Tab & Xeelad: Sida Loo Bedelo Video ku duuban DVD

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, May 11, 2011 | 8 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku badan doona sida loo bedelo video ku duuban DVD ama CD, islamarkaasna video-gaas loogu xafidi lahaa computerka, haddii loo baahdona lagu xawilo ama lagu daabaco Youtube ama Vimeo iwm.

Waxaan adeegsan doonaa barnaamijka Any Video Converter oo ah barnaamij lacag la’aan ah, kaasoo lagu bedelo Video ku duuban DVD. Waana barnaamij aad u sahlan.

Video-ga hoos ka daawo:


Macluumaad La Xiriira Casharka

Any Video Converter: http://www.any-video-converter.com/products/for_video_free/

– Windows Live Movie Maker: www.microsoft.com/Moviemaker

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

8 Jawaabood

  1. ismail abdi says:

    walee waan u bogay casharadan

  2. Omar says:

    Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay macallin Maxamed. Khayr iyo wanaag , if iyo aakhiroba, Allah ha ku siiyo. Wax badan baad noo faa’iidaysay. Your website is my home-page now. Dad badanna waan u gudbiyey.

  3. shariif says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay ustaad mohamed waxam hayaa video ku duuban flash waqtigisa dhowr saacadood ah sidee u jar jari kara si aan u geliyo youtubeka waad mahadsan tahay macalin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid. Waxaa jira barnaamijyo lacag ah iyo kuwo lacag la’aan ah oo Video lagu kala qaybiyo, waxaad ka baartaa Bing.com ama Google.com ka baar oraahda “video splitter freeware”.

  4. muhaa says:

    Walaal sidee youtube video loogalshaa
    Adoo mahadsan taas halaysheego

  5. maryam says:

    asc walaal aad baad u mahadsantahay aad ayaan ugu faa.iideestay casharadaada allah swt hakaa abaal mariyo su.aal waxaa iga su.aal computer kayga waxan ku fiirsan jiray cajalad cd ah hada waxn u baahday mid dvd ah inaa ku fiirsado wuu iga diiday program soo dagso ayuu i leeyahay marka arinkaa iga jaahil bixi walaal adoo mahadsan

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal in kasta oo farsamo ahaan ay hadda CD gabagabo yihiin, oo ay bedeeleen DVD, hadana ogaantayda wei computerada caadiga ah waa aqbalaan CD-yada ee hubi in cilladu tahay CD-ga qudhiisa oo aysan cilladu ahayn computerka

Qor Jawaabtaada