DIGNIIN: Virus halis ah oo Computerada ka Xanibaya Khadka Internetka marka la gaaro July 9, 2012

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, January 19, 2012 | 9 Jawaabood

« | »

Sidee ku ogaan kartaa in uu Computer-kaaga aafeeyey viruska “DNS Changer”, kaas oo xanibaya khadka Internetka July 9, 2012

Kumanyaal computer ayaa waxaa dhici karta in ay Isniinta (July 9, 2012) ku xiriirsami waayaan khadka Internetka, arrintaas oo la xiriirta virus bedelaya Cinwaanka (DNS) computerka.

Virus-kan oo loogu magac daray “DNS Changer” waxa uu asalkii soo bilowday sannadkii 2007 xilligaas oo uu haleelay ama aafeeyey 4 million oo computer ee daafaha dunida in ka badan 100 dal. Waxana virus-kaasi uu majaraha u qabanayaa computerka uu aafeeyey oo ay markaas ku adeeganayaan kooxda samaysay virus-ka. (Malaayiin comuter ayuu afeeyey ayago dadkii lah aaysan u war hayn).

Sannadkii 2011 ayaa xabsiga loo taxaabay lix qof oo u dhashay dalka Estonia, waxaana lagu soo oogey dembiga ah in ay ka dambeeyeen virus-kaas waxyeelada gaarsiiyey malaayiinta computer.

DNS oo laga soo gaabiyey “Domain Name System” waa adeeg ama nidaamka khadka Internetka oo magaca website-ka (Domain) ee bini’aadamku fahmi karo, sida AqoonKaal.com u bedelaya lambaro, sida 123.456.78 kuwaas oo uu computer-ku fahmi karo, si markaas ay isula hadlaan computerada ku xiriirsan khadka Internetka.

Virus-kaan waxaa kooxdaas shuftada tuugada Internetku ay u adeegsadeen in ay jidgooyo u noqdaan computerka uu aafeeyey oo ay u weeciyeen website-yo ay ayagu maamulaan, taas oo qofkii marka uu link uu doonayey riixo uu tegayo website ay kooxdaasi kushaqaystaan, kana yeelaan sidii ay doonaan, waa sidii tuug  aad xeradiisa ugu gashay.

Kooxdii markii la xiray ayaa waxaa bilowday sidii viruskaas looga nadiifin lahaa computeradii uu aafeeyey iyo wacyi gelin baahsan oo dadyowga adduunka lagu baraarujinayo waxyeelada Virus-kan. Waxaana la sameeyey cinwaan ay si-kumeel gaar ah u adeegsadaan computerada uu virusku saameeyey. Laakiin cinwaankaas ku meel gaarka ahaa waxaa albaabada loo laabayaa July 9, 2012. Markaas computerkii uu ku jirey Viruskaasi suurtagal uma noqoneyso in lagu booqdo Internetka.

Warbixinadii ugu dambeeyey ee computerada uu aafeeyey waxay sheegeysaa in bishii April 2012 ay ku sii harsanaayeen 360,000 computer, halka bishan July 2012 at tiradaasi yarehe hoos ugu dhacday taas oo ah 277,000 computer oo uu ku jiro Virusku.

FG: Linkiga hoose waqtigiisii waa dhammaaday oo hadda laguma ogaan karo in computerka uu ku jiro Virus, sidaas daraadeed akhbaar dheeraad ah waxaad booqataa linkigan: http://dcwg.org/

Haddaba si aad u ogaatid in computer-kaagu uu ka bedqabo Viruskaas, booqo linkiga http://www.dns-ok.us/ (hadda hawl gab ayuu noqday linkigaasi) ee eeg LINKIGAN http://dcwg.org/(FG: Linkiyo dheeraad ah ka eeg qaybta comments-ka ama jawaabaha hoose).

Haddii computerkaagu ka bedqabo viruskaas waxaa kuusoo bixi doona calaamad cagaar ah sida ka muuqata sawirka hoose.

  • FG: Websitekaasi hadda wuxuu soo saarayaa midab caddaan ah waayo waa la joojiyey farsamadaas lagu ogaanayey viruska July 9, 2012

Waxaana shaashadda ku qormaya: Your computer appears to be looking up IP addresses correctly! – Tixraac http://dns-ok.us/

Haddii aad u malayneysid in uu viruskaasi asiibay computerkaaga, markaas xalka ka eeg halkan http://www.dcwg.org/ ama http://www.dcwg.org/detect/

Fiiro Gaar ah iyo taxadar Guud:

  • Mar kasta ka taxadar website-yada aad booqaneysid
  • Ha furin fayl lifaaq ah oo la socda Email aadan garanayn meesha ay ka timid, waxaana xitaa dhacda in email qof aad garanaysid loo soo ekaysiiyo oo lagu soo hoos geliyo virus, marka taxadar weyn ka muuji linkiyada iyo faylasha la socda emailka
  • Ha u jawaabin email Spam ah, waayo jawaabtaadu waxay u xaqiijineysaa in emailkaagu ay sax tahay, oo markaas shuftadii ay dadaal u geli doonto sidii ay uga jibo keeni lahaayeen qorshahooda guracan, ugu yaraan inay kaa soo buuxiyaan xayaysiis aadan shaqo ku lahayn ama danaynayn – Masax emailak Spam-ka, ha furin likiyada la socda….
  • Carruurtaada bar in ay ka taxadaraan Internetka oo aysan weligood la xiriirin, cinwaankoodana siin qof ay isku barteen khadka Internetka.
  • Internetku waa goob wanaag iyo xumaanba ku jiraan, ee markasta taxadar muuji.

Akhri: Sidee Loo Xaddidi karaa Saacadaha aysan Carruurtu Geli Karin Computerka

Mahadsanidin, AqoonKaal.com

Tixraac:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

9 Jawaabood

  1. Yusuf says:

    s/a

    tixracaan hoose aniga maba ii galayo. Mida kale waxaan haystaa AVG internet securty 2012 oo si wanaagsan iigu shaqanaya oo aan bixiyo lacag. ma laga yaaba in webistekaan uusan wadamada kale shaqanynay, waayo holland ayaan jooga.

    Mahad ilaah baa iska leh, adninkana daadaalkiina eebe ajar ha idinka siiyo.
    ( http://dns-ok.us/

  2. Kamilboy says:

    ASC Maasha allaah waa arin in laga taxadaro mudan. Walaal maxamad cali aniga laptop ayaa iga damay hal mar kaliya waxayna eheyd 7-7-2012da marka ma dhici kartaa arintaas darteed inuu u damay? mase waa cilad kale? Xitaa desktopka ma arkayo marka uu soo kaco waa madow meesha oo dhan. Desktopna ma arkayo Taskbarna ma arkayo mugdi un. Thanks.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal ma hubo in cilladaasi tan la xiriirto waayo tani waa in computerka loo jihaynayo meel aadan ugu talo gelin, waxaa dhici karta in uu yahay virus kale, marka farsamo yaqaan walaal u geey si uu uga eego cilladaas.

  3. Yusuf says:

    s/a

    Mahad eeba iska leh
    walaalkay m. ali wanaag badan ayaan kuu rajaynayaa, link danbe ayaa ii shaqeyey ee aad soo tuurtay, marka ilaah waa iiga magan galiyey pcga ( virus DNSChanger).

    sidoo kale ayaan dhamaan walaalaha u rajaynayaa, adigana cilmiga ilaah ha kuu siyaadiyo, dadaalkana ilaah ajar ha kaa siiyo.

    wabilaahi towfiiq

  4. siciid says:

    waan salamaya dhamaan mamulka webka aqookaal.com iyo somalitalk oo aan kasoo ii soo gudbiyey in aan xogtaan hello hadaba anigoo fahmay khatartartaan virusku leeyahay majirtaa unvirus ka horgaya oo awood uleh in uusan kaga dhicin computerka ama kasaaraya hadiiba ay dhacday in uu computerka kaa haleelay viruskan mahadsanidin

  5. abdikafi says:

    WALAAL CAGAAR MA UU SOO SAARAYO MARKAN LINKIGA KU DHUFTO WAXA IISOO BAXAY SAWIRADA OO LA SOCDAN BACKGROUN CADAAN AH MARKA MAXA TALAA?

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal wixii ka dambeeyey July 9, 2012 website-kaasi hawshii uu qabanayey waa joojiyey, marka website-kaas hadda lagama ogaan karo in uu virus ku jiro computerka iyo inkale ee la soco.

Qor Jawaabtaada