Sidee Loo Muujiyaa Lingaxa La Socda Magaca Faylka, Si Looga Taxadaro Viruska

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, February 12, 2013 | 18 Jawaabood

« | »

Sida caadiga lingaxa ku lifaaqan faylasha (sida fayl.doc)  ee Windows XP, Windows 7 & 8 waa qarsoon yihiin. Sida loo muujiyona casharkan ayaan ku baran doonaa.

Muhiimad weyn ayey leedahay in la ogaado nooca uu yahay faylka. Laakiin taas lama ogaan karo haddii ay qorsoon yihiin lingaxa faylashu.

Tusaale ahaan waxaa dhacda in shuftada Internetku ay diraan email uu la socdo fayl ah nooca loo yaqaan “EXE” oo xambaarsanaan kara Virus (Ogow EXE oo dhammi ma xambaarsana Virus balse waa lagu soo hoos qariyaa, gaar ahaan kuwa la soo raaciyo Emailka ha furin).

Tusaale:
.DOC, .DOCX waa Word Documents
.JPG, .GIF, .PNG waa sawirro
. EXE waa barnaamij, haddiise email laguugu soo diro ha furin

Waa muhiim in aad ogaatid nooca faylka. Balse ka warran warran haddii Windows-ka aad adeegsanaysid uusan muujinayn lingaxa faylka. Casharkan kooban ayaan ku baran doonaa sida loo muujiyo lingaxa faylasha ee Windows 8, Windows 7 iyo Windows XP, ee raac habkan:

WINDOWS 7:

Marka hore riix Start .. kaddib guji: Documents ama fur khaanad (ama Folder) tii aad doontid.

  1. Markaas riix: Organize
  2. Kaddib guji: “Folder and search options
  3. Markaas shaashadda soo baxda riix barta “View
  4. Kaddib calaamadda ka masax barta “Hide extensions for known file types.” Halkaas haddii calaamad ku hor qoran tahay ka masax calaamadda, yacni hal-mar guji si calaamaddu uga masaxanto.
  5. Guji OK

tab-iyo-xeelad

WINDOWS XP:

  1. Guji: “My Computer” ama “My Documents
  2. Riix: Tools … kaddib guji Folder Options…
  3. Kaddib daaqadda soo baxda riix barta “view
  4. Markaas calaamadda ka masax barta “Hide extensions for known file types.”
  5. Kaddib guji batoonka OK

WINDOWS 8:

  1. Marka hore fur khaanad (ama Folder) tii aad doontid (ama fur Windows Explorer)
  2. Kaddib riix “View
  3. Riix batoonka “Options“,
  4. Kaddib riix “Change folder and search options
  5. Markaas ka baabi’i ama ka masax barta “Hide extentions for file types is known”,

Xigmad:
Kalluun ha i siin
ee waxaad i bartaa
sida loo kalluumaysto!

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

18 Jawaabood

  1. Halgaad says:

    ASC.
    Mohamed Cali Mahadsanid

    • abdirahman says:

      asc walaal maxamed cali aadbaad ugumahadsantahay aqoonta ilaahay kusiiyay ee aad uga faa,iidaysay dadbadan oo aan nasiib uyeelan inay gaaraan halkaad kagaartay illaahayna ajribadan hakaa siiyo.

  2. abdi shakur says:

    waad kumahadsantahay macalin ..marka xigta macalin sidee usameeysay qeeybta yar ee aad kusoo qortay xigmad?

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Abdishakur waxaa WordPress-ku leeyahay waxa loo yaqaan blockquote, oo ah batoon ka mid ah qaybta wax lagu qoro. Laakiin qaabka uu ku soo baxayo qoraalka waxay ku xiran tahay THEME-ka ama naqshadda aad u adeegsaneysid WordPress-kaqaabkii loo sameeyey xeerka BLOCKQUOTE.

  3. mohamed cali says:

    ASC aad ayaan usalamaya dhamaan bahda aqoonkaal.com oo aan ugu mahad naqayo aqoonta ay dadka somaliyeed kaa kaalemeyeen oo runtii ahayd aqoon loobaahan yahay wakhtigan lajoogo waxaan idinleeyahay dadka somaliyeed way idiin hayaan abaalka aad ugasheen illahay ajar iyo xasanaad haydinka siiyo waa cilmi aad sadaqaysateene illahay haydiin barakeeyo wax cid lagu caawiyo ama loo kordhiyo cimi ayaa u qaalisan mahadsanidiin marlabaad iyo mar sadexaadba

  4. Dhamaan bahda wanaaga isugu kaal may nayso waad salaaman tihiin salaan kadib baruhu aad iyo aad buu u mahad san yahay

  5. Sayyid Ali says:

    asc aad baad ugu mahadsan tahay sida aad dadka wax u barayso ajar alaha kaa siiyo adna niyeyso

  6. xuseen says:

    macalin aadbaan kuu salaamayaa khayrna waan kuu rajaynayaa allena cilmigaaga ha kuu barakjeeyo if iyo aakhiroba waxaan intaa ku darayaa casharadu way naga yar habsaamaan ee intii karaankaaga ah noo soo dedeji aadbaad u mahasanthay

  7. faisal says:

    mahadsanid ! macallin mohamed ali alle miisaanka
    xasanaadka ha kuugu daro aad ayaan kaaga faa’iidnay casharadaadii hore ee webdesign ku baro afsomali , se waxaan jeclaan lahayn inaad noo soo diyaariso casharo kale oo ah C++ programming ama javascript oo afsomali ah .. mahadsanid

  8. Yassin says:

    sxb aad iyo aad ayaad u mahadsantahay ilaah ka sokow wadadaadii ayaan raacay waana ku guuleystay adigane ilaah haku ziyaadiyo dhowr jeero hore waan fahmi waaye cilada i heysato lkn maanta waad iga jaahil bixisay aadna waan ugu farxay mar kale ayaan hanbalyo ku leeyahay sxb maxamed cali waxaad istaahishaa in lagu dhaho macalinka computerka ilaah haku ziyaadiyo aqoontaada bulshadane la qeybso inta kale ee ilaah ku siiye macsalaama

  9. zakariye says:

    asc walaalyaal waan inwada salaamay slnta muslimka ah ee qaaliga sln ka dib aad iyo aad umahad santihiin sida aad u soo diyaareseen barnaamijk aad soo diyaariseen waana cilmi loo baahan yahay mar koobaad iyo marlbaad iyo mar sadexaad ba waan idiin mhd celineenaa asc wrx mtu lhi wbr kt

  10. Mohamed says:

    kheyr badan Allaah haku siiyo waan qaatay taladaada waana ku fuliyey computerkayga

  11. acs all musliminta walalka muslinka ahaw o noso gudbiyay ilahay ha ka abalmariya umada somaliyed o dhan bad u faideyasy thanks

  12. muumin says:

    asc macliin iyo ardayba waan salaamay salaan ka dib
    waxan maclinka aan ka cod snayaa inuu bilaabo casharo prgm
    ah wayo iwaxaan shabakadan aan ku soo biray wakhti dheer ilaahadan macalin wax aaa ku jira intii an hore oo kaliya markaa macalin hawsha wad ooo ha ka daalin macalin

    thnks all members and student

  13. abduqaadir cusmaan maxamed says:

    asc maclin (maxamed acali ) waxaan isticmaalaa widows 8 waana sa meen waayey ligaxa faylka waxaan kaa cudsonayaa in aad iga saacidid arinka

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal eeg qoraalka sare qaybta Windows 8, habkaas raac oo iisoo sheeg sida aad ugu guulaysatay.

  14. Ilahay khayr ha ku siyo Mohamed ali mar Ayan u baahanyahay inad gacan iga Siso website ngo oo sanad hore kiraysatsy waqtigina iga dhacay.lkn hada Ayan rabaa Inan cusbooneysiyo haddii alle idmo on dib u kiraysto

Jawaab u qor zakariye