Sidee Macluumaadka ku jira Computerka Looga Sameeyaa Backup (ama Koobi kuu noqda Kayd)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, February 15, 2014 | 18 Jawaabood

« | »

Qoraalkan iyo qoraallo xiga oo kusoo baxaya AqoonKaal.com, insha Allah, waxaan ku baran doonaa sida computerka looga sameeyo backup ama koobi. Waxaan baran doonaa barnaamijyada loo adeegsado Backup iyo sida macluumaadkaas koobiga laga sameeyey looga dhigo ammaan ama sida loo sameeyo “Encrypt” si aan qof kale u furan faylashaada.

Hordhac

Qoraalkan oo ah hordhac, waxaan isku weydiineynaa su’aal muhiim ah, taas oo ah:

Maxaad ugu baahan tahay in aad Backup samaysatid?

Computerku waxa uu noqday aalad muhiim u ah nolol maalmeedka dad badan oo ku sugan dacalada adduunka, sida: in loo adeegsado waxbarashada, shaqada, ganacsiga, in lagu qorto qoraallada/xisaabta, iyo in lagu kaydsado waxyaabaha muhiimka ah. Waxana uu computerku bedeley cajaladahii lagu kaydsan jirey macluumaadka iyo xogta muhiim ah, waxa uu noqday qaamuus wax laga baarto, iyo in lagu wada xiriiro oo uu bedeley boostada, iwm.

Taas oo jirta ayaan haddana computerka la isku halayn karin boqolkiiba-boqol, waayo: faylasha ku kaysan ayaa xumaan kara, waxaa hawl-gab noqon kara saxanka kaydka ama Hard-drive, sidaasna lagu waayi karo wixii ku kaydsanaa.

Waxaa intaas dheer in computerka la xadi karo, ama uu guban karo ama biyo ku dhex dhici karo oo uu hawl-gab noqon karo. Waxaa kale oo dhacda in Virus aafeeyo computerka oo uu burburiyo faylasha ku jira.

Difaaca ugu wanaagsan ee arrimahaas looga hortegi karaa waa in laga sameeyo Backup (ama koobi dhammaan xogta ku jirta computerka). Taasi waxay muhiim u tahay ganacsiga, iyo qofka gaarka u leh computerka.

Haddii aan Backup la samayn, oo markaas cillad la soo dersaan computerka oo uu gebi ahaanba xumaado, waxaa dhici karta in ganacsigii khasaaro ama qofkii gaarka computerka u lehaa uu dhumiyo xog ugu kaysanayd muddo sannado ah oo dhaxal-gal ahayd.

Sidee computerka looga sameeyaa backup

Haddaba, ayadoo la ogyahay muhiimadda ay leedahay in macluumaadka ku jira computerka laga samaysto Backup ama koobi, ayaa haddana waxaa dhacda in dad badani aysan samaysan backup, oo ay ku baraarugaan marka cillad timaado ama computerku gebi ahaanba shaqayn waayo. Waxaadna is weydin kartaa su’aasha ah:

Maxaa sabab u ah in aan dad badani aysan samaysan Backup?

Sababaha waxaa ka mid noqon kara:

“Mashquul ayaan ahayd in aan Backup ka sameeyo Computerka” – in badan dadku waxay ku mashquulsan yihiin hawlahooda, sida qoys, ganacsi, waxbarasho, ama shaqo, sidaas daraadeedna waxay yiraahdaan ‘waqti uma hayno in aan Backup ka samayno computerka’. Laakiin waxay ilowsan yihiin in ay jiraan aalado ama software sahlaya in si fudud oo joogta ah computerka uga sameeyaan Backup – waxa keliya oo ay u baahan yihiin waa in marka koowaad la rakibo, oo markaas computerka loo agaasimo in uu waqti cayiman uu Backup samaysmayo.

“Ma aqaan sida loo samaayo Backup” – cilmi kasta mar ayaa la bartaa, haddii aadan hore isugu taxalujin maanta ayaad haysataa fursad, maadaama qoraalkan AqoonKaal.com uu kuugu qoran yahay Afkaaga hooyo, islamarkaasna internetka ay ka buuxaan qoraallo ku qoran luqado kala duwan oo arrintaan ku saabsan oo aqoon kororsi laga siyaasan karo.

Waxaa loo baahan yahay in aad ku baraarugsan tahay muhiimadda ay leedahay in Backup lagu xafito meel ka durugsan halka uu computerku kuu yaal. Tusaale ahaan waxaad ku xafidan kartaa saxan (disk) ka madax bannaan computerka ee loo yaqaan External Hard-drive, kaas oo aad dhigan kartid meel ammaan ah. Waxaa kale oo lagu xafidi karaa computer kaa durugsan oo ku xiriirsan Internet-ka, habkaas oo loo yaqaan Cloud Storage iwm – waxaana loo baahadaa in faylasha muhiimka ah ee lagu xeraynayo internetka in laga dhigo kuwo aan cid kale akhrisan karin, habkaas oo loo yaqaan “Encrypt”, oo barnaamijyada loo adeegsado aan ku baran doono casharada xiga ee AqoonKaal.com.

“Aniga Computerku igama xumaado” – waxaa dhici karta in aad tiraahdid: computerka muddo ayaan haystay, oo igama xumaado ee maxaan uga baahnahay in aan Backup ka samaysto? Waxaa taas jawaab u ah: Backup waxa uu la xiriiraa sidii aad macluumaadka u xafidan lahayd, si haddii mustaqbalka ay dhaco in computerku kaa xumaado, aad u haysatid meel aad ka heli kartid xogtii aad Backup ka samaysatay.

Sannadkii 2003 ayaa khabiir ka jawaabayey su’aashaas ‘Aniga Computerku igama xumaado’ waxa uu yiri:

“Backup waxa uu ku saabsan yahay in uu xogta/macluumaadka kuu xafido mustaqbalka. Arrintu ma aha in aan computerku kaa xumaan doonin, ee waa marka computerku kaa xumaado ama haddii computerku kaa noqdo hawl-gab (ma haysataa Backup).

Waxaa muhiim ah in la fahmo: Arrinta Backup waxay la xiriirtaa taxadar iyo ka hor tag haddii dhibaato dhacdo.

Waxaana cilmi baaris kasta oo bini’aadamku sameeyey ka sii muhiimsan xadiiska ku sugan Tirmidi ee laga soo weriyey in Rasuulkeena Muxamed SCW uu nin acraabi ah ku yiri “Awr-kaagana xiro, Allah-na Talo saaro.” Halkaas oo xigmadda laga qaadanayaa ay tahay in bini’aadamka looga baahan yahay in ay ficil la yimaadaan, ayagoo Allahna la talo saaranyo.

Marka arrimahaas sare la isku soo duubo, waxaa ka soo baxaya muhiimadda ay leedahay in computerka laga sameeyo backup, taas oo lagu soo koobi karo qodobadan:

  • Backup waxa uu ka hortag u yahay Hard-drive oo xumaada
  • Backup waxa uu ka hortag u yahay faylasha ay aafeeyaan Viruska
  • Backup waa muhiim haddii computerka lagaa xado ama gubto ama biyo aafeeyaan
  • Backup wuxuu xal u yahay haddii faylasha aad si aan ula kac ahayn isaga masaxdid
  • Backup waxa uu ku siinayaa kalsooni haddii ciladahaasi yimaadaan in aah haysatid koobi ka mid ah macluumaadka kuugu kaydsanaa computerka.

Mar haddii aan isla fahamnay muhiimadda uu leeyahay Backup, waxaan qoraalka xiga ee AqoonKaal.com ku baran doonaa aaladaha iyo barnaamijyada la adeegsado si Backup computerka looga sameeyo. La soco qoraalka xiga ee AqoonKaal.com, insha Allah.

Xigmadda maanta:

Gabaygii Maarso 8, 1975 uu Xaaji Aadan Axmed “Af-qalooc” kula hadlay ardayda, kuna hoga-tusaalaynayey qiimaha ay leedahay waxbarashada. Waxaa gabaygaas ka mid ahaa:

  • Oday waayo’aragaan ahoo ayni weyn jiraye
  • Markaad ood-ka-bood tahay tashigu waa in kaa maqane
  • Wixii dana abwaanbaa gartee inammo waa mooge
  • Inaan anigu idin waaniyaa waa ummuur xaq ahe
  • Ardayahay aqoonsada cilmiga, aafo waa jahale
  • Ijtihaada idinkaa horkici aradka Soomaale
  • Akhlaaq xumo iska ogaada waad ku ambanaysaane
  • Ma aflaxo ilmaha caasiyoo edebta diidaaye

Waxaan rajaynayaa in qoraalkan aad ka faa’iideen.

La soco Facebook-ga AqoonKaal oo ah: https://www.facebook.com/Aqoonkaal.com
ama Twitterka AqoonKaal oo ah: https://twitter.com/aqoonkaal
Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)
Faafin: www.AqoonKaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

18 Jawaabood

  1. Kamil says:

    Waan sugaynaa insha Allaah. Ilaahay hakaa abaalmariyo waxbarashadan bilaashka ah ee aad na siinayso waqtiga aan u baahannahay. Aniga waxaad moodaa inaan ka mid ahay dadka aad maqaalkaas ku xustay ee marka uu computerka ka hallaabo ku baraaruga backupka. 1week kahor yuu iga hallaabay halkaas oon ku waayay fileshii iigu keydsanaa oo dhan. (qadarallaahu wamaa shaa’a facal) Waxaan rajaynayaa in aysan dhibaatadaas oo kale aysan igu soo noqon doonin cashirka xiga markuu isoo gaadho, Thanks alot!!

  2. xirsi cali says:

    waad mahad san tahay macalin casharada aad noo soo diyaariso macali ilaahay waxaan kaaga rajey nayaa kheyr badan e macalin isku day maqal iyo muuqaalka waayo umadeena sumalidu waa dad dhageysi ee maha dad akhris hadii aad wakhi uhey sid ama uu diyar kuu yahay qalab kii sorta galinaya hadii kalena macali arinku waa hadii dayax lawaayo xidagaha aayalagu gudaa mar walba macalin waad mahdasan tahay
    asc

  3. cabdi cabdillahi yonis says:

    WAAD MAHADSAN TAHAY MACALIN MAXAMED AQOONTAADA WAAAN KU AFLAXNAY WAANAN KUGU MAHADNAQEYNAA MACALIN ALLANA WAXAAN KAAGA BARYEYNAA IN KAA ABAAL MARIYO AAKHIRO IYO ADUUNBA INSHA ALLAH

  4. Abdirazaq says:

    masha allah, macallinku maanta dhan aniga bes aya u maleesa inuu iga hadlay, qiso yar oo gaban, sanad ka hor ayee igu dhacday exactly wuxu macallinku ka hadlayay iyo kasii xun:waxaa igu dhacday in C:\ disk aan laba u qeebiyay , qeeb ka mid ah ayaan waxaan ku keedsan jiray all teaching materials aan schoolka ku soo qaato iyo waxkastoo muhiim ah, kadib markii sanadku sii dhamaan rabay oo imtixaanaadkiina foodda igu soo hayaan hal mar uun computerki soo shidmi wayay, wax kasta waa sameeyey ilaa aan xataa shirkadii sameesay aan u geeyay wiigag gadibna waxe igu dhaheen waa tuuris waxba maka qaban karno . aniga computer waa ibsan karaa lkn wixii sanad dhan soo dhiganayay ma iibsan karo, intii computerku ii caafimaad qabayna waa ogaa inuu xumaan karo lkn wahsi iyo wali camputerku waa kuu wiicanyay ayaan isku maaweelinayay, saas oo tahay schoolka waxa ku bartaa waa ICT hadane xoolahegi saas u dayacanyiin subaxanallah, ilaa hadda backup ka ma ku fiicni markaa insha allah casharada uu macallinku soo wado ayaan rajenaya iney wax iga bedesho,

    maccalin ilahay hakaa jazaai siiyo kheerka aad noogu dedaalesid,

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal Abdirizaq waa ka xumahay in arrintaasi kugu dhacday, waadna mahadsan tahay in aad nala wadaagtey si looga taxadaro taas oo kale in aysan dhicin.

  5. Khaalid A.rahman says:

    slc walaal waad mahadsantahay Maxamed Cali intaan waanu aqrisanay waana ka faaidnay lakin hordhac kaliya weeyaan wali waa kaa sugaynaa qaybii dhinaa ee casharka oo muhiimadu ay halkaas ku jirtay.

    waan isku dayay inaan Backup kusamaysto compterkayga anigoo isticmaalaayo External Hard Disk lakin waxyaalo aan fahmi wayay ayuu iwaydiiyay lakin mansha alaah weeyan casharadaada ayaan raaci doonaa. insha alaah markaad soo galiso.

  6. Cabdicasiis Maxamed Afrax says:

    Ilaahay ajar iyo abaal ha kaa siiyo, dadaalkaaga.

    Macallin waa fahmay, waana kaa sugeynaa, kan xiga.

    • osman says:

      ac/waxaan aad kuugu mahadinayaa juhdigaag ilahay hakaa abaal mariyo

      aduunka jano aakhiro jano
      walidkaa ilahay ha,u denbi dhaafo
      sidaa uwada dadaalka
      diina ku darso weliba
      waad mahadsan tahay
      raalina iga ,ahw
      ac

  7. siciid says:

    Assalma caleykum
    Walaal waxan ahay arday cusub oo hadeer la kowsadey aqoonkal
    Runtii maqiyaasi karo sida an ula dhacay dedaalk aad samaysay oo ah mid ay manta ka faidaysanayaan walaalaha somaliyeed mel kasta ay jogan, aad ayan kaga mahad celinyaa wanaaga aad no fashay adigana mid la mid ah ilahay ha ku siiyo
    Sc

  8. c/salaan says:

    asc marka hore macalin wan ku salamay salan ka dib macalin aniga waxan fahmi wayey sida la is kugu xiro backup iyo word press macalin ilahay khayr ha ku siiyo intas i fahansii waadna mahad santahay macalin

  9. aad baad u mahadsantihiin bahda aqoonkaal.com waxaan rabaa inaad talo iyo tusaale iga siisaan sidaan ku heli karo casharada i dhaafay ama halka aan ka akhrisan karo

  10. maxamed Xasan Maxamed says:

    asc marka hore macalin wan ku salamay salan ka dib macalin aniga waxan fahmi wayey falashkii ayaa marwalba iwaydhiya fomating maxaa xal ah loo heligaraa macalimo adiigoo mahadsan waxaan ilah kaaga barinayaa aqoonta adiga adleedahay ayaad dadka ugu faideysey ,

  11. hibo says:

    Asc masha allah walaal qeyr badan Ilaahay ha ku siiyo sidaad
    noogu faaidaysay.

  12. maa sha alaaah waad ku maraqsan tihiin

  13. waad mhadsantihiin ilahe haniga abaal mariyo aqontia ad noso bandhigteen

  14. Abdullahi says:

    scl wrb walaal waad mahadsan tahay kheyr allah ha kaa siiyo wax weyn ayaad noo fa’iideysay waxaa kugu boorin lahaa halkaada ka sii wad.

  15. cabd says:

    runtii aad ayn ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo dadka wax ka barta aqoonkaal runtii waxan jecelahay inaan iisheeg taan qaabka aan ku ogaan karo marka la hacking gareeyo computerkayga

  16. ahmed mohamed musse says:

    asc bahda aqoon kaal macalinka casherkan noo dhigey mahed baladhen ayen hawada usoo marinayaa wuxu naga saarey mugde wuxuna isku taxalujiyey in uu noo ifeyo maskaxdiisa wed mahad san tahey macalin jir oo joog waligaa

Jawaab u qor Abdullahi