Sida Loo Isticmaalo Google Form – oo ah Foomka Afti Ururinta (Survey)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, November 18, 2013 | 24 Jawaabood

« | »

Ma doonaysaa in aad ogaatid fikirka ay dadweynahu ka qabaan adeegga ganacsigaaga ama shirkadaada (survey)? Ma ku fekertey in aad heshid talo bixinta ardaydaada? Ma jiraan su’aalo aad doonaysid in aad xog ururin ka samaysid? Ma haysaa su’aalo cilmi baaris oo aad doonaysid in aad ka heshid hab fikirka dadweynaha? Haddaba waxaad adeegsan kartaa Google Form oo qayb ka ah Google Drive oo hore usoo baranay.

  • FG: Waxaa jira barnaamijyo badan oo loo adeegsado foomka su’aalo samaynta, ama talo bixinta iyo xog ururinta, waxaana ka mid ah: SurveyMonkey, Zoomerang, Google Forms, SurveyGizmo, iwm. Waxaanse qoraalkan si gaar ah ugu baran doonaa Google Form.

Google Form waa barnaamij loo isticmaalo samaynta foomka su’aalaha xog ururinta, afkaar ururin (Survey) ama samaynta su’aalo la doonayo in dadweynahu aragtidooda ka bixiyaan.

Google form waxaa lagu xiriiirin karaa Google spreadsheet, taas oo suurtagal ka dhigeysa in jawaabaha ay toos ugu soo dhacayaan qaybtaas spreadsheet ee Google Drive. Haddii kale waxaa jawaabaha xog ururinta laga daalacan karaa qaybta “Summary Responses” oo ku hoos jirta linkiga “Responses” (ee dhanka sare ee shaashadda Google Form.)

Sida loo isticmaalo Google Form, islamarkaasna loo sameeyo su’aalaha xog ururinta, waxaa lagu soo koobi karaa qodobadan:

  • Waxaa la samaynayaa foom lagu qoray su’aalaha la weydiinayo dadweynaha
  • Waxaa foomkaas lagu diri karaa email ama waxaa lagu xiriirin karaa website oo toos looga daalacan karo
  • Markaas ayaa dadweynuhu ka soo jawaabayaan su’aalaha uu xambaarsan yahay foomku
  • Jawaabaha oo qaab wanaagsan u nidaamsan waxay si toos ah ugu soo dhacayaan Google spreadsheet
  • Waxaa markaas la helayaa xog ururin ku saabsan su’aaalaha laga weydiiyey dadweynaha.
  • Arrintaasi waxay kuu xafideysaa waqti badan, adigoo helaya xog ururintii aad raadineysey oo qaab fudud u nidaamsan. Waxa kale oo ay kuu beekhaaminayaa kharash kaa bixilahaa, maadaama Google Form uu yahay lacag la’aan.

Samaynta Foomka Su’aalaha Xog ururinta

Si aad u samaysid foomka xog ururinta, raac habkana:

1. Markaas riix batoonka Create, kaddib guji Form

sida loo isticmaalo foomka talo bixinta

  • FG: Marka ugu horeysa ee aad isticmaashid Google Form waxaa kuu soo bixi doonta shaashad la mid ah tan hoose, haddii shaashadaasi soo baxdo riix batoonka “Get started“.

gform1
2. Markaas shaashadda Foomka ee soo baxda ku dar su’aalaha la doonayo in laga ururiyo xogta. Shaashadda su’aasha iyo jawaabaha waxay ka kooban tahay:

  • Untitled form: meesha lagu qorayo ocinwaanka guud ee foomka, waxaana lagu hoos qori karaa hordhac kooban,
  • Question Title: waa meesha lagu qorayo su’aasha
  • Help Text: waxaa lagu qori karaa qoraal kooban oo sharaxaya su’aasha, ama waxba laguma qoro
  • Question Type: waa meesha laga dooro nooca ay noqon doonto su’aashu. Halkaas marka la riixo waxaa laaga dooran karaa noocyada kala duwan ee su’aalahu noqon karaan sida: Text, Paragraph text, Multiple choice, Checkboxes, Choose from a list, Scale, Grid, Date, Time (sharaxaad kooban ee qaybahaas hoos ayaan ku arki doonaa).
  • Haddii aad calaamadisid “Show progress bar at the bottom of form pages” waxay suurtagal ka dhigeysaa in dadka jawaabaha bixinaya ay arkaan halka ay marinayaan foomka ama inta uga dhiman jawaabaha.

gform03

3. Haddaba foomka u samee cinwaan guud  (sida Foomka Afti Ururinta) iyo hordhac kooban. Kaddib qor su’aasha koowaad, islamarkaasna dooro nooca su’aasha (waxaan su’aasha koowaad u doortay in ay noqoto ‘Multiple choice’ oo ah su’aal dhawr jawaabood yeelan karta). Markaas qor jawaabaha la kala dooran doono – jawaabta waxaad ka dhigi kartaa khasab (waa haddii aad calaamadisid barta “Required question“, kaddib riix batoonka “Done“.

gform3

4. Marka aad riixdid “Done” waxaad samaysmi doonta su’aashii koowaad, sida ka muuqata sawirka hoose. Markaas riix batoonka “Add item” si aad ugu dartid su’aal kale.

gform4

5. Marka aad riixdid “Add item” waxaa suurtagal noqon doonta in aad su’aal kale ku dartid. Nooca su’aasha labaad (Question Type) waxaan ka doortay “Text” taas oo ah in su’aasha yeelanayso sanduuq kooban oo lagu qori karo jawaabta.

Question Type (nooca su’aasha):

Sida kor ku xusan “Question Type” waa meesha laga dooranayo nooca su’aasha, noocyadaas oo sharaxaad kooban wata waa kuwan:

  • Multiple choice” waa su’aal ka kooban dhawr jawaabood oo laga xulan karo hal jawaab oo keliya
  • Checkboxes” waa su’aal ka kooban dhawr jawaabood oo laga xulan karo qaar jawaabaha ka mid ah, waxaana suurtagal ah in la doorto hal jawaab ama  jawaabaha oo dhan
  • Text” waa su’aal lagaga jawaabi karo qoraal kooban oo sida badan hal sadar ah.
  • Paragraph text” waa su’aal lagaga jawaabi karo qoraal ama baaragaraaf ka kooban dhawr sadar.
  • Choose from a list” waa su’aal leh dhawr jawaabood oo u qoran qaab liis ahaan ah oo laga xulan karo hal jawaab
  • Scale” waa su’aal ka kooban dhawr jawaabood oo laga xulan karo jawaabta ku haboon oo noqon karta ugu wanaagsan ama ugu liita ama dhex dhexaad ah
  • Grid” waa qaab shax ah oo su’aashu ka kooban tahay dhawr jawaabood
  • Date” waa su’aal looga jawaabayo taariikhda

gform5

6. Su’aasha marka aad qortid kaddib waxaa suurtagal ah in wax laga bedelo, ama koobi laga sameeyo ama la tirtiro su’aasha.

gform6

7. Marka aad qortid dhammaan su’aalaha, waxaad eegtaa dhanka hoose ee foomka meesha ay kaga qoran tahay (Confirmation Page), halkaas waxaad ku qori kartaa qoraalka mahad celinta oo ay arkayaan dadka kaddib marka ay jawaabaha ka bixiyaan. Markaas riix batoonkak “Send form“.

gform7

8. Waxaa soo bixi doonta shaashad uu ku qoran yahay linkiga foomka. Waxaa halkaas ku qoran qaybaha kala ah:

  • Link to share: oo uu kuqoran yahay linkiga foomka, waxaa linkigaas lagu qori karaa website oo meeshii la doono lagaga xiriirinayo
  • Embed: oo uu ku jiro xeerka suurtagal ka dhigaya in foomka lagu lingaxo website
  • Share link via: oo suurtagal ka dhigaysa in foomka toos loogu xiriiriyo Google+, Facebook ama Twitter
  • Send form via email: oo suurtagal ka dhigaysa in foomka lagu diro email ama koox emaillo ah
  • Marka aad go’aansatid qaabka aad foormka u direysid ama ugu xiriirineysid website, kaddib riix batoonka “Done“.

gform8

9. Xeerka Linkgaxa ee ‘Embed:’ Tusaale ahaan si aad u heshid xeerka lingaxa, riix batoonka “Embed“, waxaa markaas kuu soo bixi doona linkiga aad ku xiriirin doontid website-ka. Waxaana la xadidi karaa ama qiyaastii la doono loo samayn karaa cabirka laga dhiagyo lingaxa lagu xiriirinayo website-ka:

  • Paste HTML to embed in website: waa xeerka lagu lingaxayo website-ka
  • Custom size: waxaa halkaas laga bedeli karaa cabbirka uu yeelano meesha uu ka soo bixi doono foomku.
  • Markaas riix batoonka “Done

gform9

10. Marka su’aalaha la dhamaystiro oo lagu diro email ama lagu xiriiriyo website, waxaa markaas dadweynahu arkayaan foomkii oo u muuqda sida sawirka hoose.

gform11

11. Marka laga jawaabo su’aalaha, oo la riixi batoonka “Submit“, waxaa qofka u soo bixi doona bogga mahad celinta, oo lamid ah sidan.

gform13

  • Theme… : waa meesha laga dooran karo muuqaalka uu yeelanayo foomka su’aalaha, waxaa muuqaalkaas arki doona dadweynaha ka jawaabaya su’aalaha.

gform16

  • Marka la riixo “Theme” waxaa soo bix doona shaashadda laga dooran karo naqshadda ama muuqaallada kala duwan, oo lamid ah sida sawirkan o laga dooran karo muuqaallo kala duwan.

gform17

  • Markaas si aad u eegtid muuqaalka cusub qaabka uu ku soo baxayo, riix “View live form

gform18

  • Waxaa markaas arki doontaa muuqaalka ama naqshadda uu yeeshay foomku oo ay arkayaan dadweynahu.

gform19

12. Marka dadweynahu ka jawabaan su’aalaha, si aad u eegtid jawaabihii ay dadweynahu ka bixiyeen, riix linkiga “View responses“.

gform14

13. Marka aad riixidid  linkiga “View responses” waxaad arki doontaa jawaabahii ay dadweynahu bixiyeen oo u qoran qaab nidaamsan. Waxaa jawaab kasta ay la socoto waqtiga la jawaabay (timestamp).

  • Waxaadna halkaas ka daalacan kartaa aragtida ay dadweynahu ka bixiyeen su’aalahii aad weydiisey.

gform15

14. Foomka la sameeyey iyo jawaabaha ay dadweynahu ka bixiyaan waxa uu ku xereen doonaan Google Drive, halkaas oo laga daalacan karo markii loo baahdo.

gform21

Halkaas waxaan kaga gudbi doonaa sida loo isticmaalo Google Form iyo sida loogu xiriiriyo website, taas oo markaas lagu helayo jawaabaha ay dadweynahu ka bixiyaan arrinta su’aalaha laaga weydiiyey.

Waxaan rajaynayaa in casharkaasi aad ka faa’iideen. Fadlan haddii uu jiro mowduuc aad jeclaan lahayd in aan qoraalada dambe kusoo qaadano, kusoo qor qaybta jawaabaha ee hoose.

Si aad ula socotid qoraalada kusoo baxa AqoonKaal.com, ku darso Facebook ama LIKE  https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)
https://twitter.com/aqoonkaal

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

24 Jawaabood

  1. Asc macalin Maxamed Cali,macalin wad ku mahadsantahay aqoonta aad nagu bareyso bilaash Alle Janadii Fardowso hakaa waraabiyo.Macalin waxan ahay ardayda ku xeran webkan ugu yaran 2 sano waxana ka faaiiday aqoon fara badan Allena hakaa abaal mariyo.

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal mahadsanid, waana ku faraxsanahay inaad ka faa’iidey AqoonKaal qoraalada aan ku soo tebiyo, waa ii farxad in aad aqoon ka kororsatay. Mahadsanid.

  2. cabdi says:

    asc ilaahay ha kugu anfoco cilmiga hana ku si fududeyo intaan walaahagaa somalida caawinaysid ka technologyada

  3. Abditazaq says:

    Masha allah, ilahay hakaa ajir siiyo macallin aad baad ugu mahadsantay cilmiga aad noo fiideesay,

    Mahadsanid,

    Abdirazaq Abdulahi.

  4. Kamil Mohamud says:

    Thanks!

  5. faarax says:

    Asc macalin aad baanu uga faa,iidney webkaan ajar iyo xasanaad illaahay hakaasiiyo.
    Macalin fomkan toos facbook ugu xirmi maayo marka su,aalaha laqoro waa inaad linkiga koobi gareesaa oo la aadaa facebooka bal taas naga Shaafi macalin khar badan Alla hakusiiyee

    • Maxamed Cali says:

      asc, walaal foomka markaaad ku samaaysid google forms, ayaad ku xiriirineysaa facebook, waa foomka oo diyaar ah ayaad ku xiriirineysaa facebook.

  6. mohamed says:

    Asalamucalaykum wr wb

    Aqoonyahan mohamed Ali aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida hagarla’aanta ah ee aad umadadaada waajibka kaasaaran aad u gudanayso , iyadoo cid wax kugu siinaysaa jirin , miisaanka xasanaadka allah hakuugu siyaadiyo .

    waxaan aniga codsanayaa bal hadii ay suurto gal tahay inaad inaad websiteka kusoo kordhiso meel lagala soo dagi karo software ro bilaash ah . sida players, windows, iyo editing sowfwares . waayo badanaa markaanu kalasoo dagno google , mudo kabacdi waa dhacayaan , dee mana iibsan karno oo busaarad ayaa na dishay kkkkk.

  7. abdikariin says:

    asc waan kusalaamay salankadib sidee sidee loo sameeyaa translator. waxaan rabaa in aan kuturjumo somaliga iyo luuqadkale si ay dadku oga faa ideystaan anigana ii anfaco

    • Maxamed Cali says:

      Asc, walaal marka hore mahadsanid. Arrinta tarjumada ma waxaad donaysaa in aad guud ahaan tarjumtid qaamuuska afka soomaaliga, mise barnaamij gaar ah ayaad tarjumaysaa?

  8. hasan says:

    Barnaamijkeet ku edit-gareysaa video yada??
    Jawaabta waan sugayaa.

    • Maxamed Cali says:

      Video waa noocee, ma video laga duubay shaashadda computerka, mase video lagu duubay kaamarada?

  9. fuad says:

    Macalin maxamed marka hore waa ku mahadsantahay cashirada, aad inoogu faaidayso waxaan rabay in aad inoo samayso Machad IT ah oo onlie aad adiga cashiro ku bixinaysid aad aad arday soo saraysid waxaad cilmiga aad u leedahay, waxaa tahay nin aqoon yahan ah si aan wax badan kaga faaiidno mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      Waa ka fekerayaa sidii arrintaasi u hir geli lahayd insha Allah, waadna mahadsan tahay.

  10. nuur says:

    waad ku mahad san tahy casharada aad na siisay macalin maxamed ilaahayna hakaa abaal mariyo
    waxaanu donaynaa inaad noogu soo darto cilmiga hard wardka

  11. abdulkadir says:

    asc dhamaan waxaan inta ka salmaya dhamaan aqoonyahanada iskugu imaaday websetkaan teeda kale waxaa mahad leh allaha nawada abuuray dhamaanteena ka dib waxaan u mahadcelinaya dhamaan shaqalaha webset-kan oo noo sahlay in aan ku barano sii lacag la’aan ah computer-ka wilibo aan ku baraneeno luqadeena hooyo waad mahadsantihin haday suurto gal tahay waxaan jeclaan lahaa in aad nagu soo dartaan barnaamij ku baxaayo waqti online ah sii aan ula socono oo aan usoo diyaar garoowno wa billahi towfiiq

  12. jamaalka says:

    asc guud ahaan iyo gaar ahaannmacallinka mahadsanidin
    marka hore ii ogolow macalin inaan ardadaada kusoo biiro
    marka xigta runtii macallin simster 4 ayaan jamacad kadhiganayaa
    sida aan kaaga faa iidayna umaan faa iidin 3 dii simster ee isoo martay ilaah ayaana kaa abaal marin karo ee allah kaa abaal mariyo
    tan kale macalinow adoo iga raali ah google form markaan isticmaalayo shardi miyaa inaan leeyahay website

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal marka hore soo dhawow. Tan Google form khasab ma aha in aad website leedahay, waxaad survey-ga ama su’aalaha ku diri kartaa email ama waxaad ku daabaci kartaa Facebook-gaaga ama Twitterka iwm. Haddii aad website leedahayna website ayaad ku xiriirin kartaa suaalaha.

  13. Faisal Abdilahi says:

    asc wllo waan kusalamay illahbanan kaga rajaynayaa cilmiga anfaca badan eed noosoo gudbiso kunjeerbanan kumahad naqanaa
    wllo wxan jeclaa inaan sifiican ubarto software mxaan sameeyaa wllo?

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Faisal marka hore mahadsanid, tan xigta cilmi kasta oo la baranayo waxaa asaas uah “AKHRISKA” (IQRA). Waadna ka jiba keeni kartaa haddii aad Akhris ku xoojisid dadaal iyo talo saarasho Allah.

  14. hassan says:

    Asc.. marka hore salaan aad iyo aad ayaan ku salamayaa marka xiga anigu ma lihi website markaa hadii aan donayo inan wax ka fa iidayso casharadan halkan ka baxa sidee ula socon karaa. mida kale google form sidee wax ugu xorayaa ma EMAIL ayaan ka samaynayaa mise wasideee

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal haa waa in aad gmail ka samaysatid si aad u istiicmaashid google form, tan kale webka waxaa kujira qoraalo aan khusayny dhismaha webka iyo kuwo khusaayaba

  15. Sreeya Gaas C/raxmaan Yasin says:

    Aad baan qoraa kuugu mahad celin faaido badan ayaan ka faaiday mahadsanid

  16. Hussein hashim says:

    Asc walaal waxaan doonaya in aan idin weydiiyo markaan doonayo in aan sameysto Google Form, Gmailkeygi ima soo saarayo create.
    maxaa xal ah?
    mise office gaar ah oo lagu isticmaalo ayaa jiro.
    mahadsanid.

Jawaab u qor hasan