Video: Qaybta 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad: Sidee WordPress loogu sameeyaa Foomka Shaqada ama Foomka Xiriirka

Daabace: Maxamed Cali | Taariikh: Saturday, January 28, 2012 | 5 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida website ku dhisan WordPress loogu samaayo foom loo adeegsan karo xirirkama shaqada.

Waxaa marar badan dhacda in shirkadaha ama hay’adaha u baahdaan in dad shaqaalaysiiyaan, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan noqoto in website-ka shirkadda lagu dhejiyo foom ay dadka shaqo doonka ahi soo buuxiyaan.

Sidoo kale waxaa loo baahdaa in website lagu sameeyo foom caadi ah oo loogu talo galayxiriirka macaamiisha website-ku in ay toos ugala soo xiriiraan.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee foomka noocaas ah ee xiriirka ama shaqada loogu samayn karaa website ku dhisan WordPress?

Waxaa jira barnaamijyo badan oo kalkaaliyaal u ah WordPress-ka oo loo adeegsan karo in lagu agaasimo foomka, hanoqdo foomka xiriirka (oo ah meel websiteka toos loogala soo xiriiri karo) ama foomka shaqada (oo qofka shaqo raadiska ah uu soo buuxinayo) ama foomka akhbaar raadiyasha, foomka waxbarasho loo adeegsan karo iwm.

Haddaba casharkan waxaan ku badan doonaa mid barnaamiyadaas kaaliyaasha ah ka mid ah, kaas oo ah “Contact Form 7”.


Contact Form 7

‘Contact Form 7’ waa barnaamij lacag la’aan ah, isla markaasna lagu lammaaniyo WordPress ama kalkaaliye u ah, kaas oo WordPress ka dhigaya in lagu samayn karo foom noocii la doono loo naqshadayn karo.

Waxaana barnaamijkaa Contact Form 7 lagu lammaaniyaa barnaamij kale oo loo yaqaan “Really Simple CAPTCHA”, kaas oo suurtagal ka dhigaya xarfo kala duwan oo la qorayo ka hor inta aan la dirin foomka, haddii aan tiradaas sax loo qorina uusan foomku dirmay.

“Really Simple CAPTCHA” Waa barnaamij ka hortaga in emailo ku asqaysiiyaan ayagoo isticmaalaya barnaamiyo computerku dirayo keligiis emailada dirayo (Spam).

Haddaba Casharkan ayaan ku baran doonaa sida loo adeegsado barnaamijkaas ‘Contact Form 7’, gaar ahaan meesha laga soo rogan karo, sida loogu rakibo WordPress iyo guud ahaan sida uu u shaqeeyo iyo sida loogu rakibo “Really Simple CAPTCHA”.

Video: Qaybta 1aad:

Video: Qaybta 2aad

Video: Qaybta 3aad

Video: Qaybta 4aad

FG: Faylka sytle.css waxa uu qayb ka yahay theme-ka ama naqshadda aad u adeegsaneysid website-ka. Haddii aan faylasha naqshadda aad adeegsanaysid aysan kuugu jirin computerka, waxaad faylkaas style.css dib ugala soo noqon kartaa website-ka, waxana faylkaasi WordPress kaga jiraa khaanadda wp-content/themes/magaca-naqshadda/style.css markaas aad soo rogatid ayaad ku furi kartaa Notepadd++, kuna dari kartaa xeerarka hoose oo aad magaca class waafajineysid sida aad ku qortay contact form 7.

Xeerarka CSS


.foomka-xiriirka {
	background: #FFFF99;
	padding: 11px;
	font: 11px Verdana, sans-serif;
	color: #000;
	border: 1px solid #043E66;
}

.foomka-xiriirka h3 {
	font-size: 20px;
	color: #DD4C87;
}

.foomka-xiriirka h4 {
	font-size:16px;
	color: #DD4C87;
}

Qurxinta Foomka: Foomka waxaa loo samayn karaa naqshadii ama muuqaalkii la doono ayadoo la adeegsanayo xeerarka caadiga ee HTML iyo CSS.

FG: Si aad ula socotid marka la daabaco qaybaha kale, halkan ka rukumo aqoonkaal.

Barnaamijka ‘Contact Form 7’ iyo CAPCHA waxaa laga soo rogan karaa website-kan:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

La Xiriira:

Bookmark and Share

5 Jawaabood

  1. ibrahim says:

    Maasha allaah macalin illaahey ajar iyo xasanaaad hakaaa siiyo sida aad mar weliba maskaxdeena u kobciso.

  2. abdi says:

    walaal maxamed illah ha kaa abaal marito,waadna helaysaa anagana waxa aad na bartay ilaah hanaga dhigo kuwon khayr ugu adeega

    ascww

  3. abdibile shire says:

    asc walaal waxaa ka bahaan haye in aad iga cawis waxaan ka rabaa in aad isoo dir barshada comperka cashadii i dhafaye oo dhan walaala aqoonkaal waxa noqataye aqoonta shacabaka somaliyada mashallaha walaal waxaad ka khare badan iyo ajari waxaa tahaye shaqasi muwaadin aha oo raba in u faa.idayo dhamaan dadka somaliyad mashallaha waxaa rabaa in aad iga cawiso dhan ku compirka

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid jawaabtaada. Fadlan casharadii hore ka eeg dhanka hoose ee bogga hore ee AqoonKaal.com, waxaa ku qoran agse 1, 2, 3, 4…. Mahadsanid.

  4. cabdalle says:

    Asw, Aqoonkaal waxay noqotay hogaamiyaha rasmiga ah iyo in cilmiga laga faa’ido aqoonkaal , intaasi ka bacdi waxaan aqoonkaal ka sugaynaa casharkii shanaad ama qaybtii shanaad ee contact formka casharkan, annagoo si joogta ah ula socona

Qor Jawaabtaada