Amazon KDP oo Joojinaya Daabacaadda Buugaagta Ku Qoran Af-Soomaaliga

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, October 6, 2018 | 6 Jawaabood

« | »

Ka qayb Qaado Sidii Amazon Loogu Qancin lahaa in uu Daabaco Buugaagta Ku Qoran Af-Soomaaliga

Amazon ayaa shaaciyey in qaybta buugaagta lagu daabaco ee CreateSpace loo rarayo adeeg cusub oo ah KDP (Kindle Direct Publishing), ayadoo meesha laga saari doono CreateSpace, wixii hadda ka dambeeyana buugaagta lagu daabacan karo KDP.

Arrintaasi waxay samayn weyn ku yeelan doontaa buugaag ku qoran luqado ay ka mid yihiin Af-Soomaaliga. Waayo, adeegga cusub ee Amazon KDP ma aqabali doono in lagu daabaco buugaag cusub oo ku qoran luqadda Soomaaliga.

Sidoo kale, buugaagtii Af-Soomaaliga ku qornaa ee hore loogu daabacay CreateSpace, marka loo raro KDP, waxba lagama bedeli karo ama saxid laguma samayn karo, buugaag cusub oo Af-Soomaali ku qorana laguma daabacan karo KDP.

Adeeggii hore ee CreateSpace si wanaagsan ayuu u aqbali jirey buugaagta ku qoran far-Soomaaliga, laakiin adeegga cusub ee KDP ma aqbalayo (hadda oo aan qoraalkan qorayey October 2018).

Goorma ayaan ogaadey arrintaas

Waxaan ku baraarugey in Amazon KDP aanu daabacayn buugaagta ku qoran Af-Soomaaliga kaddib markii buug-yare aan hore ugu daabacay CreateSpace aan u raray KDP-Print. Waxaa halkaas iiga soo baxay in aanan buugga waxba ka badeli karin, sidoo kalena in wixii hadda ka dambeeya aan KDP lagu ku daabaci karin buugaag cusub oo ku qoran Af-Soomaali.

Waxaan durbadiiba la xiriiray Amazon KDP, waxay iigu soo jawaabeen in luuqadda buugga ku qoran aysan ka mid ahayn luqadaha lagu akhrin karo Kindle, sidaas daraadeed aysan u aqbalayn in adeegooda KDP lagu daabaco, islamarkaasna buug luqadaas ku qoran aan lagu iibin karin adeegaas cusub ee Amazon. Waxayna intaas raaciyeen in luqadaha ay aqbalaan laga dheehan karo linkigan: https://kdp.amazon.com/en_US/help/topic/G200673300  (Af-Soomaaligu kuma jiro luqadahaas).

Waxaan u diray email kale oo aan ku xasuusinayo in buugga ay hadda diidan yihiin uu yahay sheeko carruureed ku qoran far-Soomaali, kaas oo aan hore ugu daabacay CreateSpace oo isla Amazon ah. Waxay iigu soo jawaabeen in ay ku adkay-sanayaan go’aankii hore ee ahaa in aysan daabacayn buugaag ku qoran luqad uusan aqbalayn Kindle.

Arrintaasi cajiib ayey ila noqotay, waayo luqadda Soomaaliga waxaaa lagu akhrin karaa shaashadda Kindle. Sidaas daraadeed mar saddexaad ayaan la xiriiray Amazon, anigoo u qoray email aan ku faahfaahiyey qodobbo ay ka mid yihiin arrimahan:

1. In luqadda Afka Soomaaligu ay ku qoran tahay xarfaha ku salaysan alfabeetada Latin-ka ee asaasiga ah oo aan loo baahnayn xarfo khaas ah. Sidaas daraadeedna lagu akhrin karo nooc kasta oo kamid ah aaladaha computerada iyo barnaamijyada telefoonada gacanta ee loo adeegsado akhriska.

2. In luqadaha uu Amazon KDP ogol yahay ay ka mid yihiin kuwo ku salaysan alfabeetada Latin-ka. Sidaas daraadeedna aan loo baahnayn barnaamijyo khaas ah oo lagu qoro Af-Soomaaliga, oo markaas si xarrago ah loogu daalacan karo Kindle. (Marka ma muuqato sabab loo aqbali waayo Af-Soomaaliga).

3. In luqadda Soomaaligu ay ka mid ahayn 184 luqadood oo markii hore uu aqbalayey CreateSpace oo ahaa adeegii hore ee Amazon ee buugaagta lagu daabacan jirey. Laakiin nasiib darro aysan luqadda Soomaaligu ka mid ahayn 40-ka luqadood ee uu hadda aqbalayo Amazon KDP oo ah adeegga cusub.

4. In Amazon uu hore u ballan qaaday in adeegga cusub ee KDP uu noqon doono mid u dhigma adeegii hore ee CreateSpace. Waxaana Amazon hore u sheegay in farsamada la adeegsanayo, aaladda, madbacadaha, iyo shaqaalaha adeegga cusub ay yihiin kuwii hore. Sidaas daraadeed ma jiraan hab farsamo oo xannibaya in Af-Soomaaliga la daabaco, maadaama hore loogu daabaci jirey CreateSpace.

5. In farsamo ahaan marka la daabaco buug caadi ah (oo ku daabacaan waraaqo) aanba loo baahnayn in lagu akhriyo Kindle. Waayo, waxaa qoraalkii buugga loo rogaa fayl ah PDF, kaas oo lagu lifaaqo farta qoraalka loo xushay, markaasna faylka oo diyaarsan lagu daabaco KDP si loogu rogo buug. (Waxaa loo baahan karaa Kindle marka buugga laga dhigayo eBook—haddii xitaa sidaas laga dhigo far-Soomaaliga waa lagu akhrin karaa Kindle).

6. In ay tahay qorshe-ganacsi oo u wanaagsan Amazon haddii adeegga cusub KDP uu la mid noqdo ama ka fiicnaado adeeggii hore ee CreateSpace—taas oo ay ka mid yihiin luqadaha ay aqbalaan, si markaas aysan macaamiisha rigliga ah ee ah qorayaasha buugaagtu aysan u raadsan madbacado ka baxsan Amazon.

Intaas markaan u qoray, waxaa Amazon iigu soo jawaabey hadal kii hore ka debecsan, oo macnahiisu ahaa: Jaaliyadda Kindle si degdeg ah ayey u ballaaraneysaa, waxaana hadda ka shaqayneynaa sidii aan bilaha soo socda u aqbali lahayn luqado badan.

Jawaabtaas waxaan ka dareemay in Amazon uu aqbalayo buugaagta ku qoran luuqadaha ay dadkoodu usoo jeedaan ee indhuhu u furan yihiin. Arrintaas weeye ujeedada aan qoraalkan u qoray, si markaas qof kasta oo Soomaaliyeed ee wax qora uu Amazon ula xiriiro, si loogu muujiyo in luqadda Somaaligu ay leedahay dad wax akhriya, waxna qora.

Maadaama Amazon, qaybtiisa buugaagta daabacda, ay ka mid tahay adeegyada ugu muhiimsan ee ka qayb qaadan kara cilmiga ku qoran luqadda Soomaaliga, waxaa muhiim in shacabka Soomaaliyeed ay Amazon ku qanciyaan sidii luqadda Af-Soomaaliga loogu dari lahaa luqadaha uu aqbalo KDP.

Waxaana muhiim ah in Amazon si cilmiyaysan loogu qanciyo:

  • In Far-Soomaaliga loo adeegsado dhammaan alifbeetada af-Ingiriisiga oo laga reebay p, v, iyo z. Sidaas daraadeedna waxaa af-Soomaaliga lagu akhrin karaa aalad kasta oo lagu akhrin karo luqadda Ingiriisiga.

Amazon waa shirkad ganacsi, sidaa daraadeed haddii ay arkaan xiriir badan oo lagala hadlayo luqadda Afka Soomaaliga, waxaa suurto gal ah ay in aqbalaan codsiga ka imanaya bulshada Soomaaliyeed, oo ay adeegooda KDP u ogolaadaan in lagu daabaco buugaagta ku qoran Af-Soomaaliga.

Arrintaas marka aan ku guulaysano, Insha Allah, oo KDP ay aqbalaan luqadda Soomaaliga, tallaabada xigta waa in qorayaasha Soomaaliyeed ay ku dadaalaan sidii ay u qori lahaayeen buugaag ku qoran af-Soomaali oo cilmi laga faa’iido, laga kasbado waayo-aragnimo, oo noqda dhaxal gal.

Waxaana Amazon toos loogala xiriiri karaa aaladaha bulshada sida:

Qore: Maxamed Cali (@aqoonkaal)
www.Aqoonkaal.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

6 Jawaabood

  1. saacid osman says:

    ustad waad mahadsan tahay mar aan eegay cadeymaha aad hor shegtay
    shirkada waxaan inoo rajeynayaa in ay aqbale doonaan

  2. Kalidul says:

    Mahadsanid walaal in badan

  3. Abu Galoeri says:

    Mahadsanid Ustaad Moxamed

  4. Abdinoor Hersi says:

    Walaale ku mahadsanid xilka aad sida gaarka ah isaga saartay luuqaddeena.

  5. Ahmed Sh. A. Dahir says:

    Mohamed Ali
    AsAlaama Calaykum
    Adeer
    Waad Mahadsan tahay. Sidaa ayaa haboon iRux kastaa Wax bartay inuu Isaga isu Xilsaaro waxa uu arko . Hadda, waxaad gaarsiisay Amazon in ay ka fikiraan in Luuqadda Af Soomaaliga lagu Dari karo Afartan ka Luuqadood oo horey u ogolaadeen.

    WXaan rajaynayaa in Aqoon yahanada Soomaaliyeed meel kastaa ay ku nool yihiin ay dadaalka Mohamed Ali vacancy ka siiyaa sidii Luuqada Soomaaliga loogu Dari lahaa.
    Mahadsanidiin

Qor Jawaabtaada