsanayaa mise waa kiro oo magaca qiimaha meesha ku qoran – tusaale ahaan waa 400 Doolar, yacni sanad walba miyaa layga doonayaa mise waa lacag aan ku iibsanayo oo hal mar la bixinayo.

Su’aashaas uu isoo weydiiyey akhriste AqoonKaal.com, waxaana uga jawaabayaa si caam ah, si akhristayaasha kale ay ugu noqoto aqoon-kororsi ama aqoon-guud.

Jawaab:

Premium Domain waa magac domain oo qof kale hore ugu diiwaan gashan. Qiimaha qofkaasi kusii iibinayo wuxuu u dhaxayan karaa dawr boqol ilaa dhawr kun oo doolar, qiimahaas oo ku xiran muhiimadda magaca domainka ama suuqa uu yeelan karo magacaasi iyo in uu yahay magac kooban oo si fudud loo xifdin karo.

premdomSida caadiga ah waxaa magaca domainka lagu diiwaan gashadaa lacag gaaraysa $30 ama wax ka yar. Waxaase marar badan dhacda marka la isku dayo in la diiwaan gashado magac domain in hore uu qof u diiwaan gashaday oo aan magacaas la heli karin. Haddii taasi dhacdo waa in laga sii iibsado qofka diiwaan gashaday, waa hadii uu sii iibinayo, markaasna waxaa lagu iibsanayaa  qiime kabadan kan caadiga ah.

Tusaale ahaan haddii qiimaha Premium Domain uu qofka leh ku sii iibinayo  $400, waxaa dhici karta in shirkadaha diiwaan gelintu ay ku darsadaan lacag dulsaar ah, sida 10%, taas oo ah in mulkiyadda Domainka lagugu soo wareejiyo oo markaas adiga laguu diiwaan geliyo.

Lacagtaas Premium Domain-ka (tusaale ahaan $440) waxaa la bixinayaa hal mar oo keliya, mana aha lacag aad sannad kasta bixinaysid. Wixii markaas ka dambeeya adiga ayaa magacaasi kuu diiwaan gashan yahay, waxaadna sannad kasta bixinaysaa lacagta caadiga ah ee diiwaan gelinta domain-ka oo ah $30 ama wax ka yar. (Dabcan waxaad u baahan tahay Marti-geliye ama Host oo lacag gaar ah laga bixiyo.)

Waxaa dhici kara in aad is weydiisid: Maxaa sababi kara in Premium Domain lacag badan laga bixiyo ayadoo la iibsan karo domain aan cidna u diiwaan gashanayn oo raqiis ah?

Waa su’aal wanaagsan, laakiin qiyaas in aad leedahay ganacsi oo aad doonaysid in aad website u samaysid. Kawarran haddii magacii domain-ka aad raadinaysey uu qof hore ugu diiwaan gashaday oo uu yahay Premium Domain oo lacag badan lagu iibinayo. Waxaa markaas kula gudboon laba arrimood midkood:

  • (1) Inaad magacaas gebi ahaantiisba faraha ka qaadid oo raadsatid magac ka duwan, ama
  • (2) haddii aadan inaba ka maarmi karin magacaas oo muhiimad weyn u leh astaanta iyo aqoonsiga ganacsigaaga in aad markaas shafka u dhigatid qiime sare in aad ka bixisid magaca domainka, adigoo marka hore isku deyaya gorgortan qiimaha.

Waxaan rajaynayaa in aan jawaab ku filan siiyey akhristahii su’aasha isoo weydiiyey, anigoo si caam ah uga jawaabey si akhristayaasha kale uga faa’iidaystaan.

Halkan ka akhri qoraallo la xariira Domain-ka iyo marti-geliyaha/host:

Sidee Loo Diiwaan Gashadaa Magaca Website (Domain)?

Sidee Website-ka Loogu Xulan karaa Marti-geliye (Web Host) Wanaagsan

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)


Ma Ogtahay:

In aad ogaan kartid in khadka Wireless-kaaga ay cid kale kaa xaday oo kula isticmaalayso. Taas si aad u ogaatid waxaad adeegsan kartaa barnaamijka Wireless Network Watcher (oo aad computerka kusoo rogan kartid).

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

7 Jawaabood

  1. surur Muse says:

    Ass.C.
    Aad iyo aad baad u mahadsantahay macallim, M.Cali., waxaa kale oo aan u mahad celinayaa, Ardayga soo weydiiyey macallimka, su’aashan muhiimka ah, waxaanan rajeynayaa in ay arday Aniga ila mid ahi ka faa’iideysteen Cashaykan. Marlabaad mahadsanidiin.
    W.Attowfiiq

  2. ibnu ahmed says:

    ilaahey khaayr hakaaga abaal mariyo macalin amaba walaal sida fiican ee aad noogu kala dhigdhigtay noogu sharxaday casharkan iyo casharada kale ee ku daabacan websitekan aqoonkaal.com iyo waqtiga qaaliga ah ee aad noo hurtay.

    walaalo waxaan jeclaan lahaa hadaad waqti noo helaayso amaba aad karikaraayso inaad noogu soo daabacdo websitekan casharo ku saabsan sida loo maamulo ciladaha looga saaro Wirelesyda(Routerka).

    insha allaah hadaad noo sameeyso taas waxaan filayaa inaay kor usii qaadi karto xirfadayda aqooneed ee IT-ga

  3. Al-Ustaad Mohamed Ali, Ilaahay hakaa abaal mariyo cilmiga sida bilaashka ah aad noogu hibeysay Allah dartiis, waxaana sidoo kale u mahad celinayaa ardayga fikirkiisa saliimka ah kugu so weydiiyay Su’aashan qimaha badan oo in badan oo dadka ah ay u baahnaayeen.

  4. Idiris Muse says:

    Marka hore waxaan salaamayaa bahda aqoon kaal oo ka haqab tirta aqoon faro badan oo ku sabsan IT.Sidaa darteed waxaan aad u fahmay sida loo diiwaan gashado domain iyo sida loo xusho martigaliye fiican waana cashir muhiima.waxaa dhacday in aan qolo ka diiwaan gashaday domain mudo 2 sano ka hor ah,isla iyagiina martigaiyihii noo xuleen,waxaa dhacday in ay xidheen website-gayagii iyaga oo yidhi virus ayuu sii daynayaa sidaa ayaan u xidhnay,markaa bixiya lagac aanu ku hagaajino.Markaa dhibaatadaa ayaa naga haysata maxaad nooga sheegi kartaan hawshaasi.

  5. cabdinaasir says:

    Asc wxan ahy ardy jooga mugadisho wxan rabaa inan weydiiyo m.calinka .
    Waa maxay erey bixinta domain& range

Jawaab u qor Idiris Muse