Video: Sidee Gmail looga sameeyaa Emailo u khaas ah Websitekaaga
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Sida Gmail looga Sameeyo Email webkaaga ku suntan :
Casharkan waxaan ku baran doonaa sida Gmail looga sameeyo emailo u khaas ah websitekaaga, waxaana Emailkaagu noqoneysaa: adiga@websitekaaga.com, halkii aad ka adeegsan lahayd adiga@gmail.com.
Arrintaas si loo hirgeliyo, taallaabooyinka la qaado waxaa ka mid ah:
- In la diiwaan geli Google Apps – oo laga samaysanayo Google
- in la Xaqiijiyo in aad adigu leedahay Websiteka
- in la is-waafajin Emailka Google iyo Emailka Websitekaaga.
Waxaana la adeegsadaa:
- Google Apps: Si aan websiteka loogu sameeyo email uu marti gelinayo Google (Gmail)
- FileZilla: Oo aan u adeegsanayno xaqiijinta websiteka
- Cpanel: Si aan emailka Google u waafajino emailka websiteka.
Xaggee Laga Diiwaan Geliyaa:
Google Apps waxaa laga diiwaan geliyaa linkiyadan:
- http://www.google.com/a
- ama
- http://www.google.com/apps
- ama
- http://www.google.com/apps/intl/en/group/index.html
MX Record:
MX (Mail Exchanger record) – Waa nidaamka suurtagal ka dhigaya in serverku aqbalo dhambaalada Emailka
Haddaba MX-ka Google Apps waa in la waafajiyo webasite.Waxaana la adeesgadaa CPane.
FG: Serverada qaar ayaan Cpanel-koodu ka duwan yahay sida aan soo aragnay, marka la xiriir Martigeliayaha websitekaaga.
Xaggee Laga Maareeyaa Emailka:
Marka la sameeyo emailka u khaaska ah website, waxaa laga maareeeyaa:
- http://google.com/a/websitekaaga.com
Waxaa kale oo emailada si toos ah looga daalacan karaa :
www.gmail.com ama www.googlemail.com
Arrimahaas faahfaahintooda ka daawo labada Video:
Video 1aad:
Video 2aad:
FG: Si loo hubiyo in emailku ay si hagaagsan u rakibantay, isla markaasna ay isfahmeen serverka iyo gmailku waxaa laga hubin karaa websiteka http://mxtoolbox.com/
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook





asc. waxaa dahoonayaa in aan idiin sheego link video ga waa qaldan yahay ama error .maxaayeelay mafurmaayo. thanks
Asc: Walaal wax cillad ah ugama jeedo Video, laakiin adigu dalkee joogtaa, khadka Internetka ee aad adeegsanaysaana waa noocee, DSL, Cable, Dial-up, mobile? Fadlan iisoo sheeg si aan u ogaado cillada. Mahadsanid.
maxamed waa cashar aad u wanaagsan waa mahadsan tahay walaal
ASC Bahda Websitka Aqoonkaal,
Marka hore iga guddooma salaan qiimo badan bahda Shabakadda Aqoonkaal.com, si gaar ah waxaan u salaamayaa macallimkeygii aan wadada ka soo leexin karin ee ka mida bahda Aqoonkaal oo lagu magacaabo Maxamed Cali.
Macallim Maxamed Cali waxaan kaaga mahad celinayaa casharada quruxda badan ee aad halkaan ku soo bandhigtay, anigoo runtii lib iyo abaal aan gureynin kaaga hayo aqoonta dheeraadka ah ee aad ii faa’iideysay.
Mahad celin dhammaanteed Alle SWT ayay u sugnaatay, kaddibna aniga xageyga adiga ayaan kuu mahad celinayaa.
Ma aha ammaanta aan halkaan kaaga muujinayo mid ciyaar geli karta, waayo aniga waxaan ka mid ahay bahda Webmasterada qarniga 20-ka sano ku soo jiray ee u dhuun daloola habka dhismaha websityada HTMLka iyo PHP-ga, waxaana kaa codsanayaa marka ay farriintaan ku soo gaarto inaad ii soo jawaabto anigoo weli aan oon bixin aqoontaada biyaha badda ka mug weyn ee aad u leedahay dhismayaasha qaababka Websityada.
Dhammaan bahda Aqoonkaal cimrigiina ha jiro ha joogo.
By.Walaalkiin Jabriil M. Nor (Jabra)
Muqdisho – Soomaaliya
Asc: Walaal Jabriil M. Nor, aad ayaad ugu mahadsan tahay dhambaalkaaga, dhiiri gelintaada iyo ducadaada, sidaas oo kale ayaan xushmad iyo qadarin ugu hayaa dhammaan inta aqoonta ka kororsatay websiteka AqoonKaal. Dhankaygana waanku dadaalayaa in aan sii kordhiyo casharada intii Allah i fahamsiiyona aan usii faa’iideeyo akhrirstayaasha insha Allah.
Mahadsanidin.
asc walaal mahamed cali waad ku mahadsan tahay
aqoontaada aad nuugu deeqay wll alle miisaanka
xasanaadka ha kuu saaro walaal waxa uu dhib iga haysaa
casharada Video ah ee soo galiso aqoonkaal.com
waayo waxaa Blocked ku sameya shirkada INTERNET ka
bixisa walaal marka maxaanku xalinkaraa walaal
mahadsanid
ASC walaal Youtube.com miyaa shirkaddu block ku samaysay, waayo casharkaasi waxa uu ku jiraa Yutube. Dalkeese joogaa, waxaan dalka kuu weydiiyey waxaa jirta in dadka jooga dalka China ay marmar dhib ku noqoto Youtube oo ay badanaa Shiinaha laga isticmaalo Youku.