Eray-bixin iyo Talo-bixin ku saabsan Habraaca Buug Qorista iyo Daabacaadda

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, January 1, 2016 | 39 Jawaabood

« | »

talobixin-buug#AQOONKAAL.COM – Waxaan dhexda kaga jiraa qorista buug aan cinwaan uga dhigi doono “Self-Publishing Ku Baro Af-Soomaali“, (talada akhristayaasha kaddib waxaan cinwaankaas hore ku bedelayaa cinwaankan) HABRAACA BUUG QORISTA, waana buug ku saabsan “sida loo qoro, loona daabaco buug”. Haddaba markaan bilaabay qabyo-qoraalka buugga, waxaan la kulmay kelmedo ay tahay in mid kasta lagu macneeyo hal kelmed oo Af-Soomaali ah, si markaas buuggu u noqdo mid faham-kiisu sarreeyo, oo faa’iido leh. Waxaana u baahday fikradda iyo talo bixinta akhristayaasha in ay eray bixinta ku siyaadiyaan aragtidooda.

Haddaba fadlan eeg erayada ku qoran shaxda hoose, isla markaasna macnaha aad ku tarjumi lahayd ku qor qaybta Jawaabaha (comments) ee bogga dhankiisa hoose.

Fadlan kelmed kasta ku qeex hal kelmed oo Af-Soomaali ah oo la macne ah ama u dhiganta kelmedda Af-Ingriisiga ah. Kelmedda ugu macne dhaw ayaan u adeegsan doonaa buugga insha Allah.

Shaxda hoose waxaa ku qoran kelmedda Af-Ingriisiga iyo qayb macne ahaan qeexaysa kelmedda la doonayo in la helo mid u dhiganta:

ENGLISH SOOMAALI MACNAHA GUUD
1 Self-Publishing Waa nidaam ama habraac loo maro buug qorista taas oo qorista, sixidda, dabacaadda, iyo suuqgeynta uu masuul ka yahay qoraha buugga
2 Royalty  Saamiga, saami Marka buugga la daabaco, lacagta lagu qiimeeyo waxaa qayb goosanaya madbacadda, taas oo u goosaneysa kharashkii ku baxay samaynta buugga. Lacagta inta usoo harta ee loo qoondeeyey qoraaga buugga ayaa ah “Royalty” ee Af-Soomaali haloo keeno.
3 Non-fiction Buugta qaybaha loo kala saaro waxaa ka mid ah (fiction, nonfiction, Autobiography, memoir, iwm). Buugga ku salaysan arrimo xaqiiqo ah ayaa noqonaya Nonfiction sida buugta cilmiga.
4 Fiction Sheeko-xariir Buugta ah noocan waa Malo-awaal, khayaali, sheeko-xariir. waana buug aan ku salaysnayn xaqiiq.
5 Autobiography  Taariikh-nololeed Waa buug uu qoraagu kaga hadlayo taariikhdiisa oo dhamaystiran ilaa xilliga la joogo  markaas. (Biography: waa marka taariikh-nololeedka uu qof kale adiga kaa qoro, taas oo aad ogolaansho u siisid oo uu kaa waraysto noloshaada taariikhda la xiriirta.
6  Memoir  Gabal taariikh nololeed Buugga noocaan ah waxa uu ku saabsan yahay qayb ka mid ah taariikh-nololeedka ama dhacdooyin khaas ah oo la xiriira taariikh nololeedka qofka qoraya buugga..
7  Novel  buug sheeko
8 Barcode  waa lambarka daabacaadda buugga oo loo rogey sawir uu computerku fahmi karo marka SCAN lagu sameeyo
 9  Print-On-Demand  Dalab-ku-Daabicid Marka aad buugga dalbatid (online) ayaa durbadiiba laguu daabacayaa oo laguu soo dhigayaa boostada

Fadlan qaybahaas ku saabsan Habraaca Buug Qorista iyo eray bixinta aad ku macnayn lahayd dhanka hoose ee jawaabaha “comments” ku qor.

TALO-BIXIN DHEERAAD AH

Haddii aad tahay qoraa waxaan u baahnahay taladaada ee FADLAN RIIX HALKAN

Qore: Maxamed Cali

@aqoonkaal

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

39 Jawaabood

  1. Mohamed Y.Hassan says:

    Walaal salaan qiimo badan. waxaan odhan lahaa ama aan ka dhiiban lahaa fikrad magaca. Waxaan odhan lahaa magaca af soomaali kawada dhig oo ka dhaaf “Self-Publishing” ama English kawada dhig ugu danbayn waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid umada somaliyeed anfaca adigana ilaahay uu ajar kaasiiyo aduunyo iyo aakhiro.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Mohamed y. Hassan waa ku mahadsan tahay talaabada. Waana tixgelinayaa Insha-Allah, waa in aan helo oraah nuxur ahaan la mid ah self-publishing

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      cinwaanka waxaan ku bedelayaa “HABRAACA BUUG QORISTA” ama cinwaan kaga sii habboon.

    • abdisalam farah says:

      Haad’da! Horta, Maxammad Caloow, in wax kasta oo kaleba ka badan baa aan kugu mahadinayaa qoraalka dhiganahaa aad innoo soo waddo.

      Ta kale, anu waxa aan rabaa bal in aan isku dayo keliya af- celiska (turjumaad’da) laba eray oo aad midkood, haddii aanan qaldanayn, af- soomaali- ku- helkiisa si wen u danaynayso, sida iiga baxday hal-celisyada (replies) aad siisay faallooyinka walaalaha badhka isku dayay turjumaad’da eraygaa ; midna weli, sida aan is leehay, la gafsan yahay (la garab marsan yahay) idhaaha (dhehmada) eraygii Af- soomaalka dhiggiisa ahaa- ‘Self- publishing’ iyo ‘Non- fiction’, sidaa ay u kala horreeyaan (respectively).

      Ka koobaad: ‘Self- publishing’. Aniga oo madaxa ku haya sharraxaa ‘ma- hambeeyaaga’ ah ee aad ka bixisay, waxa aan ku af- celin lahaa ‘Qoraa xaabsade’! Macnaa shaqo ahaan waa qoraa aan waxbaba dhaafin ; Hawl, wax dhigane (buug) uga soo fadh’dhiyayba, ciddi jabkeed in la’egba Allaah ha ka yeelo e, cid kale, doonaaba ha noqoto e, uma dhiiban, waa sida aan ka dhugtay qeexmada aad ka bixisay eraygaa qalaad ee ‘Self- pulishing’ e.
      Ka labaad: ‘Non- fiction’- kani isagu, dee aniga sida ay ila tahay, ka af- celis ahaan sidaaba uma sii ridna (xeel- dheerayn) e, haddana waxa aan is moodsiinayaa, haddii aanan ku qaldanayn, in badi sax-u- turjumaad’diisa la ilduufsan yahay (si loo yara wada arki la’ yahay). Haddaba, anna bal mooddaday (aragtiday) waxa aan kanna ku Af- soomaalayn lahaa ‘Sheeko rumaad’.
      Ku mahadsanid marar kale buuggaa aad soo siddo.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal abdisalam farah waa ku mahadsan tahay waqtigaaga iyo eray bixinta iyo taladaada. Weli far ayaa iiga taagan eray bixinta Self-publishing waayo waa oraah xambaarsan nidaam xiriirsan oo qoraagu dusha u ridanayo dhammaan habraaca buugga ka bilow qoris ilaa daabacid iyo suuqgeyn. Haddaba “QORAA XAABSADE” waa eray macquul ah, laakiin qudhiisa ayaa macnayn u baahan, waxaana la is weydiin karaa QORAAGU WAXA UU XAABSANAYO? Mahadsanid.

    • Abdisalam Farah says:

      Adaa, Maxammad, walaal, mahad’da mudan.
      Horta dee waa runtaa oo, ”toloow, qoraagu muxuu xaabsanayaa?!” ”Maxaa ‘QORAA- XAABSADE’ loo yidhi?” waa weydiimo maskaxda ku soo dhici kara. Haba se ahaato e, marka su’aaltamaha ‘shaqo oo dhan buu isaga uun i- qoraagu- isku qabanayaa- qoraal illaa iib- geyn’ loogu warcesho, in uu, mar haddii dee uu hawl oo dhan sidaa iskugu xaabsanayo, ”XAABSADE” yahay waa wax ka degi (dhaadhici) kara, illayn dee waa kaas oo, hawl dhiganeed (buugeed) oo dhanba waa kaa isku xaabsanaya e!

      Laakiin dee haddii ay, Maxammadoow, eray- bixintaasi kulaba sii ekoonaan weydana, waxa kale oo darraad markii aan ‘Self- publishing’ ‘Qoraa- xaabsade’ ku macnaynayay isna eraygaa ‘Qoraa- xaabsade’ igula soo dhacay ‘Keli- qoraa- ebyan/idil’, macnaa dhammaystiran.
      Bal hadda ka warran kanna.

      Ta kale, horta iyana, ayaa aanan kaa illaawin e, horta ”SHEEKO RUMAAD’dii” aan ”NON- FICTION” ku af- celinayna maxaa aad iyana ka tidhi?

      Ku mahadsanid dadaalkaaga bulsheed.

  2. Darwiish says:

    Self-Publishing = Keligi-soosaare, Keligi-qore
    Royalty= Saamiga-qoraaga
    Non-fiction= Buug-cilmiyeed
    Fiction= Sheeko xariiro (Sheeko xariirooyin)
    Memoir= Gabal taariikheed shakhsi

    Ma sahlana sxb anigu ardayda aqoon kaal ee Iswiidhan baan ka mid ahay marka hawsha alle hakuu fududeeyo waad dadaalaysaaye.
    Inta cid wax qoraysaa aan leenahay waan caymannaa.
    Ramadaan kariim

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Darwiish waad mahadsan tahay. Waa eray-bixin aad miisaan weyn u leh . Waxa keliya oo weli far iiga taagan tahay waa Self-Publishing.

    • Darwiish says:

      Adaa mudan walaal Eng Maxamed Cali. Waan ogahay inaan ceelkii faanoole weli fari ka qodnyeyn laakiin waxay iila muuqato oo igu soo siyaada waan kula soo wadaagi doonaa InshaaALLAAH.

    • Omar Adam says:

      Self-publishing = Is-qore
      Royalty = Saamiga-qoraaga
      Non-fiction = aan samays ahayn
      Fiction = sheeko-samays ah
      Memoir = xusuus-qor

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal Omar waa mahadsan tahay eray bixinta. Waa la isku raacay in macnaha rasmiga ah ee ROYALTY uu yahay SAAMIGA-QORAAGA . Waxaa weli eray sugan u hayn waa SELF-PUBLISHING waayo macne weyn ayey xambaarsan tahay oo ah nidaam loo maro qorista buugga bilow ilaa dhammaad oo ka duwan nidaamkii hore ee la mari jirey.

    • ahmed mohamed says:

      walaal talo waamuhiim

  3. Nuur isaq says:

    Waalal wadkumahadsan tahay buugan anigu waxan kamid ahay ardeyda aqoolkaal waxbarada ee joogta dalka gar ahaan gobolka gedo
    waxan ad iyo ad u soo dhaweyna fikrada ku adaan qoriista buuga ereyada afsoomaliga ah waxan ka balanqaday in an ku cawiiyo wixi karankeyga iyo garasdeyda aqoonteyda oo dhaan ee ku sabsaan kaqeyb qadashada qorista buugani
    thank you mohamed ali, for especial hard word to expand the somali language thru homo computanization technologies into our own mother toungue may allah help you to succeed insh allah you will succeed with your dubious trials , ambitions ,views and the excellent intention to persu our somali enthicity to easely the computer technologies

    highly appreciated
    many thanks
    nur dhere

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Nuur waad mahadsan tahay. Waa kaaga mahad celinayaa dhiiri gelinta iyo niyad wanaagga.

  4. Cisman Maxamud Indhayare says:

    Asc W W Barre sare/Qoraa sare Mr. Maxamed Cali aqoonkaal.
    Marka hore Ramadaan kariin.
    marka 1aad Anoo ah Cisman Maxamud oo joga Kenya wan sodhaweyna yaa buuga cusub ee aad sowado.
    Marka 2aad waxaan kamid ahay ardada kuxiran aqoonkaal.com waxbadan oo kusabsan aqonta Computerkana kafaa’iiday.
    Macalin waan kaga mahad celinayaa dadaalkaga hagar la,aanta ah.
    marka 3aad waxan rabaa in aan kaqayb qaato eray bixinta buuga sidaa darteen bal ilafiiri eraybixintaan hoose Macalin:
    self-publishing = Iskaa uqoro, iskaa uqorid, kaligi qore, kali daabace.
    Non fiction = Buug aqooneed/buug cilmiyeed.
    Royalty = Qurubka qoraaga
    meroir = Xasuus qor, buug xasuuseed
    mahad sanid macalin

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      ASC walaal Cisman Maxamud waa mahadsan tahay eray bixinta iyo dhiiri gelinta.

  5. Self-Publishing. = is- daabacaadda

  6. mohamed daahir mursal says:

    self-publishing= iskiis u daabacade
    Non fiction= kitaab aqooneed
    Royalty = lahaanshaha qoraaga
    meroir= xasuuq qore
    mahadsanid ustaad mohamed ali
    waxaan joogaa caasimada labaad ee dalka somaliyeed HARGEYS

  7. Mohamed says:

    Self-publishing= keli-daabicid, ama iskaa u daabacasho.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Mohamed mahadsanid eray bixinta. Waa tarjumaad wanaagsan laakiin waxaan waxaan filayaa in SELF-PUBLISHING ay ka mug weyn tahay daabicid oo keliya. Waxaa soo hoos gelaya qoris, sixid, daabacid iyo suuq-geyn buugga oo qoraagu xilkeeda qaadanayo halkii madbacadda caadiga ay qaadi jirtey masuuliyadda daabacaadda iyo suuq-geyntiisa. Marka taas weli far ayaa ii taagan. Waadna mahadsan tahay

  8. Mohamed Y.Hassan says:

    Waa Mohamed Y.Hassan oo ku soo noqday Mar labaad, fikradaydayda gaaban waxaan odhan lahaaa sidan
    Self-publishing = Qoraal yahan
    Ama
    Self-publishing = Qoraal yahan guud

  9. Hussein Abdi says:

    Acww. Salaam kadib, walaal Maxamed Cali waad ku mahadsantahay sida aad noola wadaagtay mawduucaaga iyo fikirkaaga iyo waliba ra’yi wadaagga samaynaysid, waxaan u malaynayaa inuu buugaas noqon doono buug aan wax badan ka faa’iidno inshaa’allaah.
    Haddaan ra’yi ku darsado self publishing= waxaan dhihi karaa qoris iyo soo saarid.
    Nonfiction waxaa la dhihi karaa dhab, run, ama xaqiiq.
    Print On demand waxaa la dhihi karaa dalab ku daabicid

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc, walaal Hussein Abdi waad ku mahadsan tahay jawaabta iyo eray bixinta. “DALAB KU DAABICID” waa eray bixin aadugu haboon Print-on-demand. mahadsanid

  10. Asc Waxaan aad u salaamayaa bahda mareegtan qiimaha Ee Aqoonkaal oo ugu horreyo aqoonkeena, qoraageena,caawiyaheena Maxamed Cali oo dharaar iyo habeen ummadiisa soomalida ah u soo gudbiya casharo iyo cilmi baadhis wax tar leh.Waxaanan ugu mahad celiyaa sida hagar la’aanta ah oo aqoontiisa uga faa’ideeyo walaaladiisa somalida ah.

    Intaas ka dib waxaan ka mid ahay inta jecel wax qorista iyo wax akhriska ah,sidaa daraadeed waxaan aqoonyahanka ka codsanayaa inuu iga caawiyaha sida aan buug u qori lahaa iyo diyaarantiisa waxa laga maarmaanka u ah, iyo haddii muhiim tahay in lagu kaydinayo word iyo waxyaabaha kale muhiimka u ah diyaarinta buugga daabacadiisa ka hor. Mahadsanid Macalin Maxamed

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc walaal Sayid Maxamed marka hore mahadsanid dhiira gelinta. tan buug qorista waa arrin aan hadda ku dhex jiro diyaarintiisa. Waad adeegsan kartaa MSWord, laakiin maarayntiisa ayaa dhib badan marka buuggu gaaro dhawr boqol oo baal. MSWord waxaa u dhigma OpenOffice. Anigu buug qorista an wado ma adeegsado msWord, waxaan adeegsadaa barnaamijyadan.

      1. SCRIVENER: waa barnaamij lagu qoro qoraalka, laguna agaasimo. eeg https://www.literatureandlatte.com/scrivener.php

      2. DROPBOX: waxaan ku sameeyaa nuqul kayd ah ama backup si haddii computerku burburo ama xumaado aan u helo kaydka iigu jira Dropbox https://www.dropbox.com/ ama google drive

      3. ONENOTE: oo aan u adeegsado cilmi baarista iyo xog ururinta https://www.onenote.com/ . Waxaan markii hore adeegsan jirey EVERNOTE laakiin beryahan dambe waxay xadideen inta aaladood ee la adeegsan karo, marka waa ka guurey qoladaas oo waxaan u xera rogtey onenote iyo google drive. Scrivener qudhiisu wuxuu leeyahay qayb research lagu kaydiyo.

      Shardi ma aha in aad adeegsatid barnaamijyadaas, waxaase muhiim ah an aad markasta kayd ku haysatid meel ka baxsan computerka, sidaas daraadeed hadii computerka ciladi gasho aad u hasatid nuqul buugaad qoreysey.

      Waan rajaynayaa in halkaas il kaaga bidhaantay.

    • Asc walaalkay Eng Mohamed Cali, runtii hadii gun iyo baarba laga reego mareegtan aqoonkaal.com waxaan odhan karaa waa mareegta kaliya ee u fooggan goor iyo ayaan kor-u-kaca, kobcinta iyo kaalmada ummadda ku hadasha afka soomaaliga. Waxaanan hilmaami doonin aqoonta baaxadda leh ee uu aqoon-yahan Maxamed Cali uu u soo bandhiggo walaalihiisa la kaaca-kufaya aqoonta casriga ee ICT-ga iyo Network-ga, waxaana hubaal ah in mareegtan aqoonkaal.com la’aanteed ay mudh iyo deebaaq noqon lahayn sidii loo fahmi lahaa barashada cilmigaas baaxada leh. Waxaan Eng Maxamed Alle u waydiinayaa inuu ajar iyo xasaanad ugu bedelo taabinta, tusmada iyo tabantaabada uu la garab joogo walaalihii.

      Anigu Sayid ahaan waxaan ka mid ahay inta jecel aqoonta ICT-ga, ha ahaatee waxa aan la kadeednaa in badan sidii aan u heli lahaa xogo badan oo ku saabsan cilmigan, waxaanan taas ka gam’ay markii aan helay shabakadan caalamiga ah ee aqoonkaal.com iyo aqoonta biyo-ka-dhibcaanka ah ee Aqoonyahan Maxamed Cali (Alle ha xidiyee) uu ku soo bandhigay. Ta kale waxa aan iyana aan aad ugu bartay, habraaca qoraalka iyo turbaax-bixintiisa, maadama aan ahay inta jecel in ay si hufan oo hagaagsan ay wax u qorto sida Eng Maxamed.

      Isku soo wada duub, aniga oo ka faa;iideysanaya fursadan dahabiga ah waxaan jecleysay in aan su,aal kale waydiiyo walaalkeen Maxamed Cali.
      Waxa aan ahay inta jecel hanaqaadka farta Afsoomaaliga, sidaa darteed waxa aan soo bandhigaa qoraalo kala duwan kalana door-roon tayaday doonaan ha lahaadaane. waxa aan ku faafsha baraha bulshadu ay ku kulanto iyo shabakadaha qaarkood. Taasina waxa ay i dhaxal siisay in ay kala lumaan qoraaladaydii badnaa!. Dhawaan ayay ahayd markii aan arkay qormo uu leeyahay Eng Mohamed Cali taas oo hal-ku-dheegeedu ahaa “Sida Loo Qoro Qoraallada, oo loo Turxaan bixiyo” taas oo uu soo xigtay nin kale. Ha soo xigta’e waxa la yaab igu ridday markii aan arkay isaga oo sheegtay xuquuqdii qoraalka! Taasina nasiib darro waa mid badanaa ay ku kacaan dad badan oo sheegta in ay qoraa yihiin. Waa yeelkoode anna labadaas dhib ee aan soo sheegay anoo ka duulaya ayaa waxaan WordPress ka sameystay Account Free ah, si aan ugu kaydiiyo qormooyinkayga.

      Haddaba waxa Eng Maxamed aan ka codsanayaa in uu Account-kaas xog iga siiyo qaab-dhismeedkiisa oo ay ugu horeeyaan xagga Themes-ka ugu haboon, sidoo kalena uu ila wadaago wixii talo iyo tusaale ah. Waan badiyaye raalli hala iaga ahaado.

      Mahadsanid Aqoon-yahan Maxamed Cali (aqoonkaal.com)

      Sayid Maxmed Cumar (Darwiishka)

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Sayid Maxamed mahadsanid xiriirkaaga iyo dhiiri gelinta iyo niyad wanaagga.

      Arrinta xuquuqda qoraalka oo lagu xadgudbo waa arrin u baahan wacyi gelin badan oo ay tahay in bulsha-weynta la baro in ay isku mid yihiin xatooyada maalka iyo tan qoraalka.

      Waxaa adiga kula gudboon marka aad qoraal ku daabacaysid internetka in niyadaadu ahaato in qoraalkaasi faaiido u yeesho dadka akhrisan doona. Sidaa daraadeed haddii qof kale xado oo magacaaga inta uu ka fujiyo markaas ku dhejiyo maciisa kuna daabacdo meel, markaas ajarka waxaa leh adiga oo Allah ayaa og in aad adigu asal ahaan leedahay qormada. Xuquuq dhawre iyo garsoore caadil ah oo aan laga sarayn waa Allah. Marka hala xado ama yaan la xadin ee qoraalka wanaagiisa Allah agtiisa laga helayo waxay ka bilaabaneysaa niyadaada marka aad daacaysid.

      Arrinta WordPress ka freega ah ee wordpress.com qaynta Themes ayaad ka xulan kartaa muuqaalo naqshadeed.

  11. jama hassan says:

    asc fikirkeyka hadaan ku darsado waxaan oran lahaa self publishing iskaa udabacasho ama daabacde ama soo saare ama naftii daabacde ama soo saare book

  12. Ifraax abdi says:

    Asc walaal! Anigu soomaaliga ma ku fiicni laakin kelmed kaliya ayaan isku dayaya inan ka jawaabo insha allah oo ah: self-publishing=Kaliga is shaacbixi oo uu dhiganta qoraal sax so saar. Waad mahadsan tahay.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal Ifraax mahadsanid, Afsoomaali sax ah ayaad qortay waadna ku wanaagsan tahay qorista afsoomaaliga ee ha dhayalsan taas. Mahadsanid.

  13. siciid says:

    fiction:dhayal
    non-fiction: dhab

  14. Walaal, anigu aqoon idin kuma kordhinayo, bal se waxaan rabaa inaad su’aal iiga jawaabtid maxamedow. “Waxa aan jecelahay inaad qoraal ku mashquulo waqtiga aan shaqo hayn, sidaa awgeed waxaan in badan ku wareeray meelaha hakadka(,) la dhigayo. Waxa in badan igu dhacday inaan meel hakad u baahan joogsi dhigo, meel u baahan joogsi na hakad dhigo.
    Ii faa’dee halkaas.

  15. Adam Saciid says:

    Anigu waxan joogaa Somaliya, waxanan qoraa buuggaygii 1aad, af soomaali baan ku qoraa, waan jeclaa inaan akhristo buuggaas ka hadlaya qaabka wax loo qoro, ha yeeshee wali mabuu soo bixin, laakiin buuggayga waxan ku qortaa kombayuutarka, msword-ka, runtiina meel kale iiguma kaydsana, waanan ka walwalaa haddii kombuyuutarka musiibo ku timaaddo oo qoraalkaygii iga lumo, meeshaan ka doonayo, kumana culuumta computer-ka, oo iima sahlana inaan wax ku kaydsado, enter net iiguma xiriirsana, laakiin qoraalladiinnaas aan akhriyayey ayaan ka helay fikrad aan ku kaydin karo qabyo qoraalkayga. waadna ku mahadsan tihiin.

  16. Muxiyaddin Cali says:

    asc wallaal, erayadda aad soo bandhigtay kan hore ee fiction waxaa ku afsoomaaliyeyen lahaa “sheeko mala-awaaleed” halka kan labaad self publishing “qoraa/qoraal madaxbannaan” ayaan ku sumdi lahaa.
    mahadsan wll.

  17. Ayub Aboosto says:

    Asc Mahadsanid sxb hadii aan isku dayo ereyga”Barcode” sida aan ufahmay kana muuqatay qayixaada aad siisay wax uu copmuterku ku garto marka uu scan marsiinaayo. anigoo aad uga fogaan erayga english-ka ah ayan dhihi lahaa”BAR-RAAC” oo ah tilmaan raac.
    Mahadsanid

  18. Labadan Kalmadood Ayaan hubaa ee iga gudooma. wixii kalena inshallah iska imaandoonaane.

    1. nonfiction = sheeko ma’ahe
    2. barcode = baadi-sooc (ama sawrac, sumad kaad doontid.)

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Waad mahadsan tahay, waana eray bixin cuddoon, gaar ahaan baadi-sooc oo isoo xasuusisay summada xoolaha lagu sunto, taas oo baadi-sooc u ah marka laba reer xoolohoodu isku darsamaan in lagu kala sooco summada, waayo inta badan ma dhacdo labaareer oo xoolaha isku calaamad ama isku meel ka suntada. Barcode waa badi-sooca alaabta marka laga hadlayo computerka.

  19. Ubax ali says:

    Maasha allah waa figrad aad logu bahnaa wa
    Wana so dhowaynayaa insha allah
    Wana ka faaidaysan donaa waxn
    Rajaynayaa inan ka faaiidaysan dono
    Buggan

Qor Jawaabtaada