Sida loo Xaqiijiyo in xeerarka HTML & CSS ay sax yihiin – Casharka 22aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, April 25, 2011 | 9 Jawaabood

« | »

aqoon kaal html ku baro af soomaaliCasharkan oo kamid ah casharada asaaska ah ee HTML iyo CSS ku baro Af-Soomaali ee Aqoon Kaal, waxaan si gaar ah ugu baran doonaa sida loo hubiyo in xeerarka HTML iyo CSS ay sax yihiin ama waafaqsan yihiin nidaamka asal ahaan u deggan xeerarkaas.

Waxa kale oo casharkan ku baran doonaa xeerka META oo lagu qoro qaybta sare ee HEAD ee HTML, xeerkaas oo loo adeegsado in la hagaajiyo qaabka ay aaladaha internetka wax lagaga baaro (Search) ay si fudud ugu heli lahaayeen website-ka.

Video-ga hoos ka daawo:

FG: Haddii casharadii hore aad rukumatey oo ay emailkaaga kuugu soo dhici jireen marka cashar la daabaco, markaas uma baahnid in aad mar labaad rukumatid casharada cusub sidii oo kale ayey kuugu soo dhici doonaan insha Allah.

Haddii aad hore u rukumatey oo emailkaaga qortay, laakiin aadan wax email ah helin, fadlan hubi in aad riixdey linkiga la socda emailkii aad heshay markii aad rukumatey, emailkaas linkiga ku qoran waxa uu xaqiijinayaa in adigu aad rukumatey oo aan qof kale emailkaaga adeegsan.

Haddii aadan hore u rukuman eeg dhanka midig ee sare ee bogga meesha ay ku qoran tahay Rukumo Aqoonkaal RSS.


Macluumaad La Xiriira Casharka

Xeerarka HTML

[sourcecode language=”html”]

<head>

<meta charset="UTF-8" />

<title>Cinwaanka Guud ee Websiteka</title>

<link rel="shortcut icon" href="/favicon.ico" />
<link rel="stylesheet" type="text/css" href="style.css" />

<meta name="description" content="Cilmiga Computerka" />
<meta name="keywords" content="HTML,CSS,WordPress" />
<meta name="author" content="AqoonKaal" />

</head>
[/sourcecode]

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

9 Jawaabood

  1. myhassan says:

    walaal aad iyo aad ayaad umahadsantahay ilaahayna hakaa abaal mariyo aqoonta aad baratay eed ugudbisay dadka u baahan,
    waxaan rajaynayaa casharada soo socdana inay bilawdaan sida ugu dhaqsaha badan eed ku awoodo ,marlabaad mahadsanid.

  2. Ani waxan kahelay carki hore says:

    Aqoonkaal

  3. maxamed says:

    asc sxb aad ayaad u nahadsantahay runti waad mudantahay in laguu mahad ciliyo teedi kale sxb waxaan rabay in aad noo soo gudbiso hadaad abuudit
    video ga sida qoraal looga sameeyo
    tusaale ahaan waxaan duubayaa video oo muuqaal ah weliba aniga ah waxaana doonayaa hadalkeyga in aan ku qoro videoga dushiisa
    tusaale kale anigo vidoga ku dhex hadlaayo ayaa waxaan leeyahay
    waxaa la iyiraahda mahaxed qoraal ahaana inuu soo qormo ayaan rabaa
    barnaamishkaas hadaad abuudid waan kaa codsanayaa wixii jawab ahna ii soo dir bro thank you very much

  4. cahbduqaadir cusmaan maxamed says:

    asc maclin maxamed cali aad ayaan ku gu mahad naaqa yaa sida aad noga sacidey barshad cilmiga computarka
    maclin waad mahad santa hay

  5. Macalin waad mahadsan tahay 100%, run ahan waxad nagu sadaqeysatay cilmi aan caadi aheyn ee alle haka abaal mariyo.

  6. Cabdulaahi Ibraahim says:

    Asc Teacher maxaa dhacey casharkaan video kiisa wuu ii diidey inan Downlaod ku sameeyo maxaa sabab arintaas Teacher

  7. Liban Abdikarem Adem says:

    Nabbada iyo Naxariista ALLE korkaaga ha ahaato macalin, ama ASC,
    Run ahaantii inmodu aha ayan casharadaad la socoday ,
    waxaan kusoo gudbinaya mahad aad u balaadhan oon abbal kaaga hayo cilmiga aan ka bartay intii la socday casharadaad alle ha ka abal mariyo, waxan rajeynayaana inaan kula soo xidhiidho in sha ALLAH
    MAHAD SANID MACALIN

  8. cabdimalik says:

    walaal khayr alllaha haku siiyo aakhiro iyo aduunba aad baan kaaga mahad celinayaa casharada wan wanaagsan ee aad noo soo dayso illahay hakaa abaal mariyo lakiin walaal waxaan ka yar codsan lahayn inaad noo siiwado cashara Html&Css ka hadaad awoodo insha alllah teeda kale hadaad awoowo wll noo soogali Javascript.

    Aad baad umahadsanthay wll
    jasakalah khayr walaal

Jawaab u qor Cabdulaahi Ibraahim