Sida Website ku dhisan WordPress Looga Sameeyo Backup (Koobi dhammaan faylasha)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, July 16, 2013 | 3 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida koobi (Backup) looga sameeyo gebi ahaan Website ku dhisan WordPress, islamarkaasna jadwal loogu samayn lahaa waqtiga koobiga oo noqon kara Saacad kasta, Toddobaadkiiba mar ama Bishiiba mar, waxaana koobiga lagu kaydinayaa DropBox.

Soo koobid – WordPress si looga sameeyo Backup:

  • Akoon faylasha lagu kaydiyo ka samayso websiteka DropBox.com 
  • WordPress ku rakib kalkaaliyaha BackWPup
  • Isku xiriiri WordPress iyo DropBox adigoo adeegsanaya BackWPup

Habraaca arrintaas loo maro oo faahfaahsan waxaan kaga bogan doonaa casharkan.

backwpup

Muhiimadda ay leedahay in “Backup” laga sameeyo WordPress

Marka hore waxaad is weydiisaa su’aalahan: Sidee dareemi lahayd haddii ay tirtirmaan gebi ahaan macluumaadka iyo faylasha kuugu jira website-ka ee aad ku bixisay waqti, muruq, maskax iyo maal? Sidoo kale ka warran haddii marti-geliyaha Website-ku uu hawada ka baxo ama shuftada-internetku ay burburiyaan website-ka ama kharbudaad ku sameeyaan faylasha?

Ka warran haddii akhristayaasha website-kaagu kusoo baraarugaan website-ka oo ah gelgelin cad? Sidee dareemi lahayd haddii taasi dhacdo adigoo aan wax koobi ah (Backup) ka haysan macluumaadka kuugu jirey website-ka?

Arrimahaasi waa kuwo dhici kara, ayadoo dad farabadan ay dhayalsadaan oo aysan koobi dhamaystiran (BackUp) ka samayn website-ka, haddii arrintaasi ku dhacdona ay kusoo baraarugaan goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Haddaba si taas uga hor tagtid waxaa muhiim ah in aad koobi dhamaystiran ka samaysid faylsha, xogta (Database) iyo gebi ahaanba macluumaadka ku xeraysan website-ka. Islamarkaasna aad nuqulka (koobiga) ku kaydsatid meel ammaan ah si haddii website-ku kaa burburo aad koobiga u adeegsatid.

Casharkan ayaan ku baran doonaa sida koobi buuxa looga sameeyo website ku dhisan WordPress, waxaana gaar ahaan adeegsan doonaa barnaamij lagu magacaabo BackWPup, islamarkaas waxaan macluumaadka ku kaydin doonaa akoon aan ka samaysanay DropBox oo lacag la’aan ah.

Website ku dhisan WordPress oo laga samaynayo Backup

Tallaabooyinka hoose ayaan qaadi doonaa si aan Backup uga samayno website-ka.

1. Akoon Lacag la’aan ah ka samayso DropBox

dropbox1Koobi ama Backup si aan uga samayno website ku dhisan WordPress, waxaa marka hore muhiim ah in aan diyaarino meeshii aan ku xerayn lahayn, kuna kaydin lahayn macluumaadka. Waxaan adeegsan doonaa DropBox.com  (FG: DropBox waxaa laga samaysan karaa akoon lacag la’aan ah iyo mid lacag ah, waxaan adeegsan doonaa kan lacag la’aanta ah.)

Haddaba akoon lacag la’aan ah ka samayso DropBox, waxaana akoonka lacag la’aanta ah uu qaadi karaa 2GB (oo kayd ah – online storage). Haddii asxaabtaada aad ku casumtid DropBox si ay akoon uga saymastaan, qofkii aqbala casumaada oo akoon ka furta waxaa adiga kaydka laguu siyaadinayaa 500MB. Waa tan casumaadaydii: http://db.tt/KmiNFodE . Haddiise mustaqbalka aad u baahatid mug intaas ka badan waxaad ka iibsan kartaa DropBox adigoo bixinaya khidmad.

FG: Barnaamijka DropBox waxaa lagu rakibi karaa Computerka si markaas wixii kuugu kadsanaa DropBox uu nuqul ahaan ugu xawilmo Computerkaaga, sidaasna uu kaydkii kuugu jiro laba meelood (Computerka iyo Dropbox.com), sidaa daraadeed marka aad akoon ka samaysatid DropBox, ha ilaawin in aad DropBox kusoo rogatid (Dowload) kuna rakibtid Computer-ka.

2. WordPress ku rakib barnaamijka BackWPup

Tallaabada xigta waa in WordPress ku rakibtid barnaamij kalkaaliye ah oo lagu magacaabo BackWPup, barnaamijkaas oo isku xiriirinaya WordPress iyo Dropbox, islamarkaasna laga agaasimayo waqtiyada jadwalka la doonayo in koobigu samaysmo. Haddaba, marka hore waxaad gashaa (login) qaybta laga maamulo WordPress-ka ee Dashboard, kaddib raac habkan:

  • (A) – Qaybta Plugins, riix “Add New
  • (B) – Kaddib barta “Search” ku qor BackWPup
  • (C) – Riix batoonka “Search Plugins

backwpup2

  • (D) – Markaas barta “BackWPup – WordPress Backup Plugin“, riix linkiga Install Now.

backwpup3

  • (E) – Riix batoonka OK.

backwpup4

  • (F) – Riix linkiga Activate Plugin.

backwpup5

  • (G) – Waxaa markaas diyaar kuu ah barnaamijka BackWPup oo ku rakiban WordPress. Waxaadna arki doontaa linkiga BackWPup oo ka muuqanaya shaashadda WordPress dhankeeda sare iyo dhankeeda bidix.  (FG: Waxaan adeegsadey waa qaybta lacag la’aanta ah ee BackWPup.)

backwpup06

  • (H) – Markaas qaybta BackWPup, riix linkiga “Add New Job“.

backwpup7

Waxaa markaas soo bixi doonaa shaashadda laga agaasimayo barnaamijka BackWPup, taas oo ka kooban dhawr qaybood oo aan mid kasta hoos ugu sharxi doono.

(I) – GENERAL:

Qaybtan (General) waxa keliya oo wax laga bedelayaa waa labada qaybood oo ah Job Name iyo Job Destination.

  • Job Name: Waxaad halkaas ku qori kartaa magac ka tarjumaya ama la xiriira koobiga aad ka samaynaysid website-ka. Tusaale ahaan waxaan bartaas ku qoray “Kaydka Dhamaystiran” ama “Koobi Dhamaystiran” maadaama aan koobi ka samaynayo dhammaan faylasha iyo xogta ku jirta website-ka.
  • Job Destination: Waxaad halkaas ka calaamadisaa barta “Backup to Dropbox“, waayo waxaan macluumaadka ku kaydin doonaa DropBox.
  • Markaas guji batoonka “Save Changes“.

backwpup8

backwpup09

(J) – SCHEDULE:

Qaybtan (Schedule) waa meesha laga dooranayo jadwalka ama waqti la doonayo in koobiga la sameeyo. Si taas loo sameeyo calaamadi barta “with WordPress cron” waxaa dhanka hoose ee shaashadda ka muuanaya qaybta laga dooranayo waqtiga jadwalka. Halkaas ka dooro waqti aan website-ka dad badani soo gelin. Waxaan doortay toddobaadkiiba mar, saacadda 3-da saqda dhexe ee maalin kasta oo Axad ah. Kaddib ha ilaawin in aad riixdid “Save Changes“.

  • FG: Jadwalka marka la agaasimo waxa koobigu iskiis isu samaynayaa waqtiga jadwalkaas, haddii jadwalku ahaa toddobaadle waxaa backup-ku samaysmayaa toddobaad kasta, sidaasna waxaad ku haysan doontaa koobiga website-ka oo dhamaystiran ee toddobaad kasta.

backwpup12

(K) – DB BACKUP:

Qaybtan (DB Backup) waa meesha laga xaqiijinayo “xogta” (Database) laga samaynayo koobiga. Sidaas daraadeed xaqiiji in ay calaamadsan yihiin dhammaan qaybaha xogta sida ka muuqata sawirka hoose, haddii aysan calaamadsanayn riix batoonka “ALL“, islamarkaas ha ilawin in aad riixdid “Save Changes“.

backwpup14

(L) – FILES:

Qaybtan (Files) waxaa laga maareeyaa faylasha laga reebo koobiga (Exclude). Markaas haddii ay jiraan faylal aad doonaysid in aysan ka mid noqon koobiga halkaas ayaad ka calaamadin kartaa. Ha ilaawin in aad riixdid “Save Changes”.

backwpup15

(M) – PLUGINS:

Qaybtan (Plugins) sideeda u dhaaf. (Waxay muujinaysaa fayl ay ku qormi doonaan liiska dhammaan kalkaaliyaasha (Plugins) ku rakiban website-kaaga.)

backwpup16

(N) – TO: DROPBOX:

Qaybtan (To Dropbox) waa meesha WordPress lagaga xiriirinayo akoonka aad ku leedahay “DropBox” ee lagu kaydinayo koobiga website-ka. Haddaba si taas loo sameeyo marka hore waxaad gashaa akoonkaaga DropBox. Kaddib riix barta “Authenticate (Full Dropbox)“.

backwpup17

  • Marka aad riixdid “Authenticate (Full Dropbox)” kaddib shaashadda soo baxda riix batoonka “Allow“.

backwpup18

Marka aad riixdid “Allow” waxaad ku soo laaban doontaa shaashaddii hore ee BackWPup, sida ka muuqata sawirka hoose. Shaashaddaas dhankeeda hoose waxaad ku qori kartaa magac aad u bixineysid khaanadda (ama folder-ka) ka samaysmaya gudaha Dropbox ee lagu kaydin doono koobiga website-ka. Ha ilaawin in aad riixdid “Save Changes“.

  • FG: Meesha ay shaashadda kaga qoran tahay “File Deletion” waxay muujinaysaa inta koobi ee la kaydin doono. Tusaale ahaan haddii Toddoobaad kasta la samaynayo koobi, oo halkaas lagu qoro 5, macnaheedu waxaa in la kaydinayaa koobiyada shantii toddobaad ee ugu dambeeyey, wixii ka horeeyeyna waa masaxmayaan. Muhiimadda arrintaasi leedahay waa in haddii koobiyada ugu dambeeyey ay xumaadaan in loo baxsado koobiyadii hore.
  • Waxaana muhiim ah in markasta ay khaanada DropBox ku jiri doonaan koobiyadii ugu dambeeyey ee website-ka laga sameeyey. Koobyadaas oo ayagu isa samaynaya waqtiga lagu agaasimay jadwalka.

backwpup19

3. Hubin in Koobigu Shaqaynayo

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in aad WordPress ku rakibtay BackWPup, islamarkaasna ku xiriirisay DropBox.

Haddaba si aad u ogaatid in wax kasta u shaqaynayaan sidii loogu talo galay:

  • Guji linkiga “Jobs” ee ku hoos qoran BackWPup ee dhanka bidix (ama dhanka sare) ee shaashadda WordPress.
  • Riix linkiga “Run now” – Waxay taasi kuu muuqan doontaa marka aad hagaha (mouse-ka) ku dhaweysid barta uu ku qoran yahay magaca “Koobi Dhamaystiran

backwpup20

  • Waxaad markaas arki doontaa shaashad la mid ah sawirka hoose oo muujinaysa in koobiga uu si wanaagsan u samaysmay.

backwpup21

  • Haddii khalad kuu soo baxo, riix batoonka “Display working log” si aad u aragtid khaladkaasi meesha uu ka dhacay.

backwpup23

3. Hubi Khaanadda DropBox

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad hubisaa in akoonka DropBox ay ka dhex muuqato khaanad (folder)  faylasha koobiga ah ay ku kaydsameen.

  • FG: Haddii wax kasta sidii loogu talo galay ay u shaqeeyeen waxaa akoonka DropBox ku samaysmi doona khaanad (folder) ay ku jiraan dhammaan faylasha website ee backup-ka laag sameeyey.

backwpup24

Halkaas waxaan kusoo baranay sida Website ku dhisan WordPress looga sameeyo backup ayadoo la adeegsanayo BackWPup iyo DropBox. Koobiga laga sameeyo faylasha iyo xogta WordPress waxay kuu noqon doonaa kayd, taas oo haddii ay dhacdo in websiteku burburo aad kaydka adeegsan doontid si websitekii loogu soo celiyo sidii uu ahaa burburka ka hor.

Ha dhayalsan in aad koobi ka samaysatid dhammaan faylasha iyo xogta website-ka. Arrintaasi waa muhiim. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad koobiyada ku xafidid dhawr meelood si haddii mid kaa xumaado aad u adeegsatid koobiyada kale.

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal).
https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Tixraac:

http://db.tt/KmiNFodE

http://wordpress.org/plugins/backwpup/

https://www.dropbox.com/help/363/en

http://www.howtogeek.com/129393/6-ways-to-secure-your-dropbox-account/

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

3 Jawaabood

  1. Maxamed Xassan says:

    Ilaah khayr ha ku siiyo, wali ma arag aqoon yahan soomaaliyeed oo kaa deeqsisan, kaana khayr badan. Inta wakhti iyo maal kaaga baxay cilmigan aad nala wadaagtay ilaah miisaanka xasanaadka ha kuu saaro.

    Caawa laba arimood oo muhiim ah ayaan faa’iiday oon labadaba ku sameeyay webkyaga, waana Backup iyo Wp copy proteck, waxaana fili in aan arimo kale ka faa’iido webkan.

    Mar labaad Jazaakallaah.

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal mahadsanid, waana ku faraxsanahay in aad casharo ama cilmi ka faa’iidey qoraalada aan daabacay, taas ayaa farxad weyn ii ah, mahadsanid.

  2. Asc

    Bacdal Salaam Al-ustaad Mohamed Ali, ilaahay hakaa abaal mariyo kordhinta garaadka dhallinyarada Soomaaliyeed, aniga iska daaye maalin walbo ardayda aan u sheego aqoonkaal.com waa kuu soo doceeyaan, ilaahay jannadii firdowsa ha inagu kulmiyo

    Jazaaaka Allah Kheyr

Jawaab u qor Maxamed Xassan