Tab & Xeelad: Sida Loo Duubo Shaashadda Computer-ka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, March 24, 2011 | 24 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida loo duubo shaashadda computer-ka (oo loo duubiya sida Video), waxaana baran doonaa farsamada la adeegsado iyo barnaamijyada loo baahan yahay si video la duubayo uu u noqdo mid tayo leh.

Maadaama casrigan uu computer-ku muhiim u noqday faafinta cilmiga iyo macluumaadka kala duwan, waxaa siyaadey in cilmiyada kala duwan lagu gudbiyo qaab Video ah, sida casharro iyo tababar arday meel durugsan joogta loogu sharraxayo qaab Video ayadoo lagu tusinayo shaashadda computer-ka.

Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in arrintaas xirfad loo yeesho. Waana arrinta casharkani ku saabsan yahay sida loo duubo shaashadda computer-ka ayadoo aan adeegsan doonno barnaamijyo si sahlan looga heli karo Internet-ka ama barnaamijyo lacag la’aan ah.

Marka aad casharkan fahamtid waxaa xirfad u yeelan doontaa duuubsita shadda computer-ka, taas oo kuu fududayn doonta in aqoontaada iyo waxa aad cilmi u leedahay aad dadka uga sii faa’iidaysid, insha Allah.

Sidoo kale dhanka hoose ee casharkan waxaa la socda Video ku saabsan sida account looga samaysto Youtube, isla markaasna loogu daabaco Video.

Haddaba hoos ka daawo Video sharraxaad ka bixinayo duubista shaashadda computer-ka:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

24 Jawaabood

  1. Salaam ka dib,

    Barnaamijyadaan screen cast-ga aad ayey u anfac badan yihiin. Waxaa kalo jira program aan u baahnayn in la install gareeyo oo online ah, waxaa la dhahaa screenr (http://screenr.com).

  2. said says:

    asalamu calaykum warax matulahi wabarakatu bacda salan
    ilahay baa mahad lah idin tusiyay in ad fafisan cilmigan si hagar lahaan neeeeed ah , walaal aad baan idiin ku mahad naqaya ilahay ha idin ka abaal mariyo anana hanag dhigo kuwo ku inti facan cashraka , hadaba walal wan gartay in lo bahan yahay mircoophone iyo waliba pop fileter marka an wax dubayo camaret miyaa layga bah nay wa se noce hadi lo bahan yahay ma ta kagu xidho computer ka mise wa sawirka lagu qado fah fahin guur , wa said iyo suali hi mar laban idin so way diyay inshalaah wabilahi towfiiiq

    • Maxamed Cali says:

      assalaamu calaykum, walaal mahadsanid dhambaalkaaga.. Arrinta duubista waxaa la duubayaa waa Shaashadda computerka oo lagu sharaxayo waxa markaas shaashadda k amuuqda, sida casharada aan boggan ku daabaco qaabk aloo duubay oo kale..

      Dabcan haddii loo baahdo caamara Video ah waa lagu xiriirin karaa si markaas qofka oo hadlaya loo duubo, computerada casriga ahna waxaaba ku samaysaan kaamaro.

      Marka ujeedada guud waa in la duubo shaashadda , oo tusaale ahaan markaas waxa shaashadda k amuuqda codka lagu daro oo sharaxaad laga bixiyo

  3. mohamed says:

    Assalamucaleykum!

    aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal sida wanaagsan ee aad noogu sharaxday barnaamijkan aadka u faaidada badan.

    mahadsanid

    Mohamed

  4. Asc wr wb,,

    Walaalka M Ali aad iyo aad aan kaga mahadcelinayaa barnaamijkaan wax tirka leh ay aad bulshada u heeyso,
    waan ku duceeyay si niyad ah, marlabad iyo sadaxadba Mahadsanid

  5. mohamed shire sudan says:

    walaal teacher waxaan alle kaaga baryaa in uu kugu badalo dadaalkaan jannatul firdowsa waad na garabqabataa alle hakuu fududeeyo acmaal aduun iyo mid aaqiro

  6. Abdisalan says:

    walaal mahamed aad iyo aad ayaan kuugu mahadcelinaya sida hagar la, aanta ah oo aad nooga faaideeysay cilmiga alla ku baray waayo waxaa jira kumanaan cilmi maadi ah yaqaana oo aan laga faaidin ayagoon gunna ama lacag la siin
    walaal ilaah ayaa kaa abaal marin anagana waxaan ku lenahay mahadsanid walaal

  7. cali says:

    Teacher aad ayaan kaaga mahadcelinayaa Allena hakaa awaal mariyo.
    Teacher, waxaan wataa su’aal taas oo ah sidee ayaan u calaamadeen karaa waxyaabaha aan sharxayo sida marka aad adiga sharxeysid waxaad sameysaa meesha aad filaarta ku taabaneysid ayaa wareeg gelisaa ama hoos ka xariiqdaa si uu fahmo ama uu u muujiso

    thanks

  8. axmad says:

    Maashalaah aqoon Sidaan ookale ah Waan raadinayay Luqad shisheeye ayaaba na ragaadisay Wad kumahadsan tihiin duruusta aad soo gudbineysaan .

    Waxaan Macalimiinta kacodsan lahaa hal cashiro oo HTML Dhameeystiran ineey inoo soo dhigan sidoo kalena web ka lagu soo daro Feedburner si aan emeladeena ugala socono Duruusta

  9. Liiban says:

    Asc walal marka hore waa ku mahad santahay waqtigaga qaliga ah aa cashirdan aa galisay, si aa uga haqabtirto bahida ee uqaban barashada cilmiga Computerka ,walalahaga Somaliyed. Tanxigto waxa an rabay in aan dawado cashirka Sida loo duubo shashada Computerka mana shaqenayo vidio ga, marka walal sidas lasoco .

  10. Cabdicasiis says:

    Dhamaan Waan Idin Salaamay
    Waxa Aan Idinku Salaamay Salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Wa Rax-ma Tulaahi Wa Barakaatu

    Waxa Aan Rabaa Maxamed Cali In Aad Iiga Jawaabto
    Su’aashan :- mircoophone-ka Ma La Soo Dowload Garaysanayaa Misa Waa Kii Caadiga Ahaa

    All_Mahad_Leh

  11. ccabduqaadir says:

    asc maclin aad ayaan kuguma had naqayaa wad ku mahad san ta hay sida aad noosacidey

  12. Faisal Abdilahi says:

    Asc wllo mohamed alle ajariyo xasanaad hakaa siiyo shaqada muhhimka ah eed noosoo gudbisay oonan runtii meelkale mudo karaadiyay kana waayay wllo intaa kadib wxaan kuwaydiinayaa laba su’aalood
    1 wllo markaaan shaashadan computerka duubayo sideen usoo galin karaa casharkaan rabay inaan duubo,una badbadali karaa casharkaa,sideense ugu xidhiidhin karaa haddii aan rabo qofka sharaxaya inaan shawirkiisa kudaro?
    2 wllo hadaan rabo inaan video duubo oon tusaaale ahaaan rabo inaan iska duubo sideen uduubayaa mxaanse qalan ubaahanay?
    mahadsanid wllo jawab wacan

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal mahadsanid. Video si aad isaga duubtid waxaad u baahan tahay Video Camara, taas ayaad markaas ku xiriirn kartaa ama ku shubi kartaa computerka.

      Waxaa kale video iskaaga duubi kartaa computerka leh camarada oo inta aad hor fariisatid adigoo qoraalkii sharaxa duubi kartid.

  13. daacad says:

    waa dkumahadsantihiin

  14. khaalid sheekh mohamed abdilah says:

    asc macalin aad iyo aad ayaad u mahad santahay marka hore
    ilaahayna hakaa abaal mariyo.
    markaa macalin waan kaa codsanayaa aniga iyo ardayduba
    inaad noo duubtid sida wordpress lagu diso websiteka
    mahadsanid wasc

  15. bashiir hasan says:

    asc aad ayaa umahadsantaha mudane macalin maxamed cali
    aad ayaan uga faaideedstay aqoonkaal wax badan inkastoon
    ku cusbahay lkn waxaa ii soorta gali waye in aan la soo dago camstudio xaqiiqdiii sida videoga noogu tustay maiigu soo baxaayo waan ku wareeray runtii waxaan isticmaalayaa window7 fadlan iga caawi

Jawaab u qor bashiir hasan