Eray bixin, Qeexid iyo Macne Af-Soomaali ah ee Shaashadda Guud ee WordPress

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, September 21, 2012 | 67 Jawaabood

« | »

Casharro ku saabsan barnaamijka WordPress oo aan diyaarinayey ayaa waxaan kala kulmay kelmedo ay tahay in mid kasta lagu macneeyo hal kelmed oo Af-Soomaali ah. Waxaana u baahday fikradda iyo talo bixinta akhristayaasha in ay eray bixinta ku siyaadiyaan aragtidooda.

Haddaba fadlan eeg erayada ku qoran shaxda iyo sawirka hoose, isla markaasna macnaha aad ku tarjumi lahayd ku qor qaybta Jawaabaha (comments) ee bogga dhankiisa hoose.

Fadlan kelmed kasta ku qeex hal kelmed oo Af-Soomaali ah oo la macne ah ama u dhiganta kelmedda Af-Ingriisiga ah. Kelmedda ugu macne dhaw ayaan u adeegsan doonaa casharadayda insha Allah.

Tusaale ahaan, kelmedda Plugins waxaan ku qeexay “Kaabayaal“, waxaana qiyaasayaa in ay tahay kelmedda macne ahaan ugu dhaw.

Shaxda hoose waxaa ku qoran kelmedda Af-Ingriisiga iyo qayb macne ahaan qeexaysa kelmedda la doonayo in la helo mid u dhiganta:

ENGLISH SOOMAALI MACNAHA GUUD
1 Dashboard Shaashadda guud ee laga maareeyo guud ahaan qaybaha uu ka kooban yahay WordPress-ka
2 Posts  Qoraallo Meesha laga agaasimo qoraallada
3 Media Meesha laga agaasimo sawirada, codka iwm
4 Links Xiriiriyaal Qaybta laga agaasimo xiriiriyaasha
5 Pages Meesha laga agaasimo bogagga ama baalasha
6 Comments Jawaabo Qaybta aga xakumo jawaabaha ay bixiyaan akhristayaasha
7 Appearance Meesha laga maareeyo qaybaha qurxinta iyo muuqaalka guud ee website-ka
8 Themes Naqshadda Meesha laga agaasimo naqshadaha website-ka
9 Widgets  Kalkaaliyaal Qaybo lagu taageero u ah WordPress-ka, waxayna ka qayb qaataan waxqabadka WordPress hawlaha uu fuliyo. Ka warran haddii aan ku qeexno “Lingax” ama kaaliyaal
10 Menus Qaybta laga agaasimo
11 Header Waa qaybta laga agaasimo madaxa sare ee website-ka
12 Background Qaybta laga agaasimo midabada loo samaynayo sagxadda ama derbiga website-ka
13 Plugins Kaabayaal Waxaa lagu siyaadiyaa WordPresska si ay u kaabayaal ugu noqdaan oo u kobciyaan waxqabadkiisa
14 Users Meesha laga agaasimo adeegsadayaasha WordPress, waana qaybta laga xakumo dadka wax ku qoraya WordPress-ka, sida maamule qofka ka noqonaya website, qoraaga qofka noqonaya iwm.
15 Tools Aalad Qaybta laga xakumo aalado uu adeegsadoo WordPress-ka
16 Settings Qaybta laga rakibo waxyaabo badan oo WordPressku ku shaqeeyo. Waxa kale oo halkaas ku biira waxyaabo badan oo lagu siyaadiyo WordPress-ka halkaas oo laga agaasimo qaybahaas.

Shaashadda Guud ee Qaybta laga maareeyo WordPress-ka

Waxaan filayaa in kelmedda ugu horaysa ee la isku raacayo in macnaheedu sax yahay ay tahay “Plugins” oo aan ku macneeyey “Kaabayaal” ama “Kaaliyaal”.

Sidoo kale “Theme” waxaan ku macnayn lahaa “Naqshad”.

Fadlan qaybahaas iyo eray bixinta aad ku macnayn lahayd hoos ku qor.

Eray bixin u baahan: SPAM, VIRUS, PHISHING – Eraygee ku macnaynaa CULAACUL?

Saddexda kelmedood ee Virus, Spam iyo Phishing waxaa loo adeegsadaa nimaad ama habab ay shuftada Internetku si khiyaano ku jirto wax ugu dhacaan, ayagoo adeegsanaya barnaamijyo (Virus), emailo ku asqaysiin (Spam) ama ku sirid emailo la maldahay (Phishing).

Haddaba waxaan u baahday erayo Af Soomaali ah oo lagu macnayn karo. Qeexidda hoos ku qoran waxay muujinayaan keled kasta sida macnaheeda guud yahay, laakiin weli kelmed kasta uma helin hal eray oo la macne ah. Sidaas dateed ayaan ugu baahda in aan akhristayaasha u soo bandhigo si loo helo erayo ku haboon.

Tusaale ahaan waxaan isku deyey in aan Phishing ku macneeyo CULAACUL. Sidee u aragtaan arrintaas? Mase Virus-ka ama Spam-ka ayaan ku macnaynaa Culaacul? – Culaacusha qeexideeda hoos ka eeg.

PHISHING: Waa hab khiyaano ku jirto oo lagu helayo furaha emailka (username/password) ama lambarka kaarka bangiga (credit card), markaasna qofka la dhacayo. Tusaale ahaan email loo ekaysiiyey in ay bangigaaga ka timid ayaa laguu soo dirayaa, waxaana lagu oranayaa sida “Emailkan waxay kaaga timid bangigaaga ee halkan riix si aad u samaysatid fure cusub, waayo furahaagii ayaa khaldamay”. Marka aad halkaas furahaaga ku qortid ama ka bedeshid ayey tuugadu furahaas  u adeegsan doonaan bangigaaga si ay kuu dhacaan. Nidaamkaas ayaa loo yaqaan Phishing, waa nooc shufto ah, laakiin kelmed Af-Soomaali ah oo ku habboon weli looma hayo.

VIRUS: Comuter Virus waa barnaamij (ama program) ay isu gudbiyaan kamuyuutaradu, kaas oo computerka uu aafeeyo ka burburin kara barnaamijyada ku jira ama loo adeegsan karo in akhbaarta comuterka ku jirta la xado, waana nidaam aad u halis badan oo lagu burburn karo gebi ahaanbab barnaamijyada ama xogta ku kaydsan computerka uu virusku aafeeyey. Waa nooc ka mid ah shuftada internetka, laakiin weli uma helin hal kelmed Af-Soomaali ah ku haboon in lagu tarjumo.

SPAM: Waa emailo tirada ka badan oo hal mar lagu asqaysiinayo ama loo dirayo malaayiin qof, emailadaas oo inta badan xambaarsan xayaysiis (isugu jira badeecad ama akhbaar), waxayna noqon karaan emailo khiyaano ku hoos jirto, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in malaayiintaas qof ee loo diray ay qaar ka mid ah ka jawaabayaan ama u hanqal taagi doonaan in ay waxa la xayaysiinayo iibsadaan, ama ku dagmaan khiyaanada ku qarsoon emailka. Nidaamkaas oo loo yaqaan SPAM (oo asal ahaan kelmedda laga soo gaabiyey Khaansiir la mariyey Basbaas ama bili-bili), waa nooc shufto ah, laakiin weli kelmed Af-Soomaali ah oo ku haboon uma helin.

CULAACUL: Waa dulin inta badan ku nool meelaha biyaha ah, sida togagga ama balliyada ama ceelasha. Waa cayayaan halis ah waayo meesha Culaacushu qabsato si tartiib ah ugama fuqdo, waxayna ka jaqdaa dhiigga. Waa cayayaan ka halisan GAFANAHA, waayo: maadaama Culaacusha laga helo biyaha dhexdooda, marka xooluhu (ama xitaa dadku) biyaha ka cabbayaan meelaha biyo fariisadka ama durdurka ayey cunaha iska laad-laadisaa, kamana fuqdo, ayadoo dhiigga ka jaqda. (Gafane luqadda Ingriisiga waa TICK, Culaacushuna waa LEACH.)

Haddaaba haddii aan VIRUS iyo SPAM u weyno kelmed Af Soomaali ah, oo u dhaafno sidooda, markaas PHISHING ma ku macnaynaa CULAACUL? Sababta aan taas ugu macnayn lahaa waxa weeye in kooxda shuftada ah haddii ay helaan furaha bangigaaga waxay ka xaalufinayaan wixii hanti ku jirey sida Culaacushu dhiiga uga dhamayso meesha ay qabsato. Laakiin, waxaa dhici karta in kelmedo taas kaga haboon akhristayaashu hayaan, fadlan dhanka hoose ee boggan ku qor jawaabta ku haboon eray bixinnadaas. Mahadsanidin.

culaacul culaacusha

Culaacul ama culaacusha waa dulin meesha uu jirka ka qabsado dhiigga ka jaqa, sidaas oo kale ayaa Gafanahu meesha uu qabdado dhiigga uga jaqaa, laakiin waxaa khatarsan culaacusha.

Akhristayaasha iyo inta ka qayb qaadatay eray bixinta waan u mahad celinayaa. Waxaa muhiimad weyn ii leh in aan hello eray bixin sax ah.

Kelmedo Guud:

Hiraal iyo Hiigsi (Vission & Mission)

Hiraal = Vission
Hiigsi (Waxaan u taaganahay ama Hiigsanayno) = Mission

Tusaale: Waxaan leenahay hiraal iyo hiigsi ama halwgal majare ku taagan (vision & mission)

——–

Dawr iyo Masuuliyad (Roles & Responsibilities)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

67 Jawaabood

  1. maxamed xasan ibrahim says:

    kelmada Tool: waxaan odhan lahaa seled.
    kelmada themes: waxaan odhan lahaa muuqaal.
    comments: waxaan odhan lahaa faalo

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Maxamed Xasan mahadsani jawaabtaada. Waa turjuaad wanaagsan qaabka aad u dhigtay. Kelmedda MUUQAAL waxaan qiyaasayaa in ay u macne dhawaaneyso VIDEO, waayo qaybta media waxaa soo hoos gala COD ama Audio (MAQAL) iyo MUUQAAL (Video). Tan ah TOOLS waa kugu raacsanahay oo SELLED ama SELED waa ku haboon tahay. Mahadsanid.

    • maxamed xasan ibrahim says:

      waad salaaman tihiin waxaan halkan kum macneeyey xarfahan
      1background: waxaan odhan lahaa midabka danbe.
      2.setting: waxaan odhan lahaa gundhig.
      3.media: waxaan odhan lahaa baahin.
      4.page/pages: boga/bogag.
      5.appearance: soobixid.

      fadlan khuburada ku xeel dheer afsomaliga wixii ay igu waafaqaan isoo sheega idinkoo mahadsan

    • siyaad says:

      waxaan jeclaan lahaa inaan kaqabqaato eraybixinta ama aan fikradayda aan kadhiibto maadaama aan kamid ahay ardayda wax kabarata aqoonkaal marka hore waad mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad ooga shaqayseen webkii kaliya ee aan arko oo wax laga faa iidikoro oo waxbarasho ah inta kale waa siyaasad iyo isku dir waxba yaanan ku dheeraan mahadsanidiin ayaan leeyahay hadaan eraybixintaydii aan ugudbo inta badan waa turjuntay waxaan kale oon qayb ku raacsanahay ninka shaafi

      Pages———Bogog

      Comments—–Faalo

      Appearance—-Asle

      Themes——-dheeh

      Users——-Isticmaale

      Tools——-Qalabyo

      Settings—–Doori

      Dashboard–Ardaa
      intakalana waxaan filayaa inaytahay sida aad uqeexday thxks

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Siyaad mahadsand waqtigaaga qaaliga ah ee aad ku bixisay tarjumaadda eray bixinta. Kelmedda Dashboard in lagu macnayn karo ARDAA weligay kumam fekerin, waana kelmed wanaagsan oo macna dheer leh, waxaadna isoo xusuusisay baadiyihii. Reerka xarfaanta ah waxay ARDAAGA dhigtaan KASHKAAS ama caws iyo gogol la nidaamiyey oo markaas derinta lagu kor goglo. ARDAA Waa meesha guriga barxaddiisa hore ah ee laga soo galo, sidaas ayey macne wanaagsan ugusamaynaysaa marka lagu macneeyo DASHBOARD oo ah meesha la arkayo marka lasoo galo WordPress-ka. Mahadsanid hab firikirkaaga wanaagsan.

    • darwiish says:

      Waxaan jeclaan lahaa in aan kalmada Phishing magac uu bixiyo.

      waxaan dhihilaha phishing = waa ” Moqorsi”
      kalmadda “moqor” waa god ka dhexsamaysma geed jiridiisa oo xamaaratadu ay ka cabto sida abeesada, malowga, mulaca ..etc
      tusaale waxaad dhihi karta iska jir Moqorsiga computerka, oo u dhiganta iska jir phishing-ka.
      salaam wal amaan dhamaan.

    • Osman A says:

      Virus = Rooxaan, duulal ama jinni (waayo jinku marka uu qofka galo wuu isku dhex yaaciyaa oo maskaxduu ka degaa. Waana la kala qaadaa sida ay qabaan bahda haweenku kkkk)

  2. C/kariim says:

    Asc ka dib walaal anigu luqada an englishka wax saas ah kama aqaan, laakiin waxaan kuugu hanbalyeynayaa dadaalkaaga aad u heyso inta Afka Soomaaliga ku hadasha waxaanan oran lahaa dadka aan arkey ee xataa Af-Soomaaligii qofku markuu sharaxo ku sii qabsanaya waana arkay, marka ka daaya dhibka waa kaas oo hada waa idiin soo bandhigay walaalkiin si uu qilaafkiina u xaliyo waxaana rajeynayaa xataa inaad ku darto Af-Soomaaliga luqadaha ka mid ah kuwa ku jira Google waad mahadsan tahay,Asc

  3. mustafe says:

    ACW, salaan ka dib, walaal waxaan aad iyo aad kuugu hambalyeynayaa dadaalkaaga aad ku doonayso in aad hesho erey-bixin daboosha magaca Ingiriisiga ah ee barnaamijka
    Compuyuutarka (hawl-fududeeye) ee aad hayso, Alla ha kuu fududeeyo si aad ugu faa’iideyso Ummadda Soomaaliyeed, waan dadaalaynaa sidii aad erey-bixinta uga qayb qaadan lahayn.

  4. abdulahi says:

    asc wr wb. walal maxamed cali aad ayaad u mahadsantahay casharrada faidada leh ad walaalaha uga faidaynaysid alahay kheyr hakaa abaal mariyo.. codsi ahaan waxaan jeclaan lahaa walaal inaad noo soo diyaarisid barnamij ah : “ip addressing ”

    go’anka adaa iska leh!!

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Abdulahi mahadsanid xiriirkaaga. Fadlan su’aasha ii faahfaahi si aan u fahmo.

  5. C/risaaq says:

    Asc macallin aad iyo aad ayaad umahadsantahay.
    Macallin inkasto oo turjumaada la igaga fiicanyahy haddan erayada qaar waa n isku dayayaa:
    1-users:adeegsadayaal
    2-settings:gundhig
    3-appearance :muuqaal
    intaas kadib macaalin aniga wordpress ka wax background ah kama haysto ee haday suuragaltahay macallin sifaahfaahsan noogu soobilaaw.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Mahadsanid walaal C/risaaq. Insha Allah waan bilaabi doonaa casharro WordPress ah, keliya waxaan doonayaa inaan helo eray bixin ku haboon ka hor inta aanan bilaabin.

      Marka waxaa meeshaan looga baahan yahay dadkii baadiyaha joogi jirey in ay eray bixinta ka qayb qaataan, waayo afSoomaaliga rasmiga ah ama TIKHDA ah waxaa loogu tagaa reer guuraaga.. AfSoomaaliga inta aan ka aqaan waa kii aan baadiyaha waagii aan yaraa ka bartay, dad sidayda oo kale baadiye soo maray ayaa meeshan ka sugeynaa in ay erayo inagu biiriyaan.

      Waxaan jeclaystay kelmedda SELED oo saaxiibkeena hore oo soo qoray, waxayna isoo xusuusisay aqal gurigii baadiyaha, sida ABXAD, QUFAD, iwm.

      Mahadsanidin.

  6. Ahmed Cali says:

    Asalamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu ,
    Walaal waxaan kuuga hambelyaynayaa sida aad noogu dadaaleyso in aad daboosho baahidda ka qabno Cilmiga Kombiyuuterka iyo Afkeena hooyo in loogu adeegsado luuqadaha teknaloojiyada jazakalaah . Marka fikradeydu magac bixinta waa in loo adeegsada ereyga ugu gaaben xarfihiisa dhawaaqiisinu fududyahy , si xasuustiisuna u fududaato in loo dhaweeyo ereyada teknoolijiyada hada laga adeegsado aduunka .Lagana raadiyo lahjada Soomaliya oo dhan , sababtoo ah erey bixinta maanta waxey beri u aabo noqon doontaa jiilka danbe oo dhan .
    Magac bixinta waxaan u arkaa aniga sida tan.

    Dashboard : Daar , Dudumo , SHax , Sar
    Posts : Qalin , Khad , Qoraal
    Media : MM= maqal iyo muuqaal
    Links : Lingaxyaal ,
    Pages : Boggaga , Baalasha
    Comments : jawaabo ,
    Appearance : Aragga, Muunad
    Themes : Naqshadda
    Widgets : Kobciyeyaal
    Menus : Minnan , Xeedho
    Header : Madax
    Background : Hadh, Hoos , Heeryo ,
    Plugins : Leeb, Fure
    Users : Adeegsiyaal
    Tools : Qalab ,Hub
    Settings : Selled , Danbiil

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Ahmed Cali aad ayaad ugu mahadsan tahay waqtigaaga qaaliga ah ee aad ku bixisay qorista eray bixinta. Mahadsanid.

  7. setting waxaan odhan lahaa mareeye
    themes midab sameeye

  8. Ismail says:

    War odayaal horta Salaan iga hooya, Asalaamucaleykum, waa dadaasheen, guuleysta howshaani waa mid muhiim ah, waxaana rajeynayaa in aad ku guuleysan doontaan InshaAllaahu, dhalinyaro is xilqaantay oo afkooda rabta in ay hormariyaan MaashaaAllaaaaahu, Allaha idiin fududeeyo howshiina intaas kadib.

    Sellad…Tools…..waa ansixiyey waad la hesheen
    Kolay baa jira isagana waxaan umalaynayaa in uu ahaa harag lagu ridan jiray falaaraha, ereygaasi isaguna waa halbeeg lagu fariisin karo Tools.

    Mahadsanidiin

  9. m. hersi says:

    Dashboard : sabuurad
    Posts : akhbaar
    Media : maqal iyo muuqaal
    Links : tilmaame
    Page : Bogga
    Comments : warbixin
    Appearance : Muunad
    Themes : Naqshadda
    Widgets : Kobciyeyaal
    Menus : weelka
    Header : Madax
    Background : Daaha dambe
    Plugins : kaabeyaal
    Users : isticmaale
    Tools : Qalab
    Settings : gundhig

    • Maxamed Cali says:

      Walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay eray bixintaada adiga iyo dhakmmaan akhyaarta kale ee eray bixinta talada ka dhiibtey.

  10. Shaafi says:

    Mudane Maxamed Cali, aad ayaan kuu salaamayaa adi iyo aqyaarta kalaba. Webkan caawa ayaa iigu horaysa, durbana waa ka faa’iiday. Aad ayaan ugu farax sanahay in Soomaali laga helo mutacalimiin aqoontooda iyo waqtigoodaba u hura u faa’iidayna umada.

    Markaan usoo laabto eray bixintan, aniga ceebtaydu waxaa weeye baadiyana anoo aad u yar ayaa iigu danbaysay, luqadan Englishkana kuma fiicni, wadamada lagaga hadlana ma joogo, laakiin saa ooy tahay waxbaan isku dayi:

    Dashboard—–Waji/wajiga hore
    Posts———Rug/Xarumo/saldhig
    Links———Xiriiriyaal
    Pages——-Bogag
    Comments—–Faallo ( Jawaab waa hadal laga bixiyay su’aal la is waydiiyay, wax kastoo comments laga bixiyana su’aal ma aha ee hadal caadi ah ah ayaa la comment gareeyaa)
    Appearance——–Muuqaal
    Themes———-Muunad
    Widgets———-Kalkaaliye
    Users———–Adeegsadeyaal/isticmaalayaal
    Tools—-Qalab (Tools marka la yiraahdo macnaha badankiisu waxa uu ku dhacayaa waxa salada dhexdeeda ku jira ee wax lagu sameeyo sida boolasha, musbaarada, dubaha, miinshaarta iwm. Saladu hadayba madhan tahay Tools laguma sheegi karo, halka hadii qalabkaa aan sheegay aad farqaha ku qaadatid lagu oran karo hebel waxaa uu wataa qalab (Tools)
    Settings——-Matoor/ Maskax

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Shaafi aad ayaad u mahadsan tahay, waana eray bixin wanaagsan kelmedaha aad qortay tixgelin ayaana siin doonaa insha Allah. Mahadsanid markale waana ku faraxsanahay in aad ka faa’iidey websiteka.

  11. Nimco says:

    Asalaamu calaykum,

    Aad iyo aad ayaad, ayaad u mahadsantihiin.

    Walaal ma isku daydeen in aad turjumtaan .po fila wordpress oo af Soomaali lagu turjumayo.

    Aad bay u fiicnaan lahayd hadaad. Casharada soo socda hadii aad ka dhigi lahaydeen.

    Xaga macnayntana hadii sida oo kale la is kugu tago way ka sii fiic naan lahayd.

    Ilaahay khayr ha idin siiyo.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid, waxaa jirey qorshe xilli hore soo bilowday oo lagu doonayey WordPress lagu tarjumo AfSoomaali, waqtiga ayaa saamixi waayey in taasi hore u hirgasho, laakiin weli qorshahaas waa lagu jiraa insha Allahna wuu hirgeli doonaa.

  12. scw akhii waxaa tahay nin illaaheey xikamad siiyay.xikmadaadane.maxasdin.ee sidiis illaaheey.kuusiyay aad adigane dadka walaalahaada.ugu faaideysey.mar waxaan illaaheey kaaga baryaa inoow kusiiyo, fidduniyaa xasanah.wafil aakhirati xasanah.cilmigaga allaha kaaga dhigo kii aad ku intifacaday.

    • Maxamed Cali says:

      Walaal ugu horayn websiteka aad qortay ma soo baxayo, arrinta FTP waxaad ku qoreysaa HOST Name oo noqon karta websiteka aad samaysatay ama sida ku qoran akhbaarta martigeliyuhu ku siiyey ama uu aqbalayo. Waxa kale o okuqoreysaa USERNAME oo ah magaca ama naanaysta aad ka samaysatay iyo Paasswordka ama furaha.

  13. ahmed says:

    walal maxamed cali aad baad u mahadsan tahay wax badan ayaan kaa faaiday eray bixinta waxba ma ka dhihi kari xamar qof ku dhashay somaligiisa waa daciif iska fahan lol

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Axmed mahadsanid, tan kale afka ama luqaddu waa barasho ee walaal kuma xirna meesha aad ku dhalatay, in badan oo Xamar ku dhashay ayaan lagu gaari karin Af-Soomaaliga tikhda ama fasiixa ah ee ay garanayaan, nooh… lol.

  14. waa salaamantiihiin aqyaarta sharafta leh ee aqoonkaal anigu waxaan idinka salaamya gobolka togdheer ,burco waxaan halkaa laga sii wado aqoonta aad u haysaan umada somaliyeed

  15. ahmed says:

    kkkkkkkkk macalin maxamed cali waa iga qoslisay thank you so much shaqada wanaagsan bulshada u hayso hambalyo aya ku leeyahay macalin

  16. Asc waan ku salaamay Mudane: Maxamed Cali,aqyaarta webka ku xeranna waan idiin salaamay waad ku mahadsantahay walal aqoontaada aad nagu deeqday Allaah hakuu siyaadiyo.Waxan ka xumahay in umada Soomaaliyeed ay kala garan la’yihin websedyada waxtarka uleh iyo kuwa qaska iyo fowdada wada.

  17. ACS waxan halkan si gaar ah ugusalamaya teacher mohamed cali. salan kadib walal waxan ad ugufaraxsanahay dadalka wacan ad usubisey umada somaliyed, runti waa shey ad logubahna. waxana kugamahadnaqaya sida sharafta leh ad nogusogudbisey aqontada dheradka ah o weliba umada somaliyed ad ugufaideysey waxana kuleyahay shukran

  18. Jamal says:

    Ereyada sidaan ayaan ku gudbadhigay anigu, aniga oo ka foogaanaya ereyada Talyaanniga iyo Carabta naga soo galay ee af Soomaaliga loo heli karo (sida: istcimaal = adeegsi, aalad = qalab/sitaan).

    Waxaa jira ereyo aan meesha ku soo diray si aan u muujiyo in aan ereyga u dhigma ee Soomaaliga ah aan lagu gudbadhigan ereyo kale. Tusaale: haddii aan POST ku tarjunno *qoraal*, xaggee baynu tarjumaad uga raadin ereyga TEXT?

    Video = Maqalarag [maqal+arag] (ama fiidiyow)
    Visual = Muuqaal
    Vision = Himilo
    Image = Sawir (image khasab ma ahan in uu yahay mid kaamero lagu qaaday, waxa uu noqon karaa sawirgacmeed, dukumiinti lagu qaaday ilguuriye (scanner), iwm…).
    Illustration = Sawirgacmeed
    Photo = Footo?

    Goal = Yool
    Subject = Ujeeddo
    Interest = Dan
    Browser = Sahmiye
    Navigation = Gooshid/Gooshitaan
    List = Tax (to list = in la taxo)
    Theme = Naqshad
    Design = Ashqal/Ashqalaad
    Designer = Ashqale
    Layout = Aglool
    Template = Habyaal
    Frame = Saab

    __
    Article = Qodob (Waa kii dhanka xeerbeegtida)
    Article = Maqaal (Waa kii dhanka wax qorista ahaa).
    Post = Qormo (posts = qormooyin)
    Text = Qoraal
    Content = Dhigaal
    Media = Baahiye
    Publish = Faafi
    Print = Daabac

    Link = Dabar (dabar = xarig laba meelood isku xira tus. jeenyaha geela)
    Shelter = Ardaa
    Accommodation = Hoyaad
    Home = Hoy
    Page = Bog [-ga] (xaashida wax lagu qoro labadeeda dhan mid ka mid ah)
    Sheet = Baal (Xaashi isku dhan, labadeedii dhinacba)
    Letter = Xaashi/Warqad
    Mail = Dhanbaal
    Postmaster = Boostaale (ninka dhanbaallada boostada kala gudbiya).
    Network = Falkane/Falag/Shamaag/Shabaq (Carabi: Shabakah).
    Filter = Shaandho
    Shuffle = Baandhayn (sida turubka, iwm).
    Audio = Maqal[-ka] (ha ku qaldin maqasha yaryar ee ariga, iwm)
    Sound = Cod
    Connection = Xiriir/Xidhaadh
    Co-ordinator = Xiriiriye
    Comment = Faallo
    Theorum = Aragtiin
    Request = Warsi/Warsasho
    Response = Warcelin
    Reply = Halceli(n)
    Profile = Hummaag (warbixin aan badnayn oo cid ku saabsan)
    Biography/bio = Mahadho
    Appearance = Dheeh?
    Theme = Naqshad
    Statue = Muunad
    Widget
    Menu = Taxmo (List = Menu)
    Header = Madax
    Background = (Back+ground) = Dhuldanbeed
    Foreground = (Fore+ground) = Dhulhoraad
    Plugin/Addon = Kaabe
    User = Adeegsade
    Tool = Agab
    Settings = Qoton/Sudmin
    Base = Gun
    Essential = Gundhig
    Telecast = warlalis
    Shade = Har
    Colour = midab
    Borders and Shading = Soohdimaha & Haraynta
    Data = xog
    Data+Base = Xog+gun
    Information = Ogaal
    Technology = Farsamo
    Typography = Farshaxan
    Graph = Shax
    Table = Miis
    Element = Curiye
    Schedule = Shaxqoonde
    Column = Sarab
    Row = Mardo
    (Column iyo Row ka soo qaad dhismihii qoryaha laga samayn jirey ee ahaa sarab (kuwa taagtaagan) mardooyin (kuwa gudban)).
    Shortcut = Tubyaro


    Field = Toon (The field = toonka. *Ma ahan toon[-ta] cuntada ah.*
    Waa tuu Ismaaciil Mire yiri: “Docmiyo 5oomihii duri ahaa lagu dugaagowye”
    Cabdi Galayaxna: “Waa kaas qiyaamuhu ka dhacay qarankii toomoode”
    Qaran = Nation
    Toon = dhul kobo ah, oo furan, iskuna xig-xiga.

    Waxaa jira erey dadka software-ka qoraa adeegsadaan oo la yiraahdo “bug”, kaas oo farsamo ahaan (technically) la adeegsado kolka qayxada (code) software-ka oo si aan habboonayn loo qoro ay keento in goldaloollo hawlgudasho la’aan ah.

    Bug af ahaan waa cayayaan yar oo gafanaha u eg, ka se yar oo Soomaaliga lagu yiraahdo dhiqle. Sidoo kale waxa uu bug noqon karaa fayraska gudbiya cudurrada la iska qaado ee hargabku ka mid yahay.

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal Jamal aad ayaan kaaga mahadcelinayaa waqtigaaga qaaliga ah ee aad ku bixisay eray bixinta. Mahadsanid.

      Xaqiiqadii waa eray bixin muhiim ah, tixgelina mudan, waadna mahadsan tahay markale.

      Walaalkaa maxamed cali
      Mpls

    • Guuleedayaanle says:

      Mahadsanid Jamaal si wacan ayaad iskugu foodisay ereyada Soomaaliga ah iyo kuwa Ingiriisiga. Anigoo badankooga kugu raacsan dhawr erey baan is idhi malaha sidanbaa ka wacnayd waana kuwan ee ila dhugo bal:

      Image = Humaag
      Illustrate = Muuji
      Illustration = Muujin
      Gool = Hiigsi
      Target = Yool
      Subject = Arrin
      Aim = Ujeedo
      Browser = Naadiye
      Navigation = Maaxid
      Design = Shaqlid
      Designer = Shaqle
      Content = Duluc
      Shelter = Hoy
      Accommodation = Martisoor ama Soorid
      Sound = Dhawaaq
      Co-ordinator = Iskuduwe
      Request = Codsi
      Menu = Minan (sida Minanka laga faaliyo oo ah qaybaha faalka oo dhan halka ay ku jiraan)
      Setting = Qumin
      Essential = Mudan
      Data+Base = Xog-dhig
      Technology = Farsamaati
      Table = Tuse
      Schedule = Qoondeeye
      Shortcut = Toobiye
      Code = Shini (ma aha Shinidii malabka ee waa shinidii beerta (Seed))
      Coding = Shiniyeyn
      Coder = Shiniyeeye

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Mahadsanid walaal Guuleed

  19. Omar Adam says:

    assalaamu calaykum

    Ugu horrayn waa mahadsanyahay macallin Maxammed Cali. Waxaa iyna mahadsan akhyaarta ka qaybqaadatay turjumidda eray-bixinta kelmedaha lagu isticmaalo computer-ka iyo wixii la hal-maala. Runtii aniga oo isu haystay in aan ka mid ahay dadka ugu af-soomaaliga badiya waxaan maanta ogaaday in arrinku sidaa iyo si u dhow toona ahayn ee aan u baahnahay in aan uulo ka soo bilaabo.
    Mr Jamaal gaar ahaan waad iga yaabisay walee. Aad baad u mahadsantahay.

  20. Yassin says:

    Aniga waxa aan ka soo xigtay tarjumadahaan bogga Tiraab.

    Background = Dibyaal
    Setting = Sudaad
    Settings = Sudaadyo
    Tool = Sito-da
    Tools = Sitooyin-ka

    Mahadsanid

  21. SEID A. ABDI says:

    Waxa aan kuu soo gudbinayaa ereybixinno hore loo tiraabay, oo haddii faaqidaadda ay ku qumanaan waayaan noqonaya ama ahaanaya ereybixinno ama tiraabo gudbi-waayay oo hirgelistoodu dhicisoobayso.

    Illustration = Hogatusmo
    Illustrations = Hogatusmooyin
    Illustrate = Hogatusmee
    Illustrated = Hogatusmaysan

    Background = Dibyaal
    Foreground = Foodyaal

    Browser = Xuuraame

    Theme = Dabuub [Dabuubtiisa Gabay = Theme Of a Poem]
    Themes = Dabuubo

    Comment = Faallo
    Comments = Faallooyin

    Appearance = Muuqaal/ Heemaal-la[Heemaallo]
    Scene = Muuqaal / Heemaal

    Video = Fiirokeyd [ Vidoes = Fiirokeydyo]

    Photo = Mugul-ka [ Mugullo-da]
    Picture = Mugul

    Dashboard = Sagaxhawl-ka
    ….+ Board = …+ Sagax !
    User = Adeegsade
    Users = Adeegsadeyaal

    Postman = Dhanbaalwade
    Postmaster = Dhanbaallokalawade
    Post = Dhanbaal
    Mail = Dhanbaal

    Text = Lafdi-ga
    Text Message = Farriin Lafdi
    Voice Message = Farriin Cod

  22. Asalaamu Caleukum, Muddo waan ku fakirayay afkeeyga hooyo iney ku biirto afafka Teknoolajiyada maanta,

    Xoogaa aniga mawduuca ka baxayo waxaa muhiim ah in aan erayo badan oo asaasi ah aan ka wada doodno, Bogiina waad Afsoomaaliyeysay ilaa meelo yar, sida taariikhaha, waxaan aniga shaqsiyan isku dayay inaan meelo badan ka tarjumo waxaana hada aan qoray kalmado sida:

    1. Boostokoronto (E-mail).
    2. Ulajeed (Subject).
    3. Gudbi (Submit).
    4. Diiwaangalin (Register).

    5. Gudagal (Sign-in).
    6. Dib-ubilow (Reset).
    7. Fariin ama Dhambaal(Message).
    8. Xisaabiye (Calculator).
    9. Aqoon-baahiye (Computer).

    hadii aan usoo laabto mawduuca.

    Media: Warbaahin
    Dashboard yarka yiri Ardaa ayaan ku raacay.
    Pages: Bogag
    Appearance:Muuq
    User: Isticmaale/adeegsade
    Tools: Agab
    Setting:fariisin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Mahadsanidw walaall waqtigaaga qaaliga ah iyo turjumada erayada aad soo qortay, mahaadsanid.

  23. ACW

    Waan u hambalyaynayaa Aqoonkaal.com iyo inta sida hagar la’aanta ah bulshadeena u faa’iidaysa.

    Intaa ka dib, aaladan casriga ah waxaan isticmaalkeeda iyo ereybixinteeda kaga duwanahay bulshooyinka kale iyaga oo haysta dowlad dhaqaale gelisa iyo siyaasada dowladaas oo hadafkeeda ku darta.

    Waa noo nasiib wanaag iyo maskaxaha yar yar ee maaxanaya ay maanta ereybixin wanaagsan soo hindiseen. Waxaa dhibka uu ka yimid dugsiga tacliinta sare oo aan lahayn manhaj siyaasadeed, sal iyo tiigsasho aayaha fog.

    Insha Allah ereybixintaan iyo in yar oo kale oo aan ku biirino ayaan u baahanahay. Anagaaba bur sidna maadaama qowmiyado badani ay afka Ingiriiska ku qanacsanyihiin.

    Afafka Africa ugu waaweyn waa Carabi, Hausa iyo Af Soomaali. Midkoodna ma haystaan inta afkeena uu haysto ereybixinta mahadi ka idinka gaarto dhamaantiin.

    Aan ka bilowno hooyada aalada iyo isticmaalkeeda aan haatan dul taaganahay

    computer = tubsheel
    website = mareeg
    web page = bogga mareegta
    web site = bar mareegta

  24. Assalaamu caleykum,

    Waxaan filayaa in macluumaad fara badan aad iminka heyso, marka maqaal cusub oo arinkaan kusoo koobeyso way wacnaan laheyd, taasoo dadka xitaa ay u codeyn karaan erayga ku haboon tusaale ahaan erayada qaar ….

    Assalaamu caleykum

  25. Shirwac says:

    Waxaan qabaa in eray bixinta lagu xiro erayga DHIG
    TUSAALE
    1) dashboard : SHAASHAD-DHIG
    2) media : SAWIRDHIG AMA SAWIRCODLE-DHIG
    3) Apperance : QURXIN-DHIG
    4) Menus; BARNAAMIJDHIG
    5) users isticmaalo
    6) Setting: FURFURDHIG

  26. C/kariim says:

    Virus:-Daxal:-amajeermis

  27. SEID ABDI says:

    Boowahay Mudane Jamaal!
    Hawshaada sida aad ugu samaysatay habka ereyo-tiraabeed soo ururinta ayaa ah hab aan u bogay. Waa ku bogaadinayaa!
    Waxa aan kuu tilmaamayaa in WORD-CONTEST aanay kaaga fursanaynin inaad u samayso ereyada kuu soo xarooda oo dhan.
    Erey-tiraabeed kastaa ama Ereybixin kastaa waa sidii MUSHARAX (CONTESTANT)- Adba waa aad kala amaamudan doontaa EREYBIXINNADA, ama tiraabahaas. Wareegga hore, wareegga labaad, wareegga seddexaad, kadibna tiraabaha guulaysta ayaa aan kula taageersanaan doonaa.
    Ogow! Qiimaha ereybixin kasta waa qof nool oo sharaxan.

  28. Ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa Eng.Maxamed Cali iyo dhamaan bahda ka qeyb qaadaneysaa ururinta eray bixinadan.
    Marka xiga waxaan isku dayayaa intii karaankeyga inaan ka qeyb qaato eryabixintaan, anigoo ku saleynaya 16-ka eray ee uu soo bandhigay ustaad Maxamed Cali, waxaana eray bixintaan kundhig kaga dhigayaa habka loogu adeegsado gudaha WordPress-ka.
    1- Dashboard: Ardaa (Waa eraybixintii Siyaad) ama daash (waa eray loo adeegsado afaafka hore ee guriga tusaale “Dahabo soo xaaq daashka”.
    2- Media: Ka Zaki ahaan haatan uma hayo eray Soomaali ah oo koobaya micnaha uu Xanbaarsanyahay media marka la joogo wordpress.
    3- Post: Maqaal, tabin ama Qormo.
    4- Link: xiriiriye (waa Ereybixintii Eng.Maxamed Cali waxaana ku biirinyaa taageeradeyda).
    5- Page: Bog
    6- Comment: Faalo.
    7- Appearance: Muuqaal ama Dheeh.
    8- Theme: Qaab, Qaabeeye (Waxaan u door bidayaa erayga Qaab,maxaa yeelay Theme-ka aad doorato wuxuu badalayaa qaabka Web site-ka)
    9- Widget: Kobciye.
    10- Menu: Tixane.
    11- Header: kur, unuun ama baar (waxaana door bidayaa erayga baar, oo ah halka ugu sareysa geela, kana koreysa kuruska geela).
    Footer: Sal
    12- Background: midab-danbeed ama muuq-danbe.
    Foreground: midab-horeed ama muuq-hore.
    13- Plugin: Kaabe ( waa Ereybixintii Eng.Maxamed Cali)
    14- User: adeegsade.
    15- Tools: waxaan dooran lahaa qalab halkii aan ka dooran laheyn aalad, maxaa yeelay aalad waa eray af-carabi ah.
    Sidoo kale waxaan fikir ahaan ila habooneyn ereybixinta Seled anigoo xoojinaya sababeyntii Shaafi.
    16- Setteng: gundhig
    intaas ayaan soo jeedinayaa kuna biirinyaa intii hore, waxana Ustaad Maxamed Cali ka codsanayaa inuu webkan uu noogu soo daro qeyb Forum ah, oo aan isku weydaarsano afkaarta kala duwan oo ku saabsan cilmiga Computerka iyo eraybixinadiisa.
    Dhamaan waxaan idiin soo jeedinayaa bogaadin iyo mahadcelin balaaran.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Zaki mahadsanid waqtigaaga iyo eray bixinta qiimaha badan ee aad soo tebisey.

    • WCS Ustaad Maxamed adigaana mudan inbadan oo magu dhiira galiyay inaan shiilno maskaxda si aan u soo gudbino ereybixinadaan.
      Madashii -Forum- kiina waan kaa sugeynaa Ustaad.

  29. Mohamud M. Jamac says:

    asc aqoonkaal iyo akhristayaasha aad ban idin salamaya,
    hadii aan isku dayo waxoogaa ereybixin aha waxa dhihi lahaa sidan;

    Dashboard = gogoldhig
    Setting = Maareeye
    Apprearance = muuqaal
    Menus = bandhige
    Header = oogo
    Users = isticmaale
    Virus = Sun ama sumeeye
    SPAM = fariin-sumaysan
    Phishing = fariin-xatooyo
    Tools = qalab

  30. Faduma m. cali says:

    salaam ka dib markaan eegay comments ki laga bixiyey anna sidaan baan u arkaa: ENGLISH SOOMAALI
    Dashboard Shirka
    Media Lalis
    Pages Salka
    Comments Faallo
    Appearance Bile /muuqaal
    Header Madxiye
    Background Asaas
    Plugins Tamarayn
    Users Adeegsadeyaal
    Tools Waymbaar /dambiil
    Settings Maamule

  31. Guure says:

    Waa ku salaamayaa walaalkiis waxaad heeysaan shaqa fiican Allaha idinla garab galo.
    Mahadsanidin

    ENGLISH SOOMAALI MACNAHA GUUD
    1 Dashboard= Wajahad
    2 Posts= Rasteyn
    3 Media =Warlalis
    4 Links= Calaaqaad
    5 Pages= Dhacan
    6 Comments= Faallo
    7 Appearance= Muuqaal
    8 Themes= Ujeedo
    9 Widgets =
    10 Menus= Dalab
    11 Header= Bahweyn
    12 Background= Abtiris
    13 Plugins=
    14 Users= Adeegsade
    15 Tools= Sanduuqyo
    16 Settings= Tumaal

  32. Waandaa says:

    qeexaysa kelmedda la doonayo in la helo mid u dhiganta:
    ENGLISH SOOMAALI MACNAHA GUUD
    1 Dashboard–> Ardaa
    2 Posts—> Bandhig
    4 Links—>Xiriiriyaal
    5 Pages—>Bogag
    6 Comments—>Faallooyin
    7 Appearance–>Muuqaal, Aslin/Asle
    8 Themes–>Dheeh
    9 Widgets–> Kalkaaliyaal
    10 Menus–>Tuse/Dalab ama tuse-dalab
    11 Header–>Cinwaan
    12 Background–>Gadaal, Gidaar
    13 Plugins–>Kaabayaal
    14 Users–>Isticmaaleyaal
    15 Tools–> Aalad/Qalab
    16 Settings–>Rakibaad (adaa qoray)
    17 Phishing Qish, ilbaadsi Erayadaas baa iigula haboon waayo marka hore waa inaad heshid gododod (port) furan si aad u gashid oo ugala baxdid waxaad rabtid adigoo isticmaalayo barnaamijyo qaas ah
    Waxaan baarayaa oo wali aana eray u helin virus & spam waana kusoo gudbin wixii aan u helo hadii alla idmo

    Fiiro gaar ah:- sida Jamaal ku sheegay toomo macnahooda ma ahan dhul banaan ee isku xig xigga ee waa dhulka ay ku badan yihiin geedka hareeriga ah kaas oo labada gabayahanba ka hadlayaan dhul u dhaw dhulka hawdka doolood waxaana uuna sidaas oo kale lamid ah garawga oo ah dhulka geedka quraca ah ku badan yahay.

    Mahadsanidiin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal waa eray bixin aad u wanaagsan, kuna haboon eray kasta macnaha aad u samaysay. mahadsanid.

  33. MOHAMED ALI says:

    WAXAAN AAD UGU MAHAD CELINAYAA INTA ISKU TAXALUJINAYSA IN AY U HELAAN MACNO KU HABOON EREYADA CUSUB EE TECHNOLOGY-YADA LA TIMID,

    WAXAAN RABI LAHAA IN AAD SI FIICAN U EEGTAAN KALMADA COMMENT OO AAD KU MACNAYSEEN JAWAAB, RUN AHAANTII WAY NOQON KARTAA JAWAAB LAAKIIN KALMAD AFSOOMAALI OO KAGA HABOON AYAA JIRTA OO AH ‘FAALLO’.

    KOLAY DAD IGA AQOON BADAN AYAA ARINTAN U TAAGAN HADAANAN QALDANAYN BAL AAN SIDAA U MACNAYNO, MAHADSANIDIIN.

  34. cabdulaahi says:

    settings waxa dhihilahaay hagaajin ama hagaajinta guud

  35. cabdulaahi says:

    virus < fayrus ama wasaq ama jeermis

  36. Asli says:

    Dashboard sumayn
    Posts Xarun/ kurid
    Links Xiriiriye
    Pages Bogag
    Comments Talo bixin
    Appearance Eegid
    Themes Midabayn
    Widgets kaaliye
    Users isticmaale
    Tools Aalad
    Settings: Asaas /Salka/salayn

  37. Maxamad says:

    Plugin=Gufeeye
    Plugins=gufeeyeyaal
    Theme=dabuub
    menu=soore

  38. Slaanta islaamka ayaan idinka salaamay aragtideyda waxaan Ku turjumilahaa erayadan Sudan

    Comment= fikir, aragti,
    Themes= asal waa asalka weelashasha lagu qurxin jirey
    Posts = fariin dire

  39. Maaliki says:

    Meddia = Warbaahin
    Link = Iskuxir
    Comment = fekrat

  40. Sahra says:

    Phishing waa hoosaasin macnaheedu wuxuu imaan doonaa waa lasiray amase been ayaa loo sheegay amase qofkaas macnihiisu waa mahubsade

  41. Setting=Agaasimka,Fadhiga,Gundhig Ama Hagid.
    waxaana lagu macnayn karaa meeldhexe oo Computer-Kate iyo Aaladaha kale laga hago

Qor Jawaabtaada