Cod aysan maqli karin dadka da’doodu ka weyn tahay 30-jir, laakiin ay maqli karaan dhallinyarada oo u adeegsada telefoonka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, July 4, 2014 | 14 Jawaabood

« | »

#AqoonKaal.com: Qoraalkan oo ah aqoon kororsi, waxaan ku saabsan yahay maqal ama codka ay maqli karaan dhallinyarada, kaas oo dhallinyaradu u adeegsadaan telefoonada si waalidku aysan u maqlin marka telefoonku soo dhacayo.

Maqalka Dhalliyarada

mp3ht8 Ayadoo laga duulayo nidaamkaas hirarka Rakaadkiisu sarreeyo ee aan dadka da’da weyni maqlin karin, ayaa waxaa la sayeeyey barnaamij loo yaqaan ‘Dhawaaqa Kaneecada‘ [Mosquito Ringtone] ama ‘Maqalka Dhalliyarada‘ [Teen Buzz] oo ah barnaamij loo adeegsan karo telefoonka iyo aaladaha kale ee gacanta lagu qaato – taas oo marka telelefoon ama ‘text’ soo dhaco ay maqlayaan dhallinyardu, laakiin dadka da’da weyni aysan maqli karin.

Waxaa barnaamijkaas adeegsada dhallin yarada si marka telefoon soo dhaco haddii ay ku jiraan fasal (Dugsiyada ama Jaamacadaha) aan macallinku u maqal, balse (dhallinyaradu) iyagu ay maqlayaan. Sidoo kale haddii waalidkood guriga joogo oo telefoonka gacanta uu soo dhaco, aan markaas waalidku maqli karin.

Barnaamijkaas oo Internetka si bilaash ah looga soo rogan karo, rakaadkiisu waa 17 kHz (17,000 Hz). [Xusuusnow: Qiyaaso lasameeyey waxaa lagu ogaadey in bini’aadamku wada-hadalka caadi ahaan ay u adeegsadaan uu yahay rakaad u dhexeeya 200 Hz ilaa 8,000 Hz (8 kHz). Wixii intaas ka badana marka qofka daa’diisu sii weynaato waxaa ku adkaata inuu si fasiix ah u maqlo.]

firogara Barnaamijkaas loo bixiyey ‘Dhawaaqa Kaneecada’ waxaa markii hore loo allifey in lagu cayriyo dhallinyarada sida maalaa-yacniga ah isu hor tuba dukaamada ama goobaha ganacsiga (Ee dalka Ingiriiska). Waxaana asal ahaan loo allifey cod ay dhallinyaradu dhibsanayaan oo ah Rakaad is-bed-bedelaya oo aad u sareeya oo ah 17 kHz, kaas oo marka la daaro ay dhibsanayaan dhallinyarada dhawr-iyo-toban jirka ah, sidaas awgeedna ay ka fogaanayaan goobaha codkaas laga daaray.

Waxaa xusid mudan in jabaqdaas rakaadkeedu sarreeyo aysan maqli karin dadka da’doodu ka weyn tahay 30-jir (ama ay ku adagtahay in ay maqlaan), oo aysan dhibsanayn. Halkaas ayaa laga soo allifey rakaadka ay telefoonada u adeegsadaan dhallinyaradu oo ah 17 kHz. Waxase uu kaga duwan yahay kan hore (ee loo allifey in carruurta lagaga cayriyo dukaamada) waa in rakaadka is-bed-bedelayey laga dhigay mid si joogta u soo dhacaya marka telefoonka la soo diro.

Ufiirso halkaas: Dhawaaqa dhallinyarada lagaga cayriyo goobaha ganacsiga waa mid rakaad-kiisu is-bed-bedelayo, halka kan ay dhallinyaradu u adeegsadaan telefoonada gacanta uu yahay mid raakaad-kiisu uusan is bed-bedelayn.

mp3ht9

Sida kor ku xusan, dhegaha bini’aadamku waxay maqli karaan codka Rakaadkiisu u dhexayo 20 Hz ilaa 20,000 Hz. Codka rakaadkiisu ka hooseeyo 20 Hz waxaa loo yaqaan cod ka yar maqalka bini’aadamka (ama infrasound). Halka codka rakaadkiisu ka badan yahay 20,000 Hz loo yaqaan cod sawaxan dheer (ama ultrasound).

Xayawaannadu waxay maqli karaan jabaq aad uga rakaad yar kan bini’aadamku maqli karo. Tusaale ahaan Mukulaashu (bisad/dummad/yaanyuur) waxay maqli kartaa jabaq rakaadkeedu yahay 45 Hz, halka eygu ka maqli karo 50 Hz, Maroodiguna uu ka maqlo rakaad ah 5 Hz. Sidoo kale xawaannada qaarkood waxay maqli karaan rakaad aad uga jabaq sarreeya kan bini’aadamku maqli karo, iyagoo uusan dhibayn rakaadka aad u sarreeya. Tusaale ahaan Fiidmeertu waxay maqli kartaa rakaad ah 120,000 Hz, halka Neberigu ka maqli karo rakaad ah 200,000 Hz.

Tijaabi videoga: Codkee maqashay, ma maqashay kabadan 17khz…

Hoos ka akhri aqoonkororsi dheeraad ah oo la xiriira codka:

Codka

Waa Maxay Codku?

  • Qoraalkan AqoonKaal.com waxaan si gaar ah ugu baranaynaa waxyaabaha la xiriira codka ama jabaqda.

Codku waa gariir dhex mara hawada, kuna socda xawaare aad u sarreeya oo ah sida hirarka. Hirarkaas waxaa lagu dareemaa dhegaha ama magarafoonka (Computerka). Magarafoonka computerku waxaa uu hirarka codka u bedelaa sida koronto is-bed-bedeleysa taas oo ay tarjumaan aaladda jabaqda ee loo yaqaan ‘Kaarka Codka’ ama “Sound Card“, aaladdaasi waxay jabaqda u sii bedeshaa akhbaar ama xog uu computerku fahmi karo. Sidaas ayey suurtagal ku noqoneysaa in computerka cod lagu duubo ayadoo la aadeegsanyo barnaamijyada codka duuba ee aan kubaran doono casharrada soo socda.

Balse marka hore waxaan si guud mar ah casharkan ugu baran doona macluumaad la xiriira codka:

mp3ht2

Hirarka

Guud ahaan astaamaha hirarku waa saddex: Hirbaac, Qoton iyo Rakaad – (Hoos ayaan ku faahfaahin doonaa). Waxa kale oo hirarku leeyihiin Tuur oo ah meesha taagan ee ugu saraysa hirarka iyo Diisan oo ah meesha godan ee ugu hoosaysa hirarka. Hirarku waxay leeyihiin xawaare ku xiran meesha ay sii dhex marayaan; sida cufnaanta hawada, iwm.

Hirbaaca Hirarka:

Hirbaaca Hirka (Wave-Length) waa dhererka hirka ama fogaanta u dhexaysa laba tuurood oo isku xiga ama laba diisan oo isku xiga ama laba waji oo isku xiga. Hirbaaca waxaa hal-beeg u ah Lamda (lamda_thumb.jpg) oo ah cabbirka fogaanta ee mitir (m). Sawirka hoose waxa uu muujinayaa hirar hirbaacoodu isku-dhow yahay ama hirbaac gaaban (taas oo macneheedu yahay cod dhawaaq dheer) iyo hirar hirbaacoodu kala durugsan yahay ama hirbac dheer (taas oo macneheedu yahay cod dhawaaq yar).

mp3ht4
Hirbaac gaaban = cod qaylo dheer | Hirbaac dheer = cod qaylo yar

Qotonka Hirarka:

Qotonka Hirka (Amplitude) waa joogga hirka, waxaana looga qiyaas qaataa baaxadda ay leeyihiin hirarku. Marka laga hadlayo codka, qotonka hirku waa dhawaaqa heerka codka (amaVolume), waxaana hal-beeg looga dhigaa (dB). Sawirka hoose waxa uu muujinayaa hirar leh qoton joog dheer (oo ah cod dhawaaq dheer) iyo hirar leh qoton gaaban (oo ah cod khafiif ah ama dhawaaq gaaban).

mp3ht3
Qoton dheer = cod qaylo dheer  | Qoton gaaban = cod qaylo yar

Hal-beegga dB

Hal-beegga dB waxaa laga soo gaabiyey “decibel” -waxana uu toban meelood oo meel ka yahay hal-beegga loo yaqaan “Bel”. Waxaana lagu cabbiraa baaxadda heerka codka (ama dhawaaqa codka). Waxa kale oo loo adeegsadaa cabbirka hirarka iyo korontada.

Jabaqda ugu yar ee la maqli karo waa 0 dB. Marka jabaqdu ama codku gaaro 130 dB waxa uu xanuujinayaa dhegaha, halka dhawaaqa 140 dB uu dhaawac weyn gaarsiin karo dhegaha, 150 dB waxa uu sababi karaa dhego la’aan, wixii ka badan 192 dB waxa uu sababi karaa in qofka ka ag dhow ay naftiisu halis gasho.

Rakaadka Hirarka:

Rakaadka Hirka (Frequency) waa tirada hirarka ee dhaafaya bar halkii ilbiriqsi (second) oo kasta. Waxaa kale oo lagu qeexi karaa inta jeer ee la dareemo gariirka hirarka halkii ilbiriqsi oo kasta. Hal-beegga lagu cabbiro Rakaadka hirka waa Hertz (Hz), kiloHertz (kHz) ama MegaHertz (MHz). Halkii Hertis (Hz) waxa uu la mid yahay hal-wareeg ilbiriqsigiiba ama sekenkiiba (/s). Qeexidda guud marka laga eego “Rakaad” waa inta jeer ee xaalad ama arrin ay dhacdo muddo cayiman.

mp3ht6
Rakaad sare = cod qaylo dheer  | Rakaad hoose = cod qaylo yar

mp3ht5 Rakaadka hirka waxaa rogaalkiisa ah waqtiga oo loo yaqaan Kal – oo ah muddada uu u baahan yahay hal-hir oo dhamaystiran in uu ku dhaafo bar. Kal waxaa hal-beeg u ah (s). Ufiirso: Rakaadka waxaa hal-beeg u ah (/s) oo ah rogaalka Kal-ka (s). [Astaan ahaan Rakaadka waxaa booskiisa u taagan xarafka "f". Halka Kal-ka loo soo qaato xarafka "T". Sidaas daraadeed f = 1/T].

Rakaadka hirarka codka waxaa lagu qeexaa gariirka la maqli karo, taas oo ku xiran bey’adda ama deegaanka ku xeeran. Sida caadiga ah rakaadka hirarka codka la maqlo waxay u dhexeeyaan 20 Hz ilaa 20,000 Hz (20 kHz). Rakaadka hirarka ee ka hooseeya 20 Hz sida caadiga ah lama maqli karo, laakiin waa la dareemi karaa (gariir ahaan). Rakaadka hirka ee ka badan 20 kHz (20,000 Hz) waxaa mararka qaar kood maqli kara dhallinyarada da’da yar. Dadka waaweyn ee aan si fasiix wax u maqal waxa ugu horreeya ee ay lumiyaan waa rakaadka hirarka ka sareeya 20 kHz (20,000 Hz).

Xiriirka Hirbaac iyo Rakaad

Cod kasta oo la maqlo waxa uu ka kooban yahay hirar si siman isu le’eeg oo isu jira fogaan isku mid ah. Waxa lagu kala garto codadka waa in qaar ay ka baaxad weyn yihiin ama ka baaxad yar yihiin kuwa kale. Kala duwanaanta codadka waxaa sabab u ah inta ay isu jiraan hirarka codku; markaas haddii hirarku isu dhow yihiin codkii wuxuu noqonayaa mid baaxad weyn ama qaylo dheer. Sida kor ku xusan, inta ay isu jiraan hirarku oo ah fogaanta u dhexeysa laba tuurood oo hirarka ah waa Hirbaac ama dhererka Hirka (wavelength).

Dhammaan hirarka codku waxay ku socdaan xawaare qiyaas ahaan isku mid ah oo loo yaqaan xawaaraha jabaqda. Sidaas daraadeed hirarka leh hirbaac dheer (ama hirbaac kala durugsan) dhegaha kuma soo gaaraan si dhaqso isugu xigxiga, marka la barbar dhigo hirarka leh hirbaaca gaaban (ama hirbaaca isu-dhow) oo si dhaqso isugu xig-xiga usoo gaara dhegaha. Nidaamkaas jabaqda ee muujinaya inta jeer ee tuur ka mid ah hirku ay bar dhaafeyso waxaa loo yaqaan Rakaad (frequency), kaas oo sida aan kor kusoo xusnay lagu cabiro hertz (Hz), oo ah immisa tuur ee hirar ah ayaa meel dhaaftay halkii ilbiriqsi.

mp3h09

Halkaas waxaa ka soo baxaya xiriirka ka dhexeeya hirbaaca, rakaadka iyo qaylada codka, kuwaas oo ah:

Cod qaylo yar ama dhawaaq yar waxa astaan u ah:

  • Rakaad Baaxad Yar [ama Rak[ama Rakaad hoose]g>Hz),
  • Hirbaac Dheer [ama Hir[ama Hirbaac kala durugsan]f="http://aqoonkaal.com/wp-content/uploads/2014/07/lamda.jpg">lamda ),
  • Qoton Gaaban [ama Qot[ama Qoton joog gaaban]g>dB).

Cod qaylo dheer ama dhawaaq dheer waxa astaan u ah:

  • Rakaad Baaxad Weyn (ama Rakaad sare),
  • Hirbaac Gaaban (ama Hirbaac isku dhow),
  • Qoton Dheer (ama Qoton joog dheer).

Hal-beegga dB

Hal-beegga dB waxaa laga soo gaabiyey “decibel” – waxana uu toban meelood oo meel ka yahay hal-beegga loo yaqaan “Bel”. Waana hal-beeg lagu cabbiro baaxadda heerka codka (ama dhawaaqa codka). Waxa kale oo loo adeegsadaa cabbirka hirarka iyo korontada.

Jabaqda ama dhawaaqa codku waxay dhegaha kusoo gaaraan ama loo maqlaa qaabka loo yaqaan Loogardamka (Logarithmic). Nidaamkaas oo ah in dhawaaqa codku uu si toos ah xiriir ula leeyahay Qotonka Hirka (Amplitude) ama baaxadda hirarka codka. Sidaas daraadeed si aan u dareenno in codku uu laba jeer ka baaxad weyn yahay cod kale waxaa shardi ah in qotonka hirka codkaasi uu yahay toban-laab ama toban-jeer ka badan yahay.

mp3h8 0 dB = cod aan is bedelayn ama isku baaxad ah. Waana codka laga qiyaas qaato inta jeer ee cod kale ka weyn yahay. Tusaalayaasha hoose waxay muujinayaan inta jeer ee ay ka baaxad weyn yihiin codka aamusnaanta u dhow ee 0 dB:
+3 dB = 2-jeer
+6 dB = 4-jeer
+9 dB = 8-jeer
+10 dB = 10-jeer
+13 dB = 20-jeer
+20 dB = 100-jeer
+30 dB = 1000-jeer
+40 dB = 10,000-jeer
+50 dB = 100,000 jeer
+60 dB = 1,000,000 jeer

Sidaas daraadeed, marka laga hadlayo codka, dB waxaa looga qiyaas qaataa codka ugu yar ee la maqli karo (oo u dhow aamusnaanta) kaas oo ah (eber) 0 dB. Markaas codka aamusnaanta ka baaxad weyn 10-jeer waa 10 dB. Sidoo kale cod aamusnaanta ka qaylo dheer 100-jeer waa 20 dB. Cod aamusnaanta ka qaylo dheer 1,000 jeer waa 30 dB.

Halkaas waxaad ka garan kartaa si loo helo baaxadda dB in loo baahan yahay laba cod oo la is barbar dhigayo. Sidaas daraadeed marka la xisaabinayo baaxadda codku in ay ka weyn tahay cod kale waxaa la adeegsadaa xeerka loogardamba (log) ee u qoran sidan:

Baaxadda codka = 10 log (P2/P1) dB

firogara Xeerka Logardamka ee la adeegsanayo waa (log) salkiisu yahay 10 ama log10, sidaas daraadeed xeerka sare waxaa loo qori karaa 10 log10 (P2/P1) dB.

Xeerkaasi waxa uu muujinayaa labada cod ee la is barbar dhigayo oo ah P1 (codka hore) iyo P2 (codka dambe). Sidaas daraadeed haddii:

  • Codka dambe 100-jeer kabaaxad weyn yahay codka hore, markaas:
    Baaxadda codka = 10 log (100) = 20 dB
    Waayo: log (100)  = 2. Markaas 10×2=20
  • Codka dambe 1000-jeer ka baaxad weyn yahay codka hore, markaas
    Baaxadda codka = 10 log (1000) = 30 dB
    Waayo: log (1000) = 3. Markaas 10×3=30

mp3h9

Tusaalayaasha hoose waxay muujinayaan qaar ka mid ah jabaqda ay dheguhu maqlaan:

  • Cod ku dhow aamusnaanta u dhow: 0 dB
  • Qol xasilloon oo aan sawaxan lahayn: 20 dB
  • Meel tartiib loo hadlayo sida maktabadda: 30 dB
  • Wadahadalka caadiga ah: 60 dB
  • Makhaayad buuq badan: 70 dB
  • Guuxa gaari ku dhaafaya: 80 dB
  • Sawaxanka waddo gawaari badan: 90 dB
  • Hoonka Gaariga: 110 dB
  • Sawaxanka Matoorka Diyaaradaha: 120 dB

firogara Halbeegga (dB) waxa uu noqon karaa (-dB), taas macneheedu waxaa weeye in codku yaraanayo marka loo barbar dhigo codka ka horreeyey. Ufiirso halkaas: (+dB) codku waa siyaadayaa, halka (-dB) uu codku yaraanayo.

Sida kor ku xusan, jabaqda ugu yar ee la maqli karo waa 0 dB. Marka jabaqdu ama codku gaaro 130 dB waxa uu xanuujinayaa dhegaha, halka dhawaaqa 140 dB uu sababi u noqon karaa dhaawac weyn oo gaara dhegaha, 150 dB waxa uu sababi karaa dhego la’aan, wixii ka badan 192 dB waxa uu sababi karaa in qofka ka ag dhow ay naftiisu halis gasho.

Halkaas waxaan kusoo baranay aqoonguud oo ku saabsan jabaqda ama codka iyo cilmiga la xiriira. Waxaana rajaynayaa in aad aqoon kororsi ka faa’iidey.

Qore: Maxamed Cali Aaden – AqoonKaal

Faafin: AqoonKaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

14 Jawaabood

  1. Yaaskilo says:

    Asc Macalin anigoo aad kaga mahad celianayo aqoonkororsiga aadka u qiimaha badan ayaa waxaa iigu adkaatay in aan fahmo ereyo banadan oo mesha ku jira
    madaama barnaamijkuna yahay aqoon korosi fadlan ii faaidey . waxaana ka mid ah 17 kHz (17,000 Hz).

    sida ereyada KHZ iyo HZ maxaa laga wada ma horizontal mise wax kale macalin aad ayaan ku salamaya

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal Hz oo laga soo gaabiyey HERTZ waa halbeeg lagu cabiro hirarka jabaqda, kHz waa Hz oo la raaciyey Kiilo oo la macne ah 1000Hz, marka walaal waa halbeegga jabaqda

  2. hasssn says:

    asc maclim waan kaga mahadcelinsyaa aqoon kororsogssn qiimaha leh.

    hadii aan doonayo in aan so rogto/download hakee tagayaaaaa

  3. Macalin max’ed cali aad iyo aad ayad ugu mahadsan tahay allena hakaa abaalmariyo dadaalkada.

  4. Cabdikariin Xasan says:

    Asc walaal waxaan fahmi waayey codku dhinaca aw u nuxuusayo iyo dhinaca aw u dheeraanayo Tusaale ahaan Codka ah 17KHZ iyo 8Khz keebaa cod dheer ah Cashaka waxaa ku jira bini,aadamku codka ugu hooseeya uu maqli karo inuu yahay 20HZ halka bisadduna ay maqli karto 45HZ marka bini,aadamka iyo bisadda kee dhega waddan walaal noo faah-faahi allaha haku dhowree

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc walaal bisadda ayaa dhaga waddan, xayaanka badan ayaa bini’aadamka ka dhaga waddan, jabacda laga hadlayo cabbirkeeda weeye waana hirbaac ama dhererka hirarku kusoo gaarayaan dhagaha.

  5. Mohamed Al-azhari says:

    Asc…….
    Bare Maxamed Cali aad iyo aad baan kuugu mahad celinayaa , xaqiiqdii waxaa tahay macalinka kaliya ee soomaaliyeed ee aan ilaa hadda casharadiisu kumaqsuuday ahna casharadda kaliya ee ideeqay inaan fahmana ay sifiican iigu sahlanaatay alxamdulilaaah, waxaan ALLAAAH kaaga baryayaaa in cilmigaaga kuu barakeeyo oo awlaadaada iyo waalidkaaba alaaah kaga khayr siiyo iyo dhamaan adna macalimiintii kusoo baray.
    wasalaaam

  6. Asc Ustaad waxaa Mohamed waa arday cusub kuna cusub Website-kan Aqoonkaal Waxaan u mahad celinayaa Alle
    kadib waxaa mahad iska leh website-kan Prof-soo diyaarisay iyo teacher Mohamed Ali Maxaa yeelay waa markii igu Horeysay ee aan akhristo Website Walina ma aanan arag mid kan lamid ah waxaan leeyahay jir oo waligaaga jir Mahadsanidiin

  7. macalin waad mahadsantahay
    suaal:sidee ugu soo dajisan karaa mobile ka ama coputerka

  8. faisal ali says:

    asc
    macalin maxamedaad aay ugu mahdsantahay aqoonta aad na siineyso macalin waxaan rabaa inaad isiiso jawaabo kookooban

    shuaashaydu kuma saabsana mowduucan igana raali ahoow

    waxaan rabaa inaan web sameysto waana si fudud dhib saas ibadan maleh web sameynu oo caawimo badan waan helay dhankiina iyo dan keleba

    lkn macalin see u helaayaa

    domain iyo host

    se maxaa layga rabaa itaanan domain iibsan see google ka ugu xidhaayaa saan xaqa webkayga u helo

    suaasha waad fahantaan fili mcnlin thanks alle haku barakeeyo

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Wcs walaal Faisal Domain iyo host casharro faahfaahsan waxaad ka heli kartaa aqoonkaal

  9. maansha Allah
    waad mahadsantihiin dhamaanba hal wadeenada iyo macalimiinta aqoonkaab.com

  10. maxamed says:

    sc pro:maxamed cali aad baad u mahadsan tahay sida fiican ee aad wax nooqu gudbiso waan kuu farxay wiihi ,
    marka labaaad siden usoo dajisan karaan barnaamigkan dadka 30jir ah aysan maqli karayn maxaasela dhahaa

Qor Jawaabtaada