7 Barnaamij oo Lacag La’aan Loogu Waci Karo Asxaabtaada

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, November 7, 2013 | 33 Jawaabood

« | »

Sida lacag la’aan loogu waco asxaabtaada iyo qaaraabada ku kala nool daafaha dunida

Waxaa jira barnaamijyo farabadan oo suurtagal ka dhiga in lagu wada xiriiro. Waxaana qoraalkan ku baran doonaa barnaamijyadaas qaar ka mid ah oo lacag la’aan ah loogu waci karo asxaabta iyo qaraabada ku nool daafaha dunida. Barnaamijyadaas oo lagu rakibo Telefoonada laba qof ee is-wacaya (qofka la wacayo iyo qofka wacaya). Sidoo kale waxaa lagu rakibi karaa computerada qofka wacaya iyo kan la wacayo.

Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah:

Viber

hadal1Viber waxa uu kamid yahay barnaamijyada ugu caansan, looguna isticmaalka badan yahay (maqal iyo qoraal). Waxaana lagu waci karaa meel kasta oo dunida dacalladeeda ah oo leh adeegga telefoonada ku xiriirsan khadka internet xawaare wanaagsan ama WIFI tayo wanaagsan, waxaana muhiim ah in Viber ku jiro telefoonada labada qof ee kuwada xiriiraya, haddii kale waa lacag.

Barnaamijka Viber waxaa lagu rakibi karaa Telefoonada gacanta sida Android, iOS(iPhone), Windows Phone iwm. Marka telefoonka lagu rakibo, waxaa calaamadda Viber ka muuqan doontaa telefoonnada asxaabta kuugu jirta qaybta xiriirka ee telefoonkaaga, waa asxaabta leh Viber – ee aad kula hadli kartid lacag la’aan

  • FG: waxa lacag la’aan lagu waci karaa qof uu telefoonka ugu jiro Viber, haddii kale waxaa lagugu soo dalacayaa lacag.

Sidoo kale Viber waxaa lagu rakibi karaa Computerka, taas oo suurtagal ka dhigeysa in computerka laga waco asxaabta kale ee adeegsada Viberka.

Viber waxaa laga soo rogan karaa http://www.viber.com

Tango

hada3Tango waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal iyo muuqaal iyo qoraal (text). Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee loo yaqaan SmartPhones.

Waxaa loo baahan yahay in Tango lagu rakibo telefoonka qofka wacaya iyo qofka la wacayo.

  • FG: waxa lacag la’aan lagu waci karaa qof uu telefoonka ugu jiro Tango.

Sidoo kale Viber waxaa lagu rakibi karaa caadiga ah (Desktop ama Labtop) iyo iPad, taas oo suurtagal ka dhigeysa in computerka laga waco asxaabta kale ee adeegsada Viberka.

Tango waxaa laga soo rogan karaa http://www.tango.me

Skype

hadal2Skype waa barnaamijka loogu isticmaalka badan yahay ee loo isticmaalo in lagu wada hadlo oo leh maqal iyo muuqaal, qoraal toos ahna la isugu qori karo. Waxaana lagu rakibi karaa noocyada kala duwan ee telefoonada gacanta ee casriga ah ee loo yaqaan SmartPhones (Android, iPhone, WindowsPhone, iwm).

Waxaa loo baahan yahay qofka aad wacaysid in telefoonka ugu jiro Skype.

Waxaa kale oo lagu rakibi karaa computerka caadiga ah (Desktop ama Labtop) iyo iPad.

  • FG: Haddii aad wacaysid qof aan lahayn telefoonka gacanta, ee adeegsanaya telefoonka ku xiriirsan fiilada dhulka, waxaad u baahan tahay in lacag kuugu jirto Skype-ka.

Sannadkii 2011 ayaa shirkadda Microsoft waxay Skype ku iibsatey $8.5 Billion oo doolar. Waxaana Skype lagu mataaneeyay emailka autlook.com oo markii hore ahaan jirtey hotmail.com.

Skype waxaa laga soo rogan karaa http://www.skype.com

Fring

hadal01

Fring waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal iyo muuqaal. Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee loo yaqaan SmartPhones (Android ama iPhone).

Waxaa loo baahan yahay in Fring lagu rakibo telefoonka qofka wacaya iyo qofka la wacayo.

Fring waxaa laga soo rogan karaa http://www.fring.com

Nimbuzz

hadal02Nimbuzz waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal. Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee loo yaqaan SmartPhones (Android ama iPhone).

Waxaa loo baahan yahay in Nimbuzz lagu rakibo telefoonka qofka wacaya iyo qofka la wacayo.

Nimbuzz waxaa laga soo rogan karaa http://www.nimbuzz.com

ooVoo

hadal03ooVoo waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro. Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee loo yaqaan SmartPhones.

Waxaa loo baahan yahay in ooVoo lagu rakibo telefoonka qofka wacaya iyo qofka la wacayo.

ooVoo waxaa laga soo rogan karaa  http://www.oovoo.com

WhatsApp

watupWhatsApp waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro (qoraal). Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee casriga ah.

Waxaa loo baahan yahay in WhatsApp lagu rakibo telefoonka qofka wacaya iyo qofka la wacayo.

WhatsApp waxaa laga soo rogan karaa  http://www.whatsapp.com

Waa adiga markaagii: Haddii aad adeegsatid barnaamijyo ka casrisan, fadlan la wadaag akhristayaasha AqoonKaal.com, kuna qor hoos qaybta faallada ama jawaabaha.

Facebook ku darso AqoonKaal ama LIKE https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

Twitter: @aqoonkaal

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

33 Jawaabood

  1. Maxamed Salaa says:

    Asalaamu Calaykum,

    Macallin aad baad u mahasan tahay, Ilaahay hakaa abaal mariyo dadaalka aad gelisid qormooyinka lagu daabaco Aqoonkaal.com. Ilaahay adiga iyo waalidkaagaba ha u naxariisto!

    • Maxamed Cali says:

      asc mahadsanidin dhammaan, waxaana idiinka mahad celinayaa ducadiina iyo dhiiri gelinta iyo erayada qiimaha badan ee aad iisoo dirteen, waana ku faraxsanahay in aad ka faa’daan aqoonkaal.com. Mahadsanidin.

  2. Ahmed Kasim says:

    mahadsanid macalin in badan waad noo faa’iidaysayee…

  3. faarah says:

    Asc macalin aad baad u mahadsantahay qoraalada kafaa,iideysigu kabuuxo Illaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo anagana Illaahay hanaga dhigo kuwa sida fiican uga faa,iideysta Insha Allaah
    Kudarsada
    indoonacam

  4. Tawane says:

    aad iyo aad ayaad umahadsantihiin, waxaan aqaannaa aniga barnaamij ay dhahaan Piovy waxa uu kamid yahay barnaamij yada lagu wada xiriiro, waxaana laga soo rogan karaa http://www.poivy.com, waxa uu lanooc yahay barnaamijta lacag la’aanta ah ee lagu wada xiriiro

    MAHADSANIDIIN

  5. mahamuud says:

    macalin aad ayaad umahadsan tahay casharka qiimaha badan aad noo soo diyaarisay
    macalin waxaan kaa codsanayaa inaad noo soo samayso qaanka youtube video loo dhex dhigo
    waad mahad san tahay macalin

  6. Cabdi qadir maxamed cabdulahi says:

    Asc walaal aad iyo aad ayaad ugu mahad santahay ilaahay na khayr ha kaaga abaal mariyo waa bar naamij aan aad ugu buknay oo aan aad ugu baahnayn mar ka walaal baahidaadana alaha kuu sahlo buktadaadana alaha kuu cafiyo badbaado iyo nabad gal yana allaahakusiiyo iyo midi lagu waarayay ee ahayd jano

  7. Ahmed Shiimax says:

    Mahadsanid macalin. Waxan ku weydina hadi aad iga cawin karto mxa logu isticmali wayey talefanada Nokia qasatan #Nokia_C2_01.

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal waxaad tijaabisaa FRING, waayo Fring waxay ku faanaan in ay ku shaqeeyaan Nokia, inkasta oo aanan hubin nooca Nokia ee ay ku shaqeeyaan.

  8. cumar says:

    walaal macalin aad ayan kaga mahadcelinaya maskadaad halka ku shubtay/tujisay waxan ku waydiiyay su,aal macalin sideen skype & nimbuzz ka iyo jungalfonka mufakirka iyo lacag ugu shubikara su,al 2,ae netka dhaxdiis ama khadka internetka makaga dhax shubikara mahadsanid macalin jawaabta ilahay khayrka hakuu laba jibaare ii soo dadaji mhdsnd

  9. walaale aad baan kuuugu mahad celinayaa sida wanaagsan oo nooogu sooo daabacdeen qoraalkaan faa iiidada badan waxaaan kaloo rabaa whatsup sidee looogu xiraa wici taanka aniga iyo qofka kale

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal WhatsApp waa qoraal keliya (ilaa hadda), waxaana loogu wada xiriiri karaa Text ahaan.

  10. asc waan ku salaamay macalinkeena qaaligaa oo sharafta iyo wanaaga badan.
    macalin aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay waana kaga mahad naqeynaa sida wanaagsan oo aad marwalba noogu faaiideysid waana ka faaiideynay inbadan,mahadsanid macalin hana naga caajisin alle abaal hakaa siiyee.

  11. mohamed shire ibrahim says:

    Asc Ustaad JzaaKallaah Runtii Aniga Waxa Aan Kamid ahay Ardayda Kafaa Ideysatay Wbekeena AQOONKAAL.COM
    NBG((MAWAADI KUSAABSANEYD DESIGN WAXAAN JAAMCADDA KU NOQDAY EXCELLENT)) Adiga ayaa II Bilaabay
    Fahamkaas Iyo Rajadaas SHUKRAN
    HADDANA waxaan kaa dalbal lahaa in aadd noo bilaawdo
    courses yar oo kusaabsan (DATABASE ama VISUAL BASIC)
    iyo wixi aad adiga noogu kordhin lahayd
    ALFA MABRUUUUUK

  12. Abtigiis waka wataa says:

    asc aad ayad umahadsantahay macalin markasto waxan jeclahay inan cashirka la socdo lkn wll marka hore cashirka aad soo dhigto wan copy geensan jiray lkn hadda marka aan copy samayo wu iga diidan yahay wll ino webka sii aan copy u sameysano plz mx’ed cali

  13. muna vip says:

    waxaa kalo jiro barnamijyadaan
    tango . vonage. viber line.

  14. Maxamuud says:

    waxaan jecelahay macalin waanan kucusubahay meeshan hadii uu jiro barnaamij lashaqaynaya mobileka oo aad waci karto teleefan lacag laaan una baahnayn internet lkn lashaqaynaya sim card iyo radio waveska

  15. Abdalla boss says:

    macalimuu aad ayaad u mahadsantahay ilaahey ajar iyo xasanaad hakaa siiiyo aqoonta aad faafineyso

  16. Kadar says:

    Walaal Waad Mahadsantahay

  17. ciise says:

    asc waalaal marka hore waan kusalaamayaa salaan kadib aad iyo aad ayaan kuugu mahad maqayaa

  18. khalid says:

    jizaa ka laahu kheey ra

  19. karima ali says:

    side lofurtaa whatsapp iyo skype iyo facebook face

  20. ahmed farah says:

    Asc dhamaan akhayaarta sharaftaleh oo ka tirsan bahda aqoonkaal.com sida wanaagsan ee bulshada ugu fi’daysane wll mahadasanidin wll

  21. tahliil says:

    asc waad mahadsantihiin, waxan doonayaa macalin inaan ku waydiiyo su,aal. waxaan isticmaala labtop marakaan iraa right click waxaa soo kacaya menu-ga istart, maxaan sameeyaa marka xagaan wax kasaxaa?

  22. Aad ayaan uga helay Aqoon kaal…madsanid.
    Waa tan i soo xasuusisay Shaafiintii Dugsi Quraanka ….waxaa ku jitay MACALINKEEN ALOW “KAAL”,,QOF KASTABA ALOW KAAL…
    HALKU DHEGA aqoonkaal.com waa
    AQOON KAAL
    (KOBCINTA GARAADKA)
    THANKS

  23. coladcade says:

    A.c

    wad salamantihiin macalinka iyo dhamaan aradayda,

    maclimuu sidee loogu isticmali kara http://www.viber.com computer,

    bal cashir inooga samee wa cilad tagan????????

  24. mohamed says:

    Waad mahadsantahey maclin.

  25. aways axmad sabriye says:

    Sxb wali mafahmin ee seelogu xiraa aniga viber waan is ticmaala balse qadlaan ma iyeelo ee sidee free looga dhigaa

  26. duulane says:

    waad ku mahadsantihiin xogtan aad nala wadaagteen.
    Su’aal ma jiraa barnaamij suuragal ka dhigaya in aan internet-ka si toos ah uga wici karo taleefan qof sito?

Jawaab u qor Mr otto dheer