Video: Sidee si Ammaan ah Qoraallada Loogu xawili karaa Website ayadoo la adeegsanayo FileZilla

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, January 18, 2012 | Jawaab

« | »

Tab iyo Xeelad: 

Sidee qoraal loogu xawilaa website ayadoo laga taxadaro shuftada Internetka.

Waxaa Internetka ku sii badanaya shuftada dhexda ka dafa xogta, gaar ahaan marka qoraallada lagu xawilayo website ama laga soo xawilayo. Waana marka la adeegsanayo FTP caadiga ah ee aan ammaanka ahayn.

Sidii aan casharadii hore ugu soo barany FTP oo laga soo gaabiyey (File Transfer Protocol), waa nidaam suurtagal  ka dhigaya in akhbaar laga xawilo computerka oo loo xawilo server, sidoo kalena laga soo xawili karo server-ka oo lasoo dhexgelin karo computerka.

Haddaba maadaama FTP uu muhiim yahay, isla markaasna ay jirto halista shuftada dhexda ka dafa xogta, waa maxay xalku?

Xalka waxaa ka mid :

  • In la adeegsado SFTP – oo laga soo gaabiyey (Secure File Transfer Protocol), waa FTP-gii caadiga ahaa oo la marinayo khad ammaan ah ama laga dhigayo mid ka ammaansan habka caadiga ah, si aan xogta dhexda looga dafin.
  • In FTP-ga (ama SFTP) aan lagu xafidin furaha (Password-ka) websiteka lagu galo.

Barnaamijka FileZilla oo kamid ah barnaamijyada FTP/SFTP ee loogu adeegsiga badan yahay waxa uu Password-ka ku xafidaa qaab TEXT ama qoraal ah kaas oo haddii computerka ay jabsadaan shurfatada Internetku ay password-ka ka heli karaan barnaamijka dhexdiisa, sidaas daraadeed ayey muhiim u tahay inaan password-ka lagu xafidin barnaamijka FileZilla.

Tankale haddii computerka laptop-ka uu kaa lumo, markaas fure ama password-kii websiteku lama socdo FileZilla oo qofkii helay computerku arkaas website si fudud uma jabsan karo.

Haddaba (in aan Password-ka) lagu xafidin SFTP, iyo guud ahaan qaabka loo agaasimo SFTP waxaan ku baran doonaa casharkan kooban.

Daawo Video-ga hoose: (Ama ka daawo Youtube)

FileZilla waxaa laga soo rogan karaa linkiyadan:

FG: Nidaamkani SFTP si uu shaqeeyo waa in server-ku aqbalayaa in lagu xiriirin karo SFTP

Taxadarka si loo sii badiyo, waxa kale oo muhiim ah in fiiro gaar ah la siiyo ammaanka computerka la adeegsanayo ee lagu xiriirinayo Internetka.

Tusaale ahaan haddii barnaamijyada lagu difaaco Virsu-ka ee loo yaqaan anti-virus ay yihiin kuwo gaboobey ama aan la cusuboonaysiin  waxaa markaas dhici karta in computerka ay soo weerararaan Virus cusub.

Marka waa in had iyo jeer aaladaha Viruska difaaca ay yihiin kuwo la cusuboonaysiiyey (updated).

barnaamijyadaas Viruska ka ilaaliya computerka (oo lacag la’aan lagu soo rogan karo) waxaa ka mid ah:

Barnaamijyada kale ee computerka difaaca ama ka difaaca shuftada waxaa kamid ah ZoneAlarm oo lacag la’aan lagu soo rogan karo: http://www.zonealarm.com/security/en-us/zonealarm-pc-security-free-firewall.htm

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg: ,

Bookmark and Share

Qor Jawaabtaada