Afeef

Qodobbada Shuruudda u ah adeegsiga Website-kan

Fadlan si taxadar leh u akhri dhammaan qodobbada qoraalkan

Kusoo dhawaada www.AqoonKaal.com (AqoonKaal LLC).

Fadlan si taxadar leh u ah akhri qoraalka hoose oo ah Qaab-adeegsiga website-kan (Terms of Use), si aad ugu baraarugsanaatid (“Adiga”) waxyaabaha aad sharci ahaan xuquuqda u leedahay (Legal Rights) iyo masuuliyadaada ee la xiriirta AqoonKaal LLC (Limited Liability Company) iyo linkiyada ku xiriirsan iyo guud ahaan xogta iyo macluumaadka uu website-kan ku faafiyo AqoonKaal LLC (“Annaga”). Kani waa qoraal AFEEF ah (Disclaimer).

Waxaan qodobada qormadaan wax ka bedeli karnaa markii aan doono. Sidaas daraadeed fadlan markasta hubi in qormadan wax iska bedeleen. Adeegsigaaga website-kan waxa uu markhaanti u yahay ama macnaheedu yahay in aad aqbashay qodobada uu xambaarsan yahay qoraalkan Afeefta ah.

1. Aqbalaadaada Qodobaddan

Adeegsiga website-kaan, oo aad booqatid qaybahiisa kala duwan iyo qoraalada ku qoran, waxay markhaanti u tahay inaad aqbashay (1) qodobadan adeegsiga website-kan, iyo (2) in aad aqbashay qodobada ku qeexan qaybta “Privacy”. Haddii aadan aqbalin Qodobadan iyo qodobada ku xusan qaybta Privacy, markaas fadlan ha adeegsan website-kan iyo akhbaarta ama xogta ku qoran midkoodna.

2. Adeegyada Website-kan

Website-kan AqoonKaal waxaa lagu daabacaa macluumaad la xiriira “Cilmiga Computer-ka” oo ku qoran AfSoomaali.Waa macluumaad ku salaysan aqoon korosi iyo barid cilmiga casriga ah ee Computer-ka iyo Internet-ka. Adeegsiga macluumaadkaas waxaa saldhig u ah aqbalaadaada heshiiska ku qoran qodobada uu qoraalkani xambaarsan yahay.

Waxaa shardi ah in aad tahay qof qaan-gaar ah xagga sharciga, awoodna u leh in uu isagu go’aan ka gaaro adeegsiga macluumaadka ku qoran AqoonKaal.

3. Adeegsiga Website-kan

AqoonKaal waxa uu halkan kuugu ogolaanayaa in aad adeegsatid website-kan, haddii aad fulisid shuruudahan: (i) In aad koobi ka samaysanayn ama sii faafinayn ama wax ka bedelelayn qoraalada ku qoran website haddii aadan qoraal cad oo arrimahaas kuu ogolaanaya aadan ka haysan AqoonKaal; (ii) In aadan diray emailo aan cidna ku weydiisan oo ah spam; (iii) In aadan u adeegsanayn barnaamijyo xambaara Virus-ka ama xeerarka burburiya computerada, iwm; (iv) in aadan dhaawac gaarsiinayn serverada uu ku xiriirsan yahay website-ku; iyo (v) in aad Aqbashid Qodobadan Adeegsiga Website-ka.

Waxaa jira qaybo ka mid ah AqoonKaal oo loo samaysan karo fure-gaar ah “Account”, sida qaybta “AqoonKaal ku Rukumo Email,” iwm. Waxaa shardi ah in qaybahaas aad ka samaysatid “Account” kuu gaar ah. Waxaana shardi ah in aadan adeegsan “Account” qof kale samaystay. Marka aaq qaybahaas ka samaysaneysid “Account” waxaa shardi ah in aad ku samaysatid akhbaar sax ah oo dhamaystiran. Addiga ayaana masuul ka ah wax kasta oo la xiriira “Account” aad samaysatay, waana in aad “Account” u samaysataa quful adag (password ammaan ah). Waxaa shardi ah in aad AqoonKaal u soo sheegtid haddii cid aan adiga ahayni ay adeegsato “Account” aad samaysatay ama lagaa jabsado. Adiga ayaa leh masuuliyadda “Account-tigaaga” iyo wixii khasaare ka yimaada. AqoonKaal masuul kama aha wax kasta oo khasaare ka yimaada “Account-tigaaga.”

Waxaad aqbashay in aadan AqoonKaal u adeegsan in aad faafisid barnaamijyaada sida joogtada u waxyeeleeya Internetka ee loo yaqaan xuub-caaro “spiders” ama “robots” kuwaas oo curyaamiya hab socodka serverada. Waxaad aqbashay in aad website-kan ka urursan akhbaaraha khaaska ah sida magacyada email-ada dadka kale adigoo adeegsanaya aalaadahaas loo yaqaan xuub-caaro. Waxaad aqbashay in aadan haba yaraatee emailkada iyo “Akoonada” dadka kale ee ku qoran website-kan aadan u adeegsan hab ganacsi in aad ula xiriirtid ayagoo aan ku weydiisan xiriirkaas.

AqoonKaal waxa uu xaq u leeyahay in uu masaxo “Accont-tigaaga”, kaana joojiyo adeegsiga website-kan, si degdeg ah, sabab iyo sabab la’aan.

4. Xuquuq Maskaxeedka (Intellectuale Property)

Macluumaadka ku soo baxa website-ka, sida qoraallada, akhbaarta, sawirada, video-yada iwm, waxaa leh AqoonKaal. Waxayna qoraalladaas iyo akhbaarta ku qoran website-kan waxay kugu soo gaareen “SIDA AY YIHIIN” si aad ugu adeegsatid adiga oo qura (qof ahaan). Laakiin kuuma bannaana in aad sii faafisid, ama sii daabacdid, kuuma bannaana in aad si kale u sii qortid ama magacaaga ku qoratid oo adigu sheegatid ama aad ku sii faafisid TV iwm, adiga oo aan qoraal sidaas caddaynaya ka haysan AqoonKaal. Xuquuqda macluumaadka website-kan waxay u xafidan yihiin AqoonKaal.

Casharrada ku soo baxa AqoonKaal waa casharo loogu talo galay aqoon kororsi. Waxaana dhici karta in video ama sawirro laga qaado barnaamijyada ay ku saabsan yihiin casharada. Waxaana dhici karta in barnaamijyadaasi ay leeyihiin astaan (logo) ama summad shirkadeed (trademark) ee shirkadihii sameeyey barnaamijyadaas – Waxaa summadahaa iyo astaamahaas xuquuqdooda leh shirkadaha summaddu muujinayso, ayaga ayaana xuquuqda mulkiyaddu u xafidan tahay.

Website-kan waxa uu leeyahay qaybo ay akhristaashu si toos ah jawaabaha ugu qori karaan ama akhbaar ay ku soo diri karaan. Haddaba AqoonKaal in kasta oo ay sida ugu maqluulsan oo bini-aadamku awoodu ugu dadaaleyso in ay kala hufto jawaabahaas, haddana AqoonKaal masuul kama aha saxnimada jawaabaha akhristayaasha, waa fikir khaas u ah akhristayaasha. Qofka soo diraya jawaabta ama qoraalka ayaa laga doonayaa in uu qaado masuuliyadda in uu hubiyo saxnimada qoraalka ka hor inta uusan u soo dirin website-kan.

5. Caaddayn (Disclosure)

Waxaan halkan kuugu caddaynaynaa in aan xuquuq u leenahay inaan akhrino, kaydino, ama muujino qoraalkii aan doono ee ay akhristayaashu soo tebiyaan (kuwo daabacan ama kuwo aan la daabicin) – taasi waxay ka qayb qaadanaysaa in laga hortago tuugada internetka (fruad), shuftada internet (spam) iyo qaanuun jebiyayaasha, ayadoo la marayo waxa uu dhigayo qaanuunka iyo sharciga.

Website-kan waxaa dhici karta in ay ku xiriirsan yihiin Linkiyo websiteyo kale oo aysan lahayn ama xakumin AqoonKaal. Websiteyadaas waxa ku qoran shaqo kuma leh AqoonKaal, masuulna kama nihin websiteyadaas kusii xiriirsan. Sidaas daraadeed adiga ayey kugu xiran tahay nooca website-ka aad aad adeegsanaysid ee kusii xiriirsan.

AqoonKaal waxay ku dadaaleysaa xafidadda ammaanka (privacy & safety) ee akhristayaasheeda, qorayaasheeda iyo macluumaadka ku soo baxa. Haddii aad ay jiraan arrin la xiriirta xagga (Privacy & Safety) oo ay tahay in aan ku baraarugno fadan la soo xiriir AqoonKaal emailka: aqoonkaal AT gmail DOT com

6. AFEEF: CAYMIS LA’AAN (WITHOUT WARRANTIES)

HESHIISKAN U DHEXEEYA ADIGA IYO AQOONKAAL, WEBSITE-KAN (OO AY KU JIRAAN MACLUUMAADKA KU QORAN) WAXAAN KUGU SOO GAARSIINAY “SIDA AY YIHIIN”, AYAGOO AAN LAHAYN WAX CAYMIS AH, HABA YARAATEE, NOOCAY DOONTO HA AHAATEE AAN LAHAYN CAYMIS. AQOONKAAL SHAQO KUMA LAHA, MASUULNA KAMA AH AKHBAARTA AY SOO TEBIYAAN AKHRISTAYAASHU. AQOONKAAL IYO HAWL-WADEENADEEDU MASUUL KAMA AHA HABA YARAATEE WAX KASTA OO KA YIMAADA ADEEGSIGA AKHBAARTA KUSOO BAXDA WEBSITE-KA, WAXAYNA KUGU SOO GAARTEY AKHBAARTAASI SIDA AY TAHAY. WAA KA AFEEFANAYNAA DHAMMAAN WIXII KA YIMAADA ADEEGSIGA AKHBAARTA WEBSITE-KA. NALOOMA SHEEGAN KARO QAAN.

7. Xog guud

AqoonKaal waxay xaq u leedahay in ay hakiso ama joojiso ama wax ka bedesho heshiiskan markii ay doonto.

Waxaa qormadan la cusboonaysiiyey: June 27, 2012.

Disclaimer

Although the author of this website and publisher have made every effort to ensure that the information in this website was correct at time of publication, the author and publisher do not assume and hereby disclaim any liability to any party for any loss, damage, or disruption caused by errors or omissions, whether such errors or omissions result from negligence, accident, or any other cause.


Privacy

Privacy Statement for AqoonKaal.com

Note: We may change our privacy policy from time to time, so check for updates.

AqoonKaal.com has created this privacy statement in order to demonstrate our firm commitment to privacy. The following discloses our information gathering and dissemination practices for AqoonKaal.com.

This site contains links to other sites. AqoonKaal.com is not responsible for the privacy practices or the content of such web sites.

Our online survays and forms asks visitors for contact information (like their email addresses). The customer’s contact information is used to contact the visitors when necessary. Users may opt-out receiving future mailings.

Public Forums and Comments Area

AqoonKaal.com makes forums and comments area available to its users/visitors. Please remember that any information that is disclosed in these areas becomes public information and you should exercise caution when deciding to disclose your personal information.

If you have any questions about this privacy statement, the practices of this site, or your dealings with this Web site, you can contact email: aqoonkaal AT gmail DOT com.

Update: July 19, 2013