Sidee Lagu ogaan karaa Websiteyada Bililiqaystay Qoraallada aad Daabacday iyo Sida Looga Dhigo in aan Koobi Laga samayn karin Qoraalka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, August 24, 2013 | 10 Jawaabood

« | »

AQOONKAAL.COM: Inkasta oo ay ka jiraan qawaaniin xakameeya xuquuqda qoraallada, haddana waxaana dhacda in xatooyo lagu sameeyo qoraallada ay waqtigooda u hureen qorayaashu, oo lagu xad gudbo xuquuqda qoraha, ayadoo dad kale oo aan ogolaansho u haysan ay koobi bililiqo ah ka samaystaan kuna daabacdaan wargeys-kooda ama website-kooda, ayagoo xitaa aan xusin magaca qoraha ama meeshii ay kasoo xigteen.

Sidee ku ogaan kartaa in Qoraalkaaga lagu daabacday Website kale?

Ka waran qoraal aad waqti badan ku bixisay haddii qof kale ku daabacdo website-kiisa adigoo aan u war hayn. Nasiib wanaag waxaa jira habab lagu ogaado in qoraalka koobi laga samaysatay oo lagu daabacday website kale, si ugu yaraan markaas aad ula xiriirid websitekaas uguna war gelisid xad gudubka ay sameeyeen.

Hababkaas lagu ogaan karo waxaa ka mid ah:

Copyscape waa website si fudud looga ogaado in qoraalka koobi laga samaystay. Si taas loo ogaado: marka aad gashid website-ka  http://www.copyscape.com waxaad ku qortaa linkiga bogga aad ku daabacday qoraalka (Eeg sawirka hoose), waxaa markaas Copyscape  uu is-barbar dhigi doonaa qoraalkaas iyo inta meelood ee kale oo lagu daabacay, taasna uu shaashadda ka muujin doono inta website ee koobi ka samaystay qoraalkaaga.

xatooyada qoraalka

Copyscape: http://www.copyscape.com/ waa website aad ku qori kartid linkiga qoraalkaaga, kaas oo markaas barbar dhigaya meelaha kale ee qoraalkaas daacay.

Sidoo kale waxaa la adeegsan karaa Plagium: http://www.plagium.com/ oo ah website aad ku qori kartid qayb ka mid ah qoraalkaaga, kaas oo barbar dhig ku samaynaya haddii qoraalkaasi ku soo baxay website kale ama lagu daabacday meel kale oo kamid ah Internetka.

copiscap3

Waxa kale oo la adeegsan karaa http://www.google.com/alerts oo ah meel lagala socon karo erayo gaar ah aad ku baartid bartaas oo marka erayadaas wax la xiriira lagu soo qoro Internetka aad heli doontid email war gelin ah.

Sidee Website-ka Looga Dhigi karaa in aan Qoraallada Koobi Laga samayn karin

Ma jiro hab boqolkiiba-boqol lagu xakamayn karo si qoraalada website aan koobi looga samaysan, laakiin waxaa jira habab (ugu yaraan) website-ka laga dhigo karo in aan si fudud koobi looga samaysan qoraallada. Gaar ahaan website ku dhisan WordPress waxaa la adeegsan karaa kaabayaal lagu rakibo WordPress-ka.

Kaabayaasha waxaa ka mid ah “WP Copy Protect” oo laga soo rogan karo linkigan http://wordpress.org/plugins/wp-copyprotect/ islaamarkaas marka lagu rakibo WordPress-ka waxa adkaanaysa in si fudud koobi looga samaysto qoraallada.

copiscap6

FG: Waxaa xusid mudan in aysan jirin hab 100% qoraalada ka dhigaya kuwo aan la daabacan karin. Laakiin habka sare waxa uu ka dhigayaa in qoraalka aan si fudud looga samaysan karin koobi.

Maxaa la Sameeyaa Haddii Qoraalladaa Website-ka Iska Daabacdo

copiscap7La xiriir Website Wax bililiqaystay:

Marka aad ogaatid in website-kale daabacday qoraalkaaga, ama lagu xad gudbey qoraaladaada, waxaa ugu horayn kuu furan inaad toos ula xiriirtid website-kaas, adigoo u caddaynayo in qoraalkaas lagaa bililiqaystay, sidaasna ku war gelinaya.

Sida caadiga ah emailka aqoraaga website-ka waxaa laag helaa qaybta “Contact” oo sida caadiga ah ku qoran dhanka sare ama dhanka hoose ee website-ka.

Waxaana muhiim ah in aad website-ka ku wargelisid in ay ku xad gudbeen xuquuqda qoraalkaaga, adigoo u diraya linkiga asal ahaan aad ku daabacday qoraalkaas iyo xilliga aad daabacday.

La Xiriir Shirkadda Martigeliyaha (Host):

copiscap8Haddii qorayaasha websiteka wax bililiqaystay ay kaa dhega adaygaan, islamarkaasna wax ka qaban waayaan cabashada aad u soo jeedisey, tallaabada xiga waa inaad la xiriirtid shirkadda marti-geliyaha u ah website-kaas, kuna war gelisid in website-kaasi ku xad gudbey xuquuda qoraalka.

Si aad u ogaatid meesha martigeliyaha u ahwebsite-ka wax bililiqaystay, waxaad ka eegi kartaa:  http://www.whoishostingthis.com (Websitekaas waxa uu leeyahay meel laga baari karo websiteyada, bartaas ayaad ku qori websiteka bililiqada.) Waxaad kale oo adeegsan kartaa  http://www.domaintools.com .

Marka aad ogaatid shirkadda martigeliyaha u ah website-ka, ayaad toos ula xiriiri kartaa, adigoo shirkadda ku war gelinaya website-ka ay  martigeliyaha u yihiin in uu ku xadgubay xuquuqda qoraalada.

Isku soo duub oo, arrintani waa mid u baahan dhabar adayg.

Xatooyada maal-maskaxeedka (Xuquuqda Qoraallada)

Waxaa internetka la barbar dhigi karaa xero geel aysan ka jirin wax kala haga. Taas oo ay sahlan tahay xatooyo iyo bililiqo lagu sameeyo qoraallada. Taas oo jirta waxaa lagama maarmaanah in la dhawro xuquuqda maskaxda ama qoraalada.

Haddaba waxaa muhiim ah in tifatiraha website-ku uu xaqiijiyo in ay jiraan nidaam qeexaya cidda xuquuq ahaan leh qoraallada lagu daabacay websiteka. Wargeyska leh qorayasha badan qaarkood waxaa xeer u ah in qoraa kasta uu leeyahay xuquuqda qoraallada inta uu daabacay, islamarkaasna uu qoraagaasi leeyahay xuquuqda iyo mulkiyadda qoraalladiisa mustaqbalka.

Waxaa kale oo jira waregsyo/websiteyo ay qorayaal badani qoraan, laakiin xuquuqda qoraallada uu yeelanayo wargeyska ama websiteka lagu daabacay, taas oo qoraagii qoray marka hore si cad loogu sheegayo in qoraalladiisa marka ay websiteka kusoo baxaan in mulkiyada xuquuqda uu websiteku yeelanayo (Mulkiyadii waxay ka wareegeysaa qoraaga).

Waxaa muhiim ah in maamulka ama tifatiraha websiteku uu si qayaxan ugu sheego qorayaashiisa cidda yeelanaysa xuquuqda qoraallada marka la daabaco.

Dhanka kale waxaa muhiim ah in bog kasta oo kamid ah website ay si cad ugu qoran tahay xuquuqda qoraalada ( copyright), taas oo lagu xiriirinayo qoraal faahfaahsan oo ku saabsan xuquuqda guud ahaan qoraallada websitekaaga. (Waa in qoraal kasta la raaciyo oraah sida “Dhammaan Xuquuqda Boggani Xafidan” ama “All Rights Reserved“.

cinwankacpSi aad ula socotid ama u ogaatid in qoraallada aad daabacday la xaday ama meel kale lagu daabacday waxaad adeesgan kartaa barnaamijyo isbarbar dhig ku sameeya qoraalka iyo meelaha kale ee lagu daabacay, barnaamijyadaas sida aan kor kusoo aragnay waxaa ka mid ah:

Copyscape: http://www.copyscape.com oo ah website aad ku qori kartid linkiga qoraalkaas, kaas oo markaas barbar dhigaya meelaah kale ee qoraalkaas sii faafiyey

Plagium: http://www.plagium.com oo ah website aad ku qori kartid qayb ka mid ah qoraalkaaga, kaas oo barbar dhig ku samaynaya haddii qoraalkaasi lagu daabacay website kale.

Waxa kale oo la adeegsan karaa http://www.google.com/alerts

Waxaa kale oo qoraallada lagu daabaco Website ku dhisan WordPress lagu rakibi karaa Kaabayaasha sida “WP Copy Protect” oo laga soo rogan karo linkigan http://wordpress.org/plugins/wp-copyprotect/ barnaamijkaas oo websiteka ka dhigaya in aan si fudud koobi looga samaysan karin qoraallada.

Tineye: http://tineye.com waa website laag ogaan karo in sawirada websitekaaga lagu daabacday website-yo kale.

Waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in la sameeyo wacyi gein ku saabsan muhiimada xuquuq maskaxeedka (qoraalalda) oo aan koobi laga samaysan ayadoo aan ogolaansho laga haysan qoraagii daabacay. Islamarkaasna in markasta oo la xigto qoraal inla xuso oo  lagu qoro qoraagii iyo website-kii asal ahaanta daabacay.

FG: Qoraallada ku soo baxay AqoonKaal waxaad toos ugala socon kartaa https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Qore Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

Xuquuqda Qoraalkani Xafidan.

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

10 Jawaabood

  1. mohamed ahmed says:

    asc: walaal waad mahad tahay alle ajar hakaa siiyo cilmiga aad uga faa ideyneysid umada walaahaaga ah ee soomaaliyeed mahadsanid markale.
    macalin hadaad sameyn kartin wordpess webdesign casharo ah sidii HTML ka oo kale waad fiicneyd.

    thanks

  2. mahadsanid ustaad waa cashar aad iyo aad u mu hiim ah oo waxatar wayn u leh dada weba xuuma ………………..

  3. cabdi cabdillahi yonis says:

    asc macalin maxamed ali macalin waxaad tahay macalin ilaahay barakeeyey oo aqoontiisa ilaa ajuuro ilaahay dariis noogu huro macalin waad ku mahad san tahay sida wanaagsan ee macluumadka wanaagsan noogu shubto websiteka macalin waxaan ilaahay kaaaga baryayaaa in uu kaa abaalmariyo aqoontaa ilaahay dartii aad noogu caawisay ilaa iyo immika waxaan kaa faaidney wax badan oo jamacadna aan lagu dhigan thanks my teacher maxamed cali allah merciy u……………………

  4. mukhtar says:

    Walaal
    Jazakallaah kheyral jazaa,nal baad noo daartay

  5. khadar says:

    Saxiib sida websit-ka loo xidho waxaa ugu bedeshan Video aan ka tix raaco idiinkoo raaliya

  6. Ahmed says:

    Walaal aad baad u Mahadsantahay waan kaa Faa,iidaysanay Maclin ayaana tahay qaabka aad u sharaxday sxb.

    Mahadsanid.

  7. cali xajar says:

    asc aad ayaad ugu mahadsantihiin macalin casharada aad halkan ka soo gubinaysid waxanan ku leeyahay jasaka llah lkn waxaan kaa codsan lahaa inaad video laga tix raco aad nooga dhigtaan fadlan si aan uga tix raacno casharkan

  8. Asc, Injineer Maxamed Cali waxaan joogaa Muqdisho, aad baad ugu mahadsan tahay qoraalkan cilmiyeysan ee aan waxba laga hagran dadka, hadii ay Somali amaal leedahay gaar ahaan ardayda IT-ga barata sideyda oo kale adigey Taallo kuu dhisayaan lkn aniga qalbigeyga TAALLO ayaan kaaga dhisay.

    Ilaahay haku Jazeeyo jannadana haneysku keyn tuso.

  9. coladcade says:

    A.c
    waa salamantihiin macalinka iyo dhmaan ardayda.

    tan xigata wa laxadi karaa qoraal webka 1sec aya lagu xadi kara,
    waxana loo copy garna internte explore cadiga,
    waxana jira version qaar oo leh word office ah sasa ku xadeysa.

Qor Jawaabtaada