Evernote: Waa Barnaamij Suurtageliya Qoraal Lagu Kaydiyey Computer in Lagala soo bixi karo Computer kale

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, February 20, 2014 | 23 Jawaabood

« | »

Qoraalkan AqoonKaal.com waxaan ku baran doonaa “Evernote” oo ah barnaamij loo adeegsado in lagu qoro qoraallada, islamarkaasna lagu kaydiyo. Waxana uu suurtagal ka dhigaa qoraalka aad ku kaydsatay in aad kala soo bixi kartid Computer kasta oo ku xiriirsan Internetka.

evernteEvernote waxaa uu kamid yahay barnaamijyada ugu faa’iidada badan aaladaha loo adeegsado Internetka, maadaama uu yahay barnaamij wax lagu qorto, oo wixii lagu qoray kuu kaydinaya, kaydkaasna lagala soo bixi karo computer kale, xitaa haddii computerkii aad ku qortay uu kaa xumaado ama hawl-gab noqdo, waayo nuqul qoraalka ka mid ah waxa uu markasta ku kaydsan yahay serverka Evernote.

Evernote waxa uu leeyahay qayb lacag la’aan ah iyo qayb lacag ah. Waxaana ku kaaftoomi kartaa qaybta lacag la’aanta ah oo wixii lagu qorto kuu xafidaysa, qoraalada kuugu kaysana aad kala soo bixi kartid meel kasta oo ku xiriirsan khad Internet ah.

Waxaad u baahan tahay in aad akoon lacag la’aan ah ka samaysatid websiteka Evernote (https://www.evernote.com). Waxaa kale oo barnaamijka Evernote ku rakibi kartaa ama ku soo rogan kartaa computerka caadiga ah ama Laptop, iPad ama SmartPhone (iPhone/Android).

Markaas waxaa suurtagal ah in adigoo maqaaxi ka qaxwaynaya aad qoraal ku qoratid Telefoonka gacanta ama Laptop/iPad ee aad ku rakibtay Evernote (ama waxaad geli kartaa akoonkaaga Evernote, halkaas oo aad toos ugu qori kartid qoraalka). Marka aad guriga/shaqada tagtid ayaad qoraalkii kala soo baxi kartaa si aad halkii uga sii amba-qaadid.

Marka la qorayo qoraal, waxaa muhiim ah in loo sameeyo cinwaan, taasi waxay nidaam u samayn doontaa qoraallada.

evern5

Marka aad qoraalka ku qoreysid Evernote isaga ayaa toos u xafidaya, kaagamana baahna in aad markasta riixdid batoon ah “Save”. Laakiin haddii aad doonaysid inaad dedejisid in qoraalkii aad computer ku qortay uu islamarkiiba ka soo baxo computer kale, markaas waxaad riixi kartaa batoonka Sync (oo macnaheedu yahay is waafajinta qoraalada ku kaydsan computerada kala duwan).

evernote

Xusuusinta Evernote (Reminder)

Siyaabaha kale oo loo adeegsado Evernote waxaa ka mid ah in lagu agaasimo xusuusin waqtiga. Taas si loo sameeyo riix “Reminder”, kaddibna ku qor waqtiga xusuusinta. Waqtigaas marka la gaaro ayaa shaashadda barnaamijku ku xusuusin doontaa.

evernot6

Qoraalka oo lagu xiro quful (Encrypt)

Waxaad qoraalka oo dhan ama qayb kamid ah ku xiri kartaa quful gaar ah si haddii tuugu u hesho aysan uu akhrisan. Taas si loo sameeyo: Hagaha (mouse-ka) ku calaamadi qoraalka inta aad dooneysid in aad qufushid, markaas riix dhanka ee mouse-ka (right click), markaas riix “Encrypt selected text”. Waxaa markaas soo baxi doona meel lagu qorayo ofure (passphrase) kuu gaar ah. FG: Qoraalka laga dhigo “Encryp” haddii la ilaawo furaha ma jiri doono hab loo furi karo, marka waa in password-ka aadan ilaawin.

evernot7

La wadaag Asxaabtaada (Share)

Qoraalka waxaad la wadaagi kartaa asxaabtaada, waxaadna toos ugu diri kartaa Email, Facebook, Twitter, iwm. Marka aad riixdid linkiga “Share” ayaad bartaas ka dooran kartaa qaabka aad ku direysid qoraalka, sida Twitter iwm.

evernot9

Web Clipper (kaydinta qoraal website)

Waxa uu suurtagal ka dhigayaa in website shaashaddiisa ama qoraalkiisa la xafito si markii loo baahdo loo akhriyo. Waxaad u baahan tahay in aad “Web Clipper” ku rakibtid Browserka aad adeegsanaysid, sida Google Chrome, Firefox, Safari, Opera, iyo Internet Explorer. Waxaana Web Clipper laga heli karaa linkigan: http://evernote.com/webclipper/

Evernote Skitch

Waa barnaamij lagu mataaneeyo Evernote, waxana uu suurtagal ka dhigaa in qoraal laag qaado sawir (Screen shot), islamarkaasna la xardho ama lagu asteeyo calaamado iyo falaaro lagu dul sawirayo. Waxaaan laga soo rogan karaa linkigan: http://evernote.com/skitch/ – waxaana lagu rakibi karaa computerka caadiga ah, iPad iyo SmartPhone, sida Android.

evernot10

Waxaan rajaynayaa in qoraalkan kusoo baxay AqoonKaal.com uu faa’iido kuu yeeshay, oo aad ka faa’iidey aqoonguud ama aqoonkorosi.

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

Riix linkiga LIKE ee  https://www.facebook.com/Aqoonkaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

23 Jawaabood

  1. Dirie says:

    Maashallaah Allaah ajir iyo xasanaad aan lasoo koobi karin hakaa siiyo waan hubaa in aad waqti badan ku buxisay aad ayaan kaaga mahadcelinaynaa qoraalada qiimaha badan ee aad noosoo gudbiso.
    Suaal: ma jiraa asagoo App ah(evernote)?
    Thnks

  2. Mustafa says:

    Asc. waan kaaga mahad celinaa waa la hubaa inaad waqti iyo fikirba galisay dadaalna uu kuu sii dheeraay ee waxaan ku leeyahay marnaba haka caajisin hoowshaan adag ood haayso.

  3. cumar says:

    Asc
    maashaa allaah waan kaaga mahed celinaaynaa macalin
    ajar fara badan allaha ku siiyo wanaagaa suubisay badalkeeda dhab badan alla hakaaga dhoowro aamin
    waxbadan baad umada u taray inta fursada u heshay
    jzkl

  4. Walaal,salaan qaali ah ka dib aad baan kaga mahadcelinayaa aqoonta dhaxal galka ah ee aad had iyo jeer noo soo bandhigto.

    Anigu,waxaan qabaa in aqoonkaal yahay Jaamacad guureysa sababtoo ah Jaamacad casharo aan laga baran baan ka helnaa .

    Taas hadaan si u dhigo ardeyga Jaamacad ka barta maadaama Computar Science si fiican looguma fahansiiyo maadadaas Luuqadiisa hooyo dhib badana wuu kala kulmaa.

    Maxamed Cali,waxaan ku leeyahay hanaga daalin ee noo wad aqoonta aad nabareyso Macalin.

    Ilaahay haka ajarsiiyo dadaalkaaga,anaguna mahadsanid baan ku leenahay Macalin.

  5. Deeq Cali says:

    ASC
    macallin maxamed cali aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay casharada wax ku oolka ah ee aad usoo gudbisid bahda aqoon-raadis.com adigoo kusoo qora websieka aqoonkaal.com waxaad tahay macallin ilahay cilmi siiyey haddana macalliniinta kale siidheer inuu dadkiisa meel kasta oo ay joogaan uu kahaqabtiro aqoonta ilahay baray.
    marlabaad iyo mar saddexaadba waad ku mahadsan tahay casharadaad noosoo gudbiso iyo kaalinta doorka le ee aad ugu jirto dadkaaga (inta afka soomaaliga ku hadasha).
    thanks teacher mahamed ali.

  6. Mohamed Ali says:

    Maasha Allah aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin bahda AQoon Kaaal sida wanaagsan aad u soo bandhigteen barnaamijyada ay dadka xiiseyen…Run ahaanti aad ayuu i cajib galiye, apps evernote means 4 ever note

  7. jamaal says:

    sxbayaal magaranaayo si aan idinkugu mahad celiyo lkn waxaan idinka codsanayaa fadlan noo siyaadiya waxyaabaha faa iidada leh ee aad soo gelinaysaan webka

  8. abdi says:

    mahad sanid wllo

  9. asad ibrahim says:

    aaad iyo aaaad ay u mahdsantihiin bahada aqoon kaal waxa nagu soo kor dhiseen wax badan oo naga maqna waxan idiin rajnayna inta iyo in ka badn oo aqooon ah in aad noso galisan

  10. Afrah says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay macallin.

    ajar iyo xasanaadna Ilaahay ha kaa siiyo dadaalkaaga dheeriga ah.

  11. ali saleban says:

    macalin aad ayaad u mahad san tahay waxaad aad kaaga mahad celinaynaa sida aad dadka soomaaliyeed markasta uga caaawisid barashada computer waliba waxaan si gaar ah kaaga mahad celinayaa wax aan kaa faa iiday html

  12. cali xuseen xasan says:

    as wr wb walaal waxaan kaaga mahad celinaaya sida quruxda badan ee aad u caawineyso walaala soomaaliyeed ee u baahan wax faaiideysiga . ilaahay ajar & xasanaad ha kaa siiyo aamiin

  13. xaaji says:

    walalayaal ama macaliminyaal waan isin salaamaynaa
    fadlan casharada ha noola siyaadiyo

    • ibraahim gacal maxamuud says:

      Maasha Allah aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin bahda AQoon Kaaal sida wanaagsan aad u soo bandhigteen barnaamijyada ay dadka xiiseyen…Run ahaanti aad ayuu i cajib galiye, apps evernote means 4 ever note

  14. Adam Abdi says:

    Walaal Maxamad Qoraaladaan waa markii iigu horaysay ee aan arko ilaa iyo 2001 oo aan filayo inaan websitekan Somalitalk.com kusoo xirmay.Qoraaladan waa kuwa qeymo leh ee halkaas kasii wad. Waxaan kudadaalaya inaan link kufaafiyo page ay leedahay jaaliyada Qatar, taas oo sahli karto inay dad badani kusoo xirmaan duruustaan faa’idada badan. Su’aal, Evernote iyo Onedrive ama google drive maxayku kala duwanyihiin
    Adam, Qatar.

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal Adam, Evernote waxaa lagu qortaa qoraalada oo ay kuu xagfideyso, halka Google Drive iyo OneDrive ay yihiin meel wax lagu kaysado oo la mid ah sida Hard Driveka computerka, laakiin waa HardDrive ku jira Cloud ama computer kaa dururgsan.

  15. Muxudiin says:

    jazakallahu khyer macalin maxamed.

  16. somalida dir-dhaba says:

    aado aad baad umahadsantahay barnaamijka cusub ee aad ugu talagashay ka taakuleynta bulshada somalida dunida daafaheeda aalada computer-ka iyo internet ka ah oo aad ku sharaxaysid afkeena hoooy.

  17. runtii ma aqaano wax aan idinku abaal gudo waad mahadsantihiin noo sii jooga ayaan idin leeyahay

  18. asc dhamman waan salamaaya waxan idinku salamayaa salanta islaamka aad ayaa u mahadsantihhiin aqoon kororsigaa aad noo soo bandhigteen aad iyo aad ayaa ugu mahadantihiin

  19. Abdihakin Ahmed says:

    asc, waxaan ka mid ahay ardayda ama dadka sida aadka ah ugu xidhan shabakada aqoonkaal.com waxaan rabaa inaan halkan mahad-naq iyo bogaadin ugu reebo dhamaan inta aqoonkaal isku soo habaysay oo ugu horeeyo al-ustaadka wayn ee shabakada mansha allah halkaa kasii wada Mahad-sanidin

Jawaab u qor abdiqani ahmed