Sida Codka Looga Dhexduubo Computerka ama Website, looguna Diro Email. Q.2aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, April 18, 2011 | 13 Jawaabood

« | »

Casharkan oo daba socda Casharkii Audacity sida loo duubo codka, waxa uu ku saabsan yahay gaar ahaan sida codka looga duubo computerka dhexdiisa ama looga duubo website.

Waxa kale oo aan casharkan ku baran doonaa sida codkii la duubay loogu diri lahaa email.

FG: Emailadu inta badan ma xambaari karaan cod aad u baaxad weyn, taas ku baraarugsanay.

FG. Waxaa muhiim ah inaad marka hore daawatid Halkan ka daawatid casharkii hore ee cod duubista (waa haddii aadan hore u daawan).

Video-ga hoos ka daawo:

Macluumaad La Xiriira Casharka

Si aad usoo diyaarisid shaashadda laga hago “Stereo Mix” oo suurtagelinaya in cod laga duubo Computerka dhexdiisa (Recording) ama website laga duubo, raac habkan hoose:

Windows 7 iyo Vista:

Guji: Start > Control Panel > Hardware and Sound > Sound

Windows XP:

Guji: Start > (Settings) > Control Panel > Sounds, Speech and Audio Devices > Sounds and Audio devices.

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

13 Jawaabood

  1. asalamu calaykum warax matulahi wabakatu
    salan kadib sxb wa aniga iyo su aalahaygii badna e markan dubay codku waxu so baxaya isaga o hawo qali ah oo an cod cadi ah lahayn ee hawo uun ah marka maxan sameya

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal codka kuu soo bixi waayey ma kan aad duubaysid baa mase Video-yada codkooda?

  2. waxaan na isticmalaya windows XP professional
    wad mahad santahay maxamed cali sxb jawaba fican ee ad iso dirtay ok

  3. Abdikarin Mire Hassan gacal says:

    waxaan ka codsanaa dhamaan wadayaasha barnamishka waxbarashada kasocdo aad iyo aad ayaan uso dhaweynaa waxaan niiga codsanaa sidaa aad ku xusten hadii aad is leedihin imail maqadayo waxaan codsanaa in laygu wareejin karo gmail ka… ….

    • Maxamed Cali says:

      Walaal arrinta aan xusnay ee emailku qaadi karayn waa haddii la isku dayo in cod baaxadweyn lagu diro email ee kama hadlayn cashada AqoonKaal. Mahadsanid

  4. asc . wa cod kii an dubay ayaan donay inan dib udhagaysto markiba sidi tijabada ahayn marka waxa ka baxaya wa hawo uun iyo shuuq laakin cod ma jiro

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal magarafoonk ama dallacday, computerkana magarafoon maku xiriirsan yahay, hubi taas marka hore. Codku in uu duubmayo waxaad ku garanaysaa in HIRARKA iyo HIRBAACOODU kuu muuqanayaan marka aad hadlaysid.

      Tan kale haddii aad u bedeshey in uu codka ka duubo computerka, oo aad dooneysid kaddib in aad magarafoon kadduubtid waa in aad xaqiijisid in aad bedeshey meesha sare ee codka ee magaroonku sawiranyahay ee barnaamijka Audacity.

      Waxaan rajaynayaa in jawaabtaasi ku caawinto.

  5. yassin jamac says:

    asc. waad ku mahadsantahay walal sida furfuran ee aad nooga cawineyso cilmigan mahadsanid.aniga walal su aasha aan qabo ayaa ah waxan is ku dhibanahay audacity waxan is ticmalaa window 10 marka aan rakibo waxam is ticmalaa sidoo kale dhago waxan rabaa in aan duubo codkeyda marka aan is itaa duub ma arkayo hirarka marka halke ciladaa ka jirtaa

  6. galbeed says:

    maashaa allaaah macalin ilaah hakaa abaal mariyo miisaankaada xasanaadkana hakuugu badiyo wax barashada bilaashaka ah ee aad noogu deeqday iyo waqtigaada qaaliga ah ee aad noo hurtay waadna mahadsantahay

  7. hamda maxamed says:

    s/c walal markaan is idhaahdo audacity cod ku duub ,marka hore iima shaqaynaayo input or recording maxay tahay ciladu walal

    • Maxamed Cali says:

      Walaal halkee ayuu kaaga istaagayaa oo uu san dhaafi karayn? Fadlan marka hore hubi in aad barnaamijka si sax ah ugurakibtay computerka.

  8. saciid says:

    asc walaal aad ayaan kaaga mahad celinayaa aqoon kaalmeenta aad u sameenayso umada somaliyed oo aad uga faaidenayso afkoda hooyo. intaasi kadib suaasha an rabo inaan ku waydiyo waxee tahay sidee aan hal mar u nadiifin kara ama shoocaaca ama aaryada ama u nadiifin karaa files badan oo gaaraya ilaa 500 mp3 ah halmar yacni ma jiraaa barnaamij ii suuragalin kara inaan halmar folderka inta furo fileska soo copy gareeyo oo uu ii calameeyo inta shoocaaca ama aaryada uga jirto oo aan halmar ka tiro kadibna uu ii save gareeyo 500kii mp3 files ayago wata magacyadii ay hore u lahayen oo mid walba goonidiisi uu igu savegareeyo folderkii hore amaba mid cusub??????? isla markana codkodi nadiif uu ii yahay, jawaab ku haboon ayaan ka sugaya mahadsanid wsc

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Audacity hawshaas waxaan qiyaasayaa in ay qaban karto, shucaacana ay codka ka saari karto (Effect / Noise Removal….) markaaad adeegsatidna aad codkii shucaaca ka saareysid

Jawaab u qor Abdikarin Mire Hassan gacal