Marka aad Cilmi Barato, Joogso oo Adeegso Cilmigii aad Baratay, Haddii Kale Wuxuu Noqonayaa Madadaalo

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, September 10, 2021 | 1 Jawaab

« | »

Qormada Toddobaadka #AqoonKaal – Waxaa dhici karta in xilli noloshaada ah aad si daacad ah naftaada ula xisaabtanto, adiga oo is weydiinaya: Waa maxay faa’iidada aad gaartey maadaama aad muddo ku dadaalaaysey aqoon korosi. Adiga oo soo akhristay buugaag badan oo la xiriirta kobcinta iyo hurumarinta qofka, adiga oo daawaday videoyaal badan oo talo bixin ku saabsan sida loo maareeyo waqtiga iyo nolosha, oo aad ka qayb gashay kulamo iyo siminaaro looga hadlayey kobcinta garaadka qofka, adiga oo dhegeystay culimo badan oo aqoon sare u leh cilmiga dhisidda shakhsiyadda iyo horumarinta nafsad ahaaneed ee qofka.

Dhammaan arrimahaasi waa waxbarasho. Laakiin haddii aadan adeegsan, oo aadan nafsaddaada ku dabakhin, oo aysan jirin miro kaaga soo baxay oo kuu muuqda, waa in aad is weydiiso su’aasha ah: Xaqiiqo ahaan waa maxay arrintaasi? Jawaabtu waa“madadaalo”.

Haddii wixii aqoon ah ee aad baratay aadan u adeegsan noloshaada, oo aysan wax faa’iido ama horumar ah kugu soo kordhin, markaa waxbarashadaasi waxay ku sifoobeysaa in ay tahay “madadaalo” oo aad noloshaada ku maawelinayso.

Waa xaqiiqo in waxbarashada laga faa’iido, sidaas daraadeed marka aad waqti ku bixiso waxbarasho, waa in aad adeegsato wixii aad baratay, haddii aan taasi jirin, waxay noqoneysaa madadaalo. Tusaale ahaan, haddii aad saacado badan dhegeysato ama daawaqto video cilmi ah, oo wixii aad ka baratay aadan adeegsan, si kasta oo aad ugu malayneyso in aad wax baraneyso, xaqiiqo ahaan waxay arrintu noqoneysaa mid madadaalo ah.

Taas si aad uga gaashaaamato, waa in uu jiro hannaan ku hagaya oo waxbarashadii aad soo kasbatay ee maskaxdaada ku kaydsan aad u adeegsato noloshaada si aad u hesho faa’iidadeeda.

Aaladda kuu suurta gelineysa in cilmigii aad kasbatay aad si fudud u adeegsato waa xusuus qorka. Haddaba, ku diiwaangeli xusuus-qor dulucda wixii aad baratay iyo yoolka aad hiigsaneyso ee cilmigaasi kaa anfacayo.

Taas si aad uga miro dhaliso, si kooban xusuus qorka ugu diiwaan geli mucda casharka aad baratay. Arrintaasi waxay kuu suurta gelineysaa, marka aad kasbato cilmi cusub, in aad joogsato oo si xeel dheer u fiiriso jawaabta ku jirta ee ku gaarsiineysa xalka yoolka aad hiigsaneyso.

Sirta halkaa ku jirtaa waa in aad marka hore leedahay hadaf, oo aad fahamsan tahay in aqoon kororsigu yahay jaranjaradii aad ku gaari lahayd hadafkaaga. Ogow jaranjaradu waxay u baahan tahay ficil.

Taas marka aad fahamto, waxaad gaareysaa heer aad samayso ficil ku gaarsiiya xalka aad ka kasbatay waxbarashada, oo ficilkaasi noqdo jaranjaro kuu horseeda horumarin noloshaada.

Haddaba, Joogso marka aad cilmi barato, adeegso cilmigii aad baratay, iska weydii su’aalo wixii aad ka faa’iidey. Markaa xusuus-qor ku diiwaangasho mucda cilmiga aad baratay si ay kuugu noqoto xusuusin iyo tixraac.

xusuus qor

Maxamed Cali Aaden (@AqoonKaal)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

1 Jawaab

  1. Axmed Obsiiye Cilmi (Obsiiye-Saqiir) says:

    ASC macalin : runahaantii anigu waxa aan ka hadlayo waa , JOOGSO oonaftaada ku dabakh wixi aad soo baratay , Intii adan ka gudbin.
    Anigu waxaan joogaa magaalada laascaanood waana ku xidhanahay pageka Aqoonkaal, waalow mar dambe ku xidhmay waan u bogay qaabka aad wax u akhrisid, Waxaanse aan khaati kaba taaganahay dib u muraajaceynta wixii aan soo bartay sidaas daraadeed waxaan aad ugu baahnaan lahaa qaab aan ku areeyo dhibaatada muraajaco la’aanta ah. mahadsanid macalin

Qor Jawaabtaada