Sida Computerka Looga Difaaco Shuftada Internetka (AntiVirus iyo Firewall lacag la’aan ah)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, February 5, 2014 | 29 Jawaabood

« | »

Haddii aad leedahay Computer tallaabada ugu horaysa ee kula gudboon waa in aad ku dadaashid sidii aad uga hortegi lahayd waxa loo yaqaan Viruska, maadaama ay internetka ka buuxaan shufto u heellan samaynta aaladaha lagu dhibaateeyo computerka, computerkana uga difaaci lahayd weerarada ay soo qaadaan shuftada internetku.

difaaca_computerkaVirus haddii uu aafeeyo computerka waxaa halis ah in ay tirtirmaan dhammaan barnaamijyada iyo macluumaadka kuugu kaydsan computerkaas, ama gebi ahaanba uu computerku noqdo hawl gab aan shaqaynayn.

Waxaa taas ka sii daran in computerkaaga loo adeegsan karo goob laga faafiyo Viruska oo lagu weeraro computerada kale adigoo aan ka war hayn.

Haddaba, in aad computerka ku rakibtid barnaamijyada loo yaqaan AntiVirus waa tallaabada koowaad ee ka hortagga Viruska. Waxaana jira barnaamijyo AntiVirus ah oo tayo wanaagsan, islamarkaasna lacag la’aan ah (sida aan hoos ayaan ku arki doono.)

Laakiin, barnaamiyadaas Antivirus-ka keliya laguma kaaftoomo ee waxa kale oo computerka lagu rakibaa barnaamiyada Firewall, kuwaas oo gidaar difaac ah u noqon kara computerka. Waxaana jira Firewalls tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah.

Qoraal ay faafisay jariidadda PCMagazine horraantii 2013 ayay ku bilowday sidan:

Haddii aad akhrinaysid qoraalkan, islamarkaasna computerka uusan kuugu jirin barnaamij AntiVirus ah, hadda joogi akhrinta qoraalkan oo degdeg computerka ku rakib AntiVirus lacag la’aan ah, markaas waan kuu mahad celinayaa, maadaama aad ka qayb qaadatay yaraynta computerada aan difaaca lahayn, waxaadna ka qayb qaadatay yaraynta computerada la aafeeyey ee ay ka dhex adeegtaan shuftada internetku.

Arrintani in aysan yaraysi lahayn waxaa cadaynaya cilmi baaris ah samaysay shirkadda Symantec dabayaaqadii 2011 waxay ku ogaatay in shuftada/burcadda internetku khasaaradii ay sanadkaas geysteen ay kor u dhaafaysay $114 billion oo doolar,  ayadoo khasaarada la gaarsiiyey $274 billion. Waxaa cilmibaaristaasi sheegtay in sannadkaas shuftada internetku saameeyeen 431 million oo qof oo qaan gaar ah, waxaana arrintaasi khasaarada ay ka geysatey  dacalada dunida lagu qiimeeyey $388 billion oo doolar, taas oo isugu jirta khasaare toos ah iyo waqti lumis ay geysteen burcadda internetku (waa hanti maal ah, hanti maskaxeed iyo wati dhumay oo ay geysteen, marka ka taxadar).

Haddaba waxaa muhiim ah in computerka uu kuugu jiro AntiVirus iyo Firewall kaa difaaca burcadda Internetka.

AntiVirus: Ka hortagga Virus-ka Computerka

Waxaa jira barnaamijyo badan oo ah AntiVirus, waxayna isha ku hayaan in uu computerka soo wajaho Virus, markaas ayey seeftooda galka kala baxayaan, guntigana adkaysanayaan siay tabco ugu dhigaan Viruska. Waxaana halkan ku xuseynaa kuwo tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah:

AVG: waa barnaamij difaaca ama ka hor taga Viruska

Avast: soo caan baxaysa sanadahan dambe, waxay difaacdaa Viruska computerka

Avira: waa barnaamij tayo wanaagsan oo difaaca Viruska computerka’’.

Firewall: Gidaarka Difaaca ama Gaashaan

Firewall waa barnaamijyo u dhaqma sida gaashaan computerka lagaga difaacayo barnaamijyada weeraraka ku soo ah. Waxa kale oo Firewall-ku ilaaliyaa in barnaamijyada kuugu jira computerka aysan internetka ku xiriirsamin adigoo aan ka war hayn.

Barnaamiyada Firewall ee lacag la’aanta lagu soo rogan karo waxaa kamid ah:

ZoneAlarm: oo waardiye u noqon kara computerka, uma ogolaado barnaamij aadan ogeyn in uu soo galo computerka ama barnaamij kuugu jira computerku u dhaqaaqo dhanka internetka.

Comodo: oo difaac u noqon kara computerka, waana barnaamij isku daya in aan computerka la soo dhex gelin.

Nadiifin Computerka uu aafeeyo Viruska

Malwarebytes Anti-Malware waa barnaamijka ugu cawaandisan ee lagu nadiifiyo computerka uu aafeeyey Virus-ka. Waxaa xusid mudan barnaamijkan Malwarebytes uusan ahayn gidaar difaaca viruska kusoo wajahan computerka, balse arrinta aan lagu gaarayn waa nadiifinta computerka kaddib marka uu saameeyo virusku.

  • Malwarebytes waxaa laga soo rogan karaa https://www.malwarebytes.org (FG: waxaa uu ka kooban yahay qayb lacag ah iyo qayb lacag la’aan ah)

Comodo Cleaning Essentials  Waa barnaamij aan wax badan ka liidan Malwrebytes, waxaana uu ku wanaagsan yahay in computerka uu si xeel dheer uga nadiifiyo Viruska.

Talo gaar ah

Waxaa muhiim ah in computerka ay kuugu jiraan hal AntiVirus iyo hal Firewall. Sida kor ku xusan AntiVirusku wuxuu isha ku haynayaa Viruska, halka Firewall ahaanayo gidaar difaaca barnaamijyaad weerarka ku soo ah computerka.

Waxaana muhiim ah in aad ku baraarug-sanaatid in aaladahaas difaacu aysan boqolkiiba boqol difaaci karin weerarada joogtada ah ama cusub ee burcadda internetka. Sidaas daraadeed waa in markasta  koobi (Backup) ka samaysatid barnaamijyada muhiimka ah ee kuugu jira computerka, si haddiiba khasaare dhacdo aad u haysatid nuqul ama koobi.

Waxaa kale oo muhiim ah in aad ka taxadartid computerada dad u dhexeeyaha ah ama yaala goobaha loo yaqaan Internet Coffee.

Talada Akhristayaasha

Fadlan hoos ku qoro wixii talo ah oo aad soo jeedineysid ee la xiriira difaaca computerka iyo haddii ay jiraan dhibaato kaa soo martay Virus computerka kaa aafeeyey, si looga taxadaro, la wadaag akhristayaasha.

Waxaan rajaynayaa in casharkan kooban aad ka faa’iidey.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AdoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

29 Jawaabood

  1. asc bahda aqooonkaal dhamaan waad salaaman tihiin salaan kadib aniga waxaa igu dhacay computerkayga ayaan waxan dhex dhigtay data 30GB gaaraysa maalmo kadibna waan waayay shaqsi ama ruux kale ilama isticmaalin computerkayga
    waxan kacodsanayaa bahda aqooonkaal dhamantoood inay iisheegaaan si aan daata-daydiii kusooo ceshodo (data recovery) ama wax lamid ah waayo ad ayay muhiiin iiigu tahay walaale fadlan icaawiye

  2. Cabdikariin xasan says:

    Asalaamu-calaykum walaal computer ayaan format gareeye xogtiina waxaa kaga shubtay falaash, hadhow ayaan damcay inaan flaashtii xogtii kala wareego mise intii badnayd file-sha waxay noqotay short-cut mana furmayaan .

    maxaa lagu samayn karaa marka

  3. mohamed ahmed says:

    asc walaal aad ayaad umahadsantahay mohamed aadan runtii waan kafaaidaysanay casharkaagan iyo kuwii horaba alaha kaa ajar siiyo aamiin. walaal waxaan kuwaydiin lahaa computer aan format gareeyay intuuu virus iiga dhacay markaas ayaan datadii kumbuyuutarka kushubtay folderka D waxanan format gareeyay folder C markaa kadib waxii data oo kujiray FOLDER D kalarkoodii waa isbadalay, mashaqaynayaaan, mana laga qaadikaro oo kumbuyuutarkale laguam shubi karo. fadlan talo makagaysankartaa… hope you.

  4. mohamed says:

    waad mahadsantahay saaxiib ilaah cilmigaaga hakuu barakeeyo, aad baan uga faaiidnay casharradaada.

    hadyad:

    waad sii hadyeyn kartaa, webabkiinna waad ku faafin kartaa haddaad ku qanacdo.

  5. Cumar Sharif says:

    Ascw,
    Si weyn ayaan kuugu mahad celinayaa xilka shakhsiyadeed aad qaadatay macallin waa laga faa’iday, ha joojin sidoo kale
    waxaan kaa codsanayaa inaad ka qeyb qaadataan turjumidda google ee afkeenna Soomaaliga, waa bilow dadaal ku yimi laakiin u baahan hawl aad iyo aad u baaaxad weyn.
    Qof ahaan waxaan IT ka marayaa xoogaa heer meel iska wacan. Adiga iyo rag kaloo kula mid ah waa u duceynaa sababta wax qabadkiina daacadda iyo hagar li’ida ka muuqato ayaad miro dhashay keentayna inaan heer kale u sii gudubno.

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal cumar aad ayaan kuugu mahad celinayaa xiriirkaaga iyo dhiiri gelintaada, waa dadaalaynaa insha Allah.

  6. mohamuud says:

    waad mahadsan tihiin waxaan kaa codsanayaa inaad noo soo galisaan setupkooda
    waxaan mar labaad macalin kaa codsanayaa inaad noo samayso cashar ka hadlaya sida gmail vedeo loo dhigo

  7. Abdiaziz Mohamed Afrah says:

    Macallin waad ku mahadsan tahay dadaalkaaga.

    Macallin waxaan kaa codsan lahaa in aad ii sheegto:-

    b. Haddii Kaspersky antivirus iigu jiro computerka soo iguma filla, mise kuwa demo-da ah ayaa ka fiican? sida, Avasta, AVG iyo Avira.

    t. Midda kale haddii computer-ku iigu jiro Firewall-ka default-ga ah ee computer-ku ku yimaado, ma iiga filan yahay baahida firewall-ka?

    j. Tan ugu dambaysa oo aan Macallin ku weydiin lahaa, waxa weeye: Macallin data ayaa virus iga aafeeyey, data-diiwaxa ay iigu jirtaa cajal external HDD-ah mana furmayso, sida document ku qoran word, markii aad furtid waxaa kuu soo baxaya qoraal corrupted ah.

    sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa haddii aad iga caawin karto arrintaas, faah-faahin ama setup ii sahlaya in uu ii furmo document-gaas.

    waad ku mahadsan tahay Macallin waqtigaaga qaaliga ah ee aad noo hurtid, si walaaltinimo ah.

  8. abdikariim says:

    macalin maxaa xal u ah computer ciladani ku dhacday ( WINDOWS detected a hard disk problem

  9. maxamed says:

    macalin managa filan yahay fire wll ku jira computerka ee orginalka ah in aan isticmaalno oo kaliya

    • Maxamed Cali says:

      walaal inta badan si ammaanka loo sii sugo waxaa haboon in firewall dheeraad ah iyo antivirus lagu siyaadiyo kan caadiga ah ee windowska si difaacu usii hagaago

  10. Injineer Mohamed, aad baad u mahadsantahay waxaan joogaa magaalada Muqdisho, walaalle waan soo arkay profile kaaga, maragna uma baahna garabka aad siisay arday aan ugu horreeyo oo ku wareersaneyd Web design and HTML developing, waxaan kaa codsaneynaa inaad shaqadan noo sii wadid insha allah

  11. maxamed says:

    waxaan isticmaalaa microsoft security essential waana free sidduu yahay barnaamajkaas?

  12. saeed says:

    aad band ugu mahadsantahay waqtigaaga qaaliga ah ad noo hurtay ad ban kaaga mahad celinaya alle hakaa abaaal mario

  13. waad ku mahadsantihiin in badan ayaan ku mashquulsanaa raadinta frre antvirus oo tayo wanaagsan leh
    aqoonkaal mar labaad mahadsanidiin

  14. bishaar says:

    asc wr wbr aad baan usalaamayaa aqoon yahankan xilka iska saaray inay ufaa,iideeyaan dhamaan shacabka somaliyeed waana wax lagu faano runtii shaqada aad qabateen ama aad bulshada uhaysaan waxaan jeclaan lahaa inaad soo dhigtaan ama nooga faa,iidaysaan barnaamijka wordpress ka layidhaahdo iyo sida loodhiso website yada hadii ay suurta gal tahay ood noo qaban kartaan waxaan jeclaan lahaa inaan dhisto website anigoon shaqis hoos tagin kuna bixin kharash aanan runti mararka qaar awoodin mmahadsanidin

  15. ubah says:

    asc wllo run ahaantii aad ayan uga faaidaysanay cashiradan ilahay cilmigaga haku kordiyo jazaka allah

  16. ubah says:

    asc bahda aqoonkaal aad ayad igu mahadsantihin

  17. inta uu u horeeyo maxamed cali aqoonkaal waan idiin mahadnaqayaa mcilmiga aaad uga faa’iidaynaysaan dadka soomaaliyeed ee aad afkoodii hooyo ugu soo guuriseen kana mid baan ahay inta u diyaarka ah inay ka faa’iidaystaan.

    mahad oo dhana waxaa iska leh ALLAAH.

  18. abdurazak maxamud says:

    sxb dhab ahaan aad baan ga fa iidaystaa casharada aad soo gelisaan AQOONKAL runtiina sida magacaba ka muuqata aqoonyahamiin mutadawiciin ah ayaad tihiin aad baan idinku ammaanayaa shaqadaaad bulshada somaaliyeed u haysaan ALLAAH ayaa idinka abaal marindoona sxbayaal anna dhab ahaan waan la dhacsanahay shaqadaa culs ee aad waddaan

  19. add ayaad umahadsantihiin ilaahay waxaaan ‘
    idiinka baryaaya aa aduun iyo aakhriba
    kuwii loo raaxeeyo
    mahadsanidiin dhamantiinba
    aqoonkaaley
    ilaahay
    haydiin siyaadiyo aqoonta inshalaah ,

  20. maxamed xaji jaamac says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaanba haw galayaasha AQOONKAAL waanad salaamantihiin
    aniga oo jooga magaalada madaxda togdheer gaar ahaan burco
    barnaamijkana runti waa laga daneeya guud ahaan soomaliland gaar ahaana burco ilaahay haydin ka abaal mariyo

  21. Ayuup hanka says:

    Asc aad ba u mahadsan tihiin macalin computer ayaan haysta antivirus waxa raba INA iska saaro qaabke u saari kara iyo qaabka logu shubo antivirus aan so dagsaday iyo farewall sida lo rakibo qaababkaaas na bara waa mahadsan tihiin

  22. hamza says:

    macalin waxaan rabaay in an ogadoo miyey jirta Kaspersky oo free ah

Jawaab u qor Cabdikariin xasan