Hargeysa oo Noqotay Magaalada Akhristayaasha ugu badani ka soo Booqdaan AqoonKaal.com

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, September 15, 2013 | 12 Jawaabood

« | »

Website-ka AqoonKaal.com waxaa la asaasay  March 17, 2006, ilaa xilligaas waxaan ku daabacay qoraallo la xiriirta aqoonta farsamada Teknoolojiyada, gaar ahaan cilmiga la xiriira computerka si ay uga faa’iidaan mujtamaca Soomaaliyeed.

magaalooyinHaddaba markii aan dib u jalleecay mudadii siddeeda sano ahayd ee la soo dhaafay, islamarkaasna xisaabiyey magaalooyinka ay akhristayaasha ugu tirada badani ka soo booqdaan website-ka AqoonKaal.com, waxaa iiga soo baxay in Hargeysa tahay magaalada koowaad ee akhristayaasha ugu badani ka soo boqdaan AqoonKaal. Waxayna Hargeysa kaalinta koowaad u gashay in ka badan 2280 magaalo oo ka tirsan daafaha adduunka oo laga soo booqday AqoonKaal.com.

  • Hargeysa waxay noqotay magaalada koowaad  – markii aan xisaabiyey celcelis ahaan dadka soo booqday AqoonKaal.com muddadii siddeeda sano ahayd (March 2006 ilaa September 2013)
  • Sidoo kale Hargeysa waxay noqotay magaalada koowaad – markii aan xisaabiyey akhristayaasha AqoonKaal.com ee sannadkan (Janaayo ilaa September 2013).

Kaalinta labaad, saddexaad, iyo afraad waxaa isku haysta magaalooyinka Minneapolis, Nairobi iyo London. Waxaana kaalinta shanaad ay midba tan kale ka tuuraysaa Addis Ababa iyo Kampala.

Magaalooyinka kale ee aan eegay waxaa ka mid ah Muqdisho oo noqotay magaalada 11aad (celcelis ahaan intii Aqoonkaal jirey). Laakiin markii aan eegay sannadkan 2013 waxay Muqdisho noqotay magaalada 7aad ee akhristayaasha ugu badani ka soo booqdaan AqoonKaal, taasi waxay muujinaysaa in akhristayaasha Muqidsho ka soo booqda Aqoonkaal ay soo kobcayaan. Laakiin Hargeysa ayaa weli ka horaysa dhammaan meelaha laga akhristo AqoonKaal. (Hoos ka akhri magaalooyinka kale ee akhristayaasha ugu badan ka soo booqdaan AqoonKaal).

“Hargeysa Magaalada Aqoonta”

billadda

Sidaa daraadeed, Hargeysa waa magaalada cilmiga iyo aqoon kororsiga ee sannadkan 2013. Bahda AqoonKaal.com waxay u mahad celinayaan akhristayaasha website-ka ka soo booqda Hargeysa iyo guud ahaan meel kasta oo ay ka joogaan adduunka.

Markale waxaan si gaar ah ugu mahad celinaya reer Hargeysa siday uga qayb qaateen cilmi ka korodhsiga AqoonKaal.com.

Wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajin kartaan emailka: aqoonkaal@gmail.com

March 2006 – September 2013 (Tobanka magaalo ee akhristayaasha ugu badani ka soo booqdeen Aqoonkaal)

  1. Hargeisa
  2. Nairobi
  3. Minneapolis
  4. London
  5. Kampala
  6. Gothenburg
  7. Stockholm
  8. Perth
  9. Addis Ababa
  10. Oslo
  11. Mogadishu

January 2013 – September 2013 (Akhristayaasha ugu badan ee sannadkan)

  1. Hargeisa
  2. Minneapolis
  3. London
  4. Nairobi
  5. Addis Ababa
  6. Goldsboro
  7. Mogadishu
  8. Gothenburg
  9. Stokholm
  10. Dubai
  11. Jeddah
  12. Kampala

hargeisa_aqonkaal

Soddonka magaalo ee akhristayasha ugu badani kasoo booqdaan AqoonKaal.com waxaa ka mid ah:

  • Hargeisa, nairobi, Minneapolis, London, Kampala, Gothenburg, Stockholm, Perth, Addis Ababa, Oslo, Mogadishu, Cairo, Jeddah, Helsinki, Khartuum, Manchester, Djibouti, Cape Town, Dubai, Hague, Sana’a, Birmingham, Kuala Lumpur, New Delhi, Hyderabad, Randers (Qanas) Leicester, Borlange, Copenhagen, Vienna, Johannesburg, Doha, Seattle, Zurich, Melbourne….

Waxaan Allah ugu mahadinayaa in dad aad u farabadani aqoon ka korosadeen websiteka Aqoonkaal, waxa kale oo aan u mahad celinayaa akhristayaasha sida joogtada ah ula socda qoraalada iyo Video-yada aan ku daabaco AqoonKaal.com.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal)
Minneapolis, Minnesota

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

12 Jawaabood

  1. SC
    Aad ayaad Maxamed ugu mahadsan tahay Mawaadiicda wax tarka leh ee aad ugu deeqday walaalahaga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba Allaha kaa abaal mariyo isagaaawoodda lehe.
    Anigu dadka cusub ee ku soo biiray dhawaanta ayaan ka mid ahay, Nin Macallin ah oo Xissabta ka dhiga Dugsiyada sare ee Magaalada Manchester ee UK. ayaan ahay hadaba bal haddi kabib Manchester aan aragno kaalintay ka gash booqashada
    Ugu dambayntiina waan ku salaamayaa

    Allaha ku waafajiyo
    Mohamoud Yasin

  2. a.shakur ahmed says:

    asc.wr,wbr.
    salaantaa islaamka ee qiimaha badan ka dib , walaal maxamed cali jazaaka laau qayran, maalin aad aad uGu baahantahay alle hakaaga xijaabo oohakuugu ysiro xisabta maalinka dambaysa wanaag aan lasoo koobi Karin ayaad uqabatay umada afka soomaaliga ku hadasha ,waqti qaali ah ayaad galisay si aadugu faa,iidayso mushtamaca soomaaliyeed , iinshaa allaah miizaanka xasanaadka alle hakuugu buuxsho waanu kuu oo ducaynaynaa wax kaloon kuu qaban karno ma jirto sababtoo ah waqti baa uGu qaalisan wax uu qof kuugudeeqo lamana soo celin karo waqtiga sababtaa ayaan wax aan kuugu abaal gudno aanan granayn, mida kale re hargaysa aadban uGu mahdinaynaa dadaalkooda meeshaa hakasii wadaan taariiqday galaysaa iinhaa allaah..

  3. mohamed says:

    s.c walaal aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay in magaalada hargaysa ee somaliyeed noqotay magaaladii ugu badnayd ee aqoonkaal soo booqata , adigana waxaan ku leeyahay mohamed caliyow , waajib ku saaran ayaad gudanaysaa ee jazaakallahu khayrn ,

  4. Wad mahadsantahay Macalin Maxamed Cali,macalin Allaha kaa ajar siiyo macalin.Anigu webkan waxan ku xeranahay ku dhawaad 2-sano cilmi badan oo iga maqnaayna wan ka faaiiday,waxayna igu dhiiragalisay inan isku taxluujiyo sidaan ubaran laha aqoonta Computerka ee uu caalamka ku hormaray waayahan dambe.MAHADSANID MACALIM.

  5. wise man says:

    a/c macalin maxamed cali macalin allah kaa ajar siiyo
    macalin anuga waxan ku xidhanahay ku dhawad 3 sano cilmi badan ayan ka fa idaystay masha allah hersare ayan ka garat aqoonta computerka

  6. wise man says:

    waxana joga hargesa

  7. Maxamed Salaad Xaaji Dirir says:

    Salaan kaddib,

    Macallin, waa sidee habka ugu fudud ee lagu ogaan karo rank-ga ama tirada dadka website kasta soo booqda? Waxan aad ugu adeegsadaa Alexa.com. Macluumaadka ku qoran Alexa ma yihiin kuwo saxan oo lagu kalsoonaan karo, mise waxa jira habab ka fudud oo lagu ogaado?

    Mahadsanid.

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal website haddii uu yahay kaaga waxaad si fudud u ogaan kartaa dadka soo booqda haddii aad ku xiriirisid Google Analytics. Waxaa muhiim ah in aad fahamtid in ay jiraan waxa loo yaqaan “Hit” oo ah qof kasta oo booqda website ha noqodo qof u soo qasdey ama qof si khaldan link uga soo helay. Taasina ma aha mid lagu kalsoonaan karo, waxaa la eegaa muddada qofka booqday uu websiteka ku negaado ama in uu daaalacdo dhawr baal oo owebsiteka ka mid ah, alex fikrad guud ayaad ka qaadan kartaa laakiin markasta maanka ku hay booqashada tirada badan waxaa ka muhiimsan nuxurka uu leeyahay websiteku.

      Waxaa jira siyaabo ay websiteyadu isticmaalaan si ay u kordhiyaan inta “HIT” ee soo booqata, tusaale ahaan waxay qoraan warar nooca loo yaqaan sensational taas oo qofka arka uu riixayo linkiga, waxaana dhacda in linkigaas loogu talo galayo uun in lagu darsado xayaysiis. Ufiirso: Waxaad arkaysaa warar cod ah oo marka aad linkiga riixdid ay codkii dhinacyada kala socdaan boqolaal xayaysiis ah, halkii bogga codka uun uu kaaga soo bixi lahaa. Marka muhiim waxaa ah in websiteka wax laga faa’iidayo wax anfacaaya bini’aadamka.

  8. Walal bahda aqoonkaal aad ayaan idiinsalamaya salan kadib waxan aad ugu farxsanahay casharada aadka ufiican oo aad sogalisan bogan oo aan ku taxanahay walayal waxan idinka codsan lahaa in aad noo bilowdan Maadada CISCO NETWORKING oo ah barnaamij aad u muhim ah

    waxan jogaaa magalada bossaso xarunta gobolka bari

    waad salamantihiin

  9. Caydaruus Daahir says:

    macalin mahamed ali aad iyo aad ayaan kuugu mahad naqayaa sida fiican ee deeqsinimada ah ee aad aqoonta alle ku baray u bixinaysid alle misaanka xasanaadka ha kuugu daro teacher
    aniga waxaan ka mid ah ardayda dhawaan ku soo biirtay web waxan jooga hargaisa aad iyo aad ayaan uga faaiiday
    waad mahsan thay macalin “jasakalahu khayr”

Qor Jawaabtaada