Sida Loo Isticmaalo Google Drive – iyo Sida Qoraallada Loogu Qoro, Looguna kaydiyo

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, September 4, 2019 | 35 Jawaabood

« | »

Google Drive (oo loo aqoon jirey Google Docs) waa aalad Online ah oo ay leedahay shirkadda Google, waxaana lagu kaydsadaa dukumiintiga, sida qoraallada ay ka mid yihiin Word, Excel, PowerPoint, PDF, sawiro ama faylal noocii la doono.
Google Drive
Wixii lagu kaydiyo Google Drive waxaa laga daalacan karaa meel kasta oo dunida dacalladeeda oo leh khad Internet ah. Taasi oo ah faa’iido weyn, maadaama wixii aad ku kaydsatid Google Drive aysan ku xirnaan doonin hal computer oo keliya, halkaas oo haddii computerku kaa xumaado ay qoraalladii kuugu kaydsan yihiin Google Drive.

Google Drive (oo ah lacag la’aan ilaa 15 GB) waxaa kale oo loo adeegsadaa in lagu qoro, laguna agaasimo noocyada kala duwan ee dukumiintiga sida qoraallada, xisaabaadka iyo bandhigidda qoraallada. (FG: Mugga lacag la’aanta ah ee 15 GB waxaa ku jira waxyaabaha kuugu kaydsan emailka.)

Google Drive waxaa kale oo faa’iidooyinkiisa ka mid ah in dad meelo kala duwan jooga ay qoraal ka wada qayb qaataan, ayadoo qof kasta oo ogolaansho loo siiyey uu dhinaciisa qoraalka wax ka bedelayo ama wax ku daraya. Waxaana la arki karaa qof kasta intii uu qoraalka ku daray ama wax ka bedeley.

Haddii uu khaldamo qoraal waxaa sahlan in dib loogu laabto qoraalku sidii hore u ahaa ka hor intii aan wax laga bedelin.

Haddaba, casharkan waxaan si kooban ugu baran doonaa sida loo adeegsado Google Drive, gaar ahaan sida qoraallada loogu qoro iyo sida faylasha loogu kaydsado.

Adeegsiga Google Drive

Markaas si aad u adeegsatid booqo website-ka Google Drive oo ah https://drive.google.com.

  • Waxa kale oo aad Google Drive ka soo geli kartaa Gmailcom. Marka aad gashid Gmail, riix barta ay ka muuqato calaamadda driveka2 ee dhanka xigta midigta shaashadda (sida ka calaamadsan sawirka hoose), markaas riix batoonka ay ku qoran tahay Drive,
  • ama marka aad Gmailka gashid kaddib booqo websiteka https://drive.google.com.

Waxaa markaas soo bixi doona shaashadda laga maareeyo Google Drive.

Adeegso Google Docs

Qaybtan hoose waxaan ku baran doonaa sida Google Drive loogu qoro qoraallada caadig ah (Document), xisaabaadka (spreadsheet) iyo barnaamijka bandhigidda qoraallada (presentations).

Google Document (Qoraalka)

Google Document waa barnaamij Online ah oo lagu qoro qoraallada, waxana uu u dhigmaa ‘Microsoft Word’. Barnaamijka Google Document siyaabaha loo adeegsan karo waxaa ka mid ah:

  • In lagu daabaco qoraallo ah Word, loona bedelo Google document laguna kaydinayo Google Drive,
  • In lagu nidaamiyo ama lagu qurxiyo qoraallada, wax lagaga bedelo qoraalka sida xardhidda, midabaynta, qaabaynta guud ee qoraalka,
  • In lagu casumo dad kale oo loo siiyo ogolaansho in ay qoraalka dhinacooda wax kaga dari karaan, ama ka bixiyaan talo iyo faallo, ama akhristaan oo keliya (FG: Waxay arrimaahasi ku xiran yihiin nooca ogolaanshada aad siisid qofka kale ama dadka kula agaasimaya qoraallada.)
  • In si toos ah isku mar ay dhawr qof uga wada shaqeeyaan qoraal ama toos loogu wada hadlo ayadoo lagu dhexjiro qoraal,
  • In dib loo jalleeco ama la eego qoraalka qaybahiisii hore, haddii loo baahdona in lagu laaban karo sidii uu markii hore ahaa isbedelka ka hor,
  • Email ayaa qoraallada Google Document loogu diri karaa dad kale ayadoo laga dhigayo lifaaq ahaan,
  • Waxaa computerka lagu soo rogan karaa (download) qoraal ku jira Google Drive oo ah Documents, waxana qoraalkaas laga dhigi karaa Microsoft Word, OpenOffice, RTF, PDF, HTML ama zip.

Haddaba si aad qoraal ugu qortid Google Document, raac habkan:

  • Marka hore booqo Google Drive, kaddib riix batoonka CREATE (dhanka bidix ee shaashadda),
  • Kaddib riix linkiga Document (waa daaqadda yar ee soo bixi doonta markaad riixdey Create).

gdrive2

  • Waxaa markaas furmi doona shaashadda guud ee Google Document, taas ah meesha qoraalka lagu qorayo.
  • Shaashaddaas oo muuqaalkeedu la mid yahay sida ‘Microsoft Word’, kana kooban qayb sare oo laga agaasimo qoraalka iyo dhexda oo ah meesha qoraalka lagu qorayo.
  • FG: Sida shaashaddaas ka muuqata, maleh meel qoraalka laga xafido ama batoon Save ama Save As, sababtoo ah Google Document ayadaa is xafideysa si joogto ah, mar kasta oo aad wax ka bedeshid ama wax ku qortid qoraalku asagaa isxafidaya, marka haka welwelin in aad xafidid adigu.

gdrive3

Cinwaan u Samee Qoraalka

Marka la sameeyo Google Document tallaabada ugu horaysa waa in la bedelo cinwaanka “Untitled document”,  laguna bedelo cinwaan ka tarjumaya qoraalka la qorayo. Haddaba si taas loo samaayo:

  • Riix barta uu ku qoran yahay cinwaanka “Untitled document“,
  • Markaas daaqadda yar ee furanta ku qor cinwaanka cusub, markaas riix batoonka ‘OK‘.

gdrive4

Qoraal ku qor shaashadda bannaan

Marka aad samaysid cinwaanka, waxaad qoraalka ku qori kartaa shaashadda bannaan. Islamarkaasna waxaad qoraalka u nidaamin kartaa hab la mid ah sida Microsoft Word.  Kana walwali meysid inaad markasta xafidid, waayo Google Document asagaa is-xafidaya markasta oo aad wax ka bedeshid ama qoraal ku dartid -(taas waxaa muujinaya qoraalka korka kaga qormaya oo ah ‘All changes saved in Drive.)

gdrive5jpg

Qoraallada oo ku kaydsamaya ‘Google Drive’

Qoraalka marka lagu qoro Google Document waxa uu si toos ah ugu xeroonayaa Google Drive, halkaas oo qoraallada oo dhami ku kaydsami doonaan. Markaaad booqatid  https://drive.google.com ayaad arki doontaa qoraallada ku kaydsan, markaasna wax ku dari kartid ama soo rogan kartid.

gdrive6

Google Spreadsheet (Warqad-Xisaabeedka)

Google Spreadsheet waa barnaamij u dhigma ‘Excel Spreadsheet’, waxaana lagu qoraa ama lagu agaasimaa xisaabaadka. Hawlaha uu barnaamijkaasi qaban karo waxaa ka mid ah:

  • Waxaa la soo dhex gelin karaa hab-xisaabeedyada oo ah nooca Excel, .csv, .txt iyo .ods, waxaana loo bedeli karaa Google spreadsheet.
  • Sidoo kale Google Spreadsheet waxaa loo bedeli karaa faylasha oo ah Excel, .csv, .txt, .ods iyo sidoo kale PDF iyo HTML.
  • Waxaa la adeegsan karaa qaacidooyinka xisaabta, iyo qurxin iyo nidaamin lagu samaynayo warqad-xisaabeedka,
  • Waxaa lagu samayn karaa shaxanno (charts) oo leh noocyo kala duwan,
  • Waxaa loo ogolaan karaa qof kale ama dad kale oo wax ka bedeli kara shaxan xisabeedka, isku mar ayaana dad badani ka qayb qaadan karaan wax ka bedelida warqad-xisaabeedkak Google Spreadsheet,
  • Waxaan ku lingaxi kartaa website (embed spreadsheet).

Haddaba si aad qoraal ama xisaab ugu qortid Google Spreadsheet, raac habkan:

  • Marka hore booqo Google Drive, kaddib riix batoonka CREATE(dhanka bidix ee shaashadda),
  • Kaddib riix linkiga Spreadsheet(oo ka soo baxaya daaqadda yar ee furantay markaad riixdey Create).

gdrive7

  • Waxaa markaas furmi doona shaashadda guud ee Google Spreadsheet, taas ah meesha lagu qorayo xisaabaadka iyo shaxannada. Shaashaddaas oo muuqaalkeedu la mid yahay sida ‘Microsoft Excel’, kana kooban qayb sare oo laga agaasimo xisaabta  iyo qaybta dhexda oo ah shaashadda guud ee qoraalka iyo xisaabta.

gdrive8

Cinwaan u Samee Warqad-Xisaabeedka

  • Riix barta uu ku qoran yahay cinwaanka “Untitled spreadsheet“,
  • Markaas daaqadda yar ee furanta ku qor cinwaanka cusub, markaas riix batoonka ‘OK‘.

gdrive9

Xisaabta ku qor shaashadda bannaan

Marka aad samaysid cinwaanka, waxaad qoraalka iyo xisaabta ku qori kartaa shaashadda bannaan. Islamarkaasna waxaad warqad-xisaabeedka u nidaamin kartaa hab la mid ah sida ‘Microsoft Excel’.

  • Google Spreadsheet asagaa is-xafidaya markasta oo aad wax ka bedeshid ama ku dartid xisaab ama shaxan -(taas waxaa muujinaya qoraalka shaashadda korka kaga qormaya oo ah ‘All changes saved in Drive.)

gdrive11

Samaynta Shaxanka (Charts)

  • Haddii aad u baahatid inaad samaysid shaxan xisaabeed, riix calamaadda shaxanka gdrive14 (waa dhanka midig ee shaashadda warqad-xisaabeedka).

gdrive12

  • Marka la samaynayo shaxanka ee la riixo calaamadda ‘Charts’ gdrive14 waxaa soo baxaya shaashad laga dooran karo nooca uu noqonayo shaxanku. Marka aad dooratid shaxanka, riix batoonka ‘Insert‘.

gdrive13

  • Marka aad riixdid batoonka ‘Insert‘, waxaa shaxankii soo dhex gelayaa shaashadda. Shaxankaan waxaa la dhigi karaa meeshii la doono oo shaashadda ah – waa marka hagaha (mouse-ka) lagu jiido dhanka sare ee shaxanka.

gdrive15

Google Presentation (Bandhig-qoraalka)

Google Presentation waa barnaamij Online ah oo lagu soo bandhigi karo qoraallada, waxana uu la mid yahay PowerPoint. Hawlaha uu qaban karo Google Presentation waxaa ka mid ah:

  • Waxaa lagu samayn karaa ama wax laga bedeli karaa bandhigga qoraallada (presentation).
  • Waxaad bandhig-qoraalka la wadaagi kartaa saxaabadaada, ama dadkaad wada shaqaysaan, ayagoo isku mar wax ka bedeli karo.
  • Waxaa la soo dhex gelin karaa qoraalada oo ah PowerPoint (.pptx ama .pps), islamarkaasna waxaa loo bedeli karaa Google presentation,
  • Sidoo kale waxaa la soo rogan karaa Google presentation oo laga dhigayo faylasha nooca PDF, PPT ama txt.
  • Waxaa la soo dhex gelin karaa sawirro ama video,
  • Waxaa lagu daabaci karaa ama lagu lingaxi karaa website.

Haddaba si aad u adeegsatid Google Presentation, raac habkan:

  • Marka hore booqo Google Drive, kaddib riix batoonka CREATE(dhanka bidix ee shaashadda),
  • Kaddib riix linkiga Presentation (oo ka soo baxaya daaqadda yar ee furantay markaad riixdey Create).

gdrive17

  • Waxaa markaas furmi doona shaashadda guud ee Google Presentation, taas ah meesha lagu qorayo qoraallada iyo sawirada. Shaashaddaas oo muuqaalkeedu la mid yahay sida ‘Microsoft PowerPoint’, kana kooban qayb sare oo laga agaasimo iyo qaybta dhexda oo ah shaashadda guud ee lagu soo bandhigayo qoraallada.

gdrive18

Cinwaan u Samee Bandhig-Qoraalka

  • Riix barta uu ku qoran yahay cinwaanka “Untitled presentation“,
  • Markaas daaqadda yar ee furanta ku qor cinwaanka cusub, markaas riix batoonka ‘OK‘.

Qoraallada la soo bandhigayo ku qor shaashadda bannaan

  • Marka aad samaysid cinwaanka, waxaad qoraalka iyo sawirada la soo bandhigayo ku qori kartaa shaashadda bannaan. Islamarkaasna waxaad u nidaamin kartaa hab la mid ah sida ‘Microsoft PowerPoint’.

gdrive19

Sidee Faylal ku jira Computerka Loogu Xawilaa Google Drive

Waxaan soo baranay sida Google Drive si toos ah loogu qoro qoraalada iyo xisaabta, looguna soo bandhigo qoraallada, waxayna si toos ah ugu xafidmayaan Google Drive.

Waxaase dhacda in loo baahdo in qoraal ama faylal kujira computerka lagu xawilo Google Drive, taas si loo sameeyo raac habkan:

  • Riix batoonka drivcalamad – eeg sawirka hoose,
  • Markaas riix linkiga “Files..” (haddii aad doonaysid inaad fayl ku xawishid Google Drive) ama riix “Folder…” haddii aad doonaysid in aad khaanad ay ku jiraan faylashu ku xawishid Google Drive
  • Markaas faylka ka raadi computerka,

gdrive20

  • Waxaa markaas faylkii soo dhex gelayaa Google Drive.

gdrive22

Qormadan halkaas ayaan maanta ku joojinayaa, qoraallo dambe ayaan Insha Allah ku eego doonaa wixii looga baahdo faahfaahin ee la xiriira adeegsiga Google Drive, sidaas daraadeed wixii su’aalo ah ee aad jeclaan lahayd inaan casharada dambe ku faahfaahino ku qor qaybta jawaabaha ee hoose. Sidoo kale Bogga Facebook ee AqoonKaal ku darso (Likes), si aad ula socotid casharrada cusub: https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Su’aalo:

Su’aal: Sidee Koobi looga sameeyaa qoraal ku jira Google Drive

Jawaab: Haddii aad adeegsanaysid Browserka Chrome, waxaad koobi u samayn kartaa sida caadiga ah “Cut,” “Copy,” iyo”Paste” adigoo qoraalka markaaad calaamadisid ku riixaya dhanka midig ee hagaha (mouse-ka).

Laakiin haddii aad adeegsanaysid Browser kale, waxaa dhici karta in uu kaa diido in koobi caadi ah aad samaysid, oo uu kuu soo saaro sida ka muuqata sawirka hoose. Haddii taasi dhaco, waxaad adeegsataa Ctrl+C (koobi), kaddib riix Ctrl+V (paste)  – Taas macnaheedu waxay tahay:

  • Calaamadi qoraalka aad koobiga ka samaynaysid,
  • kaddib isku mar riix teebka batoonadiisa Ctrl iyo C si aad koobi u samaysid,
  • markaas hagaha saar meesha aad qoraala ku daabacaysid,
  • kaddib isku mar riix Ctrl iyo V

koobi1

Su’aal: Sidee loo soo rogan karaa (Download) fayl ku jira Google Drive

Jawaab: Waxaa halkii mar soo rogan kartaa faylal aan ka cuslayn 2 GB. Haddaba si aad u soo rogatid fayl ku jira Google Drive, raac habkan:

  1. Calaamadi sanduuqa yar ee faylka aad soo roganaaysid
  2. Riix linkiga More… ee dhanka sare ee shaashadda (eeg sawirka hoose),
  3. kaddib riix Download…
  4. Dooro nooca aad ka dhigeysid faylka, sida inaad u rogtid Microsoft Word ama PDF iwm. (FG: Haddii aad dhawr fayl isku mar soo roganaysid, waxay noqonayaan fayl ah .ZIP)
  5. Markaas guji Download.

suaal1
suaal3

Su’aal: Fayl ku jira Inbox sidee ugu xafidaa Google Drive

Akhriste ka mid ah AqoonKaal.com ayaa su’aashan soo weydiiyey: “Waraaqad iigu keydsan inbox (Gmail) suurta gal miyaa inaan usoo rogto Google Drive?

Jawaabtu waa Haa!

Marka aad furtid emailka waxaad arkaysaa faylka lifaaqa ah oo kaga lingaxan dhanka hoose. Hagaha (ama mouse-ka) marka aad ku dhawaysid ama dul saartid lifaaqa, waxaad arkaysaa calaamadda Google Drive oo ay ku hoos qoran tahay “Save to Drive“.  Eeg sawirka hoose

gdrivem1

Riix barta “Save to Drive”, kaddibna dooro khaanadda Google Drive ee aad ku xafideysid faylka (ama khaanad cusub u samee). Markaas faylkii koobi kamid ah ayaa ku xeroon doona Google Drive.

gdrivr

Haddii emailka ay ku lifaaqan yihiin faylal badan, halmar ayaad nuqul ka mid ah ku xafidi kartaa Google Drive. Taas si aad u samaysid riix barta “Save all to Drive” taas oo ah dhanka midig ee lifaaqa (Eeg sawirka hoose).

gdrivb

Haddii aad doonaysid in aad ogaatid emailka kaa buuxinaysa ama lifaaqeedu culus yahay waxaad baari kartaa adigoo adeegsanaya tilmaamayaasha Gmail. Tusaale ahaan waxaad baari kartaa email ka culus 3MB, taas si aad u samaysid barta ‘Search’ ee Gmailka ku qor larger:3M . Sidoo kale email ka weyn 5 sano, waxaad ku baartaa (older_than:5y).

  • Aqoon Kaal waa website lagu daabaco aqoonguud oo la xiriirta cilmiga computerka. Waa aqoon guud oo kobcinaysa ama kordhinaysa xirfadda la xiriirta farsamada casriga ah ee computerka iyo cilmiga ku xeeranfarsamada casriga ah ee Internetka iyo aqoon kororsi guud.

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com).

Twitter: https://twitter.com/aqoonkaal

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

35 Jawaabood

  1. abdilahi.fadxii says:

    waad mahad san tahay macalin

  2. Dahir says:

    thank you daqiiqado kooban ayaan waxbadan kaaga faaiideeystay.. jazaka Allah

  3. mohamed says:

    thanks macalin ilahey ajar iyo xasanad an laso koobi karin haga siyo wax ayad no faideysay cafimad ku nolol thanks ustad mohamed.

  4. Tawane says:

    aad iyo aad ayaan idinkugu mahad celinayaa sida wacan ee aad noogu deeqaysaan aqoontiinna, dabcan su’aal:-
    sideee loogu soo rogi karaa qoraal ama file kuugu keydsan inbox-kaaga gudaha google drive-ka?
    suurta galna matahay waraaqad kuugu jirta hormail inaad gashato google drive-ka?

    MAHADSANIDIIN

    • Maxamed Cali says:

      Sida loo soo rogan karo fayl kuugu jira Google Drive waxaan ku daray qaybta su’aalaha ee qoraalka. Mahadsanid.

    • Tawane says:

      walaal waad mahadsantahay, lkn waxaan ka qancin su aashii aan ku weydiiyey.
      waraaqad iigu keydsan inbox suurta gal miyaa inaan usoo rogto google drive???
      waxaan filayaa inaad ifahantay aadna iiga soo jwbi donto
      MAHADSANIDIIN

    • Maxamed Cali says:

      walaal Jawaabta waxaan ku daray qoraalka sare qaybtiisa hoose ee fiiri iina soo sheeg in aad fahamtey jawaabtii aad rabtayna ay sidaas tahay. Mahadsanid

  5. Cabdilaahi Quule says:

    Asalamu calaykum.
    Waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado, sida loo dheegi karo ama loo koobi garayn karo qoraal laguugo soo diray googl document. Wuu igu adkaadaa in aan koobi gareeyo ama dheego.
    Nabadeey.

  6. cabdi samad nuur says:

    asc macalin ugu horeyn waxaan kuleeyahay ilaah xasanaad hakuugu badalo oqoonta aad noogu fidisay adiga oo okusharaxaaya afkeena hooyo,aniga oo ah markii iigu horeysay oo aan barnaamijkaan lasoo xiriiro waxaan jeclahay inaan kuweydiiyo su,aal kabaxsan casharkaan aad kor kusoo sharaxday oo ah majiraa ( microsoft excel aad kusharaxayso afsoomaali waan arkay spreadsheet laakiin waxaan ujeedaa excel ama ha ahaado 2007/2010.
    ugu dambeyn waan kuumahadcelinaayaa ilaah kabacdi adiga oo kalana laha badiyo.

  7. Abdulahi says:

    sidee ugu daabacaa qoraalkeyga web page yada oo idil sida qoraal aan qoray inaan ka arko google .
    qoraal ayaan qoray ka dib google ayaan ka raadiyay waana ka waayay marka sidee ku arki karaa qoraalkeyga?

  8. Abdiaziz M. Afrah says:

    Aad iyo aad ayaad u mahad santahay Macallin sida aad noogu faaíidaysid cilmigaaga fare and free charge. Ajar iyo xasanaad Allaha kaa siiyo, cilmigana Allaha kuu barakeeyo.

    A .M.A

  9. Asiya Mahamud says:

    thans

  10. Cabdikariin xasan says:

    ASC waxaan leeyahay marka hore ilaahay ha idiin naxariisto idinka iyo dhammaan umadda muslimka ah,
    su’aashaydu waxa ay tahay haddaad google drive wax ku qortid cid aan email-kaaga aqoon see u arkaysaa waxaad qortay maadaama lagaaga baahanyahay adba inaad ku soo gashid gmail

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal muhiimadda google drive iyo aaladahah la midkka ah ee kaydka waxaa loogu talo galay in wax lagu kaaydsado oo aan cid kale kaa arkin inta aad doonaysid in la arkona lagadhigo dad u dhexeeye ama public. mahadsanid

  11. Nacimo says:

    Asc Walal wax badan ayaan ka faaiidaystay website kan Aqoonkaal.com illahy ajar iyo xasanaad aan dhamaan ha idinka siiyo, mahadsanidin walal

  12. Thanks hahda Aqoon kaal

  13. ibrahim Maxamed Duceysane says:

    walaal waad ku mahadsantahay dadaalka iyo waqtiga aad ku bixisay sidii aad dhalinta somaliyeed ugu haqab tiri laheyd casharada aaladda computerka ku saabsan thanks Alot brother

  14. ahmed mohamed musse says:

    thanks alot jasakalaah

  15. Awaale Aden says:

    macalin markaa hore aad ayaad usalaman tahay
    marka xigta waxaan kaag mahad celinayaa aqoonta aad umada usoo bandhigtay
    macalin su,aalo ayaan doonayaa inaan sigaar ah kuu waydiiyo
    markaa macalin ila Soo xiriir emailka

  16. daahir says:

    aqoon ayaad noo faa iidaysay wll jasaaka allaah

  17. daahir sahal says:

    walaal waxaan rabbaa qoraal aan ku qoray google drive website la’aan ma ka heli karaa google ka

  18. Mohamed salad says:

    Masha Allah, illah ha idiin barakeeyo.
    Inbadan aan kanfaa idaystay casharkaan.
    Mahadsanidiin

  19. asc macalin marka hore waad ku mahadsantahay sidaad quruxda badan
    eed noogu soo diyaarisay :
    talo soo jeedin:
    macalin inta badan dadkeenu ma yaqaanan emailka sida macluumadka gudihiisa ku jira looga faaidayso kaliya waxay ka yaqaanan sida waxaa looga diro iyo sida loo gala soo dago markaasi waxaan ku odhan lahaa hadaad karaysid hal video nooga soo diyaari insha allah oo ku saabsan dhamaan macluumadka emailka iyo faaidadiisa

  20. Asc ustaad aad bad umahadsanthy waxbadan baan kaabarty alle hagu sharfo
    Waxaan kuwaydiinayaa mobile malagu isticmaali karo miyaaa google driveka ?
    Mhdsind

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal mobile waa lagu isticmaali karaa google drive, laakiin waxaa wanaagsan computerka waayo shaashadda iyo awooda wax nidaaminta waxaa ku wanaagsan computerka

  21. C/taxman ali says:

    Runtii wan kahelay markan akhristay illahy haka abal mariyo wll barta ka sii wad

  22. siidcali says:

    Asc wlle waa mahadasantahay
    Casharkaan waxaa fiican oo lugu fahmikaraa inaad kasamaysi muuqaal

  23. Asc wll waku mahadsantihiin sidaa wax noogu iftiimiseen,
    Aniga waxaan jeclaa inaa nala wadaagtan qormada labaad sida loo sameeyo Google form docs loona isticmaallo?
    Aqoonkaal jawab wacan

  24. Hafsa Yar says:

    Bismillaah magacaygu waa Hafsa Yar waxaan wax badan ka faaidey habka u sanaynta Google drive xaqiiqdii waa aqoon iga dahsooneyd Alx waan bartay Alle ka sakoow waa MAHADSANIDDIIN.

  25. Houssein says:

    ASC marka horaa waad salaamayn tahay macalin aad ayaan kuugu mahad naqayaa sida aad noogu deeqday aqoontaada

Jawaab u qor Abdi rahman shiine