MIDIG

QAABKA SAMAYNTA "FRAMES"

Uguhorrayn waa in lasameeya "File" HTML ah, kaas oo ah midka suurta galka kadhigaaya in boggu u qormo qaabka "Frame". Si arrintaas loo hirgeliyo waxaa la raacayaa xeerkan:

Marka aad qortid <head> waxaad kuxejidaa xeerka <FRAMESET> Tusaale ahaan <FRAMESET COLS="25%,75%">

Xeerkani waxa uu samaynayaa laba "Frame" oo midna uu yahay 25% (shaashada) iyo mid ah 75%. Labadaas "Frame" waaxay noqonayaan kuwo ah midig iyo bidix. UFIIRSO: COLS waxay kamacne tahay Columns.

Haddii larabo in lasameeyo "Frame" kakooban saddex, waxaa tusaale ahaan laqorayaa sidan: <FRAMESET COLS="20%,70%,10%">

Waxa kale oo la adeegsankaraa tiro caadi ah, halkii laga adeegsan lahaa boqolley %. Tusaale ahaan <FRAMESET COLS="25,75"> ama <FRAMESET COLS="25,*%"> UFIIRSO: Calaamada (*) waxa ay u taagantahay inta tirada qoran kasoo harta. Tusaale haddii laqoro 25,* macneheedu waa "Frame-ku" waa laba qaybood oo midyahay 25 kankalena yahay inta soo harta.

Marka larabo in lasameeyo "Frame" kor iyo hoos ah, waxaa markaas la adeegsanayaa <FRAMESET ROWS="25%,75%"> UFIIRSO: Faraqa u dhexeeya COLS iyo ROWS, oo midna u taaganyahay Columns, kan kalena Rows.

Kaddib marka lasameeyo xeerka <FRAMESET> waxaad markaas loo baahanyahay in lasameeyo hab "Frame"-ka loogu xiriirinayo "File"-lasha kasoo baxaya "Frame"-ka dhexdiisa. Si arrintaas loo hirgeliyona waxaa la adeegsadaa xeerka <FRAME SRC="bidix.html" NAME="bidix">

UFIIRSO: File-ka bidix.html waa kan kasoo bixi doona dhanka bidix ee "Frame"-ka, waxaana xusuusnaataa in ay lagama maarmaan tahay in la adeegsado SRC oo suurta gal kadhigaya in "File"ka lagu xiriiriyo "Frame"-ka, waana in SRC="" lagu qoraa halka uu Filekaas kaga jiro "Serverka" ama Kambuyuutarkaaga (xusuusnow halkaas marka aad serverka u dirtid in aad SRC kuqortid ama u tilmaantid halka uu File-ku kaga jiro Server-ka). Sidoo kale waxaa loo baahan yahay NAME oo ah magaca lagu garandoono "File"-kaas.